RUNTA IYO TILMAAMAHA NOLOSHA
SOOMAALIYAIyadoo
dowladda cusub ee Soomaaliya ay isu diyaarinayso inay dib ugu
noqoto dalkii, ayna soo celiso amarka iyo kala dambaynta kaddib
sannado fowdo ah ayaa Joseph Winter oo ah weriye reer galbeed ah
waxa uu booqday magaalada Muqdisho, waxaana uu ka diyaariyey
warbixintan. Maxamed Xaaji (Ingiriis) ayaa warbixinta tarjumay:
![](/2004/sept/Ingiriis.jpg)
Maxamed
Xaaji (Ingiriis) |
Soomaaliya waa dalka keliya ee
adduunka ku yaalla ee aysan ka jirin dowlad. Qarnigii 17-aad
ayaa Thomas Hobbes oo faylasoof ahaa waxa uu yiri "noloshu waa
kelinimo, faqri, wax xun oo qurmoon, axmaqnimo iyo wax gaaban
haddii aanu jirin maamul dhexe." Qaar Soomaalida ka mid ah ayaa
laga yaabaa inay maqleen Hobbes, laakiin badankood ayaa la qaba
sifahaas, marka laga reebo kelinimada maadaama xiriirka qoyska
iyo qabiilku ay weli Soomaaliya yihiin kuwo aad u adag.
Dowladdii Maxamed Siyaad Barre
waxaa la riday 1991-kii. Illaa waqtigaas, Soomaaliya waxay u
kala qaybsanayd imaarado badan oo kala duwan oo ay ka taliyaan
qabqableyaal dagaal, oo iska soo horjeeda oo mararka qaar isku
dirira dhulka. Haddaba, sidee noloshu tahay Muqdisho kaddib
toban sano in ka badan oo aan dowlad jirin?
Socod gaari oo 50Km ah oo ka
soo billowda garoon Muqdisho u dhow illaa magaalada waxaad
maraysaa toddaba jidgooyo oo mid walba ay maamulaan maliishiyo
gooni ah. Mid kasta oo ka mid ah isbaaradan xuduudda laga
gudbayo 'border crossings' dhammaan dadka baabuurta wata iyo
gaadiidkuba waa inay bixiyaan kharash soo gelitaan 'entry fee'
oo u dhexeysa 3 dollar illaa 300 oo dollar, taasoo ku xiran
qiimaha badeecadda la sido iyo waxa maliishiyada ku badbaadin
karaan.
Ma jirto wax muujinaya in
lacagtani ku baxayso adeegga dadweynaha, sida caafimaadka,
waxbarashada iyo waddooyinka. In badan oo lacagtan ka mid ah
waxay ku baxdaa maliishiyadu wax ay ku marqaamaan oo aysan deyn
karin oo ah Qaadka oo caleentiisa cagaarani la ruugo saacado
dhowr ah. Dadka awooda waxay la safraan maliishiyo aad u
hubeysan, sidaas awgeed waxaad dariiqa mari kartaa iyadoon wax
dhib ah aadan la kulmin.
Koonfurta Muqdisho badankeed
ayaa u muuqata goob xasiloon, laakiin qaybo kale oo ay ku jirto
dhanka waqooyi ayaa qatar ay tahay in la booqdo. Inkastoo
Maxamed Siyaad Barre si guud loogu soo hadalqabsado inuu ahaa
keligii-taliye, dadka qaar ayaa hadda ku xusuusta iyagoo u
muxubeysan in xilligiisii iskuullada iyo isbitaalladuba ay lacag
la'aan ahaayeen.
Waxaa hadda la qiyaasaa in
carruurta iskuullada gaartay ay xaqiiqdii 15% iskuulaadka tagaan,
marka la barbardhigo wadammada faqriga ah ee deriska la ah
Soomaaliya oo tiradu ay tahay 75% carruurta iskuullada tagta.
Magaalada Muqdisho, iskuullo badan, kuleejooyin, jaamacado iyo
xitaa dhismeyaal dowladeed ayaa u noqday xerooyin dad ku soo
bara kacay caasimadda oo soo raadsaday meel ay uga nabad galaan
dagaallo goobo kale ka dhacay.
Maadaama rag maliishiyooyin ah
ay billaabeen inay afduubaan shaqaalaha samafalka, iyagoo
dalbanaya lacago madax furasho oo aad u badan ayaa hay'adaha
gargaarka badankood ay ka bexeen caasimadda iyagoo uga tagay
xerooyinka qaxootiga kaalmo la'aan waxay doonto ha noqotee. "Qaar
carruurteyda ka mid ah ayaa lows ku iibiya dariiqyada, si aan
lacag uga helno. Ma awoodno inaan iskuullo u dirno," sidaas
waxaa tiri Ladan Barrow Nuur oo qalbi jabsan, iyadoo casha
chapatti ah ku karinaysa dab furan oo yaalla bannaanka teendho
ay dhex deggan tahay. "Ninkeygu wuxuu ka caawiyaa dukaanleyda
inuu u qaado badeecadahooda suuqa dhexdiisa, laakiin kuma filna,
mar walba waan baahannahay" ayay tiri.
Haweeneydan ayaa waxay ku
nooshahay siduu weriyuhu leeyahay wax ahaan jiray iskuul oo
Muqdisho ku yaalla. Musqulo ma leh xerada qaxootiga ee ay ku
jirto, waqtiga roobkuna cudurrada sida Maleeriyada, TB-da,
shubanka iyo disantariyada ayaa si degdeg ah u fida. Iskuullada,
Jaamacadaha iyo isbitaallada qaarkood ayaa sii wada inay
shaqeeyaan, laakiin badankood gaar ayaa loo leeyahay, waana in
lacag la bixiyaa. Kumannaan dad ah oo ay Ladan Barrow ka mid
tahay ayaan awoodin inay bixiyaan 3 dollar oo ay ku kacayso inay
arkaan dhaqtar, sidaas awgeed ayaa dadku waxay u dhintaan
cudurro si sahlan looga hor tegi karo ama loo daaweyn karo.
Suuqa dhexe ee Bakaaraha ayaa u
muuqda inuu soo kobcaayo. Ganacsiga qaarkiis, sida isgaarsiinta
ayaa si fiican u hagaagsan, marka lagu daro telephoneska gacanta
iyo rugaha internetyada oo ay ku jiraan dhismayaal cusub oo ku
soo kordhay Muqdisho oo ah magaalo dhismayaasha badankood ay ka
muuqdaan xagtimaha dagaalladii adkaa ee dhex maray
maliishiyooyinkii iska soo horjeeday billowgii 1990-meeyadii.
Weriyuhu, waxa uu yiri
diblomaasi Muqdisho jooga ayaa igu yiri "Soomaaliya waa suuq xor
ah oo saafi ah." Laakiin, suuq xor ah oo saafi ah ma tahay wax
fiican? Marka laga hadlayo fekrad ahaan aragtida,
dhaqaaleyahannada qaar ayaa sidaas qaba, laakiin runta aadka u
daran ee Muqdisho waxa taasi macnaheedu yahay in qoryaha iyo
qalabka milatari ee kale in si xor ah looga heli karo suuq aan
sidaas uga fogeyn bartamaha magaalada.
Waxaa laygula taliyey ayuu yiri
weriyuhu inay aad qatar u tahay inaan booqdo suuqa, maadaama
macaamiishu ay si joogto ah ugu dhex tijaabinayaan hubka, si ay
u hubiyaan in qoryuhu shaqeynayaan inta aysan iibsan ka hor.
Qiimaha qoriga AK47 ayaa waxa uu u dhigmaa tirakoobka sirta
ganacsiga ee wadammo badan oo xasiloon.
Muddadii lagu jiray tartanka
doorashada Madaxtinimada Soomaaliya bishii October ee sannadkan,
qiimaha qorigu hoos ayuu u dhacay, iyadoo dadku rajeynayeen in
maliishiyaadku aysan awood u yeelan doonin inay ku sii
howlgalaan ciqaab la'aan. Laakiin, hal bil gudaheed iyadoon
dowladdiiba la magacaabin, lana soo bandhigin qorshe cad oo ah
sida iyo xilliga Cabdullaahi Yuusuf iyo kooxdiisu ay tegi
doonaan Muqdisho, iskaba daa in wax kale la sameeyee ayaa
qiimaha hubku aad kor ugu gurguurtay.
Jiritaan la'aan dowladeed waxa
macnaheedu yahay in dollarka Mareykanku yahay xulka lacagta,
xitaa qaxootigu waxay dalbanayaan lacagta adag. Lacagta shillin
Soomaaliga ayaa weli la isticmaalaa, laakiin warqadaha lacagta
ayaa ku soo ururay 1000 keliya. Saddex nooc oo lacag ah ayaa
wareega, qaar horey uga haray dowladdii hore, qaar uu soo
daabacay Madaxweynaha cusub ee la doortay xilligii uu madaxda u
ahaa gobolka uu u dhashay ee Puntland iyo qaar kale oo ay saami
ku lahaayeen ganacsato gaar ah.
Markii hore badeecadleyaasha
Muqdisho qaarkood ayaa diiday inay lacagahan aqbalaan, laakiin
hadda dhinac kasta ayaa laga isticmaalaa. Sidoo kale, soo
daabacashada baasaboorada ayaa iyadana biribaati laga dhigay. 80
dollar ayaa in ka yar 24 saac waxaan ku noqday muwaadin Soomaali
ah oo ku dhashay Muqdisho ayuu yiri Joseph Winter. Anigoo ka sii
tagaya inaan qaato passportka noocaas ah ayaa nin ka ganacsayey
waxa uu si naxariis leh ii guddoonsiiyey passport nadiif ah oo
aan la tago gurigeyga oo aan ku dhejisto sawir.
Lacag wax yar ka sarreysa ayaa
laygu yaboohay inaan ku qaato passport diblomaasi ah oo aan
leeyahay dooqa inaan sheegto xilka iyo shaqada wasaaradda. Meel
qoryaha iyo baasaboorada si xor ah looga helayo, kuwa raba inay
qaadaan weeraro argagixiso waxay u tahay wixii ay rabeen.
Maadaama ay jirto maqnaanshaha wax maamul ah, xerooyin ay ku
tababartaan argagixisada waa macquul in laga sameyn karo
Soomaaliya.
Inkastoo Soomaalidu ay awoodeen
inay badbaadaan, qaarna xitaa ay rajaba qabaan, qof kasta oo aan
la hadlo oo Muqdisho jooga ayuu yiri weriyuhu wuxuu quus ka
taagnaa inay soo noqon karto wax leh saansaan sharci iyo kala
dambayn. Iskuullada iyo isbitaallada ayaa diyaar u ah inay
raacaan nabadgelyada ay liiska ku darsatay dowladda cusub. "Waxaan
keliya rabaa dowlad, dowlad wax uun sameysa" nin baa sidaas igu
yiri ayuu yiri. Dhammaanteen waxaan u muuqannaa inaan
xiiseynayno inaan dhalleeceyno dowladaheenna, laakiin nolosha
Soomaaliya waxay u muuqataa in waxa wax beddeli karaa inayba ka
sii xun yihiin, sida uu qoray Philosopher Hobbes muddo hadda
laga joogo 350 sano.
Gaashaanle ka tirsanaan jiray
ciidammadii hore ee Soomaaliya oo hadda qaxooti ku ah London
ayaa si fiican u soo koobay nolol aan dowlad lahayn sida ay u eg
tahay "ma jirto wax aad sameyn karto marka wiilashaadii ay qoryo
sitaan oo ay xadayaan wax walba oo aad haysato, xitaa dharkaaga."
Majorku, waxa uu intaa raaciyey "waxaan ka dhashay qabiil yar,
mana awoodo inaan is difaaco." "Halkan, waxaa jira xeerar dadku
ay ixtiraamaan, sidaas darteed noloshaada nabad ayaad ku wadan
kartaa" ayuu sii raaciyey.
Dadkii weriyuhu Xamar ku soo
wareystay waxaa ka mid ahaa Nimco Cali Xasan oo u sheegtay inay
Qaadka iibiso kaddib markii saygeedu uu furay laba sano ka hor.
"Sababta igu kalliftay inaan Qaad iibiyo waxay tahay waxaan
rabaa inaan ku koriyo laba carruur ah oo aan dhalay, runtii waa
ganacsi halis ah, sababtoo ah macaamiisheydu waxay u badan
yihiin maliishiyada hubeysan, haddii dowladi jiri lahayd shaqo
kale ayaan raadsan lahaa ama waxaan heli lahaa nin i guursada si
aan u noqdo hooyo guri" ayay tiri.
Waxaa kaloo uu wareystay
Cabdullaahi Abuukar Maxamuud oo ah nin Lo' jire ah oo sheegay in
dhowr jeer ay Lo'diisa dheceen rag hubeysan oo dilay walaalkiis,
"noloshu waa nagu adag tahay, dowlad in la dhisay baan maqlay,
waana taageersanahay, mar walba waxaan ka cabsadaa in la i dilo"
ayuu yiri. Cabdi Daahir Guuleed oo ka mid ah qaxootiga deggan
xaruntii hore ee shirkadda Somali Airlines ayaa yiri "afar
carruur ah ayaan leeyahay, iskuul iyo caafimaadna ma haystaan,
dariiqyada ayay aadaan si ay u dawarsadaan, dowladda cusub ayaan
ka rajeynayaa caawimaad."
Cabdiqaadir Cali Xaashi oo ah
darawal bus wada ayaa waxa uu yiri "carruur iyo xaas baa i
sugaya, nolosha ayaan halgan kula jirnaa, waxaana leennahay
maahmaah tiraahda ninkii hooyadey guursada waa adeerkey, kama
soo horjeedo dowladda Cabdullaahi Yuusuf."
Xaliimo Mubaarak Rashiid ayaa
tiri "waxaan ka soo qaxay gobolka Shabeellada Dhexe, 14 sano
ayaan qaxooti ku ahaa Xamar, runtii caawa ma haysto waxaan ku
casheyno aniga iyo carruurteyda iyo ninkeyga, maskaxdeyda waxaa
buux dhaafiyey sidii aan ku heli lahayn waxaan cunno oo ku
badbaadno, in la wado nabadeyn Soomaaliya ah waan maqlay,
laakiin kama fekero oo hardan baan nolosha kula jiraa."
Dadkii uu soo wareystay Joseph
Winter waxaa ka mid ahaa fannaanka Soomaaliyeed ee heesaha
westernka, Muqtaar Iidi Ramadaan oo yiri "ma sugaayo in
Soomaaliya ay dowlad hesho mar kale, noloshu runtii aad bay ugu
adag tahay fannaaniinta waqtigan, waxaana u baahannahay wax na
difaaca maadaama aanan xiriir la lahayn qabiillada waaweyn, mar
kasta oo aan gurigeyga ka soo baxo ma hubo inaan dib ugu
noqonaayo iyo in kale."
Iidi Ramadaan oo sii hadlaya,
waxa uu yiri "caweysyadii magaalada Muqdisho ka furnaan jiray
dhammaantood waa xirmeen, waxayna noqdeen xerooyin qaxooti,
waxaana hadda ka heesnaa bishiiba mar xafladaha aroosyada,
waxaan ka cabsanaynaa ragga hubeysan, xaflad hadday jirto
maliishiyo ayaa imaan karta oo dhac u geysan karta
daawadayaasha, laakiin marka hore waxay jecel yihiin inay
music-ga dhegeystaan."
Muqtaar Iidi Ramadaan, waxa uu
yiri "xafladaha aroosyada Xamar sida ay u dhacaan isma lihid
waxay ka dhacayaan waddan aan dowlad ka jirin, laakiin dadka u
dhashay qabiillada hubeysan ayaa xafladahan dhigta, dadka kale
si sir ah bay isku guursadaan iyagoo ka baqanaya in la dhaco oo
la weeraro, dhac kale oo dhibaato nagu ah ayaa na haysta haddaan
fannaaniinta nahay, cajalado sharci darro ah oo heesaheenna ah
ayaad ka helaysaa meel kasta oo Soomaaliya ah, lacagna nagama
soo gasho, waxaan rajeynayaa in dowladdaani soo celiso nabadda
iyo rajada, laakiin ma aaminsani inay awood u yeelanayso, ma
arko in qabqableyaashu ay si wadajir ah u shaqeynayaan, oo ay
fulinayaan ballamadii ay qaadeen ee ah inay hubka ka dhigayaan
maliishiyada, dhammaantood waxay rabaan Madaxweyne, mana yeelan
karno 15 madaxweyne" ayuu yiri Iidi Ramadaan.
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
ingiriis@yahoo.com
Brussels, Belgium