XIL XAYAWAAN GARTAY WEEYNAA:
FAALLO & FALANQAYN
Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
Assalaamu calaykum,
Walaalayaal iga guuddooma salaan qiimo
badan oo meel fog laga soo diray hayeeshee si dhakhso ah utimid,
salaantaas oo ah mid ay isu diraan dad walaalo ah oo isku dan ah, isla
markaasna khayr isla jecel, salaan kaddib.
Haddii aad maskax saafi ah iyo maan saliim ah kumilicsatid arrinka
murugada leh haddana murugsan ee Soomaaliya kajira, waxaad arkaysaa in
xaalku yahay CEELNA UMA QODNA, CIDINA UMA MAQNA(haday maqanyihiina macno
badan magaaraan).
Xaalka Soomaaliya kajira ee aan madaxa
iyo mijaha lahayni wuxuu noqday mid magac-xumo weeyn usoo jiiday umadda
Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan kuwooda qurbo-meerka ah, waxayna
noqdeen kuwo waayey jawaabta su'aasha caanka ah ee ay weeydiiyaan dadka
qayrkood ah ee ajnabiga ah, su'aashaas oo ah: "Maxaad isu laynaysaan,
maxaadse xal ugaari weeydeen, soow idinkaan ah dad isku diin ah, hadana
isku af ah, hadana isku midib ah"!.
Cajiib, AFKII BAA JUUQGABAY!., su'aashaasi waxay noqotay mid jawaabteeda
lawaayey, dibna aan loo heli doonin, ilaa inta laga daaweeynayo cudurkii
dhaliyey in jawaabtaasi dhalato ama lays weeydiiyo, runtiina Soomaalida
meel kasta hajoogtee dhogor-ka dhac bay ku noqotay in mudo dhoowr iyo
toban sano ah ay waayeen xalkii nabad kadhalinta gayigooda, hadaba annagoo
arrinkaas kaduulayna ama falanqaynayna bal aan hoos ugu daadagno ubucda
mawduuceena aan kor kusoo sheegnay.
XIL XAYAWAAN GARTAY WEEYNAA!. Waxaad
arkaysaa in dadka walaalaha ah, isla markaasna muslinka sheeganaya ee
Soomaaliya dagaalka kawada iyagoo danahooda ku fushanayaa ay kahoosmareen
XAYAWAANKA xagga damiirka iyo wacyiga, taasna waxaa marakhaati uh ah
tusaalahan hoos kuqoran oo cabiraya camalka saddex xayawaan oo aad ukala
duwan, hayeeshee wacyiga isaga mid ah, sadddexdaas xayawaan oo kala ah
GEELA, QURAANYADA iyo BOOLA-BOOLADA.
~ GEELA:
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "Geelu daba laxiriirshuu leeyahay, ee
dibno laxiriirsho maleh", taas oo micnaheedu yahay,
dadku-wada-hadalka ayay isku fahmaan, geelana dabada ayaa laysugu xiraa,
markaasaa kan ugu horreeya laga wadaa. Waxaad arkaysaa in wiil toban jir
ahi uu daba isugu xirayo awr tira badan, kaddibna uu kan uhorreeya garka
qabanayo iyagoo kadddibna ay geelii oodhammi daba gelayaan ratigii ugu
horreeyey ee lagu xiriirshey .
Haddaba waxaa isweeydiin leh: yaa
kufiican xagga israaca iyo isqadarinta: ma AWRTA oo xayawaanka lagu tiriyo,
mise DAGAAL OOGA-YAASHA soomaaliya jooga, kuwaasoo qaarkood markay casarka
tukadaan haddana bilaabaan inay umulaha dooxaan!. Geelu isagoo iyaga ka
awood weeyn kana miciyo waaweeyn ayuu haddana doortay inuu raaco awrkii
loogu hormariyey, marka AWRTA laysku dhexyaaciyana geelu nabadgelyo ayuu
kuwada daaqaa.
~ QURAANYADA:
Xaalka quraanyadu waa xaal cajiib ah, waana arrin ay darsi fiican ka
qaadan karaan guud ahaan dadkii wax isku diidan, gaar ahaan dagaal
oogayaasha Soomaaliya qasaya. Quraanyada culumada darista xaalkeedu waxay
sheegeen in ay ushaqayso si yaableh, iyadoo leh hogaan ama madax ay ka
qaadato amarka kaddibna ay raacdo dardaarankii iyo tusaalihii uu madaxoodu
siiyey. Waxaad arkaysaa iyagoo kusocda dariiq dheer oo toosan oo aan kala
go' lahayn, isugun xiran sidii silsiladda oo kale, haddii mid quraanyada
kamid ahi ay kabaxdo dariiqaasna waxaad arkaysaa in ay si degdeg ah ugu
soo laabanayso silsiladdii ay dhexda uga jirtay.
Haddaba quraanyadu waxay dooratay inay nolosheeda ku waddo kala
dambayntaas iyo qaadidda dariiq toosan oo nadaamleh, iyo inay samaystaan
maamul iyaga haga oo ay daba galaan. QURAANYADU waa cayayaan daciif ah,
laakiin waxaad aragtaa in ay tahay doowlad dhisan, iyo quwad nidaamsan,
cashar fiican ayaana ugu jira guud ahaan bini'aadamka, gaar ahaan Dagaal
ooga-yaasha Soomaaliyeed.
~ BOOLA BOOLADA(Boolo boolo buubtooy afka biyo kuqaadooy):
Boolo booladu waa shimbirta cad ee qoorta dheer ee isu raacda raxan
raxanta, samadana duusha, iyadoo badanaaba duulaysa hareeraha meelaha ay
wabiyada iyo baduhu ka dhowyihiin, iyadoo kadib ku dagta meelaha biyuhu
kujiraan dabadeedna ay dhuuntooda dheer biyo kusoo qaataan. Qofkii arkay
baa arkaye, boolo-booladu waxay caan kutahay inay marka ay duulayso ama
hayaamayso ay is daba gasho, waxaad arkaysaa shimbirka hogaaminayaa inuu
kahoreeyo xoogaa yar, intooda kalena ay dariiq dheer oo taxan kujiraan,
dariiqaas oo ah mid aad utoosan oo aan xataa qalqallooc lahayn. Xataa
xaalkoodu wuxuu noqoday maahmaah lagu maahmaaho oo ah: BOOLA- BOOLADUBA
WAA ISRAACDAYE MAXAA NOO DIIDAY INAAN ARRINKAAN ISKU RAACNO.
Haddaba, waxaa meeshaas nooga soo baxay in duruus muhiim ah laga qaadan
karo saddexdaan xayawaan ee aan kor kusoo sheegnay, marka la eego xagga
ismaqalka, kala dambaynta iyo ismaamulka, sifooyinkaas muhiimka ah ee
iyaga laga helayna ay tahay inay kafaa'iidaystaan dagaal oogayaashu,
iyagoo xilka waddanka udhiibaya qof diin iyo Alle kacabsi leh, umaddana ay
ka qaadaan silica ay kuhayaan. XIL XAYAWAAN GARTAY WEEYNAA!.
"DHAAXAAN JARREEREE DHAG BAAN JALAQ LA IISIIN DHEH"
Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
Faafin: SomaliTalk.com | March 4, 2003
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|