SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE

Garsoorayaasha Maxkamadaha DGPL oo Tababar Logu Soo Gabagabeeyey Garoowe

Sawirada ka eeg halkan... Guji

MVC-001S
09/10/2004
MVC-002S
09/10/2004
MVC-003S
09/10/2004
MVC-007S
09/10/2004
MVC-017S
09/10/2004
MVC-020S
09/10/2004
MVC-027S
09/10/2004
MVC-028S
09/10/2004

Waxaaa loogu soo gabagabeeyay Garsoorayaasha Maxkamadaha DGPL Tababar u socday mudo Sadex bilood Tababarkaa ayaa kafurmay magaalada Garoowe 10kii Bishii Luuliyo xarunta hay,ada Dikonia, Tababarkaa ayaa waxaa Bixinayay Aqoonyahano ka socday hayda PDRC iyo kuwo madax banaan oo aqoon u leh arimaha Garsoorka ,  dhaqaalaha ku baxay tababarka ayaa waxaa bixiyay Hay,ada UNDP iyo Dikonia.

Tababarkaa ayaa waxa ay ka faa,iidaysanayeen Garsoorayaashu sidii kor loogu qaadilahaa arimaha Garsoorka Maxkamadaha tirade garsoorayaasha ka faa,idaystay ayaa waxaa ay ku dhowaayeen ilaa 30 Garsoore oo isugu jira Rag iyo Dumar ka kala yimi Magaalooyinka Gobolada Puntland.

Ma'aha markii ugu horeysay ee tababaro loo qabto Garsoorayaasha Gobolada Puntland waxaa haydaha jooga Dhulka Gobolada PL ay u qabteen tababaro kala duwan oo Qaar looga hadlaayo sidii loo heli lahaa Garsoor Cadaalada.

Tababarkaa ayaa waxaa ka hadlay xiritaankiisii Madaxweyne kuxigeenka DGPL Maxmed Cabdi Xaashi ayadoo ay ka soo qayb galeen Wasiiro ka tirsan DGPL, Gudoomiyaha Maxkamada Sare DGPL,Taliyaha Ciidanka Booliska DGPL iyo Agaasimayaasha Garsoorka DGPL waxaa iyagana Halkaa ka hadlay Madaxa hay,ada Dikonia saciido Maxamed Xirsi iyo kuxigenka hay,da PDRC Cabduqaadir Sheekh Maxamed oo fadhigoodu yahay Garoowe.

Ugu dambeentii ayaa waxaa halkaa lagu Gudoonsiiyay Garsoorayaashii ka faa,iidaystey Tababarkaa Shahaadooyin oo uu gudoonsiiyay Madaxweyne kuxigeenka DGPL.

Garoowe, Puntland Somaliya
Abdifatah Jama Mire
Somalitalkpl@yahoo.com

Sawirada ka eeg halkan... Guji

Faafin: Somalitalk.com | Sept 10, 2004

QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
March 16, 125
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD