Zakada beeraha
iyo waajib nimadeeda
Alle wuxuu waajibiyey zakada beeraha wuxuuna kucadeeyey kitaabka
qur aanka suurada baqara aayada 267 wuxuu kaloo Alle kucadeeyey
suurada al ancaam aayada 141,
Noocyada lagaqadi jirey zakada waqtigii rasuulka
Waqtigii rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee
waxa zako lagaqaadi jirey "Sareenka Galeyda Timirta Sabiibta
Xadiis abiiburdata uu kawerinayo abii muusaa iyo mucaad Allaha
karaali noqdee wuxu yiri wuxuu udiary rasuulku labadaasnin nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yaman, ayagoo baraya dadka
amarka diintooda
wuxuu amray inaanay kaqaadin zako waxaan afartaan ahayn waana
Xindo, Shaciir, Timir, Sabiib, waana afartaan kor kusoo sheegnay ,
waxa weriyey daaruqudni, xaakim,dabaraani, iyo beyhaqi, Ibnu mundiri
iyo ibnu Cabdulbarri waxay dheheen culumadu waxay isku raaceen inay
zakadu waajib kutahay afartaas nooc ee aynu soo xusnay,
Noocyada anlaga qaadi jirin zako
Zako lagama qaadi jirin waqtigaas khudaarta iyo wixii qayrkeed ah
oo fawaakihaad ah canabka iyo timirta maahee, laakiin in loo eego
hadii waxani yihiin ganacsi waxaa laga rabaa zako hadii kalena waa
masaariif iyo wixii lamida,
Tarmadi wuxuu yiri, ahlucilmigu saas ayey kucamal falijireen
inaan zako lagaqaadin wixii khudaar ama khudrawaad ah. Qurdubi wuxuu
yiri, zakadu waxay kutacaluqdaa ama kuxirantahay wixii laquuto
(lacuna) khudaarta maahee, Ibnu qayim wuxuu yiri, zako lagama qaadin
kuwaan ay kamid yihiin Fardaha, Adoomaha, Baqlaha,Dameeraha,
khudrawaadka(khudaar) iyo fawaakihda aan labeegi karin (lakiili
karin) lanakaydin karin wuxuna sooreebay Cinabka iyo Timirta oo wuxu
yiri waa lagaqaa dayaa zakada,
Nisaabka zakada miraha
Ahlu cilmiga intooda badani waxay qabaan inaan wax zako ahi kuwaa
jibin miraha beeraha ilaa ay gaaraan shan owsuq oo udhigma qiyaastii
300 ee Suus oo lamida 653 kg oo lasafeeyey,(lasaafiyeelay) Yacni
laga saaray qisharkii iyo xuubkii sida qolofta bariiska oo kale,
laakiin hadii looga tago qashirka ama qolofta waxaa shardi ah inuu
gaaro nisaabku qadar leeg toban owsuq unadhiganta 600 ee suus oo
lamida 1304 kg,
daliilkuna waa xadiiskan Abuu hureyra wuxuu kaweriyey nabiga
nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee inuu yiri: (malaha zako
wixii kayar shan owsuq) waxaa weriyey axmad iyo beyhaqi, xadiis kale
waxa werinaya Abuu saciid alkhudriyi wuxuu kaweriyey nabiga nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee inuu yiri: (sadaqo malaha
wixii kayar shan owsuq oo timir iyo xaba ah) (sadaqo macnaa zakada
ayaaloo isticmaalaa) (xaba macnaa miraha xabuubkaa sida bariiska ama
sareenka) Owsuqu waa 60 saac markii lagu dhufto shan waa 300 ee saac
oo udhiganta 653kg, waana nisaabka miraha beeraha kasoo baxa,
Malasii cuni karaa miraha beerta intaanay soogo’ in beertu
waxaa ubanaan ninka beerta leh inuu kacuno beertiisa wixii
baahidiisaa lagumana xisaabinayo dushiisa wuxuu kacunay beerta
intaan lagoosan miraha, laakiin markii lagooyo ee lagasafeeyo
qashirka waxaa laga bixinayaa zakada wixii saafi noqda ee soohara,
Axmad ayaa lasu’aaley ninku beertiisa muxuu kacuni karaa ?
wuxuu yiri baas malaha wuxuu kacunaa ninku beertiisa oo baahidiisa
ah waxa kaloo kuraacay saas shaafici, leys, iyo Abuu xasmi,
Mirihii oo laysu geeyo noocyadoodii
Miraha waxay culumadu isku raaceen in laysu geyn karo qaarba
qaarka kale Haba kala cusbaadeene ama hakala liitaane sida kuwa
fiican iyo kuwaxun Waxay kaloo isku raaceen in xoolaha ganacsiga
loogeynayo lacagta kaashkaa oo markaas laysku xisaabinayo tusaale
waxaad haysatay 1000,kun loor ee raashin ah markaas ayaad waxaad
iibisey 500,shan boqol ee loor, qaybta lacagtaa iyo qaarka weli
raashin ahaan utaal waa laysku xisaabinayaa ee lama kalaqaadayo,
laakiin loomageyn karo xoolaha nool sida Geela iyo Lo,da siloo
kaamilo nisaab ee midkood kasta waxaa lagarabaa inuu iskii ama gaar
ahaantiisa ugaaro tiradii zakadu kawaajibaysey,
mirahana sidoo kale laysuma geynayo labajinsi oo kaladuwan sida
galeyda looma geynkaro masangada, timirta loomageyn karo sabiibta,
inkastoo khilaaf kajiro inlaysu geynkaro xabuubka (sida sareenka
bariiska)
waxaase xoogbadan inaan laysugeyn karin kuwaasoodhan siloogu
xisaabo midkood midka kale nisaab gaaridiis, waxaase fiiradu tahay
in jinsi kasta ama noockasta gooni ahaantiisa asagoo utaagan
lagahelo cadad nisaab gaaraya, saas waxaa qaba Abuu Xaniifa,
Shaafici, riwaayaadka Axmad midood, sidaas ayeyna kutageen culimo
farabadan oo salafkii kamida,
Ibnu Mundiri wuxuu yiri waxay kukulmeen inaan laysugeyn Geel iyo
Lo, Inaan laysugeyn Lo, iyo Ari, inaan laysugeyn Timir iyo Sabiib,
waxkaloo qeyrkoodana anloogeyn karin, wuxu yiri mahaystaan daliil
saxiixa kuwa oranaya waalaysu geynkaraa jinsiyada kaladuwan.
In lagubixiyo zakada wax wanaagsan
Allaha xumaan oo dhan kanasahan ayaa amray qofka zakaynayaa inuu
bixiyo Wax wanaagsan oo maalkiisa kamida, wuxuuna reebay inla
sadaqeeyo wax liita, sida kusugan suuratul baqara aayadda (267)
saxaabiga layiraahdo Baraa waxa lagaweriyey inuuyiri aayaddaasi
waxay kusoo degtey anaga hadaanu nahay ansaar, waxaanu ahayn dad
timireed, macnaa timirta ayaa aad ugubadnayd beerahayaga, wuxuu
tegijiray qofkanagu beertiisa markaasuu kasoo qaadijiray rucub
timira ama labarucub hadba intuu helikaro markaasuu masaajidka
surijiray,
waxaana jiray dad ahlusufa looyaqaan ee masaajidka kunool wax
cuntaana an haysan, markaas ayaa midkood markuu yimaado masaajidka
wuxuu imaanayaa meesha timirtu surantahay, markaasuu kudhifanayaa
ushiisa waxana ugasoo daadan timir cusub oo qoyan(busur) iyo mid
adkaatay ee horay ubislatay sida tan aynunaqaan, markaas ayuu
cunijiray,
Waxaana jiray dad aan khayr doon ahayn oo midkood wuxuu keenayaa
rucub ayku yaaliin timirta nooca qalashay ayadoon korin ama gaarin
tankeedii lagarabey waxana looyaqaan luqada carabiga (shiis)
waxakaloo kuyaal rucubkaas timirta nooca bololka looyaqaan ee
maqaarka kore kadilan taasina luqada carabiga waxa looyaqaan (xashaf)
markaasuu kalulayaa masaajidka, markaasaa Alle soodejiyey aayaddan
aynu korkusoo xusnay ee suuratul baqara aayadda(267) markaas aayaddu
soo degtey kabacdib wuxu keenayey qofka nagamida ee doonaya inuu wax
sadaqeeyo waxa wanaagsan ee uu hayo, waxa weriyey tarmadi wuxuna
yiri waa xanu saxiixun qariib.
Showkaani wuxuu yiri waxa kusugan xadiiskan daliil ah inaanay
ubanaanayn ninka hantida leh inuu kabixiyo wax liita hantidan
wanaagsan ee zakadu kuwaajibtay, naswaxay kutahay timirta, qiyaasna
waxaa looga qaadanaya jinsiyaasha ama noocyada kaladuwan ee zakadu
kawaajibto.
Malabka zako malaga rabaa ?
Jamhuurta culumadu waxay qabaan inaan malabka zako lagu lahayn ,
Bukhaarina wuxuu yiri malabka wax zakaa oo kasugnaaday nabiga nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, xagiisa ee nas ah malaha,
Shaaficina wuxuu yiri malabku wuxuu ahaaday mid layska cafey
maadaama an waxnas ah oo kusugani jirin,
laakiin xanafiyadu waxay qabaan in zako laga rabo malabka oo
waxay dheheen raad ama asar baaloo hayaa waxayna leeyihiin waa shey
labeegi karo lana kaydsan karo saas awgeed waxa lagarabaa zako ,
waxaa kaloo qaba in zako lagarabo malabka imaamu axmad, wuxuuna
ushardinayaa inuu gaaro 160 Rodol miisaan leeg,
Allaah ayaa kucilmi leh.
Qore: Mohamud M. Isse (Ufayn)
ufayn@somalitalk.com
Nairobi, Kenya