SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AGOOTO 17
Suldan Hurre Human Rights Focus
[SHHRF]

In support for Somali human rights defense

MAALINTII XUSUUSTA - SULDAAN HURRE & GEESIYADII KALE


Marxuum: Suldan Hurre

Agoosto 17, 2004 waa sannad guuradii 2aad ee dilkii foosha xumaa ee Suldaankii qaaliga ahaa Axmed M.Hurre lagu dilay Puntland. Sida uu maxkamadda Sare ee London uu ka qirtay Col. Abdullahi Yusuf, Suldan Hurre waxaa dilay ilaaladda gaarka ah ee Kornaylka. Isagoon huur-iska-saarin, ayaa dilkaas biru-ma-goysada ah ee Suldaanka  Cabdullahi ka daawanayey meel aan ka fogayn. Dilalka noocaas ah waxay la mid yihiin kuwii loo gaystay Col. Faarax Maxamed Saciid - Faarax-dheere - (2002) iyo Cabdirahman Caydiid (1984). Waxaa marxuumiintaas ka dhexeeye oo keliya waa inay ahaayeen rag kaga hor yimid Cabdullahi xagga siyaasadda oo  keliya. Ku tacaddiga xuquuqul iinsaanka iyo caqliga ah “maan dilo ciddii iga hortimaadda intaan la xaajaysan lahaa", waxay noqotay astaanta becsharada ee Kornaylka.  

Intii Col. Cabdullahi xukunka Puntland ku qabsaday qoriga caaraddiisa 21kii November 2001, asagoo xasuuqay shacbi fara badan, Puntland waxay ku nooshahay baqdin iyo cabburis joogto ah. Tusaale, ciduna si rasmi ah uma diido karto waxa kornaylku rabo. Waxaa la yaab leh, in dhaqankaasi Kornaylku ku dhiirri geliyey inuu hunguriyeeyo noqosho madax qaran, sida madaxweyne. Shirka Keenya ka socda ee IGAD hogaaminayso ayaa Cabdullahi ka sugayaa inay Somali u khatifto oo si uu u ugaarsado wixii ka horyimaada mustaqbalka dhow mar haddii kursi lagu fariisiyo. IGAD iyo beesha caalamka waxaa la gudboon inay hangool ku qabtaan Cabdullahi iyo wxii la mid ah. Dambiilayaal waa inaan loo dooran mansab qaran ee sare, dawladda laga unkayo Mbagati, si aysan u helin xisaanad ay ku fakadaan.  

Inkastoo ay jiraan dhowr qab-qable oo dembiyo xaquuqul-insaan ah ka galay shacabka Somaliyeed, Cabdullahi waa kan keliya ee si rasmi u hor-istaagay gobollo ka badbaaday dagaalkii sokeeye (Puntland) inay samaystaan nidaam dastuuri ah ee ku dhisan sharciyad iyo  horumar. Cabdullahi ma aha nin Somali uga baahan tahay tijaabo cusub – waa nin diiwaankiisu madoowyahay, ama dhiig sokeeye ka tifqayo.  

Asbuucyo ka hor ayuu mar kale cusboonaystay xukunkiisa hore u dhammaaday wakhtigiisii. Taasi waxay ka markhaati kacaysaa nidaamka diktaatornimada ku dhisan ee looga yaqaan Puntland, “madax-ka-nool”.  Macnaha aniga keliya ayaa dhulka ka taliya, haddaan maqnahayna waa maqan yahay maamulku. Puntland waxay ahayd meel nabadeed intaan Cabdullahi khiyaamin ummadda oo uusan isaga soo dhigin hoggaamiye. Lagu khaldan lagana shalaay,waa tan maanta Somali weyn looga digayo. 

17 Agoosto waxay noqotay maalin gashay taariikhda Somalida – waa maalintii  Somaalida nabaddda jecli u baroordiiqdo geesiyadeeda u dhintay waxa ay aaaminsanyihiin. Waa maalintii uu naf waayey geesi Isim ah, aqoonyahan ah, geesi doonaya isbeddel inuu ka sameeyo dhulkiisi hooyo, ugu dambayna lagu dilay xabbad afka loo saaray jirkiisa, taasoo uu ka dambeeyey ninka hadda sheeganayo inuu madaxa ka yahay Puntland. Waxaa nasiib darro ah inaan xitaa la isku deyin in baaris lagu sameeyo ciddii dishay Suldaanka, iskaba daa in la xiro gacan ku dhiiglihii dilka Suldaanka geystay oo ummaddu wada taqaan. 

Waxaan Somalida ugu wada yeeraynaa inay si fiican u xusaan 17ka Agoosto, loona arko maalintii xusidda geesiyadii u dhinteen fikirkooda siyaasadeed. Waxaa idinka codsanaynaa inaad ku muujisaan afcaal kala geddisan sida aad uga xuntihiin xukun-xabbad-ku-raadis. Ballanteennu waa MAYA "dhaqanka mucaarad laynta". 

Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF), August 2004
Laxiriir: webmaster@suldanhurre.org

###

Afeef: Aragtida  Qoraalkan waxaa leh SHHRF

 Faafin: SomaliTalk.com | August 17, 2004

QORAALADII HORE EE LAGA QORAY MARXUUM SULDAAN HURRE


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

FEEDBACK | SEARCH

Allah Is Great
 

 



HTML CD