SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Madax Hawiye Sahansan; Magaalooyinkuse ma Muqdisho Keliyaa 

cabdiwaaxid

C/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Ramaddaan Kariim. 

“Tiintiin siib oo tiintiin kale beer” waa caqliga hogaamiye-kooxeedyada Xamar. Caydiid bey dileen waxayna keeneen C/hi. Waxay ku fiicnayd inaan inta gambar qaato aan iskaga fariisto oon iska fiirsado silica iyo saxariirta haysata hogaamiye-kooxeedyada Muqdisho laakiin  waan is-hayn waayey. 

Horta ma fahanteen waxaan odayga keliya uga hadli jiray? Waxaan ogaa in hogaamiye-kooxeedyada Muqdisho xumbo yihiin; waxaan qiyaasayey inaysan kornaylka keliya iska celin karin marka waxaan islahaa sidii gabyaagu u lahaa: 

  • Afku wuxuu la xoogyahay Magliga xawda kaa jare’e.

Kornaylku intuu Caydiid noolaa wuu ka biqi jiray Xamar laakiin sidii uu Itoobiya ugu casuumay dagaal-oogayaal badan waxaad mooddaa inay u sahansanaayeen. Aniga waxay arrintaas ii caddaatay markii C/hi iyo dhowr hogaamiye-kooxeed oo ka socda Xamar ay warqad kuwada saxiixeen Aqalka Madaxtooyada Kenya. Yeey ahaayeen? 

1.      C/Qaasim

2.      Maxamed Dheere

3.      Maxamed Qanyare

4.      Muuse Suudi.

 Miyaadan u jeedin inuusan C/hi debo ka dedanayn? Waxaa waxaas oo dhan isku fuuqsaday labo arrimood oo uu kornaylku sameeyey intii loo doortay madaxweynaha.  

Waxaa la sheegaa in wiil iyo gabar qaxooti ku ahaa Kenya ay is dooneen; markii wiilkii loo meherinayey baa sheekhii wuxuu gabadha weligeedii weydiiyey inta uu meherkeedii yahay. Weligii wuxuu yiri hala i sugo bal aan haddana soo hubsadee dabadeedna wuu soo noqday isagoo leh: gabadha meherkeedu waa kiilo dahab ah! Dadkii oo dhan baa madaxa gacanta saaray. Qaxooti baa lagu jiraa; dahabna waa laga hadlayaa! Halkaas marka la joogo, rag badan waxaysan heli karin kiilo timir ah iska daa wax kalee. Arrintaas mid la mid ah ayaa kornaylku ula tegay Ururka Midowga Afrika isagoo leh 20,000 oo ciidan ah baan rabnaa! Ururku wuxuu yiri: Daarfuur baan u la’nahay wax ka badan 300 oo askari ee xaggee ka keenaynaa 20,000 oo askari? Ogaada arrinta khatarteedu ma dhammaan. Waa Zenawi ninka raba inuu usoo diro ciidamo Itoobiyaan ah oo badan ee tan kale waa boor isku qarin. 

Arrinta kale waa iyadoo kornaylka laga sheegay hadal ah: Magaalooyinka Soomaaliya ma Xamar keliyaa? Magaalooyinka Soomaaliya Xamar keliya maaha laakiin maxaa laga wadaa? 

Waxaa la yiraahdaa mindida neefka lagu gowracayo lama tuso. Maaddaama ra’iisul wasaare loo wado Hawiye ayaa C/hi goostay inuu labadaas arrimood oo dowladda muhiim u ah uu kala degdego isagoon dooran wasiir kowaad; ileyn waxa mindiyaha loo lisanayaa waa iyagee. 

Ceebta ka sii daran waa iyadoo horay loogu diiday in C/Qaasim ka baxo Kenya ilaa uu aqbalay caleemo-saarkii C/hi dabadeedna C/hi u fasaxay inuu Xamar aado. waxaa hadda dabar lagu xiray hogaamiye-kooxeedyadii Muqdisho oo loo sheegay inaysan bixi karin ilaa wasiir koowaad la magacaabayo. “JAZAA’AN WIFAAQAN” ama dheh “Al-Jazaa-u min jinsi camal” oo ah abaalmarintu waxay noqotaa waxaad shaqaysatay. Marka haddii dagaal-oogayaasha Xamar isbaaro loogu dhigtay Kenya waxay ila tahay wax la yaab ah ma leh ilayn iyaguba 14 sano bay jidgooyo shacab masaakiin ah u dhiganayeenne. 

Kornaylku hadda jeebabka wuxuu ku wataa nacnac (jago wasiir) oo loo daadinayo dagaal-oogayaasha Xamar. Rag baa yiri kabaha Soomaaliya cid walba ma gashan karto laakiin anigu waxaan maqaal ahaan mar hore u qoray: 

Kursiga Soomaalidu ma kabahii cagba cagta ahaa baa? Anoo ula jeeday in qof kasta gashan karo. 

Marka maqaalkii hore waa taan ku lahaa hala adkeysto ee maxaa dagaal-oogayaasha Xamari haddeer u qeylinayaan?

C/Waaxid C/hi Khaliif

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 27, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
 

 



HTML CD