Soomaaliya
iyo Mustaqbalka Dhaw
Maxamuud Cabdi
mohamoud2004@hotmail.com
8 December 2004
Dhawr bilood ka dib
markii ay burburtay Soomaaliya 1991ki ayaan wareystay Prof.Siciid Samatar ee
Jaamacadda Rutgers (USA) sida uu u arko mustaqbalka Soomaaliya. Waxay ula
muuqatay in Soomaalidu ay ku midoobi karto laba isir: diinta Islaamka iyo
qabiilka. Wuxuu raaciyay in Soomaalidu ay u iilayaan isirka qabiilka. Kuma
uusan darin “wadaninnimo” isirrada mideeya Soomaalida waqtigaas. Saddex iyo
toban sano iyo dhawr iyo toban shir ka dib, Soomaaliya waxay noqotay dawlad
qabiil oo ay diinta Islaamka iyo wadaninnimo ay ka maqan yihiin.
Dawladda ku meel gaarka
ah waxaa lagu dhisay saldhig qabiil. Xubnaha baarlamaanka waxaa soo
magacaabay qabiilkooda, Ra’iisul wasaarahana waxaa lagu soo magacaabay
habkaas. Ra’iisulwasaaruhuna wasiirrada dawladdiisa oo dhan 27 wasiir (iyo 4
aan weli la shaacin) wuxuu ku soo xulay hab qabiil. Middaas waxay
muujinaysaa si aan shaki ku jirin sarreynta uu qabiilku ku sarreeyo bulshada
Soomaalida. Waqti baa jirtay u doodidda sarreynta qabiilka lagu cambaarayn
lahaa magic waddaninnimo iyo mi diineedba. Maantase, qabiilku waa cumlad uu
sarrifkeedu ka sarreeyo mabaadi’da kale oo dhan. Jagooyinka iyo
mas’uuliyadda dawladda waxaa lagu qaybiyaa asaas qabiil; qofka tayadiisa
qiima weyn ma laha.
Waa billaw xun; laakiin
waa billaw. Dawlad qaran oo lagu dhisay qiima qabiil meelna gaari meyso
haddii aanay siin taageero buuxda qabaa’ilka oo dhan iyo kooxa hubaysan.
Inta waxaa dheer waa in loo arkaa inay tahay tillaabo ku meel gaar ah oo aan
soo noqon doonin mustaqbalka. Waajib baa ka saran siyaasiyiinta iyo bulshada
madaniga ah oo is wata in dastuurka ku meel gaarka ah la beddelo si
baarlamaannada iyo dawladaha Soomaaliyeed ee mustaqbalka la samayn doono
lagu soo doorto nidaamka ah HAL-QOF-HAL-COD, qabiilkuna uusan dawr ka
cayaarin. Isbeddelka caynkaas ah waa inuu ku yimaadaa wadahadal siyaasadeed
gudaha iyo dibedda baarlamaanka.
Inta ka horreysa, waa in
dawladda lagu taageeraa sidii ay waddanka ugu soo celin lahayd nabadgelyo
iyo awoodda sharciga. Arrin sahlan ma aha in si nabadgelyo leh hubka looga
dhigo kooxaha hubaysan oo loo sameeyo maamullo goboleed, loona dhiso
hay’adaihii dawladda waddankana loo diyaariyo doorasho xor iyo xaq ah.
Hoggaamiyayaasha kooxaha hubaysan marakan waxay ka tirsan yihiin
baarlamaanka ku meel gaarka ah, qaarkoodna dawladdeyba ku jiraan. Dhib weyn
kuma ay aha, haddii ay doonaan, inay ciidankooda hubka ka dhigaan. Haddii ay
diidaan inay sidaas yeelaan, waxay u muuqanaynaa inay minja xaabinayaan
dawladda.
Waa lagama maarmaan in
dawladdu ay u aaddo Soomaaliya sida ugu dhakhsaha badan, iyadoon u aaba
yeelin amni darrida jirta. Fadhiga dawladdu waa Muqdisho, haddii uusan
barlamaanku gaarin go’aan kale. Haddii ay sii joogto Nairobi, waxay u
muuqanaysaa dawlad dibed-joog ah waxayna beeleysaa qiimihi ay u lahayd
Soomaaliya. Waa mas’uuliyad saran hoggaamiye-kooxeedyada inay ka shaqeeyaan
sidii ay nabadgelyo ugu soo celin lahaayeen magaalada Muqdisho haddii ay
doonayaan inay magaaldu noqoto magaalomadaxda qaranka. Waa inay qaadaan
caqabadaha hor taagan in sharci iyo kala dambeyn lagu soo celiyo waddanka.
Haddii ayan middaas yeelin, waxaa soo bixi doona codad ku andacooda in
magaalomadaxda loo raro meel kale oo waddanka ka mid ah oo nabadgelyo ka
jirto.
Muddada gaaban, beesha
caalamku Soomaaliya way u fidin doontaa taageero dhaqaale iyo farsamo;
laakiin muddada dhexe iyo midda dheerba waa in uu waddanku isku taago
lugihiisa. Beesha caalamku waddan burburay dib uma dhisto haddii ayan jirin
wax ku kallifa. Awoodyada adduunka ka jira waxay u gurmadaan waddammada
dhibaatadoodu ay wax u dhimayso nabadgelyada iyo xasiloonida waddammada
deriska ah. Dhibaatada Soomaaliya waxaa loo arkay inay tahay mid ku kooban
Soomaaliya oo keli oo aan raad xun ku yeelan Karin xasilloonida dawladaha
deriska la ah. Sidaas daraaddeed, ma jiraan wax caalamka ku khasbaya inay
dib u dhisaan Soomaaliya. Sidii xamaasad li’ida ahayd ee loola dhaqmay
dalabkii dawladdu ay ku dalbatay ciidammo shisheeye waxay ka mid tahay sida
loo arka dhibaatada Soomaaliya guud ahaan.
Hoggaamiyayaasha cusub
ee Soomaaliya waa inay fahmaan in xiriirka dawliga ahi uu dhisan yahay
danaha qaranka oo uusan inta badan lahayn dhinac akhlaaqeed. Soomaaliya waa
waddan tabar daran, mustaqbalkiisana waxaa agaasimaya shisheeye danahooda
qarameed wata. Sidaasi waa sida u dambeysa dawladaha tabarta daran oo
burburay.
Dawlado badan oo
Itoobiya ay ugu horreyso ayaa lagu eedeeyaa dhibaatada Soomaaliya.
Dawladahaasu waxay Soomaaliya gacmaha kula jireen waqtigii uu adduunka
intiisa kale iska indhatirayay dhibaatada Soomaaliya. Dawladahanu wanaag
jacayl kama ahayn falkoodaas ee waxay dabajoogeen danahooda. Hoggamiyeyaasha
siyasadeed ee Soomaaliya waa inay arkaan xaqiiqada mesha taalla oo ay ula
macaamiltamaan si xikmad leh oo Soomaaliya wanaag u keenaysa ama dhib ka hor
istaageysa.
Awoodda Itoobiya ay ku
haysato gobolkaas oo dhan wuxuu ka soo jeedaa tabardarrida Soomaaliya, tan
dambe oo weligeed ahayd awoodda ka soo horjeedday dhulballarsiga Itoobiya
mar walbana dheelli tiri jirtay awoodda Itooboya. Isbeddelka ku dhacay
siyaasadda addunka, oo uu riixayo waxa lagu magacaabay la dagaallanka
argagixiska Islaamka, ayaa siiyay Itoobay marmarsiinyihii ay u baahnayd inay
faraha la gasho arrimaha Soomaaliya oo ay agaasinto mustaqbalkiisa. Maanta
waxaa Itoobiya lagu eedeynayaa inay lug ku leedahay magacaabidda wasiirrada
dawladda cusub ee Soomaaliya. Maqnaanshaha ay diinta iyo waddaninnimadu ay
meesha ka maqanyihiin ma aha kamma ee waa ula kac. Waxaa loo arkay in ayan
la socon karin wadciga cusub ee addunku ku sugan yahay.
Xiriirka Itoobiya waa in
lagu maamulaa xikmad iyo waaqica maanta lagu jiro si loo ilaaliyo maslaxadda
weyn ee qaranka. Way adkaanaysaa in Soomaaliya dib la isugu keeno haddii ay
kala jiidayaan dawladaha deriska la ah oo ay ugu horreyso Itoobiya.
Dawladaha deriska ah dan baa ugu jirta in la helo dawlad Soomaaliyeed oo
nabadgelyo waddankeeda ku soo celisa. Mashruuca dib u dhiska Soomaaliya
waxaa laga yaabaa inuu waqti gaaban qaato haddii ay dawladaha lugta haya ay
siidaayaan oo faraha kala baxaan.
Ugu dambeynti,
Soomaaliya waxay u baahan tahay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
Dawladda cusub waa inay taageeradaas ka raadisaa beesha caalamka. Qof kasta
oo Soomaali ahna waa inuu noqdaa danjire u maqan Soomaaliya oo u sameeya
“lobby” taagero raadis ah. Soomaaliya mustaqbal bidhaamaya ayay leedahay
haddii ay hesho dad ehel u ah oo sameeya.
Maxamuud Cabdi
mohamoud2004@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Qoraalka Xiga... Guji... Faafin: SomaliTalk.com | Dec
8, 2004
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|