Free
Awdal Forum
REF : Borame No 2
Somaliland : The poor idea
Ka did
burburkii dawladii soomaliyeed iyo qarannimada dhaawacantay, ummadda
soomaaliyeed waxay qiraysaa manta in lagama maarmaan ay tahay
muqadis ah soo noolayta dawladnimadii haybada lahayd ee micno u
yeelaysay jirinta dadka soomaliyeed.
Nimba
timo xamar balse waxaa marag-madoon ah in afariyo toban sano oo
taariikh madow ahayd inay soo gabagaboobayso. Dhibkastaa cashar
culus iyay xambarsantahay tan soomaalida ku habsatayna waxaa laga
dhaxlayaa waayo aragnimo iyo bisayl siyaasadeed oo kanaysa in ummada
soomaaliyeed badankeedu si xaqiiqiya u fahanto karaamada ay leedahay
dawladnimadu oo jiritaankeedu yahay mid muqadis ah waayo jiritaanka
ummada iyaa ku xidhan.
Markii la kala yaacay nimba edge yar yuu ootay waxaana lagu noqay
nidaamkii lagu dhaqmijiray dawladnimada ka hor. Dhibta dheeraatayna
waxaa keenay soomaalida oo si fudud ku burburisay waxayna u lahayn
waayo aragnimo dhismahega, taasoo ah Dawlad shayga loo yaqaan.
Waqooyiga soomaliyeed wuxuu ka mid yahay edegyada la ootay ee ku
salaysan qabiil. Balse wuxuu ka mid yahay gobolada uugu nabdoon ee
dalka waana mid ay ku amaananyihiin waxgaradka iyo
madax-dhaqameedyadoodu. Hase ahaatee halkii loo baahnaa taariikhda
iskamay taagin waana nasiib daro ugu weyn.
Godka
ay seegeen reer waqooyi waa mid ah khalad weyn oo siyaasadeed
canaantana waxaa iska leh intii siyaasiin is bidaysay. Reer waqooyi
waxay haysteen fursad ay ku hogaamin kari lahaayeen soomali iyo
dalka idaylkii. Waxay lumiyeen in Hargaysa noqoto udub-dhexaadka
laga hago siyaasada iyo danaha soomaaliyeed.
Waxaa
loo baahnaa in la qadariyo mustaqbaklka fog iyo aayaha dambe halka
laga maamuusay siyaasad meel gaadheyn oo ku salaysan laab-lakac iyo
xamaasad sal u noqon karin mabda’ siyaasadeed oo ummad hogaan u
noqda. Arimada laysku qanciyo ee arintaa la xidhiidhaana ma leh
nuxur micno samaynaysa laakiin afhayeenadoodu way isla toosan yihiin
ilaa hadda ( they lay down the law).
Arinta la yaabka leh waxay ka taagan tahay Awdal oo uu ka soo jeedo
Daahir rayaale oo madax ka ah Soomaaliland. Gobolkaa isaga ah lama
wadaago waqooyi/galbeed iyo Togdheer arimo badan oo ay ugu horeeyaan
dareenka laga bixiyo marka laga hadlayo gooni-isutaaga ay
aas-aaseyaal u yihiin koox yar oo ka tirsan urur-qabiileedkii SNM oo
isku tilmaama inuu yahay urur xoreeyay (!!) Waqooyiga.
Ummada reer Awdal way ka dharagsan tahay ula jeedooyinka ka dambeeya
siyaasada raqiiska ah ee u ololeysa kala goynta dalka Soomalia.
Taana waxaa markhaati u ah dhowrka qodob een gadaal ka sheegi doono.
Marka
hore aan ku horeeyee dawlad amba State waxay jiri kartaa marka la
helo 4 shuruuudood oo la taaban karo (objective conditions):
-
1)
Dhul gaar ah ( territory)
-
2)
shacab
-
3)
Awood habaysan ( organised
authority))
-
4)
Aqoonsi ka yimaada dawladaha dibada
( international recognition))
Afartaa shuruudood laftoodu kuma filna dhalashada amba hirgalinta
firkirka dawladeed. ( dawladnimadu waa fikir amba idea). Sobobtoo ah
waxaa lagama maarmaan ah in shicibka ku nool dhulkaasi ay wadaagaan
wacyiga u dirma amba ka dab-qaata baahida inay ismaamulaan,
maamulkaas oo laga hirgasho dhulka ay ku wada noolyihiin; waa inuu
shicibkaasi waadaagaa dhacdooyin taariikheed hore amba/iyo
mustaqbal mid ah; Waa inuu shicibkaasi leeyahay qiimayn isku
aragtiya oo ay ka dhex daalacan karaan fikirka dawladnimo. Burhaanta
keentay baahida is maamul inay ka midaysnaadaan iyaa fure ah.
Afarta shuruudood iyo qodobada muftaaxa u ah marka laysla helo iyay
dhalataa dawlad qaran magaciisa ku hawl gashaa. Taasaa markaa
hirgalinkarta fakir xeerka waafaqsan. Culumada xeerka dastuuriga
qoray waxay isla heleen in dawladu tahay fakir amba aragti xeeraad
(an idea of law).
Su’aashu waxay tahay Boorama , Baki, Lughaya, Saylac iyo Gabilay
badankeedu ma la dareen bay ahaayeen Hargaysa, Berbera iyo Burco?
Haddaan lays indho tiray amba doqoniimo qarsoonayn jawaabtu waa maya.
Sidaa darted af-gubaadsiga ku salaysan jiritaan amba doonitaan wax
la yidhaa soomaaliland ma waafaqsana sharciga caalamiga ah iyo
damiirka guud ee ummada soomaaliyeed.
Sookii Xasan Sheekh Muumin Burco ka lahaa : Waxaan daacad ahaynba
dabaduu ka xumaan!!
Mar
hadday sidda xaqiiqadu tahay Soomaliland maxay tahay?
Soomaliland wa magac ka hadhay gumaystihii ingiriis oo micnihiisuna
yahay dhulkii soomaaliyeed. Dhul ahaan marka la eego magaca
soomaaliland kuma koobna waqooyiga oo kaliya ee waa intii soomaali
dagtoo idaylkeed. Ceebi kuma jirto. Lakiin soo celinta magac ka soo
baxay afka gumayste in xarago laga dayaa waxay ceeb ku tahay soomali
oo idil gaar ahaan intiin mujaahidiinta ahayd ee xaq u dirirka ahayd
ee u dhimatay gobonimada soomaaliyeed. Waa nasiib daro in
aqoonyahano waqooyi u dhashay arintaas oo kale ay ogolaadaan. Dad la
maamuuso waxaa ugu sharaf badan intii gumaystihii cadaanka ahaa la
soo jihaaday iyagaana loogu yeedhi karaa Mujaahidiin.
(
Cabdirahmaan aw Cali iyo saaxiibadii (SNM) oo 257 muwaadin ku dilay
Boorama iyo Dilla 1991 February 2nd mujaahid miyaa?)
Maamulka Soomaaliland waa ficil raqiisa oo gaar ahaan cay’ ku ah
AWDAL. Inta gobolkaa u dhalatay ee ku barartay magac u yaalka
Rayaale iyo jagada maqaar saarka ah ee loo dhiibtay waxay gudayaan
gurcud. May garan waxa lakala macaashaayo iyo waxaa loo dig iyo dam
leeyahay. Iloowsha dhawaa ma sidii umushaa.
Rayaale laftiisu waa shaqsi aragtidiisu dheerayn oo marka horeba
isku kalsoonayn waayo jagadii u dawladii Siyaad Barre ka hayay iyuu
cuqdad ka qaaday. Inuu ku faanay ahayd jagadii uu ka hayay dawladii
soomaaliyeed iyo xilkii ummada uu u hayay. Ma haboonay inuu manta
sobobtaa darted uugu habrado Qabiil la damacsan nacasnimo.
Taariikhda inuu la saftay ahayd. Balse wuxuu darajo moodayaa waa
adeegsiga burburka qabiilka uu ka soo jeedo. Maanta hadduu darajo
moodaayo inuu hayo waxaa ka sharaf badnayd jagadii iyo darajadii uu
ka hayay maamulkii soomaaliyeed.
Hadal
iyo dhamaantii Daahir Rayaale ma bakhtiin karo ololaha reer Awdal ee
ku salaysan badbaadada sharaftooda iyo la safashada taariikhda iyo
mustaqbalka? Waa maya waayo awoodeeda ma leh. Taariikhda madow ee
Daahir Rayaale gacantiisa ku dhigaayo noqon mayso mid loo aaneeyo
reer Awdal oo marnaba qabin dareenka Isaaq ku dhaliyay fikirka
raqiiska ah ee u adeegaya gumaystaha iyo cadowga mustaqbalka
soomaaliyeed.
Dr.
Dahir Haji Nuur
Fradal1@hotmail.com