SHEEKO
NAXDINLEH
QAYBTII 1aad
Cajalad ayaan
nolosheydii ku burburiyey aduun iyo aakharo
Gabar yar oo
dhigata jaamacadda,gaar ahaan kulliyada Aadaabta ee qadar
ayaa waxaay kawarameysaa sidii ay kuweydey wixii ay
mustaqbal laheyd oo dhan. Gabadhaan waxaa ladhashey 3 sadex
gabdhood oo kala dhigta dugsiyada sare iyo kuwa dhexe.
Aabahood oo nin iska waxyar (dhaqaala yar) ahaa wuxuu
kashaqeyn jirey Dukaan si uu oga helo waxaay gabdhihiisa
cunaan iyo waxay labistaan.
Gabadhaani
waxay aheyd qof dadaal badan xaga duruusta schoolka .Waxay
caan ku’aheyd xaga Akhlaaqda iyo dadaalka ay waxbarashada
kubixin jirtey. Waxaay aheyd qof ah tusaale ay kudaydaan
gabdhaha kale ee jaamacada dhigta waxay kaloo ahayd gabar
aad u qurux badan. Marka lasoo gaabiyo waxaay kulansatey
dhamaan wax kasta oo fiican ee lagu tilmaamo gabar wanaagsan.
Sheekadaan oo
aan kasoo qorey Kitaab yar,wuxuu sheekhu usoo guuriyey
sitoos ah hadalkii gabadha oo uu afkeeda ka qoray ayadoo
kawaramaysa wixii qabsadey.Waa tanaa gabadhii ay qisadu ku
dhacday oo nooga sheekaysa sida ay wax udhaceen:-
Maalin
maalmaha kamid ah anigoo kasoo baxaya albaabka Jaamacada
ayaa waxaa ishaydu la kulantay wiil dhalanyaro ah oo aad u
qurux badan oo isoo fiirinaya sida qof iyaqaan oo kale!!.
Dhag jalaq umasiin oo waan iska socdey anigoo cabsi aad u
badan igashey. Wuu isoo dabagaley isaga oo ila hadlaya ,
hadallo aan wanaagsanayn oo sida caruurta loola hadlo oo
kale iila hadlayah:
qurux badan.
Waan kujeclahey….inaan kuguursada ayaan rabaa. Mudo badan
ayaan kuraadinaayey markii aan maqley Akhlaaqda iyo wanaaga
ay dadku kugu sheegayaan !
Waan ordey
anigoo iska dhaga tiraya waxa uu ii sheegayo, waayo waligey
ima soo marin arintan oo kale waligeyna nin ajnabi iga ah
lama aanan hadlin.Guriga ayaan tagey anigoo daallan oo
layaabban arrintan. Habeynkii oo dhan maseexan.Waxaay igu
noqotey yaab iyo amakaag!!
Maalintii
danbe markii aan kasoo baxey jaamacada ayaan kula kulmey
hadana iridka isaga oo isugaya iina dhoola cadeynaya. Sidii
oo kale ayaan uga cararey oo aanan waxba uga dhageysan.
Dhowr jeer ayuu sidaas oo kale iisoo weerarey oo aan
kacararaayey ilaa markii dambe uu cararkii caadi ii noqday
maalin walba.
Arrintii
sidaas ayey ku socotey maalinkastaba isaga oo soo jaraya
masaafo dheer (meel fog ka imaanaya) ilaa uu markii dambe
iisoo dhigey waraaq albaabka gurigayaga. Aad ayaan uga
shakiyey warqadaas qaadisteeda markii hore haseyeeshee
waxaan go’aansadey inaan qaado iyada oo ay gacantu
igariireyso. Markii aan furey ee aan akhriyey waxaa kuqornaa
hadalo xanbaarsan jaceyl, isyeelyeel iyo isaga oo ka
cudurdaaranaya wixii dhib ah ee uu ii geystey intii uu
idabataagnaa.
Warqadii ayaan
jeex-jeexay oo aan tuurey. Waxyar kadib ayaa waxaa soo
dhacey telephone! Mise waa isagii .Wuxuu iweydiiyey inaan
akhriyey waraaqda iyo inkale.
“Haddii
aad edebyeelanwaydo,waxaan usheegaya waalidkey waadna ogaan
doontaa wixii kugudhaca” Ayaan ugu
caga jugleeyey!!.
Wax yar kadib
ayuu kusoo celiyey telephonekii. Wuxuuna bilaabey inuu
isukey sharraxo. Wuxuu iisheegey inuusan xumaan ila
dooneynin ee uu rabo inuu iguursado. Wuxuu igadhaadhiciyey
inuu yahay nin hantileh (maal qabeen ah). Wuxuu ballan qac
kusiiyey inuu dhisi doono daarta uguweyn magaalada oo aan
anigu ahey Amiirrada kali ah ee dagi doonta iyo inuu
isiindoono wax alle iyo wixii aan ubaahdo ee aduunyo ah.
Wuxuu intaas kudarey inuu yahey qofka kali ah ee kaharey
reerkooda ee nool maanta oo aysan jirin cid kuheysata
hantidaas faraha badan ee uu haysto
waxaa kamaqan
aytahey xaas wanaagsan oo edebleh sideyda oo kale.
Sharraxaad
dheer kadib waan uqalbi nuglaaday. Waxaana bilaabey inaan
kadhageysto sheekada waxaan is arkey anigoo iska
dhagaysanaya. Marka uu soo diro telephonada. Waxaan is arkey
anigoo kasugaya telephone maalinkasta oo haddii uu soo
diriwaayo aan kawalwalo sababta uu usoo diriwaayey. Iyo
inaan sugo marka aan kasoo baxa jaamacada bal inaan arko
ninka ii balanqaadey mustaqbalka rajada wanaagsan.
Maalin anigoo
kasoo baxaya jaamacada ayaan kula kulmey albaabka isaga oo
taagan. markaas ayaan kala bad-batey farxad. Waxaan bilaabey
inaan gaarigiisa lafuulo oo aan kusoo wareegno magaalada
anagoo sheekeysaneyna.
Marka aan
lajoogo,waxaan noqdey sidii qof aan laheyn Ikhtiyaar sida uu
ii hantey awgeed. Awood umalaheyn inaan is weydiiyo sababta
aan ninkaan ula socdo. Waxaad mooda inuu iga siibey wadnaha
.
Waxaan
bilaabey inaan rumeysto dhamaan hadaladiisa gaar ahaan marka
uu iguyirahdo waxaad tahey xaaskeyga mustaqbalka dhow.
Daar weyn ayaan kuu taagaya. Dunida oo dhan baan
kudabaalsiinaya. Dadna waa adiga oo kali ah……
Maalin
maalmaha kamid ah (Maalin madow) ayuu burburiyey
noolasheydii!Wuxuu sitoos ah udumiyey mustaqbalkeygii oo
dhan! Wuxuuna igu ceebeyey Ummada oo dhan horteeda!!
QAYBTA 2aad: HALKAN KA AKHRI - GUJI
Abuzuhri Iyo
Musanaf Abdirisaq
Kala xidhiidh
qoraaga
musanaf@hotmail.com
AFEEF:
Qoraalkaan waxaa laga soo tarjumkey luqada carabiga,
qoraagana qaybta labaad ayaad kula kulmi doontaan
June 2002
|