Maleeshiyooyinka hubaysan ee ku sugan
magaalada kismaayo oo fariisinta ka dhiganaya deegaanaka beerxaani ee ku
yaala duleedka magaalada kismaayo oo sii badanaya iyo maamulka isbahaysiga
dooxada jubba oo arintan isha ka dhowraya
- Waraysi: jaamac aadan dheere oo ah
gudoomiyaha ururkan saldhiga ka dhigtay degaanka beerxaani,
Waxaa habeenimadii xalay aheed dib ugu soo
laabtay magaalada kismaayo gudoomiyaha golaha badbaada iyo midnimada qaranka
soomaaliyeed mudane jaamac aadan dheere oo safar maalmo qaatay ku soo kala
bixinaya tuulooyinka jamaal cabdala beerxaani cabdidhoore oo uu sheegay in
uu halkaasi ka waday dadaalo uu ku doonayo in sare loo qaado loona dhamaado
dowlad goboleedka laga dhisayo gobolka jubbada hoose ,
Hadaba waxay wararka ka imaanaya deegaanka
beerxaani oo 32km u jirta magaalada kismaayo sheegayaan in ciidamo aad u
fara badan oo ka kala yimid deegaanada afmadoow, dhoobleey iyo tuulooyin
kale ay halkaasi yimaadeen isla markaana ay ku biireen ciidamada inta
dhawaanahanba ahyed ku sugnaa halkaa ee la magacbaxay golha badbaadada iyo
midnimada qaranka soomaaliyeed
Waxaa sidoo kale la sheegayaa in ay
halkaasi soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwii uu watay jeneral morgan oo ah
ciidamadii ka haray moorgan isla mar haantaa ay ka midnoqdeen ciidamada loo
taba barayo golaha midnimada iyo badbaadada qaranka soomaaliyeed,
Hadaba waxaa saakay inoo suura gashay in
aan gurigiisa kula kulano jaamac aadan dheere oo ah gudoomiyaha ururkan
saldhiga ka dhigtay degaanka beerxaani, hadaba su aashii ugu horaysay ee aan
waydiino jaamac waxay ahyed maxay tahay ujeedada ugu weyen ee ciidamada
loogu uruurinayo looguna taba barayo deegaanka beerxaani ,
waxa uuna ku jawaabay ugu horyen
ciidamadaan waa kuwii soo dhaweyn lahaa dowlada FDKMG ah ee soomaaliyeed ee
la filayo inay dhawaantan ka hawl gasho soomaaliya sidoo kala waxa uu
sheegay in ay ciidamadaan yihiin kuwii hananlahaa maamul goboleedka aynu ka
dhisi rabno gobolka j/hoose ,
suaal: maxay ka badalayaan
ciidamadiina iyo maamulkiina gobolka j/ hoose hadii ay idiin suura gasho in
aad la wareegtaan maamulka gobolkan
jawaab. waxaan filayaa hadaanan
damacsanyen in aan wax ka badalno gobolkan in aanan dooneen maamulkeeda
waxaana jecelnahay in aan bulshda ku dhaqan gobolkan ay nabad ku seexato
kuna soo toosto taasina waxay noogu suuro galaysaa kasbashada dareenka
dadyowga ku dhaqan gobolkan,
suaal, maxaad hada kaga duwantahiin
maamulka hada ka jira gobolkan gaar haan magaalada kismaayo ee isbahaysiga
dooxada jubba,
jawaab, walaal waxaan kaga duwanahay
maamulka hada ka jira magaalada kismaayo ugu horeyen anagu ma nihin beel
kaliya ee waxaan ka koobanahay dhamaan beelaha daga gobolkan oo noocwalba
leh waxaana soo dhawaynaynaa wax walba oo dan u ah bulshada ku dhaqan
deegaankan waxaan kaloo soo dhawaynayanaa fikir walaba oo dimoqoraadi ah oo
ka yimaada shacabka gobolkan,
suaal, xageebuu maamulkiinu ka helaa
dhaqaalaha aad ku kala socodsiisaan maleeshiyooyinka aad tababarka u
fuerteen ee faraha badan,
jawaab, dhaqaalaha waxaa nala garab
taagan walaheena dibada ku sugan ee ka danqanaya dhibaatada ka jirtma maanta
gobolka j/hoose
suaal, hadii maamulka isbahaysiga
dooxada jubba ay ka horyimaadaan maamukiina maxaa idin la gudboonoo aad ku
dhaqaaqaysaan,
jawaab, waxaan ku dhaqaaqaynaa wax
walba oo dan u ah bulsho weynta ku dhaqan gobolkan waxaana mar waliba ka
dhiihdinaynaa maamul xumada ka jirta gobolkan,
hadaba isku soo wada duuboo waxaa baryahan
isfeer socda dadaalo ay wadaan labadan maamul ee kala ah isbahaysiga dooxada
jubba iyo midkan kale ee ah golha midnima iyo badbaadada qaranka soomaalieed
dadaaladan oo ku saabsan sidii ismaamul goboleed loogu samyen lahaa gobolada
jubooyinka waxaana sidoo kale ilaa iyo iminka uusan hadal ku saabsan
maamulkan cusub kasoo bixin sibahaysiga dooxada jubba
faysal xaaji siyaad muumin
kismaayo soomaliay
faysalsiyaad@hotmail.com
WararkII SHALAY:::
»Reer
London Canada oo taageeray Ra,iisal
Wasaaraha DFKMG
»Ibraahin
Cali: Waxaa Muhiimsan Dawlada oo hesha Aqoonsi
»Maalinta
xaquuqul aadamaha oo laga xusay kismayo
»Dr.Ax'ed
Ciise Qullaan oo Soosaaray Qoraal... Suldaan Hurre
»Hadalkii
Wasiir Kuxigeenka Kalluumaysiga iyo Kh/Badda
»Shir dhex
maray Xildhibaan Furux iyo Shirkad Canada ah
Dhammaan ka akhri halkan... Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|