Halgankii
dheeraa ee qaadashada shahaadada PhD
10-jir ku niyeystay, 40-jirna ku guuleystay
SWEDEN - Anagoo kala ah ururka Alkowneyn ee waxbarashada iyo ururka
ardada jaamacadaha & jaamiciyiinta ee Sweden, ayaan waxaan halkaan tahniyad iyo
bogaadin uga direynaa Dr. Cabdullahi Warsame Afrax oo ku guuleysatay qaadashada
shahaadada PhD-da ee caafimaadka.
Cabdullahi Warsame oo hadda 40 jir ah, wuxuu ku koray
(barbaaray) magaalada Hobyo, wuxuuna soo maray marxalado kala duwan oo loo
qaybin karo afar meelood.
Waqtigii uu ku noolaa Hobyo wuxuu
bartay quraanka kariimka ah. Maddaama Cabdullahi uu quraanka ku fiicnaa ayaa
macallinkiisa quraanku ka codsaday aabihiis inaan Cabdullahi iskoolka la geyn,
taasoo Warsame ku gacansayray macalinkii sababtoo ah wuxuu u arkayey in
waxbarashadu tahay arrin muhim ah. Markaas kadib ayaa Cabdullaahi la geeyey
dugsiga hoose sanadku markuu ahaa 1970, wuxuuna bilaabay fasalka labaad kadib
markii uu ku guulaystay imtrixaan loogu gudbayey fasalkaas, isagoo halkaas ku
dhammeystay dugsigii hoose/dhaxe.
Cabdullahi wuxuu dabadeed u soo
wareegey magaalda Muqdisho halkaasoo uu qariib ku ahaa, sababtoo ah qaraabada uu
halkaas ku lahaa oo ahayd dad iska danyar owgeed. Cabdullahi oo markaas 14-jir
ahaa ayaa wuxuu goostay inuu iskiis u shaqeysto wuxuu ka mid noqday ciyaalka
guluusyada ka tola harqaamada (dawaarada) ku yaalla suuqa Xamar-weyne, halkaasoo
uu nolol maalmeedkiisa ka soo saran jiray. Cabdullahi waxaa niyadiisa mar kasta
ku jirtay inuu waxbnarashadiisa sii wato, wuxuuna billaabay inuu waqtina iskool
dhigto waqtina uu ku shaqeysto harqaanka. Waxaana u suurto gashay inuu
waxbarashadiisa dugsiga sare ku dhammeysto Muqdisho. Cabdullahi wuxuu marar
badan isku dayay inuu helo deeq waxbarasho oo dibadda ah laakiin taasi uma aaney
suurtogalin.
Kadib wuxuu Cabdullahi, sida dhallinyaro badan oo
soomaaliyeed oo kale, ka haajiray waddankiisi hooyo isagoo u ambabaxay dhinaca
dalalka carabta. Halkaasoo dantu ay ku qasabtay inuu ka xamaalo, wuxuuna marki
hore la shaqeynsan jiray koox dhallinyaro soomaaliyeed ah oo ka shaqaysan jirtay
dhismaha guryaha. Kadibna wuxuu u wareegey inuu wado baarbuurta biyaha u
dhaamisa dadka reer miyiga ee ku nool saxaaraha waddamadaas. Ugu dambeyntii
waxaa u suurto gashay inuu ku shaqeeyo harqaan oo ah shaqadii uu soomaaliya ku
soo bartay. Cabdullahi wuxuu go�aansaday inuu shaqeeyo habeen iyo maalin si uu
iskula helo lacag uu wax ku barto.
Iska daa lacag u aruurtee waxaa ku
adkaatay joogitaanka carriga carrabta, dhinaca kalena dagaalka sokeeye ee
soomaaliya oo sii xumaanayay maalinba maalinta ka dambeysay ayaa culeys dhaqaale
iyo mid bulshaba ku soo kordhiyay Cabdulaahi, taasoo ugu dambeyntii ku kaliftay
inuu Yurub u haajiro. Wuxuu soo galay Sweden sanadkii 1989, halkaasoo uu
billabay inuu barto afka waddankaas looga hadlo, wuxuuna ka billaabay barashada
afka iswiidheshka �Hur m�r du?� oo macnaheedu yahay; sidee tahay? taasoo sabatay
in saaxiibadiisu ugu yeeraan Huurmoorduu. Waxaa markiba u muuqatay inuu
fursadiihii waxbrasho ee hore uga lumay uu dib u heli karo hadii uu dadaalo.
Isagoo ka faa�iideysanaaya fursadaas qaaliga ah, ayuu Cabdullaahi, mar labaad 20
sano kadib, soo billabay aqoonta assaasiga ah (dugsiga hoose /dhaxe) sanadku
markuu ahaa 1990.
Saddex sano kadib wuxuu qaatay shahaada dugsiga sare. Bishii
Agoosto 1993 wuxuu billabay jaamacaddii ugu horreysay oo ahayd Mid Sweden
University oo ku taal waqooyiga dalka Sweden, halkaas oo uu ku hantay
shihaadada B.Sc. Ka dib bishii September, 1996 ayuu u wareegey koofurta dalka
Sweden halkaasoo uu jaamacaddii labaad (Kalmar University) ku billabay laguna
guddoonsiiyay shahaadada M.Sc. sanadkii 1998. Markaas dabadeed wuxuu Cabdulaahi
u soo wareegey Karolinska medicine University oo ku taal magaalada Stockholm,
halkaas oo uu hadda ku dhamaystay shahaadada PhD oo ah tan aan haatan halkaan
uga hambalyeyneyno. Dr. Cabdullahi waa xaqiiq inuu yahay sida loo maleynayo.
Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey:
Cadirisaaq Aaden
abdirisak.aden@telia.com
Stockholm Sweden
LIFAAQ: Bahda SomaliTalk waxa ay hambalyo u dirayaan
Dr. Cabdullahi Warsame Afrax dadaalkiisa, Allah na cilmiga uu bartay
hakadhigo kii lagu faa'iido. Dhallinta Soomaaliyeedna waxaan ku boorineynaa in
aysan weligood ka rajo dhigin sidii ay ku gaarilahaayeen heer sare xagga
tacliintooda.
HAMBALYADA
CABDULLAAHI WARSAME WAXAA LOOGU HAGAAJINKARAA QORAAGA:
abdirisak.aden@telia.com
FAAFIN:
SOMALITALK.C COM | MAY 22, 2002
.
Ardayda Soomaalida ee ka
qalinjebiyey jaamacadaha India: 2002
.
Horumarka ardayda Soomaalida Minnesota 2002
|