SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OSLO

Shirkii Soomalaida Oslo Oo Guul Ku Dhammaaday 

Dad tiradooda lagu qiyaasay (1700) oo soomali ah ayaa soo gaba-gabeeyey shir islaami ah oo muddo 5 maalmood ah uga socdey bartamaha magaalada Oslo, caasimadda Norway.
torontoShirweyaha 6aad ee Dhallinta Ku Barbaartay W.Ameerika
Shirweynahan oo si habsami ah uga socda Toronto, waxaa warbxintan ka soo tebiyey Xasan Dhooye

Mu'tamarka Oslo, Norway:::
Tacabka ama Kasabka: Xalaal & Xaraam [Sh. Mustafe]
Fadliga Dhisida Masaajida : Sh. Maxamed Idriis
Ladhaqanka Bulsho Gaalo ah: Dr. Cali M. Saalax
Nadwo Dacwada R/Galbeedka [Towfiiq.net]
»Mu'tamarka Dayrta, Oslo, Norway: 24-28.03.05

Dadkaasi oo isugu jirey rag, dumar, dhallinyaro iyo carruurba ayaa halkaasi muddadii u dhexaysey 24-28/03/05 waxay ku dhageysanyeen muxaadarooyin iyo duruus dhinacyo badan taabanayey oo ay halkaas ka soo jeediyeen culimo soomaaliyeed oo caan ah, kana kala yimid Somaliya, Canada, USA, Sweden iyo Norway intaba. Boqollaal kale ayaa iyaguna mu’tamarka kula socdey adeegsiga internetka (Paltalk) oo ay muxaadarooyinku si toos ah uga baxayeen, halka ilaa 900 oo qofna ay kala socdeen website-ka masjidka oo isna isla markiiba lasoo galinayey muxaadarooyinkii baxay. Waxaa iyana sidoo kale dadka looga jawaabayey su’aalaha ay qabaan, iyagoo weliba ay culimadu xallinayeen dhibaatooyinka ay dadku qurbaha kaga cabanayeen.

Waxay culimadu dadka usoo jeediyeen in badanna ku celceliyeen in ay isaga guuraan dhulalkan ay qaxootiga ku yihiin oo ay dalkoodii hooyo u haajiraan.  

Waxay culimada qaarkood soo bandhigeen cajalado muuqaal ah oo muujinaya nolosha ay ku noolyihiin carruurta soomaaliya joogta, oo fursad u helay inay aqoon diineed iyo mid maadi ahba helaan.   

Dadka soomaaliyeed ee deggen Norway ayaa waxay ku caan bexeen inay soo cammiraan shirarka noocan ah oo ay sannad walba  qabsadaan, iyadoo weliba goobta shirku aanay bilaash ahayn oo lagu soo galayey lacag gaareysey $16 halkii qof.

Soomaalida Norway oo uu Xafiiska Dhexe ee Tirakoobyadu tiradooda ku sheegay (15.586), ayaa intooda badani waxay deggenyihiin magaalada Oslo, waxayna halkaas ku leeyihiin hal masjid oo ay ku midaysanyihiin, iyadoo aanu jirin wax khilaaf iyo kala qaybsanaan ah oo u dhexeeya, taasina waa nicmo ay haystaan kagana duwanyihiin soomaalida kale ee qurbaha intooda badan.  

Dadka soomaaliyeed ee Oslo deggen intooda badani way ku xiranyihiin masjidka hase yeeshee badankoodu masjidka uguma qorna xubin ahaan (member) taas oo ay masjidka kaga maqantahay hanti aad u badan oo uu sannad walba ka heli lahaa xagga dawladda, haddii dadkaasi ay xubno ka wada ahaan lahaayeen, haddase waxaa lacagtaas iska qaata Kaniisadda Qaranka ee Norway. Taas macnaheedu waxa weeye in qof walba oo jooga Norway lagu bixiyo “lacag diineed” sannadwalba. Maadaama oo dalku yahay dal kiristaan ah, waxaa lacagtaadii si toos ah loogu shubayaa Kaniisadda, waa haddii aadan masjid masaajidda ka mid ah xubin ka ahayn.  

Waxaa soomaalida Norway lagu xantaa in ay ilaa hadda awoodi waayeen in ay masjidkooda dhistaan, iyagoo tiro ahaan aad u badan, midaysan, lacag haysta oo uu dalku yahay mid hodan ah shaqana leh isla markaana ay baahida masjidkaas loo qabaa tahay mid aad u weyn.

Ardayda muslimiinta ah ee dhigata dugsiyada dawladda waxaa khasab ku ah in ay dhigtaan diinta Kiristaanka, kamana bixi karaan xiisaddaas. Waxaa sharcigaan oo ay muslimiintu aad uga caroodeen lasoo rogey sannadkii 2000, waxayna muslimiintu dacwad arrintaas ku aaddan u gudbiyeen Maxkamadda Dhexe eeYurub oo hadda sharcigaas bushisay.   

Hadda ayaa waxaa la wadaa olole ballaaran oo lagu doonayo in lacag loogu uruuriyo dhismaha masjidkaasi si looga soo baxo dhulka hoostiisa.

Wuxuu masjidku hadda ku yaal meel dhulka hoostiisa ah (underground) oo ijaar laga bixiyo.

Qaar ka mid ah masuuliinta masjidka Tawfiiq oo iyagu ku hawlan hir-gelinta mashruuca masjidka ayaa waxay qabaan in sababta masjidku la dhismi waayey ay tahay:

1-     iyadoo dhismayaasha iyo boosaska ku yaalla bartamaha magaaladu   ay aad qaali u yihiin, soomaaliduna waxay deggenyihiin santarka magaalada.

2-     Iyadoo aan marnaba la qaadin olole ballaaran oo dadka lagu dhiirra gelinayo in ay ka qayb qaataan dhismaha masjidka.

Waxaase hadda muuqata in ay reer Oslo usoo jeesteen sidii ay uga bixi lahaayeen dhulka hoostiisa.

Haddii aad doonaysid in aad ka qayb qaadatid mashruucaas khayriga ah waxaad la xidhiidhi kartaa telefoonka masjidka oo ah: 004722192599 ama e-mailkan: tawfiiq1@hotmail.com.

Haddii kalana waxaad ku soo diri kartaa xawaaladaha soomaalida adoo ku soo aadinaya Sh. Xasan Cabdi Mursal.

Website-ka masjidku waa http://www.tawfiiq.net 

Cabdisamad Xoday
Email: Hoday30@hotmail.com
LINK: www.Somalitalk.com/xoday

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»Dhex-dhexaadin  Fahad Iyo Asad... | C/Shakuur

»Muusa-nnowga Fahad Iyo Ciidamada Itoobiya | Asad

URURADA ISLAAMIGA AH IYO CIIDAMADA SHISHEEYE | fahad

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 31, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD