Inkastoo Durdur iyo Dabbaal Galo Doofaar Abidkii ma Daahiro
(“Diridhabe iyo Maqaaladiisa”)
Qore. Feysal Rashiid “Nayruus”
nayrus2001@hotmail.com
Lahore=Pakistan
Waxaa hubaal ah marka laga reebo, Nabi
Aaden(SCW) oo laga abuuray Ciid (dhoobo), Xaawo oo iyana laga beeray Feerta
Nabi Aaden(ScW) iyo Nabi Ciise (SCW) oo laga abuuray Ruux. in dhammaan
Aadamaha ay ka beermeen Hooyo iyo Aabbe. Marka lagasoo gudbo 9-ka bilood ee
ay hooyadu uurka kusiddo, ilamaha waxa uu dhashaa isaga oo Islaam(Fidrada
islaamka)ah waxaase gaal ka dhigi kara amma Muslinba labadiisa waalid sida
uu inoo caddeeyay Rasuulkeena Suuban Maxammed Ibnu C/llaahi (SCW), Waxaana u
faray waalidiinta markay ilmo dhalaan in dhegaha looga edaamo, Timir amma
wixii markaas Macaan ee la hayo carrabka loo saaro…. Waxaana xaqiiqo ah in
arrintani ay ku jirto amma ka turjumayso xikmad sii xeel dheer. Waxaana ka
mida in Sabigu dareemo macaanka diinta, in carrabkiisa la barbaaro hadalada
suubban kuna hadlo hadallo wanaagsan oo ilaahay raali uga yahay.
Haddii aan usoo noqono dhanka
bulshadeena somaliyeed, ma jiro ku dhaqan dhab ah oo shareecada iyo diinta
islaamka ah, laakiin ilaahay mahadi haka gaadhee umado badan waa dhaanaa,
dhaqan wanaagsan iyo dadnimo intaba waa leenahay. Haddaba wiilka soomaliyeed
marka u dhasho illaa inta uu ka gaadho xilli uu ka xaadiri karo dugsi quraan
iyo iskuulba tarbiyayntiisa iyo hagaajintiisa waxaa 100% gacanta ku haya waa
labadiisa waalid, gaar ahaana hooyada. Hooyadu haddii ay ilmaheda si wacan u
tarbiyayso anshaxa wanaagsanna barto waxaa loo badiya in ilmaahaasi gaaro
guulo badan, dadka ka waawayna ka kasbado duco badan oo ilmaha ka saacida
marxaladaha badan ee ku seensaaban, haddiise ay hooyadu dayacdo tarbiyadiisa
iyo toosintiisa dhib badan ayaa ugu sugan. Marka uu gaaro xilligii dugsiga
waxaa tarbiyada ilamaha kala qayb qaata macalinka wiilka, macalinkana wuxuu
guulo ka keeni karaa masuuliyaddaas marka ay waalidiintu u heellan yihiin
inay wax kala qabtaan tarbiyaynta dibudhiska maskaxeed ee wiilka amma
gabadha. Taasina ma aha mid si buuxda loogu kalsoonaan karo haddii la waayo
wada shaqayn. Dhanka kale marka uu ilmuhu barbaaro, qaan gaadhna yahay waxa
u kordha cilmi iyo waaya aragnimo illaa u ka gaaro heer u garaadkiisa iyo
garashadiisa isku maamulo, xilligaas hadduu gaadhana waalid iyo macalin
toona wax gacanta ugu jiraa ma jiraan, haddaba waxay goostaan waa uun wixii
ay beerteen. In bulshadu uducayso iyo inay habaaraan oo dhahaan Caku kanna
maxaa dunida keenay waxay ku xirantahay silsiladdan Afar geeska ah (waa
shaqsiga, macalinkiisa iyo labadiisa waalid). Waxaa soo raaca deegaanka iyo
bulshada uu kamidka yahay.
Wiilka ducaysan ee sida fiican
loosoo ababshay wuxuu unaxariista walaalihii ka yar-yar, wuxuu wanaajista
afkiisa, wuxuu ixtiraama raga isaga ka waaweyn, wuxuu qadariya kana dambeeya
waaridiintiisa iyo asxaabta rafiiqa iyo la da’da ah. Middaas caksigeeda
wiilka habaar qabaha ah ee akhlaaqda xun ma laha wax dadnimo ah, laguma oga
Ixtiraam iyo naxariis, laga sugi mayo horumar iyo inuu bulshadiisa anfaco
hadal wanaagsan iyo feker saliim ahna habartiis bay ka tahay. Ilaahay ha
inoo wanaajiyo.
Haddii aan usoo daadego
biya-dhaca iyo ujeedada maqaalkaygan, waxaa inta badan website-yada wax ku
qoraayay dad badan oo isugu jira kuwa wanaagsan oo dadka wax u faa’ideeya
iyo kuwa ay caado & dhaqan ka noqotay hadalada xun xun ee aan loo meel
deyin. Waxaan ka xusi karaa Ninka la yidhaahdo DIRIDHABE. Diridhaba waxaad
ku caan baxday wax ka sheega iyo cayda rag kaa waawayn oo ku dhali kara
misna kaa aqoon iyo waaya aragnimo badan iyo inaad mar kasta farta ku goda
deegaan degaanada ka mida oo aanad shaqo ku lahayn aqoona warkeeda daa.
Nin baa waxaa laga sheegay inuu yidhi
“hashu maankayga Gadayee ma Masaar bay liqday” Diridhabow ku garan waynaye
Haddaan su’aal ku waydiiyo akhlaaq xumada miyaa lagugusoo barbaarshay oo
dembiga waxaan uraacanaa labadaada waalid ? mase Macalinkii wax kusoo
baray ayaa ku yidhi Ixtiraamka iyo dadnimadu waxay ku jirtaa dadka oo la
af-lagadeeyo ? mase waxaad rafiiq iyo oodwadaag la ahayd Doobiile intaa
Usgag iyo qurun faraha kula jira ? “inkastoo durdur iyo dabbaal galo Dofaar
abidkii ma daahiree” ma ilaahay baa saa kuu khalqay ?, mase waxaad
qabatintitay kelamadaha xun ee waliba Cayda ah ee aan ka xishoono haddaan
soomaali nahay balse aad moodo inay Pakistan ducaba ka tahay?. sida :-
“Saale, Ban chut IWM”. waxaan aad uga xumahay in adoo kale ay ku hadlaan
magac bulsho dhan oo leh mid xun iyo mid wanaagsan.
Wiilayahow daloombiyaya, aan wax ku
dareensiiye Soomaali meel kasta oo ay joogto, xaalad kasta oo lasoo derista
marna ma aha kuwa kala maarmi kara, waa dad xigaal ah oo dhalasho iyo
dhiigba wadaaga, waa haddii ay wax ku dhacayaan amma inaba haba yaraatee
aad leedahay garasho fayoow. Xumaato saas usii wayn oo dhex taalla haba
yaraate ma jirto, shalay ninka manta madaxweynaha ka ah Somaaliya (C/llaahi
Yuusuf) waxaa doortay oo u codeeyay kuwii ay hoos katuurka lahaayeen waliba
qaarkood colleytan ka dhaxeeyay, maantana garab taagan dowlada uu madaxda ka
yahay diyaarna u ah inay naf iyo maalba u huraan, taasi waxay ku
garansiinaysa sida dadku walaalo u yahay misna u heshiin karayaan cadowgana
iska kaashan karaan. Soomaali waa ummad mar kasta is huran oo aan habbonayn
in loo kala warramo. Adiga iyo inta kula midka ah ee ku fekeraya waxaan dani
oogu jirin amma dhex mushaaxaya riyo iyo humaag raaca waxaan usheegayaa
inaydaan dab, colaad iyo xumaato kala dhex dhigi Karin duul walaala. Qof
kasta taariikhda baal buu ka galayaa ee wax iskula har intay hadhow gocasho
qeerkaa, facaa iyo asaagaaba kaa reebi lahayd.
Wiilyahow waxaan u malayn inaan aniga kaaga
aqoon badnahay deegaanada qaar sida :- Hargaysa iyo Burco mana jecli inaan
xumaan ka sheego, adigase waxaad u bareertay inaad wax u dhinto sharafta iyo
qadarinta ay mudan yihiin bahweynta aad hal-qabsiga ka dhigatay adoon aqoon
ulahayn lana mustawa ahayn. Waar ammaan ha lagaa helo oo afkaaga ka adkow
……… Af-lagaadada iyo borobogaandada aad wadid in lagaaga jawaabo lama garan
waayin ee waxa uun la leeyahay :-
- Cad haduu dhulka kaaga dhaco
amase Ciidoobo
- Caqli nimuu ku wayn yahay ma cuno
calafka qaarkiiye
- Maxaynu kala hadalla waa Caruur Caga
wayn wuxuye.
Dhanka kale maqaalkaagi ugu dambeeyay waxaa
ka muuqday hanjabaad iyo gooddi iyo waliba hasaawe caruur, waxaad uga dan
lahayd maanu garan. In uun ma is weydiisay “dadka aan u goodinayaa yaa weeye
?”, midhaa “Daalka” Pakistan baa ku madax marayee jawaabtu waxaa weeye Maya.
haddaad taariikhda iyo dhaqanka somaliyeed wax kaaga baxsanyihiin sal fudeed
kuma qaadeen kumana aadan dhiiratee hadalada qaar. Wax isku fal wiilyahow.
Waxaad dhowr jeer ku celcelisay Kelmada ah “aniga” ood ku leedahay samsam
arrinteeda aniga oo reer somaaliland ah ayaa ka hadlay, waar heedhe wax
fiican baad samaysay inaad ka hadashana waajib ku saaran weeye haddaad intaa
garatay maba xuma laakiin waxaan halkaa aad isla joogto, Adigu yaad tahay ?
Somaliland miyaad Meteshaa ? Miyaanad ogayn inaad tahay shaqsi ka mida
shaqsiyaadka dega magaaloyinka Hargaysa iyo Burco, waxaanad ahayn baad is
moodaye aayar talaabada qaad, arrinta samsam waxaad kala mid tahay bulshada
intaa maqaalada ka qoraysay ee isugu jira mid xaqeeda duudsinaaya iyo mid ka
damqanaaya dhibka iyo waxyeelada lagasoo sheegayo. Samsam Ilaah bay
leedahay oo ka cayminaya dulmiga loola kasay ee wiilyahow cantarka jooji,
haddii waxa laga sheegayo gabdhaas miskiinta ah amma ay kusoo baxaan
dhibkaas loo geysaty ogow gobonimada uu carabku kaa bartay inayan meesha
oollin.
Dadka uu ku gefay iyo aqoonyahanada uu
af-lagaadeeyay waxaan odhan lahaa hadalkii abwanka ee ahaa:-
- Ragoow Nin hadduu Gabraar tago
- Xabadduu gooni daaqyada iyo
- Islahaa ku leged gool
- Garanuugta wayda ahiyo gelin hore yac
kuma rido.
Diridhabe aragte wuxuu yahay ee hadal ha
isaga qaasarinina, aan dhowrno halkuu dhaanka usido. Nin qoyani biyo iskama
dhowre qoyaankiisa is ilaaliya.
Wallaahu Aclam
By. Feysal Rashiid “Nayruus”
nayrus2001@hotmail.com
Lahore=Pakistan
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Qoraalka Xiga... Guji... Faafin: SomaliTalk.com | Dec
8, 2004
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|