WAHAABINIMO MISE ISLAAMNIMO?
Qaybta 1aad::::
Asbuucii hore ayaan
waxaan ballan qaaday inaan
asbuucan soo saaro qormo aan kaga hadlayo waxa loo yaqaan “Wahaabiyada”
ma dhabbaa mise waa dheelalaw. Markii aan arrinkaas ballan qaadayey
waxaan damacsanaa inaan ka hadlo, kaliya, jiritaanka iyo jiritaan
la’aanta “wahaabiyah” hase yeeshee waxaan gadaal ka go’aansaday in aan
qormada balaadhiyo, anigoo ka dhigaya labo ilaa saddex maqaal oo soo
kala horreeya.
Kan ugu horreeya waxaynu ku eegaynaa arrimaha soo socda:
- Yaa magacan bixiyey? Yaase loo bixiyey?
- Maxaa loola jeedaa magaca “wahaabiyah”?
- Maxay dunida islaamku, gaar ahaan Jaziiradda carabtu ku sugnayd markay
bilaabanaysey dacwadii Sh. Muxammed Cabdilwahaab?
Maqaalada soo socda iyagu waxay ka hadlayaan arrimaha soo socda:
- Mabaadi’dii dacwadiisa ? Mase jiraan wax cusub oo uu la yimid?
- Yaa ka horyimid maxaase looga horyimid?
- Culumadii taageerada iyo bogaadinta siisay
- Saamaynta dacwadiisa Dunida Islaamka iyo Soomaaliya
- Gabagabo
Yaa Magacan Bixiyey?
Yaase Loo Bixiyey?
Magaca “wahaabiyah” wuxuu markii ugu horreysey soo baxay bartamihii
qarnigii 18-aad e miilaadiga, oo ku aaddan qarnigii 12-aad e Hijriga[1]. Waxay ahayd markii ay Jaziiradda Carabta ka soo baxday dacwadii uu
hoggaaminayey caalimkii Reer Tamiim ee Muxammed bin Cabdil wahaab.
Caalimkaasi waxa uu ahaa hoggaamiye aad isugu hawlay wax weyna ka qabtay
islaaxinta iyo hagaajinta Ummadda Islaamka oo runtii xaaladdeedu, sida
aynu gadaal ka sheegi doono, ay ahayd mid in badan laga baroorto. Waxa
uu raad aan la illaawikarin iyo saamayn aan yarayn ku reebay dhammaan
dhaq-dhaqaaqyadii islaaxinta iyo baraarujinta ee isaga ka danbeeyey, si
gaar ahna wuxuu wax uga qabtay Jaziiradda Carabta, oo uu ka aasaasay
dawlad ku garab istaagtay dacwadii uu wadey. Maanta waxaynu dhulkaas ku
arki karnaa raadkii uu sheekh Muxammed kaga tagey.
Markii ay dacwada sheekhu soo baxday waxay dadku u qaybsameen labo
kooxood oo aad isaga soo hor jeeda.
1. Qolada koowaad markii ay arkeen dacwadan khayrka qabta ee uu sheekhu
ku baaqayo, iyo sida loogu baahanyahay, isla markaana ay ogaayeen
xaaladdii ay Ummadda Islaamku ku sugnayd intii aanu sheekhu dacwadiisa
bilaabin, iyo baahidii isbeddel loo qabey; ayay waxay yidhaahdeen ahlan
wa sahlan. Way taageereen wayna difaaceen. Waxaana ka mid ahaa culimadii
dunida Islaamka ugu caansanayd, oo aynu gadaal ka sheegi doonno
magacyadooda iyo siyaabihii kala duwanaa oo ay u garab istaageen.
Waxaana ka mid ahaa culimo soomaaliyeed oo aynu iyana sheegi doonno.
2. Qaarka labaad waxay ahaayeen:
- Ashraaftii markaas xukuntey Labada Xaram iyo amiirro iyo odayaal
dhaqameedyo ay iyaga u kala qoqobnayd Jaziiradda Carabtu, oo iyagu u
arkay in kacdoonkani halis ku yahay awoodooda iyo imaaradihii ay
haysteen.
- Kooxihii suufiyada oo iyagu halkaas ku haystey dariiqooyin aad u
xoogbadan, masuuliin iyo horjoogayaalna ka ahaa qubuurihii halkaas lagu
“caabudijirey”, qubbadihii iyo mazaaraadkii, kuwaas oo dadka ugu
sheekayn jirey inay iyagu yihiin awliyo u dhexaysa iyaga iyo Ilaahood.
- Kooxo culimo ahaa oo u tacasubayey [ku mintidayey] madaahibta, una
arkayey in sheekhu halis ku yahay madaahibtooda.
- Quwadihii gumaysiga oo iyaguna markii danbe si toos ah uga hor yimid
isbeddelkii iyo dhaqdhaqaaqii sheekhu horseeday, una arkay baraarug si
degdeg ah ugu faafaya Ummadda Islaamka, khatarna ku ah danahooda gumeysi.
Magaca Wahaabiyah
Xagguu Ka Yimid?
Awoodahaas oo idil ayaa waxay isku kaashadeen sidii ay u hor istaagi
lahaayeen dacwadan curdanka ah. Waxayna ku dadaaleen inay dadweynaha iyo
caamada gacanta ku dhigaan, ayna kala dhex istaagaan baraaruggan cusub
iyo dadweynaha.
Waxay arrintaas u adeegsadeen wax walba oo ay awoodi kareen.
Waxay dadka ugu sawireen in uu sheekhu yahay mid diinta beddelaya, isla
markaana keenaya waxyaabo cusub oo aan horay loo aqoon. Waxay arrintaas
uga faa’iidaysteen jahligii tirada badnaa ee geyigaasi daboolay. Waxay
sheekha iyo Dacwadiisii u bixiyeen magacyo cusub oo ay dadka kaga
cayrinayaan, sida “WAHAABIYAH” iyo “KHAWAARIJ”. Waxay qoreen buugaag iyo
dhanbaallo farabadan oo ay dadka uga digayaan baraaruggan cusub. Waxay
falkiyeen dicaayado iyo sheekooyin aan jirin. Waxay ku ceebeeyeen
masalooyinkii sunnada iyo tawxiidka ee uu sheekhu dadka ku bararujinayey,
iyagoo ka dhigay masalooyin gaar u ah “Wahaabiyo” iyo “Bidco”.
Xaqiiqaduse waxay ahayd mid taas aad uga fog. Dacwadani waxay ahayd mid
dadka ugu yeeraysey inay diintooda dib ugu laabtaan, iyadoo Islaamka
laga sifaynayo shirkiyaatka, bidcooyinka, khuraafaatka iyo ku mintididda
madaahibta ama tacasubka.
Isagoo arrintaas wax ka tilmaamaya caalimka Reer Suuriya ee aadka
looyaqaan, barahana ka ah Kulliyadda Shareecada ee Jaamacadda Dimishiq
Dr. Wahbah Al-Zuxeyli wuxuu yidhi: “ Haddii uu hadlo mid naseexaynaya,
ama uu danqado nin daacad ah, ama uu istaago mid qiiraysan oo difaacaya
sharciga Ilaahay, isla markiiba waxay caamada iyo wax ma garatadu –waana
inta badane- ku tuhmayaan inuu diintiiba ka baxay ama uu gooni u baxay
ama uu dabadhilif u yahay qolo kale, iyaguna waxay is moodayaan inay
diintii saxda ahayd ku taaganyihiin, ama ayba hor joogayaal iyo waardiye
u yihiin”[2]
Waxay xoogga saareen in ay hirgeliyaan magaca “wahaabiyah” si sheekha
iyo kacdoonkiisa islaaxa ahiba ay u noqdaan wax ummadda inteeda kale ka
duwan.
Magaca “wahaabiyah” waxay ka soo qaateen laba meelood mid kood:
- 1. Waxaa jirtey koox la odhanjirey “wahaabiyah” oo qarnigii labaad ee
hijriga kasoo baxday waqooyiga Afrika, halkaasoo uu ku aasaasay
Cabdurraxmaan bin Cabdulwahaab bin Rustum (dhintay 190 h). Kooxdani
waxay ahaayeen koox khawaarij ah, Ibaadiya ah, dadka muslimiinta ah oo
dhanna ku gaalnimo xukmiyey isla markaana dagaal hubaysan ku qaaday.
Culimada Maqrib iyo Undulus waxay ku xukumeen baadinimo iyo lunsanaan.
Waana kooxdaas tan aad ku arkaysid kutubta culimada Reer Maqrib [Waqooyi
Afrika], sida kitaabka “Al-Micyaar”.[3]
- 2. In laga soo qaatay magaca sheekha aabihiis “CabdulWahaab”
Isagoo markale xaqiiqadaas qeexaya waakan caalimkii Reer Suuriya Ustaad
al-Zuxeyli: “Dadaalkii adkaa ee uu Ibnu Cabdulwahaab u galay mabda’a
tawxiidka, iyo sidii uu mujtamaca muslimka uga nadiifinayey shirkiga iyo
Bidcada, ayaa waxaa isaga iyo kuwii raacsanaa lagu magacaabay (al-Muwaxidiin)
ama (Ahlu tawxiid) … (Ahlu al-firqah annaajiyah) kuwii ka soo hor
jeedayna waxay ku magacaabeen (wahaabiyiin) iyagoo sheekha ugu
abtirinaya. Magacan danbe ayaana dadka ku dhex faafay… gaar ahaan Reer
Yurub. Qaarkoodna wayba gafeen oo dhaqdhaqaaqan isbeddel doonka ah ayay
waxay ka dhigeen mad-hab cusub oo madaahibta islaamka ka mid ah, iyagoo
iska raacay been abuurkii cadawga sheekha, gaar ahaan Turkidii
Cusmaaniyiinta. Qaarbaaba yidhi waa (khawaarij), qaarna waxay kala mid
dhigeen (Raafidada shiicada) iyo (Baabiyada)”[4]
Sheekha iyo ardaydiisii toona iskuma aanay magacaabin “wahaabiyah” mana
aanay ku xusin kutubtooda iyagoo isugu yeeraya.
Waxaa kale oo xaqiiqa ah in magacani aanu si ballaadhan u faafin intii
uu Sheekhu noolaa, xataa mustashriqiintii (culimadii Reer Galbeedka)
sheekha la casriga ahaa ma aanay isticmaalin. Inta la ogyahay xagga Reer
Galbeedka waxaa ugu horreeyey cid magaca “wahaabiyah” isticmaasha ninkii
ingiriiska ahaa ee Barley Hurt ee qoray buugga “a New Religion” 20 sano
ka bacdi dhimashadii sheekha Allah ha u naxariistee.
Run ahaantii ma aanay jirin wax sabab ah oo ay magac cusub ku qaataan,
maxaayeelay dacwadii uu sheekh Muxammed bin CabdulWahaab ku baaqay may
ahayn mid cusub ee waxay ahayd tii uu Nabi Muxammed (SallAllaahu Caleyhi
wasallam) dadka ugu baaqayey, culimada islaamka oo mujaddidiinta ahina
ay marwalba kusoo celcelin jireen. Ulama jeedo inay khaladka ka
dhawrsoon yihiin ee way dhicikartaa in sheekha iyo ardaydii wax ka
baratayba ay gefaan, maxaa yeelay qofwalba wuu gefi karaa. Nabiyada uun
baana macsuum ah (c.s.).
Haddii markii sheekh caalim ah uu soo boxo, oo dadka ugu yeero inay
diintooda si dhab ah ugu laabtaanba aynu magaca sheekhaas ka dhigno
firqo hor leh, bal qiyaas! Immisa firqo oo isku mid ah haddana kala
duwan ayaynu maanta hayn lahayn?
Nabigu (S.C.W.W) wuxuu inoogu bishaareeyey in boqolkii sanaba la heli
doono cid ummadda diinteeda u cusboonaysiisa[5]. Boqolkii sanaba ma koox
iyo magac horlaa? Mise diintu waa diintii, ninkii dadka ugu yeerana waa
mid ka mid ah culimada islaamka?
Haddaba waxaa muuqata in aanu gar ahayn magaca “wahaabiyah”, isla
markaana aanay ahayn firqo cusub iyo dariiqo cusub midna. Waxaa intaas
weheliya in magacani uu yahay mid ay bixiyeen oo baahiyeen kooxihii
liddiga ku ahaa dacwadii sheekha, dano gaar ahna ay ka lahaayeen.
Waxaa kaagasii daran, in kooxahaasi magacan caamada uga dhigeen meel
bahala galeen ah, iyo kiish lagu uruuriyo wax kasta oo dadku necebyihiin.
Waxaa iyana waayadan danbe ciyaarta soo galay Maraykanka iyo Reer
Galbeedka uu horkacayo, oo isku dayeya inay magacan “wahaabiyah” u
adeegsadaan sida “argagixiso” “asal raac” “xag-jir” iyo dhammaan
tilmaamaha ay ugu yeeraan dadka ay necebyihiin.
Maxay Dunida Islaamku, Gaar Ahaan Jaziiradda Carabtu Ku Sugnayd Markay
Bilaabanaysey Dacwadii Sh. Maxamed Cabdulwahaab?
Dhammaan taariikh yahannada marxaladdaas wax ka qoray, muslin iyo
gaalaba, waxay isku raacsanyihiin inay ahayd mid uu qarsoomay wajigii
qurxoonaa ee islaamku. Jahligii, dib u dhicii, dulmigii, shirkigii,
bidcooyinkii iyo dhammaan waxa mugdi qaamuuska ku qoran ayaa bulshadaas
ku habsaday. Cadawgoodii ayaa usoo bareeray, waxayna noqotay ummad tiir
iyo tacabba beeshay.
Bal si aynu wax uga sawiranno waxaan hadalka u deynayaa sheekh weyn oo
ka mid ah culimada aadka looga yaqaan Jaamacadda Azhar, Shaam iyo dunida
islaamka oo dhan, waa Sheikh Muxammed Cali Tantaawi. Isagoo ka hadlaya
sidii xaaladdu ahayd markii sheekhu yimid wuxuuna yidhi:
“Dadku waxay aamineen in ay wax u qaban karaan, Rasuulka iyo saalixiintu,
qubuuraha iyo geedaha, qubbadaha iyo mawlacyada, iyaga ayay baahidooda
weydiisanjireen, xilliga dhibaatadana xaggooda ayay u laaban jireen,
waxbay u nadrijireen, xoolaha ayay u gawricijireen, weyneynta mawtida
iyo dadka dhintay ayaa aad u badatay.
Najdi [halkii sheekhu dacwada ka bilaabay] iyadu jaahiliyadan cusub qayb
libaax ayay ka qaadatay. Waxaana isugu darmaday jahli, badawnimo, faqri
iyo tafaraaruq. Tuulo walba waxaa haystey amiir aan cid kale waxba u
oggolayn. Imaarad walba waxay iska lahayd “qabri” ay dhiseen, ama “geed”
qisooyin laga wariyo, oo uu horjooge ka yahay qorya-is-maris shaydaan
ah, oo dadka u qurxiya uguna yeera inay qabrigaas xoolaha ku gawracaan,
ayna barakaystaan”
Wuxuu sheekh Tantaawi sheegay “geed” halkaas lagu barakaysan jirey oo
magaceeda la yiraahdo “waraabaley”. Wuxuu kaloo ka warramay qabrigii
“Zeyd bin Khadaab”
Deetana wuxuu yidhi: “Culumadu aad bay u yaraayeen, madaxduna kuwo dulmi
badan bay ahaayeen, dadkuna fowdo qaarba qaarka kale ku duulo ayay
ahaayeen, ninba ninkuu ka xoog badanyahay uu cuno.
Bii’ada iyo deegaanka caynkaas ah ayuu ku barbaaray Sheekh Muxammed,
markaasuu wuxuu arkay qorraxdii Islaamka oo sii dhacaysa, mugdigii
gaalnimaduna soo siqayo.
Ilaahay baa khayr la doonay, oo ka dhigay mid ka mid ah kuwii Nabigu (s.c.w.w)
ku bishaareeyey inay boqolkii sanaba mar soo baxayaan oo dadka diinta u
cusbaysiinayaan”[6]
Sidaas buu sheekh Cali al Tantaawi ku tilmaamay jawigii ka horreeyey soo
bxitaankii dacwadii sheekha.
Way badanyihiin qoraalada taariikheed ee ka warramaya marxaladdaas iyo
sidii ay dadka muslimiinta ahi uga fogaadeen ruuxda diintooda.
Dhawaaq aad u dhiirran, iyo go’aan geesinimo iyo waafajin rabbaaniya
wata buu ahaa, oo dadka ugu baaqayey inay dib ugu soo laabtaan diintooda
oo saafi ah, ayna ka tagaan waxyaabaha diinta lagu kordhiyey, oo
bilicdeedii kala dhantaalay.
Ilaahay ma qaddarin, lakiin haddii ay dhicilahayd in aan la heleen
dacwadii sheekha, waxaa hubaal ah in dunida islaamku ay maanta ka liidan
lahayd heerka ay marayso, ama wayba lumi lahayd. Rajada lagu qabo
saxwada iyo baraarugga islaamkuna meeshaba ma taaleen.
Cabdisamad Xoday,
Wixii su’aal, sixid ama saluugmo ah kusoo aaddi:
Email:
Hoday30@hotmail.com
LINK:
www.somalitalk.com/xoday
[1] Wuxuu Sheekh Muxamed bin Cabdul
Wahaab dhashay 1115 h oo ku aaddan 1703 m, wuxuu dacwada bilaabay
1153 h oo ah 1740 m, wuxuuna geeriyoodey 1206 h oo ku aaddan 1792 m,
isagoo Ummadda Islaamka uga tagey baraarug wax ku ool ah oo uu
dhisayey muddo ka badan 50 sannadood. Ilaahay ha u naxariisto sheekh
Muxammed.
مُجـــــدِّد
الدِّينْ في القَرن الثاني عشــرْ تأليف د- وهْبَة الزُّحَيلي
[2]
تأليف : أحمد
بن محمد الونشريسي المتوفى عام 914 هـ ، بفاس بالمغرب المعيار المعرب
في فتاوى أهل المغرب:
[3]
مُجـــــدِّد
الدِّينْ في القَرن الثاني عشــرْ تأليف د- وهْبَة الزُّحَيلي
:[4]
[5]جاء في سنن أبي
داود – رحمه الله تعالى – وفي غيرها من كتب الحديث الشريف ، قول الرسول
الكريم صلى الله عليه وسلم
: ( إن الله يبعث لهذه الأمة على رأس كل مئة سنة ، من يجدد لها دينها).
على الطنطاوي
في كتابه (( محمد بن عبد الوهاب )): [6]