SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaabteeyda ku jiheeysan axdka la yiraahdo C/waxid

B. Samatar Khalaf
 baydan@mail.com

Somaalidu ayaa waxay ku maahmaahdaa in qofka kiisa daryeela uu tan walaalkiisna daryeelli karo, sidaasna waxaan u leeyahay markaan arkay ninka magaciisa kor ku xusan oo taageeraya S/land & kuwa dhulka ayan laheyn ku habsaday maaha marka in uu maantana Itoobiya uu sidii C/qasim uu iska weeraro iyadoo aan ognahay in Somaalida Itoobiya aan laga baadin masaariifta dibedda looga soo diro, dhulkoodiina aanan nabaad-guur xaasidnimo ahna aanan lagula kicin marka aanan kaba hadlin dilka iyo kufsigaba..Qoraalkeeygan kii ka  horeeyey ayaa wuxuu iga ahaa hiil iyo caqli celin laakiin waxaa iska cad in waano ay abuuris ka horeeysay.Taasina waxaa daliil u ah sida uu iigu soo jawaabay C/waaxid ee ka muuqatay cayda uu qabatimay iyo isagoo ku  andacooday in uusan cadaw u aheyn PL balse uu lid ku yahay madaxweynaheeda.Waxaana intaas kaba sii daran isagoo isku heysta qof xaalad abuuri kara ama dadka wax ka dhaadhicin kara, iskuna  lamaanay Dirirdhabe oo danta qabi ilkiisa cidiyaha ugu dagaalaya oo marnaba aan ka tageynin danta guud ee reerka dawladnimada S/land sheegta!. C/digeenana wuxuu qoritaankan baas la soo koowsaday markii ibtiladu ay ka soo haaday Carte oo ilaa iyo maanta oo cid walbaba lafaheedii uga carartay  uu isagu wali ku naban yahay, taas oo aad ka fahmi karto culayska ay lahaan karto eedaha uu galay isagoo waxyaabihii gacantiisa uu ku qoratyna ku soo shaabadeeyey sawirkiisa sidii uu yahay wariye caalami ah oo caan ha!

Waxaan markaan halkaan ku soo daah-furi doonaa  doono waxyaabihii ugu dambeeyey uu ninkaas soo qorqorto ee hadda aad ka heli kartid iyadoo ku diiwaan gashan Mudullood.com ee la socosho wanaagsan:-

Waxaa dhacday in Dirirdhabe oo Puntland ugu yeera "Majeeriiniya" uu maqaal ku soo qoray in 5000 oo ciidamadooda qaranka ah ay si sahlan ku soo xirayaan xadka eay la leeyihiin maamul ku sheegga tabar yar ee Majeertiiniya, iyagoo fulinaya amarka madaxweynahooda Riyaale (Ex-NSS).Xaaladaas oo kalena waxaa waajib ku ah qof walba oo muwaadin Somaali ah in uu taageero kuwa diidan in dalka la kal jaro si  cududda  islaamka Somaalida ah naafeeyn (maamul goboleedka PL) gaar ahaana Sool iyo Sanaag oo midnimada si aad ah ugu fara adeegay.

C/waaxidse wuxuu u baxshay qoraaladiisa tirada badan midkood balse aan waaqica ka fog,   *C/hi Riyaale ma iska difaaci karaa* , isagoo yiri:-

Lama rabin in laga cayrsho Riyaale Laascaanood ee waxaa ay aheyd in loo sheego inayan rabin in Somaaliya la kala gooyo. Riyaale oo aarsi rabana oo  shacabka reer waqooyigana ay taageersan yihiin, heystana ciidan uu maalin ka yar uu degaankaas ku qabsan karo darteed ayaa tallada  ugu fiican ay tahay in aydaan wiilshiina halkaas ha ku laynin reer Sool iyo Sanaagoow , arrintaasna ay Somaali oo dhan ay u taallo. Haddii kalese, markuu idin qabsado ayuu idinku oran doonaa , " Haddaan rabo waan idin dilayaa , haddaan rabana waydin deynayaa".  Dhamaadkiina , wuxuu ku taliyey in Riyaale raalegelin la siiyo oona lagana soo qaado Kornayl C/llaahi Yususf si uusan u aarsan. Intaasna wuxuu ku sii daray in istaahilkoodu tahay Sool & Sanaag in sidaas loola dhaqmo marba hadday horay u daba galeen Korneelka cidlada jooga inkastoo uusan taas ku darin in jifa hoosaadka C/waxiid ay ugu badan yihiin ciidanka Pl marka aad la qiyaast o Dhulbaante & Warsangeli!.Ninka intaas geystay sida tooska ahna u aflagaadeeyey dhammaan reer Sool iyo Sanaag ayaad waxaad la yaabeeysaa in uu caydiisa uu ku bilaabo ereyo uu ku Alle qabsanayo si ruux dadka raba in uu wacdiyo!.Ee Toloow, kuweena deebta kaba kicin kan oo kalena ma ku jiray...

Waxaana xusid mudan in ninka la yiraahdo Dirirdhabe aan marnaba lala barbar dhigi karin maxaa yeelay waa shakhsi ay arrimuhu u kala baxsan yihiinoo bartilmaameedkiisu yahay dantooda isagoo mar walba wax jira iyo waxyaabo fara badan oo aan jirinba uu ku suuq-geynayo S/land, taasoo ay ka mid tahay goortii albaab walba uu  ka soo xirmay in uu yiraahdo maktabadda aduunka ugu weyn ayaa na ictiraaftay,oo iyaduna beentiis aheyd maxaa yeelay  dukaan wax ma ictiraafo , dukaankaasna horay ayaa looga diiwaan geliyey PL oo ay ku cadahyay websiteka           .

C/waaxidna, markuu wax kale uu sheego uu waayey ayaa xataa wuxuu wax ka sheegay in guryo  wadooyin laga dhistay oo dawladdu  Galkacyo ku burburisay   ku tilmaamay in guryihii danyarta lagu durduriyey . Waxyabahaasna waa tan deyro uu ka yahay xataa qoyskiisa ee uusan nacfi hore oo ay ku qabeena ayan jirin.

Marka anigoo fiirinahaya waxyaabahaan oo dhan oo la yabanna in uu amaantaan uga digay wali run u heysta kuna qanacsan ayaa markaanna waxaan u soo xiganayaa nin wiil ma xoogsade ah dhalay oo ku waaninaya in uu shaqeysto ee uusan dulsaar ku noqonin mujtamaca sida C/waaxidka qoraallada cayda ah shaqada ka dhigtay ee London isku xakabiyey sida Diridhabana waxba baran, gabaygaas uu tiriyey Ismaaciil Mire oo dadka uu u gefey ka mid ahna waakan:-

  • *Caliyoow xasuus kugu dullee, walad xumaadaaye
  • wax badan baan xagaagii wan weyn, xawda kuu jaraye
  • Wax badan baan sidkaha kuu xayiray, xaas walwaallada e
  • *Xiniinyoolihii kula sinnaa waa ka xoogsadaye
  • Xadka qabada nimanbaa guboo, soo xantoobsadaye
  • Niman baa xeryaha deerka dhiga, xanankii toomoode
  • *Liiraha rag baa Xamar u tegay, oo u xeeb maraye
  • Niman baa dayuurado ku xidhan, xiima samadaase
  • Niman baa xijiga iibsadiyo, xabag dhunkaaleede,
  • *Niman baa xaraabada gala oo xoolo saanyada e
  • Hablaha xuurul caynta rag baa xeel ku guursada e
  • Niman baa xafaarka u guntaday, oo xabaal qoda e
  • *Soddon gu' baan ku xasaamiyey iyo weliba xaalxaale
  • Hadaan xiiqay sidaan ku lahaa, xaaxiyoow toose
  • Xaawaleey kolay ku tahay dad waa xagafsanaayaaye
  • Xag uun labada daarood ku daran, hays xakabin meele

Qofka garaadka leh wuxuu garan kara in dagaalku uu qiyaamo badan yahay, waxaana jirta nasiib wanaag in Mingistihii Somaaliya rabay in uu kala qaybiyo uusan xukumin Itoobiya, taasoo si wanaagsan ugu diirsadeen Somaalida degen Itoobiya sida uu ka warqabo C/waxiid.Marka su'aasho waxay tahay PL xiriirka ay la leedahay Itoobiyada cusub ma danbaa mise waa dullinimo?

Siyaasadda Pl ayaa waxay ku dhisan tahay xikmad weyn uu u wada daneeneysa Pl iyo tan Somaaliyaba  oo keentay iyadoo si kasta ay iskugu dhajiyeen Itoobiya reeka iska leh S/land oo ay inkireenna Somaalinimdii in Itoobiya ay tiraahdo waxaan ayidsan nahay midnimda Somaalida, taas oo ay  welwelkii ay qaadeenna gaarsiisa in ay hadda mar kale ku hdaaqaan sidii Cigaal waxaan nahay Yuhuud sida lagu soo qoary Awdalnews.com maalin dhoweyd oo laga garan karo quustooda. Marka dadka la midka ah C/waxiid oo ereyadiisii khadka casaanka aan ku qoray iyagu kama hadli karaan Plnimo walaa Somaalinimo sababta aan soo sheegay darteed , isgoo waliba saadaashiiso iska mala awaaalka ah aanu araganay in ay beenoobeen sida:-

1. fashilaadii Cartadii uu horay u amaani jiray ee markii dambana cayda uu ka daba geeyey.

2. Suuqgeyntii Jaamac Cali Jaamc ee wax iibsada la waayey!.

3. Iidhehdii ciidamdaii baxsadka ahaa ee Jaamac ee uuba la yaabay sidii loo rabaayadeeyey & ka mid noqoshadoodii maamulka.

4. Qormadiisii guusha aan jirin ee Muuse Suudi iyo ururkii C/qasim ee Samatbixinta ee uu ku jiray J.AJ ee hadda boobka ka wada Jubooyinka.

Gunaaadkeeygiina waxaan jawaabtii ku soo gooyey, aniga oo mahad celin u soo jeedinaya inta horay u akhrisay  qoraalkeygii hore , anigoo kanna ugu tala galay in aan tuso axadkan garmaqaataha ah waxyaabihii khaladaadka ahaa ee uu soo qortay, anigoo Eebahayna saamax weeydiistay hadaan si kama' ah aan u khaldamay... 

Waa qormadii  :-

B. Samatar Khalaf
 baydan@mail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusa xiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2004 

Gudoomiyaha Baarlamanka oo ku baaqay in la Joojiyo Dagaalada K/Soomaaliya
dhinacyada ku dagaalamaya dalka gudahiisa waa in ay joojiyaan dagaalada ka socda kismaayo iyo... Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 


Maxamed Dheere vs Xijaabka



HTML CD