Dariiqada Timawaynta oo aan umadda la Ciidin maalintii khamiistii
Waxaan u hoydey magaalada Burco habeenkii ciiddu soo gelaysey oo ku
beegnaa maalintii khamiista 20 January 2005, waxaan ka jarmaaday intii
aan salaadda subax la tukan, inkastoo aan keligay ku ahaa gaadhiga aan
watey haddana ma dareemin wax baqdin ah oo aan ka ahayn dhurwaaga
xilligii aan tukanayey salaadda subax oo aan ku beegmay meel hawd ah
oo cidla ah.
Qorshahaygu wuxuu ahaa inaan ku ciido magaalada Laascaanood oo u jirta
Burco 240KM anigoo ku qiyaasayey socodkayga 2:30hrs.
Goortii aan marayey tuulada Yagoori oo Lascanod dhinaca Burco ka xigta
qiyaastii 50KM ayaan la kulmay niman culimo ah oo aan garanayey una
diyaar garoobayey inay tukadaan salaaddii ciida, ka dib markii aan is
bariidinay waxay iga codsadeen inaan salaadda la tukado iyaga oo aanan
dhaafin, waana ka yeelay maadaama aan saaka markaan soo baxayey aan u
soo diyaar garoobay tukhashada ciida.
Waxaase fajiciso iyo la yaab igu noqday ka dib markii aan ogaaday in
dariiqada Timaweyntu ay go'aansadeen in aysan maalintaa dadka la
tukan, sidoo kale ay dadkii tuulada deganaa ay ku qalqaalinayaan
inaysan tukan maanta salaadda ciida.
Tuulada Yagoori waxay xarun u tahay dariiqada loo yaqaan Timaweyn ama
Rabiiciya oo looga jeedo magaca ninka asaasay oo la yidhaahdo Maxamed
Rabiic oo ilaa maanta ku nool xaruntiisa Yagoori.
Waxay xarumo badan ku leeyihiin meelo badan oo wadanka ka mid ah,
waxaana lagu gartaa timaha oo ay la baxaan raggu ka dibna ay labada
dhinac u kala rogaan, waxay kaloo qaataan rag iyo dumarba tusbax
madow oo aan bul lahayn, dumarkoodana way kala dagaalamaan xijaabka,
dadka lama tukadaan haddiise ay kelifto waxay isku dayaan inay iyagu
tujiyaan.
Way jiraan qaar aysan waajib ku ahayn inay timaha la baxaan, sida
dadka ay u diraan siyaasadda iyo kuwa askarta ah, laakiin waa ku
khasbanyahay inuu tusbaxa dariiqada qoorta ku sito.
Dariiqadan taariikh ahaan waxay ku beegnayd asaaskeedu xilligii uu
Ingriisku gumaysanayey Somalia, waxaana la sheegaa in ninkan asaasay
dariiqadani uu ka faliidhmay dariiqo kale oo weli ka jirta galbeedka
Somalia ee hadda xabashidu weli gumaysato.
Ninkani dhalasho ahaan uma dhalan Yagoori, wuxuuna kasoo jeedaa
beelaha dega galbeedka Somalia, hase ahaatee waxaa taabacsan dad badan
oo deegaanka ah.
Dariiqadani sida la wada ogsoonyahay waxay xidhiidh wayn la lahayd
dawladdii burburtay ee Siyaad Barre madaxda ka ahaa, waxayna saami ku
lahaayeen dhaqaalaha ciidamada qalabka sida.
Sidoo kale waxay xidhiidh aan kaa ka duwaynayn ay la leeyihiin
maamulkii C/laahi Yuusuf ee Puntland iyo kan Somaliland ba.
Taas waxaa cadayn la taaban karo maanta u ah goobta ay degan yihiin oo
sida lawada ogsoonyahay labada maamul isku hor fadhiyaan ciidamo
laxaad leh, iska hor imaadna ka dhacay, haddana ay weli iyagu
hubkoodii oo nooc walba leh ay ku dhex haystaan iyagoo aan cadaysan
inay qolana la jiraan ama ka soo horjeedaan!!
Sidoo kale waxay aad isugu taxalujiyaan inay hantiyaan dadka
dhaqaalaha ay ku tuhmayaan si ay dhaqaalaha uga faramaroojiyaan xeelad
kastaba ha isticmaaleene.
Dariiqadani waxay isticmaashaa farsamooyin badan oo ay dhaqaale ku
hesho, qofkii aad ugu fiirsada wuxuu u fahmayaa inay yihiin koox
hadafkooda ugu wayni yahay inay dhaqaale uruuriyaan.
Waxaa kamid ah farsamooyinkooda; inay ninba ninkuu ka aftahansanyahay
u diraan tolkiis si uu xoolo uga soo uruuriyo, xoolahaas waxaa lagu
magacaabaa siyaaro, waxaana lagu soo qaadayaa magaca shiikha, dadka
xoolaha laga qaadayo waxaa loogu bushaaraynayaa inay xoolo iyo dadba
helayaan, haddii ay ku gacan adaygaana waxaa loogu hanjabayaa inay
xoolaha iyo dadkuba ka baaba'ayaan barakada shiikha awgiis.
Xeelahada ay wax ku qaataan waxaa ka mid ah inay adeegsadaan sixirka
iyo jinniyada, dadka iyaga raacsan ee dhaqaalaha leh ayaa ka muhiimsan
kuwa culimada u ah maxaa yeelay iyaga waxbaa laga helayaa, waa u
tirsanyihiin meel uu joogaba ninka jeebkiisu qoyanyahay.
Dhaqanka iyo Caqiidada Dariiqada Timaweyn
Waxaa ka mid ah waxyaabaha ay diin ahaan ugu dhaqmaan arimahan:
1. Wayneynta Shiikhooda Maxamed Rabiic: Waxyaalaha ay aaminsanyihiin
oo ay dadka kula murmaan waxaa ka mid ah in Shiikhoodu meel ay
joogaanba arkayo, sidoo kalana uu maqlayo waxa ay ku hadlayaan sidaa
awgeed waxay si xadka ka baxsan uga baqaan shiikha inay soo hadal
qaadaan.
2. Jimce iyo jamaaco midna ma tukadaan: waxaa la yaab leh in xarunta
Yagoori ay ku leeyihiin ee shiikhoodu fadhiyo aysan masaajidba lahayn,
waxay leeyihiin meelo waaweyn oo ay ku qaadaan xadrada qaadkana ku
cunaan, salaadana mid ba mar buu iska tukadaa, sidoo kale lama arag
timawayn jimce tukanaya, inay tukadaan iska daaye dadka ayayba kala
dagaalamaan inay tukadaan.
3. Xajka oo ay la dagaalamaan: waxay iyagu sheegtaan in xajkii bidco
qabsatay oo aysan banaanayn in la aado, laakiin waxaa cad in dadka
iyaga taabacsan ay kala dagaalamaan inay xajka aadaan.
4. Sakada oo aysan bixin: xoolaha ay dadka ka qaadaan aad bay u badan
yihiin, xoolahaas geel, adhi iyo lo'ba leh oo gaadhaya kumanyaal waxay
ka aaminsanyihiin inaysan sako ku waajibin maadaama ay dariiqadu
leedahay, sidoo kale dadka xoolaha ay ka qaadaan waa siyaaro ee sako
maaha.
5. Adeegsiga sixirka iyo falka: waana ta ugu badan ee ay dadka ugu
hanjabaan, dad badanina kaga baqaan, waxay sixirka ugu adeegaan dadka
madaxda ah ee ay markaa la socdaan.
Silsiladdii
Taariikhda Islaamka: Qaybtii
10aad
»Quwadda
Sabarka ee Sugnaanshaha Dhalisey
»Marxaladdii
saddexaad Ee Dawrka Makko
»Gaarsiinta
Dacwada Islamka Meelo Ka Baxsan Gudaha Makko
»Rasuul
Alle (scw) oo Daaif Jooga
»Islaamka
oo Loo Bandhigayo Qabiilooyin & Shakhsiyaad
»Qabiilooyinkii
Islaamka Loo Bandhigay
»Guurkii
Caaisho ...
Dhammaan ka akhri
halkan... Jan 17 |
6. La dagaalanka faafista tawxiidka, cilmiga, wanaaga iyo barashada
quraanka iwm.
7. Cunista qaadka iyo faafintiisa.
8. La dagaalanka xishoodka iyo dhowrsoonaanta: Haddii aad meel ay ku
badanyihiin tagto oo aad dumarka gacan qaadi waydid waxaa laguu
qaadanayaa inaad bidco tahay.
9. Yaqiinta: Waxay aaminsanyihiin in qof ka shiikha aad daacad ugu
noqda uu gaadhayo darajada yaqiinta, taasoo cibaadada oo dhan laga dul
qaadayo markuu gaadho yaqiinta.
10. Khilaafka umadda: Had iyo goor waxay khilaafaan umadda sida
aragtida bisha soon, maalmaha ciidaha iwm.
11. Faafinta jahliga: dariiqada dadka ka sheqeeya waxay badankoodu
raacaan xoolaha shiikha, waana dad lagu shaqaysto oo adeega shiikha
iyo reerkiisa oo dhan.
12. Guurka oo la xadido: Dadka dariiqada ka tirsani xoriyadooda uma
guursan karaan ilaa loo fasaxo.
Qisooyin Dhab ah
1. Xilligii aanu salaada ciidda u fadhiney garoon tuulada ka baxsan
ayaa waxaa na soo hormaray nin aan ku qiyaasay 50 jir oo timuhu u kala
jeexanyihiin oo aan wadan go' iyo cimaamad midna, keliya wuxuu
gashanaa macawis aad duug u ah iyo shaadh, ninkaasi wuxuu dabada ka
waday lo' aad u buurbuuran oo farabadan kana soo dareertay xarunta
shiikha oo aan sidaa nooga durugsanayn, dadkii garanayey waxay ii
sheegeen inuusan weligii ninkaasi guursan muddo dheerna uu lo'da u
raacayey shiikha.
2. Waxaa kaloo jirey inan aan garanayo oo dhowaan la keenay xarunta oo
isagu nasiib u helay inuu shiikha geela u raaco, waxaana loo diray
Wardheer oo beryahan dambe xoolaha badankoodii loo wareejiyey,
inankaasi ka dib markuu sanad ka maqnaa reerkoodii ayaa loogu warkeenay
hooyadii in inankii isagoo waalan ku xidhxidhanyahay xarunta Yagoori
oo ay tahay inay soo kaxaysato inankeeda !!
3. Reer hebel haddii aad 100 halaad keentaan waxaan idin
le'ekaysiinayaa reer hebel oo waad tarmaysaan waa qiso kale oo
dhacday, ka dib markay keeneen waxay sugayaan maanta inay dhowaan
tarmaan oo gaadhaan reer hebel !
Qoraalkani maaha daraasad tafatiran oo si qota dheer uga turjumaysa
dariiqadan iyada (Timoweyn), sidaa darteed waxaan ka codsanayaa waxgaradka
umadda Somaaliyeed inay wixii macluumaad ah ee ay ka hayaan dariiqadan
iigu soo diraan emailkan:
jamaalm@gmail.com
Jamaal Maxamed
jamaalm@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraagaku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 23, 2005
WAHAABINIMO
MISE ISLAAMNIMO? [Q.2aad]
HTML ku baro AfSoomaali... GUJI....
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|