SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD
Daabaco Boggan | Print


Ciyaar Shalay Galab Ku dhexmartay Garoonka Cabdi Bile Cabdi Gobollada Karkaar Iyo Sool Oo Lagaga Badiyey Sool.

 

 

 

 

 

Laascaanood(Radiolascaanod.com)Sun.19/12/04:-Ciyaar shalay galab ku dhexmartay Gobollada Sool Iyo Karkaar ee Dawlad Goboleedka Puntland Ee Soomaaliyeed Magaalada Laascaanood ayaa waxay ay ku dhamaatay Hal iyo eber, ka dib markii ciyaar yahan u dheela Kooxda Karkaar uu Goolkii daqiiqadihii ugu horeeyey ka dhaliyey Xulka Gobolka Sool, waxaana goolkaasi u dhaliyey Gobolka Karkaar Ciyaar yahan ka u qaata lanbarka 9 oo lagu magacaabo C/samad C/laahi.

Ciyaarahan oo lagu soo xulay xulka qaranka ee dawlad Goboleedka Puntland ayaa ahaa kuwo laga qaban doono gobollada Puntland oo dhan iyaga oo laba gobolka ay ciyaar yeelan doonaan ka dibna laga soo xuli doono xulka qaranka.

 

 

 

 

 

 

 

 

Xulka G/Karkaar Ee Badiyey

Tababaraha xulka Gobolka Sool, isla markaana haatan ah kan Puntland Cabdi Siciid abukar ayaa sheegay in Xulka Gobolka Sool uu wacdaro muujiyey hasa yeeshee Goolkaasi si lama filaan ah uga dhashay wuxuuna sheegay in gool hayaha xulka Sool ay si fududu u dhaaftay Kubadaasi, wuxuuna sheegay in xulka gobolku si wanaagsan uu ciyaar qurux badan u soo bandhigay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xulka G/Sool Ee Laga Badiyey

Ciyaarahan oo socon doona ayaa waxa iyagana ay ciyaaro lagu eegayo heerka gobollada ay ku dhex maridoonaan magaalada Boosaaso Gobolka Barri iyo Gobolka Sanaag, halka ay Nugaal iyo Mudugna ku ciyaari doonaan Gaalkacayo ayaamaha soo socda.

Ciyaartii shalay ka dhacday Garoonka cabdiu bile cabdi oo ay dadweyne aad u tiro badani ka soo qayb galeen ayaa lama filaan ku noqotay reer Laascaanood si deg dega ah ee Xulka Gobolka Looga badiyey iyada oo ay sheegeen dadweynaha ciyaaraha Xiiseeyaa in ay dareemeen in aanu xulku u soo diyaar garoobin Ciyaartaasi.

Laascaanood Puntland J.F Somaliya

Radiolascaanod.com
radiolascaanod@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 19, 2004


Shil Gaari oo ka Dhacay Kanada
Waxaa ku dhintay labo Soomaali ah, waxaana ku dhaawacmay labo kale...
Guji... Dec 20

Halista HIV/AIDS & Dhallinta soo Koreysa
London: Ururka SIIC oo soo qaban qaabiyay Barnaamij looga hadlay ka hortagga xanuunsidaha HIV/AIDS-ka Guji Dec 20

Isbahaysiga Caddaaladda iyo Nabadda SL
Hargeysa: baaq ku wajahan Xuquuqda Iinsaanka oo naqdiyey hab-dhaqanka Hay’addaha Garsoorka dalka.. Guji Dec 20

Wareysi Hay'ad NGO Soomaaliyeed
Nairobi:
Warasysigii Gudoomiyaha Hay'adda Somlink, Mudane C/qaadir Xuseen Maalin (marshaale)...  Guji.. Dec 20

Wareysi Somalitalk la yeelatay Wardheere
Minneapolis: “Samsam in cafis la weydiisto ayadaa mudan iyo in xaal la siiyo”.. Guji... Dec 20

BOOQO BOGGA: www.somalitalk.com/samsam/

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great

Eng Abshir Muuse oo ka hadlaya Barnaamijkiisa Musharaxnimo Xarunta Dowlada Hoose Gobolka Sool

Eng Abshir Muuse oo Salaamaya Garaad saleebaan

Eng Abshir muse oo Salaamay Taliyaha Aaga hore ee Laascaano

Eng Abshir oo ka hadlaya Munaasabadii iyo Isamadii oo fadhiya

Eng Abshir Muse oo Booqday Cidamada aaga hore Laascaano

Cali Magan oo ka hadlaya Musharaxnimadiisa iyo Tan Eng Abshir Muuse ee ay Xulafada Yihiin

Dadweynihii ka soo Qayb galay Xaflada

Garaad Saleebaan oo ka hadlaya Xafladii Shirka ee Musharaxa Eng Abshir Muuse

Ciidamada DGPL oo fadhiya Aaga hore Degaanka Laascaano

Eng Abshir Muuse oo Salaamaya cayaartoyda Gobolada Sool iyo Karkaar

Cayaartoyda Gobolka Sool

Cayaartoyda Gobolka Karkaar



HTML CD