SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AFRIKA

W/D:- Max’ed Xaaji Xuseen (Fooley)
E-mail:-
fooley20@hotmail.com


AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!!

(Wax ka baro Qaaraddaada)

Afrika, waa dhul kala duwan taana waxaa caddeynaya, cimiladeeda, dhulkeeda dadkeeda iyo duur-joogteeda, Qaaraddu waxay ka kooban tahay shan meelood oo meel guud ahaa dhulka dunidu ku fadhido, waa Qaaradda labaad ee ugu weyn dunida, waxayna ka kooban tahay illaa iyo 53-dowladood.

Dadka qaaradda ayaa lagu qiyaasaa in ku dhow 683-Milyan oo qof, kuwaasoo u kala qaybsan dhowr boqol oo isirro kala duwan ah, dhulka Qaaraddu wuxuu ku fadhiyaa 11,724-kun Mayl oo isku wareeg ah,taasoo u dhiganta 30,365 kun oo km isku wareeg ah kaasoo uu kala qaybiyo dhul baraha oo ku doowaad qaaradda dhex bartanka ka mara, inkastoo qaybta waqooyi ay ka yara badan tahay qaybta koonfureed ee qaaradda, taasoo aad ogaan karto markaad eegto maabka qaaradda, waxaa sidoo kale qaaradda ku xiriirsan jasiirado yaryar oo ay ugu weyn tahay Madagescar, kuwa ugu yarna ay ka mid tahay Seychelles.

Qaaradda waxaa gabi ahaan ku wareegsan biyo, inkastoo mar geesta waqooyi-bari ee Siinaay ay qaaraddu kaga dheganayd Asia, halkaas oo ah meesha uu iminka ku yaallo kannaalka Suwais, afrika xeebteeda ayaa gaaraysa 18,950-Mail oo ay ku yar yihiin gacannadu (beys), sidoo kale lama degaanka ugu ballaaran adduunka oo ah lama dagaanka Saxaraha ayaa dhex mara Qaaradda, isagoo daboola afar meelood oo meel guud ahaan dhulka Qaaradda, lama degaankan oo ku yaalla qaybta W/galbeed ee qaaradda ayaa qaaradda u kala qaybbiya saddex qaybood oo kala ah, Waqooyinga Saxaraha, Saxaraha laftiisa iyo waddamada saxaraha ka hooseeya, koonfur galbeed afrika ayaa sidoo kale waxaa ku yaalla laba lama degaan oo yar-yar oo kala ah: Kala-hari iyo Namiib.

Marka laga hadlayo khayraadka dabiiciga ah Qaaradu aad ayay hodan ugu tahay, haddaba marka loo eego heerka ay share-ka adduunka ka joogaan waxaa lagu qiyaasaa Uranium 29%, Bauxite 27%, Copper 20%, Petroleum 8%, Phosphorites 66%, sidoo kale Macaadinta, Birta, Chromium-ka, Manganese-ka, Copallt-tiga, Titanium-ka iyo Platinum-ka ayaa sidoo kale aad looga helaa Qaaradda qaybo badan oo ka tirsan, sidoo kale nus ka tirsan dheemanta iyo dahabka adduunka ayaa ka soo baxda qaaradda.

Qaaraddu waxay leedahay laba webi oo waaweyn, kuwaasoo kala ah Webiga Nile oo ka soo kala bilowda gobolka laagaha waaweyn (lake Victoria) iyo lake tana oo ka soo dhaadhaca dhulka sare ee dalka Ethiopia iyo Webiga Congo,

Webiga Nile waa kan ugu dheer Adduunka, waxaanu door muhiim ah ka ciyaaraa waraabka dhulka dhaca waqooyiga dhul baraha, sidoo kale Webiga Congo ayaa isna door muhim ah ka qaata, qaybta Galbeedka dhexe ee Qaaradda., labadan webi iyo faafafkooda ayaa mas’uul ka ah waraabka ku dhawaad saddex meelood oo hal meel dhul-beereedka qaaradda, webiyada kale oo muhimka ah waxaa ka mid ah Webiga Niger oo galbeedka Afrika ku yaalla, Zambezi iyo Orange River oo labaduba dhaca koonfurta Afrika.

Waddamada qaaraddu way ku kala duwan yihiin heerarka horumarka dhaqaale, si kastaba ha ahaatee guud ahaan Qaaradda waxaa loo tixgeliyaa duni soo koraysa marka loo eego heerka dhaqan-dhaqaale ee caalamiga ah, waddanka dhaqaale ahaan ugu horreeya Qaaradda ayaa lagu tilmaamaa South Africa,waddamada xiga ayaa ah kuwa kulaala badda dhexe (Mediterranean Sea) ee waqooyiga Afrika iyo Nigeria iyadoo waddamada: Za’iir, Kenya, Cameroon, Ghana, Gabon, Namibia iyo Mauritius lagu tiriiyo waddamo aan weli aan si wanaagasan u hormarin.

Dhaqaalaha Qaaradda ayaa ku saleysan beeraha inta badan, iyadoo 25% dhulka Qaaraddu uu yahay dhul kaymo ah, halka 25%-na ay tahay dhul geed gaab ah oo loo isticmaalo daaqa, sidoo kale 66% shaqada la heli karaa waxay ku lug leedahay Beeraha.

Dahabka iyo dheemanka ayaa ah laba ilood oo waaweyn oo uu daqligu ka soo galo waddamada soo saara, dheemantu waxay ka timaadaa waddamada Za’iir, South Africa iyo Botswana, saddexdaan waddan oo qura ayaa la sheegaa in ay soo saaraan ku dhawaad bar ka mid ah dheemanta Dunida, dahabka ayaa isna laga qodaa: Ghana South Africa iyo Zimbabwe.

Inta badan saliidda iyo gaasta dabiiciga ah ayaa ka yimaada waddamada: Masar Nigeria, Algeria iyo Libya, warshadeyntu ma aha weli il wax ku ool u ah daqliga guud ahaan waddamada Qaaradda, sidaas daraadeed waddamada South Africa, Nigeria, Masar iyo Libya ayaa lagu tilmaami karaa waddamo si uun horumar u sameeyey marka ay timaaddo xagga warshadeynta.si kastaba horumarka qaaraada ayaa loo aaneyaa in ay ragaadiyeen dhibaatooyin uu masuul ka yahay jahliga oo qeyb weyn ku leh mudnaanta qaarada iyadoo qeyb kasta ugu yaraan qubta iyo qacda la isku hayo dagaallo micno aan ku fadhiyin taas oo aad tusaale ka dhigan dalka Somalia oo la garaneyn ilaa iyo iminka wax la taaban karo oo ay isku hayaan marka laga reebo in ay yihiin dantood moogayaal iyo dameer malab la saaray.

W/D:- Max’ed Xaaji Xuseen (Fooley)
E-mail:-
fooley20@hotmail.com

Sidee Kor loogu Qaadi karaa Waxbarashada Caruurta Soomaaliyeed ee Qurbaha ku Nool?

Faafin: SomaliTalk.com | April 4, 2004

 Nolosha Dhabta ah ee Muqdisho
iyo sida maalinba maalinta ka dambeysa Bulshadu u soo saareyso nolol cusub.. [Qormadii Amiin] April 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
XAMAR 2004

Nolosha Dhabta ah ee Muqdisho
iyo sida maalinba maalinta ka dambeysa Bulshadu u soo saareyso nolol cusub.. Guji... [Qormadii Amiin]