QODABADA AASAASIGA AH EE QUUSTA QARANNIMO
Qore: Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
Alhudaa1@yahoo.ca
BISMILLAAH ARRAXMAAN ARRAXIIM
Assalaamu calaykum w.w.
Soomaaliya oo aan miraheedii nahay ayaa badanaaba la isweeydiiyaa
meesha ay ka kici la'dahay ama ay kadhutinayso. Ma dhabarkaa, ma lawga
ishiisaa mise waa lafdhabarta. Nin walba meel buu madaxa saaray, nin walba
meel buu xalkii kusheegay.
Xaalka Soomaaliya wuxuu noqday NIN BUKA BOQOL U TALISAY. Abwaan
matiraahdid, Aqoonyahan ma tiraahdid, qabqable matiraahdid, ma tiraahdid
ruug caddaa gaboobay xaalkuna uu dhibayo laakiin aan xoog hayn IWM. Xataa
dad aan udhalan Soomaaliya ayaa yiri annagaa xalkeeda hayna ee ha naloo
daayo oo hanala fiirsado!.
Runtu waxay kudhantahay, in dad badani haamiyeen inay helaan meesha
SARTU KA QURUNTAY, dadkaasoo la oran karo qaar daacad bay ka ahayd qaarna
ay ka ahayd mijo xaabin talooyinka ay bixinayeen iyo kursiga ay soo
fariisanayeen. Haddaba su'aashu waxay tahay maxaa Soomaaliya ka dhigay
ukun cirka kasoo dhacday, amase Nus bacaad kulumay?.
Waxay aniga ilatahay in wax walba xal leeyihiin, oo wixii aan Gaboow iyo
Geeri ahayn ladaaweeyn karo, waana ladhayi karaa boogta, laakiin waa
haddii la aqoonsado finkii hore ee ay boogtu kakacday iyo wixii dhaliyey,
Soomaalidu ayada ayaa kumaahmaahda BOOG HOOS BAA LAGA DHAYAA!. Laakiin
hadda xaalka Soomaaliya waxaa daawadiisa loo waayey korka ayaa la rabaa in
daawo looga shubo isagoo nabarii hoos ka humbuluuluqay!.
Haddaba togba taagtiisuu rogmadaaye, biyana meel godan bay isugu
tagaane, haddaan hoos udhaadhacno waamaxay QODOBADA AASAASIGA AH EE QUUSTA
KA DHIGAY QARANIMADII?.
Nin ani yiri RAG ISKA SOOCYE, waxay ilatahay in dhibaatadu tahay ciqaab
Alle oo kadhashay dhaqankii hore ee uu shacabkeennu caadaysan jiray, anoo
aaminsan in cillada dadka qaarkiis kasoo bilaabayaan burburkii Soomaaliya
ee 1991-kii, in dhibaatadu ka horreeysey waqtigaas, ayna kasbeen
arrimahaan soo socda:
1) SHEEGASHO ISLAAM AAN INTIISA BADANI UURKA JIRIN:
Waxaa jirtay in Soomaali haddaan nahay aan kufaani jirnay 100% Muslim
baan nahay(taasna aanan waxba kaqabin), hayeeshee waddanka intiisa kaleba
haddaan iska dayno magaala madaxdeennii oo dadka intii Cilmi rabta ama
xoog haysa oo shaqo doon ahiba ay usoo hayaami jireen, haddana magaala
madaxdaas waa MUQDISHEE ay kafurnaayeen meelo badan oo khamro lagu
cabo(goballada intooda kalana sidoo kale), iyadoo ay jireen caddad badan
oo shacbiga kamid ah oo khamrada caba. Sidoo kale Xijaabka oo haweenka
intiisa badani aysan qaadan jirin Islaamiga ah, dhallinyarada oo intooda
badani kumashquul ahaayeen cayaaraha, filimada iyo riwaayadaha , iyo
dawladdii waddanakaas Muslinka ah oo marna lahayd shuuci baan nahay marna
galbeed baan nahay, islamarkaana u taagnayd caburinta diinta Islaamka iyo
ehelkeedaba.
Arrimahaas oodhan waxaan ugu yeeri karnaa Islaam aan uurka jirin,
hayeeshee wuxuu ahaa mid lagumacaansado sheegashadiisa, kaddibna waxay
kasabtay in Ilaaha korreeyaa uu samada kadaalacday sida wax usocdaan,
inkastoo uu samirkiisa nagu daboolay muddo badan, kaddibna wuxuu Alle nagu
ciqaabay sheegashadaas iyada ah ee aan ka runsheegi weeyney.
2) KUTUMASHO & LIIDID DAD AADAN DHALASHO IYO DHIIG MIDNA KA
FIICNAYN:
Sida uu quraankeenna qiimaha badani qoray ALLE wuxuu noosheegay, in
asagu na abuuray aaddoomihiisana aan nahay, ciiddana aan ka nimid, iyadana
nalaku aasi doono. Sidoo kalena uusan jirin qof Ilaahay xiriir gooni ah
horay ula lahaa ama qaraabo la' ah, hayeeshee uu qof walbaa Ilaahay ugu
udhawaanayo inta uu camalkiisu le'egyahay iyo Ikhlaaskiisu. Mid gaaban iyo
mid dheer, mid cad iyo mid madoow, mid luga la' iyo mid luga leh, mid
aabihiis joogo iyo mid aabbihiis dhintay, mid timo adag iyo mid timo
jilicsan, dadku mar haddii ay Muslim yihiin inay siman yihiin baa Alle
noosheegay, laakiin sida aan soo sheegnay waxaa lagu kala hormarayaa
camalka suubban oo rasuulku noo jideeyey.
Laakiin maxaan samaynay haddaan Soomaalida 100% Muslinka ahayd nahay?.
Waxaan ujeediney diintii Ilaahay xagga kale, annagoo niri dadku wuxuu
uqaybsamaa LAAN DHEERE & LAAN GAAB, Timo adag iyo Timo jilic, Mid
aabbihiis hilib cunay iyo mid uusan cunin, mid laga guursado iyo mid aan
laga gursan karin, mid xoog weeyn iyo mid xoog yar, mid doowladda udhoow
iyo mid doowladda kadheer IWM.
Dabaqadahaas aan Ilaahay raalli ka ahayn laguna duudsiyey dadkaas
Walaalaheen ah oo la dulmay laguna dulsocday ayuu ahaa qodobka labaad ee
keenay in caro Alle nagu habsato, carrigeenniina ay ceeryaamo ka qiiqdo,
meeshii loo cararo ama la ciirsi bidaana ay noqoto cadaab kale oo kasoo
daran kii horay looga soo carararay, tani waxay noqotay mid Soomaaliya
kadhigtay nus bacaad kudhumay, bal adigu kaalay oo kasoo saar ciidda
dhexdeeda!.
3) GUBIDDII WAQOOYI GALBEED(Now Somaliland) & GURBAANKII LOO
GARAACAY:
Rasuulku(NNKH) wuxuu yiri: "Walaalkaa gacantiisa qabo, haddii uu
dulman yahay iyo haddii uu wax dulminayaba".Dawladdii jaa'irka ahayd
ee dalka katalinaysay waqtigaas markii ay dayuuradaha ladul tagtay dad
walaaleheen ah oo Soomaali ah, marna Muslin ah, isha ayaa laga fiirsanayey,
isla markaasna waa loo riyaaqsanaa(dawladda haba la raalli galiyee),
laakiin waxay ahayd camal fool xun oo aan Alle raalli uga noqonayn
addoomihiis sheeganaya Muslinka, inay gubaan dad walaalahood ah oo xaq
uleh sidoodoo kale nolol iyo xornimo. Haddii aad itiraahdid anigu dambiga
wax kagama jirin, ama dawladda wax ugama jirin, waxaan kuweeydiiyey xaggee
kamaraysaa xadiiska aan kor kusoo sheegay ee leh gacanta qabo walaalkaaga
daalimka ah.
Ilaahay waa noo naxariisan lahaa haddii aan mudaharaadyo iyo qaylo aan
kumarno jidadka Soomaaliya kamidka ah, annagoo muujinayna inaan kasoo
horjeedno Muslin dhibkiis, raallina aanaan ka ahayn, waxayna sidoo kale
ubadnaan lahayd ugu yaraan in cilladii dhacday iyo xasuuqii uusan sidaa
ubaaheen ee uu joogsan lahaa ugu yaraan. Tani waxaan qabaa inay tahay
dhibaatada Saddexaad laakiin kuxigta xagga weeynanka iyo khatarnimada
midda "sheegashada Islaamka aannaan ka runsheegin badankeennu",
sida: xijaabka dumarka oo aan ladryeeli jirin dadka qaarkiis, xaaraan iska
dhawrka oo aan buugga dad ugu jirin , xalaal quudashada oo yarayd,
xatooyada xoolaha dadweeynaha oo baahsanayd.
Haddaba aniga oo soo gunaanadaya waxaa walaalaha xusuusin lahaa, in
saddexdaas qodob daawadiisa laraadsho, Allana loo toowbad keeno, Shucuubta
ladulmayna laxaalmariyo lagana dambidhaaf dalbo, layskana daayo
darbi-madax-ladhaca iyo daaweeynta cudur aan markiisii hore la raadin
wixii dhaliyey.
Fiiro gaar ah: Dhibaatada dhacday 1991-dii, waa dhib laga danqado
haddana taagan, laakiin wuxuu hadalkaygu kusalaysanaa maxaa dhaliyey
dhibaatadaas hore, sidoo kale caam ahaan wixii la dulmay oo Soomaali ah
Ilaahay xaqooda waa siin doonaa goor uusiiyaba, kuwii wax dulmayna hadday
adduunka cayshaan, aakhiraysan carari doonin, sidoo kale xalka biyo kama
dhibcaanka ah guntana kuhaya nabad waartaa waa in ladoorto qof Ilaahay iyo
rasuulkiisa yaqaan.
ILAAHAY XAQA HANA TUSO.....KADDIBNA KUWII RAACA HANAGA DHIGO.
FAALADII HORE....
Qore: Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
Alhudaa1@yahoo.ca
Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2003
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|