QANYARE
SIDUU RABO HA LOO YEELO!!
Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon.
Nov 27, 2004
Ilaah baa mahad leh, Nabad iyo Naxariis Nabi Maxamed
korkiisa ha ahaato.
Soomaalidii hore waxaa
dhaqan iyo caado u ahayd in marka qofku gar leeyahayna gartiisa la siiyo,
markii uu gardaran yahayna uu garwaaqsado oo dadka ka garqaato.
Waxaa ilaa iyo maalintii
la magacaabay wasiirka koowaad ee JFKM Soomaaliyeed Prof. Geeddi dhagaheenna
kusoo dhacayey wuxuu la shirayaa qaybaha kala duwan ee beesha Hawiye.
Inkastoo waqtiga Prof. Geeddi uu haysto uu yar yahay, hawsha laga sugayaana
baaxad weyn tahay aadna u dhib badan tahay, haddana waxaad mooddaa in
dadaalka uu sameeyey iyo guusha uu ka soo hooyey isu keenka beesha Hawiye,
heshiisiintooda iyo ka dhaadhicinta in ay taageeraan dawladda uu soo dhisi
doono uu yahay mid aad u weyn, mudanna in lagu ammaano, waxaase Soomaalidu
ku maahmaahdaa “Gees lo’aad kulaylkaa lagu gooyaaye”, yaan lagu dagmin ama
kadsoomin maaweelada madaxda kooxaha Xamar, ee ogolaanshaha, diidmada iyo
dalabka isugu dhafan. Muddane Geeddi oo sida la sheegay aan khibrad hore oo
maamul u lahayn maareynta dawlad iyo dano isdiidan oo ay gadaal ka riixayaan
qabqablayaal dagaal iyo qabiilooyin aan isjecleyn ayaa haddana sida muuqata
si aad u xeeldheer isugu soo dhaweeyey madax kooxeedka Hawiye iyo danahooda
shaqsiyeed ee aan qabiilkay ka dhasheen iyo dawlad midna dan weyn ka lahayn.
Waa dadaal mudan in lagu ammaano hordhacna u noqon kara kartida uu u
leeyahay ama u yeelan karo heshiissiinta Soomaalida kala irdhowday iyo
yagleelidda qarankeennii ragaaday ee qodaxdii dhowr iyo toban sano ka hor
mudday la curyaamay. Muddane Geeddi mahadsanid ilaa hadda waxqabadkaagu waa
ka badan yahay waxyeeladaada. Guud ahaan Soomaalidu waxay kuu rajeynaysaa
guul iyo khaatumo san.
Waxaase wax lala yaabo
noqday markii Qanyare oo afhayeen u ahaa madaxda kooxaha Hawiye uu ka
dalbaday dawladda uu xildhibaanka ka yahay ee uu soo dhisidoono wasiirka
1aad, Mudane Geeddi in beesha uu ka dhashay laga siiyo lix wasiir oo
dheeraad ah ( 3 wasiir iyo 3 wasiir yare) oo looga burogooyo ama badiyo
beelaha kale sababtuna ay tahay sida uu sheegay in dhib badan ka soo gaaray
beeshooda dagaalkii sokeeye. Waa run in beesha Qanyare dhib aan lasoo koobi
karin kasoo gaaray dagaalkii micno darada ahaa ee dhowr iyo tobankii sano ee
la soo dhaafay, isaga qudhiisuna qaybta weyn ka ahaa, waxaanse leeyahay
Maxamed Qanyare Afrax waa kuu ceeb iyo caqlixumo in aad dhibkii adiga iyo
ragga aad afhayeenka u tahay geysateen aad haddana shuruud uga dhigtaan la
shaqayn aad dawladda la shaqaysaan, kadib markii xildhibaannimo la idinku
abaalmariyey qaarkiinna wasiirnimo u soo carfayso, balse garaadkiinnu noqday
in haddii aan dhammaantiin wasiir ama wasiir xigeen la idinka dhigin aad
dagaalkii iyo dibin daabyadii halkii kasii wadi doontaan!!
Dad badan oo Soomaali ah
dalabka Qanyare waxay u arkayaan, marka lagu daro hadaladiisii kale ee ahaa
"horta waxa nala siinayo hanoo sheego, hubka dad baa ku nool ee maxaa loogu
bedelayaa iyo dawladdu qorshe horta ha la timaaddo lagu raaco" in ay hordhac
u tahay dib u gurasho iyo marmarsiinyo ay rabaan in ay dawladdaan curdanka
ah ee Prof. Geeddi ku hagardaameeyaan. Waayo Qanyare waa ogyahay waana ka
dheregsanyahay awoodda dawladda iyo dhaqaalaheeda. Wuxuu kaloo ogyahay in
maanta haddii Soomaalidu aysan iskaalmeyn oo isu tanaasulin aysan jirin cid
diyaar ula ah hanti fara badan iyo dhaqaale lagu kala iibsho
mallayshiyaadkeeda.
Waxaan haddaba Prof.
Geeddi iyo beelaha kale kula talinayaa in Qanyare sida uu rabo loo yeelo oo
qarankii Soomaaliyeed laga iibsado Qanyare iyo ragga uu afhayeenka u yahay
ee kooxaha hubaysan Xamar ku haysta. Haddiise Qanyare garqaato oo garawsado
isaga iyo saaxiibbadiis in dhibka taagan ay iyagu iyo rag kale oo la mid ah
sabab u yihiin qarankii Saoomaaliyeedna dartood u gardaduubnaa 14 sano,
waxay Soomaalida ka heli doonaan garowsho iyo mahadcelin sida Prof. Geediba
dhowr asbuuc gudahood ku kasbaday garowshiinyahaas iyo mahadcelinta isi soo
taraysa. Waxaa mudan in la xuso oo sida aan ka warqabo in badan oo
Soomaalida ka mid ah garowshiinyo iyo mahadba u haysay Xildhibaan Qanyare
mowqifkiisii aan is bed bedelin intii shirku socday iyo intii ka danbeysayba
ee ahaa " Nairobi ka tegi mayno annagoo aan dawlad dhisan iyo halhayskiisii
ahaa "shaciga waa in loogu dhaqmaa sida uu u dhigan yahay", waxaanse uga
digayaa Qanyare iyo ragga la midka ah oo maanta xildhibaanno ah, wasiir
Soomaaliyeed inay noqdaanna laga yaabo in ay ogaadaan in taariikhdu is qorto
qofnana aysan u naxariisan, hadbana meeshii ay doortaan ay ka geli doonaan
buugga taariikhda.
Maxamed Qanyare Afrax
iyo ragga madaxda ka ah kooxaha hubaysan iska daaya magaca beesha ee aad ku
af-gobaadsataan, haddii aad beeshiina iyo danyarta Soomaaliyeed dan ka
leedihiin muddo hore ayaad maamul iyo kala danbayn u samayn lahaydeene.
Waxaa hubaal ah in lixda wasiir ee aad magaca beesha ku rabtaan in ay idinka
keentay xisaabtan dhexdiina ah oo markaad aragteen in beesha lix wasiir ku
soo hagaagayso adinkuna laba iyo toban kor u dhaafaysaan ayaad qorshe u
aragteen in beesha wasiirada loo badiyo. Saaxiibbayaal beeshu wasiirro ma
rabtee nabad iyo maamul bay rabtaa ee taas ma u keeni kartaan? Haddiise
qorshihiinu yahay in aan waligeed dawlad dhalan, iska dabowareegana aan laga
bixin maxaad samayn doontaan markii inta wasiir ee aad dalbateen la idin
siiyo?
Waxaan kusoo xirayaa
qoraalkaan gabaygii Dhallaanruug ee dhanna waanada ka ahaa dhanna digniinta
iyo hogatusaalaynta ka ahaa.
- Dhallaan ruugyadow talo maanta hoo,
dhaaxaan kuu digaye
- Haddaad dhego waxmaqal leedihiin,
waa dhab waanaduye
- Nimuu dhuuni qaadaa ka daran, kii
dhintoo tagaye
- Dhaldhalaalka qaarkiis ma aha,
dheeman lacageede
- Dhulkii aad lahaydeen baa rag kale,
dhiil u culayaaye
- Dhab u fiirsha taariikhdu waa,
dhaxal maguurtaaye
-
- Dawlad loo dhanyahay bay ahayd,
inaad dhisaysaane
- Dhulkii iyo dadkii baw xanniban,
dhababacdiinaase
- Maxaa dheriga oon weli bislaan,
loogu dhacay hoosta?
- Dhardhaarrada maxaa loo durkiyey,
loo dhabqalateeyey?
-
-
- Halka dhaanka loo wado ma aha, saad
u dhigateene
- Geeridu inay dhaanto baan, dhaar ku
marayaaye
- Ma dharbaaxadii lagu dhuftaa,
dhaban dhurwaa taagan
- Ma dhufaanantiin oo ragannimaa,
dhimatay waa yaabe?
-
- Dhallaankuba ma yeeleen waxaad,
hawl ka dhigateene
- Dhalanteedka beentaa ayaad, dheef u
aragteene
- Miyirkii ayaa idinka dhumay, oo waa
dhab waaliduye
- Dhareerkiyo celyada yaan laqubin,
dhimasho waa goore
-
- Afartaas dharaar maaliniyo, dhaxal
maguuraan dheh
- Dhallaanruug hadday waano gelin,
talo dhammaanteed dheh
- Dhayal uma iraahdee murtida, kala
dhiggeedii dheh
- Nin dhulkiis la iibsaday ilmada,
dhobo’tankeedii dheh
-
- Cagtaad dhawrsan weydaba marbaad,
meel xun dhigataaye
- Dhabaqdhabaqdi hore iyo la fahan,
dhagarfalkiineeye
- Dhammaan shacabku waa wada arkaa,
dheeshu say tahaye
- Ka dhursuga marbaa laga dhex helin,
miday ku dhaataane
-
- Dhallaan iyo cirrooliyo hablaha,
meelkastaba dhooban
- Gadhmadoobe caatada la dhacay,
dhabarku uu laammay
- Dhibka adinku aad geysateen, baa ka
dhigay saaye
- Ka dhursuga marbaa laga dhex helin,
miday ku dhaataane
-
- Dhabbahaad istaagtaba kun baa,
haadda loo dhigaye
- Dhurwaagaa ku meyracda hilbaha,
dhool iyo haldhaaye
- Dhaxantay badh jiifaan, hablihii
dhabancas taahaaye
- Ka dhursuga marbaa laga dhex helin,
miday ku dhaataane
-
- Afartaas dharaar maaliniyo, dhaxal
maguuraan dheh
- Dhallaanruug digniin waafiyoon,
meel u dhigay taa dheh
- Dhayal uma iraahdee murtida, kala
dhiggeedii dheh
- Nin dhulkiis la iibsaday ilmada,
dhobo’tankeedii dheh
-
- Dhawaaqaani waa aragtidii, shacabka
dhiilloone
- Dhayal how malaynina midkani, waa
dhambaal culise
- Dhawriyo toban sanay beelahood,
dhowrayeen nabade
- Dhagaxtuur ayaa soo socdee, dhab u
ogsoonaada
-
- Baryo way dhammaatoo waqtigu, waa
is dhimayaaye
- Ama dhaqanka doorsada, oo ka kora
dhiiga jaqiddiisa
- Ama dhowrta waydiin imaan, waxaad
dhitayseene
- Dhan uun raaca Soomaali iyo,
cadowga loo dhiibay
Dhammaad: Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com
QISADII MADHOODHOW:
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku
Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho,
magaciisuna waa...
Guji...
<><><>
SOMALITALK.COM KA AKHRI:
2003:
SOOMAALIDA KU
GEERIYOODEY BADDA TALYAANIGA
2002:
SOOMAALI KU
GEERIYOODEEN SAXARAHA LIIBIYA
2001:
SOOMAALIDA KU
GEERIYOODEY BADDA YEMEN
2001-2004:
SOOMAALIDA LAGU
LAAYEY QURBAHA
2004:
TACADIYADA:
DILKA, DHAAWACA, AFDUUBKA, KUFSIGA & BARAKACA
2004:
CAQBADAHA HOR TAAGAN NABBADA
SOOMAALIYA
QAXOOTI:
Utange |
Banadiri |
Baraawe/Jomvuu
| Kkuma |
IFO |
Mandera |
Yemen |
HAMOOGAAN:
CASHARADA SAXAABADII RASUULKA... GUJI
Sawirada: Google & Yahoo search
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|