SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Kenya
 
Daabaco Boggan | Print

Xadgudubka loo gaysanayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku soo kordhaya Goobaha Ay daganyihiin Masuuliyiinta qaarkood iyadoo ay geeysanayaan xadgudubyadaa howlwadeenada la shaqeeya masuuliyiinta...

Waxaa si aada u soo kordhaya cadaasiska ay suxufiyiinta Soomaliyeed kala kulmaan xubnaha iyagu hoowlwadeenada u ah  Madaxwaynaha iyo Wasiirka koowaad iyadoo ay inta badan u la dhaqmaan si aan waa faqsaneen sharciyada iyo xushmeenta saxafiga soomaaliyeed.

Markii aad booqato goobaha ay daganyihiin masuuliyiintaa oo runtii iyagu ah xubno si aada u dhaqan fiican jecelna in ay qaymeen gaara siyaan saxafiyiinta soomaaliyeed maadaama ay iyagu yihiin ragii doorka muhiimka ah ku lahaa mansabka ay manta joogaan, 

Hadaba maanta xiligii uu qadada sameeynayay wasiirka koowaad ee soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa saxafiyiinta soomaaliyed ee iyagu ku sugnaa goobtaa loo gaystay xadgudub aad u xun iyaga oo ay geesteen raga howl wadeenada ka mid ah.

Ma ahan marki ugu horeeysay oo lagu xadgubo saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Ee waxaa jiray xadgudubyo badan oo loo geytay saxafiyiin soomaaliyeed. 

Runtii Raysul wasaaraha Soomaaliya oo aan kala qayb galay kulamo dhawr ah ayaa shaqsiyadiisa ah nin qaali ah oo runti si aada uqadariya saxaafada, tusaalle ahaan shir jaraa'id oo Prof. Cali Maxamed Geedi ku qabtay magaalada Nairobi oo aan isku daynay in aan su'aalo ku waydiino waxaa is hor taagay mid ka mida howlwadeenadiisa laakiin Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa si geesinimo ah arinkaa uga hor yimid isagoo noo ogolaaday in aan waydiino su aalo runtiina uga jawaabay si nadiif ah.

Dhinaca kale Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta isagu si toosa noogu yeeray naguna casuumay kulankii qadada ee ra'iisurl wasaruhu sameeyay.

Laakiin nasiib daro qolyo aan iyagu aqoon ulaheen qaabka marti sharafka iyo qabanqaabada xafladaha ayaa iyagu dhulka lagalay sumcadii saxafiyiinta soomaaliyeed. 

Qolyahaas oo iyagu muujinaya moodana in ay shaqada ay hayaan ka xigaan dadka, moodana in Wasiirku ay jufo ama saaxiib gaara yihiin, runtiina iskuba haysta in ay iyagu yihiin wasiirkii oo si aada kuu kuuraya ama kuula dhaqmaya dhaqan aan ku wanaagsaneen Soomaalinimada iyo sharafka Saxafiga.

Runtii waxaa sharaf iyo amaan badan halkaan uga dirayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Sh Adan iyo gudoomiye ku xigeenka Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo iyagu runtii ah mas'uuliyiin qiimo gaara leh ahna rag si aan caadi aheen iyagu tixgalin usiiya Saxafiyiinta.

Waxaa kalo xushmo gaara mudan si aadana uqadariya saxafiyiinta soomaaliyeed runtiina ah mas'uuliyiin si aada ubisil Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Koowaad oo iyaguna ah rag macquula kuna fiican xillalka ay bulshada soomaaliyeed uhayaan, ayaa hadana waxaa haboon in ay fiiro gaar ah yeeshaan Howl wadeenadooda ayna si gaara ula xisabtamaan  waxa ay qabanayaan, waana in ay faraan in xilka ay hayaan ay bulshada soomaaliyeed u hayaan balse aysan u heeyn qoys, saaxiib iyo dad ay dan gaar ihi ka dhaxayso, waa in ay kana dhaadhiciyaan in ay uun yihiin shaqaale oo aysan aheen rag haya xil kaduwan waajibkooda loo xilsaaray. 

Hadaba saxafiyiinta soomaaliyeed ayaa isla maanta shir muhiim ah ka yeeshay sharafdhicii soo gaaray iyagoo amuurtaas si aada uga walwalayay isna waydiinayay wax kallifay arintan.

Qaar kamid ah Xubnaha baarlamaanka soomaaliyeed ayaa iyagu qaarkood muujinayay sida ay uga xunyihiin waxa dhacay.


Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com


Shacabkii oo fadhiya goobtii salaada iida lagu tukanayeySALAADII CIIDA OO SIWEYN LOOGU SOO BAXAY
Magaalooyinka Hargaysa, Boosaaso iyo Muqdisho ayaa kamid ahaa meelaha sida weyn looga ciiday Sabtidii. Waxaa sidoo kale kumaan qof salaadii ciida u dareereen magaalooyinaka Nairobi, Toronto iyo Minneapolis..  Guji...
»IID MUBAARAK: HAMBALYADII BAHDA SOMALITALK EE IIDA
»CILMI KORORSI::
IIDAHA iyo SALAADAHOODA
»BAAQ SAMAFAL:: Fiicanaa in Agoontu Carruurteenna La Ciiddo
 
AFAR IYO TOBAN MAXBUUS OO XABSIGA DHEXE EE GALKACYO LAGA SIIDAAYAY LOONA FIDIYAY CAFIS CIIDA OWGEED.

Sunday, November 14,04.

Galkacyo (Somalitalk)

waxaa saaka ay maamulka Puntland cafis u fidiyeen afar iyo toban maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada galkacyo maxaabiistan ayaa u xirayd dambiyo kala duwan oo ay galeen, waxa ayna xiraayeen mudo sadex bilood kayar.

maxaabiistan lasiidaayay ayaa waxaa wax laga waydiiyay cida kuluglahayd siidayntooda taliayaha xabsiga dhexe Axmed Cabdi Faarax waxa uuna sheegay in amar laga soo siiyay caasimada Puntland ee Garoowe, ayna sheegeen maamulka sare ee dowladu in maxaabiistan loofidiyay cafis ciidul-fidhriga owgeed.

maaha markii ugu horaysay ee maamulku uu maxaabiis ka siidaayoxabsiyada Puntland  maalmaha ciidaha xiliga ay ku soo beemaan in ay jiraan dad danbiyo loohaysto. 

sahrosiglan@hotmail.com

SomaliTalk Nairobi | Nov 14, 2004

ISHA SAWIRADA: Google Search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD