Xeerka Saxaafadeed ee SomaliTalk.com
Xeerka SomaliTalk.com
- SomaliTalk.com waxay soo dhawaynaysaa dhamaan ummadda
soomaaliyeed, inay kusoo bandhigaan cilmigooda, caqligooda iyo
aragtiyahooda kala duwan.
- In Wax kasta
oo SomaliTalk.com kusoo baxaya ay waafaqsan yihiin Diinta
Islaamka, kana hor imaanayn si toosa iyo si dadban toona (marna).
- In ay
SomaliTalk.com usiman tahay dhamaan ummadda Soomaaliyeed.
- In wax kasta
oo kusoo baxaya SomaliTalk.com ay yihiin wax dhisaya mushtamaca
Soomaaliyeed aqoon tooda iyo wacyigooda.
- In wax kasta
oo kusoo baxaya SomaliTalk.com ay yihiin wax xaqiiqo ah oo tix
raac leh.
-
In SomaliTalk.com
soo bandhigi doonto xog kasta oo ay hesho ee ku saabsan wixii lagu hagar
daamaynayo ummadda Soomaaliyeed si looga hortago.
-
Inaan laga saari
doonin ama laga tirtiri doonin qoraallada lagu soo daabaco
SomaliTalk.com.
- Inaan
suxufiyiinta SomaliTalk.com saxaafad kale u gudbin Karin xog ay
ku heleen magaca SomaliTalk.com.
- In suxufi
kasta oo ka tirsan SomaliTalk.com ee xog siiya saxaafad kale
ayadoo xogtaasi aysan kusoo bixin SomaliTalk.com ay ka tarjumayso
fikirkiisa khaaska ah.
- In
SomaliTalk.com laga xigan karo dhamaan xogta kujirta ayadoo
lasiinayo xuquuqda daabacaada SomaliTalk.com.
- Qoraallada kusoo baxa SomaliTalk.com waa in ay qeexan yihiin
iyagoo lagu astaynayo nooca uu qoraalku yahay (War, Ra'yi,
Faallo, Maqaal, iwm) - Qeexidda hoos ka eeg.
Qeexidda Qoraallada
War
War waa dhacdo cusub ama arrin aan markii hore laga war hayn oo
uqalanta in la sheego. Arrin muhiimad u leh waddamo ama dad meel
deggan ayaan muhiimad u lahayn dal aan xiriir lahayn meesha dhacdadu
ka dhacday. Warka waxaa laga eegaa xilliga uu dhacay, warku ma
mid markaas dhacay baa oo u qalma in la sheego?, Waxaa mudan
intaadan tabin ama lalil inaad is waydiiso, raadka uu reebayo, ma dad badan ayaa
arrintu warku saamayn ku leedahay? Warka ma ka dhacay
meel u dhow dadka warka loo tebinayo, oo saamayn gaara oo weyn ayuu ku
leeyahay. Sida arrintu u dhacday dadku maku kala duwan yihiin oo ma
waxay ka qabaan fikrado kala duwan? Haday jirto kala duwanaan fikrad,
waa in labada dhinacba la sheegaa.
Haddaba marka laga hadlayo war, waxaa muhiim
ah wartabiyaha inuu kusugan yahay goobta uu warka ka soo tabinayo oo
uu goob joog yahay, hadii kale waa inuu waraystaa ama ka soo xigtaa
qof ka warbixinaya dhacdadaas oo goobta joogey ama ka ag dhawaa
goobta oo lagu kalsoon yahay ama
masuul ah, waxaa shardi ah marka war lasoo tabinayo in aan waxba lagu
kor dhin waxbana laga dhimin, lagana eego warka dhinacyada uu
saamaynta ku leeyahay oo dhan, laguna dadaalo sida ugu kooban in loo
soo tabiyo iyadoo aan waxba laga tagayn, waxaa reeban in war beena
lasoo tabiyo sinaba. Sidoo kale waa inaan laga waynayn dhacdada
mugeeda ama laga badbadin.
Tusaale:
Boqorka Belgium oo u
Hiiliyey Gabar Xijaaban:::
Boqorka dalka Belgium King Albert II ayaa bisha Janaayo
12keeda (2005) soo dhoweyn doona nin agaasime
shirkadeed ah iyo gabar xijaaban oo uu ninkaasi difaacey,
waxana uu boqorku arintaas uga gol-leeyahy in uu ku muujiyo
taageeradiisa uu u hayo ninkaas taageersan in gabadhaasi
xirato Xijaab marka ay shaqayneyso.
ISHA: SomaliTalk
oo soo xiganeysye IslamOnline
http://www.somalitalk.com/2004/dec/30dec24.html
Maqaal
Maqaalku waa ka duwan yahay warka
waxaana looga hadlaa badanaa soo bandhigid cilmi, hanoqdo mid diini
ah ama maadi ahba, sida; Maqaallo Waano, Wacyigalin,
Siyaasad iwm, ama Maqaallo Caafimaad, Ganacsi, Isgaarsiin,
iwm, waxaa kale oo looga hadli karaa arrin dhacday maqaal laga qoro, ha noqoto mid taariikh ah ama mid
looga hadlayo siday u dhacday amaba maqaallo lagu soo bandhigayo arrimo kuwaa ka duwan oo wax laga faa'iidayo.
Tusaale:
Aqoonsi xaddid::
Aqoonsi xaddid waa markii qof aqoonsigiisa & magaciisa la
xado loona isticmaalo si tuugnimo ah, bangigiisa lagala baxo
lacag, ama credit card-kiisa lagu gato wax uusan war u heyn
amaba raali ka aheyn. Aqoonsi xaddida waxey kaloo noqotaa
markii qof aqoonsigiisa lagu furto bangi akoon, credit card
ama telefan cusub.
ISHA: Maqaalkii Cali
Daray
http://www.somalitalk.com/daray/
Ra’yi/Fikrad
Ra’yigu waa ka duwan yahay labada qaybood aan soo aragnay ( warka & maqaalka). Ra'yi waa in qof cabiro rayigiisa hanoqdo ra’yi uu qadiyad
ku taageerayo ama ku mucaaradayo ama ra’yi uu kusoo bandhigayo fikir
uu arrin kaqabo, wuxuu kale oo noqon karaa ra’yi uu mid ka horeeyey ku
naqdinayo ama ku taageerayo. Waxaa lagama maarmaan ah marka ra’yi
laga hadlayo in uu ku koobnaado arrintaas uu ogol yahay ama diidan
yahay, sidoo kale waa inuu ahaadaa mid aan shakhsi iyo qabiil/beel toona u
gudbayn, ee cabiraya kala duwaanta aragtida, waxaa reeban inuu noqdo
mid wax duminaya ama wax caayaya, waxaa muhiim ah tix galinta kala
duwaanta aragtida - khasab ma ahan in dadka oo dhammi kula aragti
yihiin, khasabna ma ahan in adiga keliya aragtidaada la qaadanayo
balse adiga ayaa cabiraya aragtidaada dadkana u deynaya in ay fikradda
ay doonaan aragtidaas ka qaataan.. Sidoo kalena waa inaad diyaar u
noqotaa in lagugu diidi karo ama lagugu waafiqi karo fikradaada iyo in
lagu ridiyba.
Tusaale:
Siyaasadda Soomaaliya:::Waxaa haboon in la dejiyo qorshe siyaasadeed oo diirada lagu saarayo
sidii loosoo afjari lahaa khilaafka siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed
kala geeyey. Dadka Soomaaliyeed waxay maanta marayaan heer aad u ba’an
oo xaga dhaqaalaha, kaasoo hadii aan la helin xal siyaasadeed oo dalka
lagu dejinayo ay halis ku jirto jiritaankooda.
ISHA: Aragtida dadweynaha ee DoodFuran
http://www.somalitalk.com/dood/
Faallo:
Faalladu waxay udhowdahay maqaalka, balse waxay kaga duwan tahay waxaa
si qoto dheer oo cilmiyeysan loo eegayaa arrinta la rabo in laga faalloodo ama qoraal
qoto dheer laga qoro. Waxaana arrinta laga eegayaa dhinacyo badan oo soo
hoos geli kara arrinta qoraalka laga qorayo. Faalada waxay kaloo wadataa
tixraac iyo qoraalo ama hadalo xoojinaya arrinta laga faaloonayo.
Tusaale:
Yaa Ka Dambeeya Ka
ugaarsiga Masaajidda:
Arintaan Ugaarsiga
Masaajida ayaa soo bilaabatay xilligii ay ka talinaysay
wadanka Dowladii Soomaaliya ee Askarta ahayd oo laysay
culimo owdiin diiday in lagu xadgubo diinta Illahay,
xukuumadaasoo masaajidana dadka ka ugaar san jirtay qofkii
xaqa cadeeya oo sheega wax iyaga ka dhana,
ISHA: Faalladii
Somalitalk ee Dec 2004
http://www.somalitalk.com/faallo/dec04.html
Taariikh
Taariikhdu waa dhacdo/arrin dhacday xilli hore oo
loo soo bandhigo siday u dhacday, taariikhdu ma’aha wax la iska
qori karo ama lamalayn karo, waa in la helaa cid goob joog ka ahayd
oo laga wariyo ama meel ay kuqoran tahay oo laga soo xigto, waxaa
muhiim ah in aad loo hubiyo marka la warinayo taariikhda sida ay
ukala horayso, waa in la xaqiijiyo kalsoonida lagu qabo cidda laga warinayo lana sheego magacyada ama
buugta wax laga wariyey ama laga soo xigtey. Waxaa haboon in lagu
dadaalo in la raadiyo qof wax kabadan og inta buugta laga xigtay si loo xaqiijiyo taariikhda,
waxaa muhiim ah inaan waxba laqarin taariikhda, waxna laga tagin, sidoo
kale waxna lagu taaran (ama lagu lifaaqin wax aan jirin), waxaa reeban in laga been sheego taariikhda,
sidoo kale waxaa reebban in taariikhda laga weeciyo ciddii asalka laga wariyey
- waa in xuquuqda la siiyo meeshii ama ciddii laga weriyey. Sidoo
kale waxaan haboonayn in la jiirajiiraysiiyo taariikhda si loola
raadsado meelo ama cid khaasa. Waxaa kale oo reeban in laqariyo
taariikhda qaybteeda xun, waa in sida wax u dhaceen loo sheegaa
markasta.
Tusaale:
Taariikhda
Soomaaliya:::
1894 ayaa
heshiiska loo yaqaan "Tripartite Accord" waxaa wada
gaarey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo
Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya.
Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta
Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland.
Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato
dhulka galbeed ee Soomaaliya..
ISHA:
UNIVERSITY OF PENNSYLVANIA - AFRICAN STUDIES CENTER
Life & Peace Review, Vol.8, No.4, 04/94
http://www.sas.upenn.edu/African_Studies/Newsletters/peace.html
|
Tarjumaad
Cilmi Baaris:
Cilmi baaristu ma aha oo qura in buug inta la akhriyo markaas wax
la qoro, ee waa in si xeel dheer arrin loo baaro oo loo barto, looga baaraan
dego, laga eego dhinacyo badan iyo lagana helo fikrado kaladuwan, markaas kaddib
wax laga qoro. Cilmi baaris
waa in la raadiyo runta arrinta wax laga qorayo, qoraaguna uu si
qoto dheer u fahamsan yahay arrinta uu wax ka qorayo.
Tusaale:
Sunta Ku Duugan
Soomaaliya:::
Dhulka koofurta Soomaaliya ee lagu sheegay in ay ku duugan
tahay sunta halista ah waxaa kamid ah magaalada Jamaame ee
aagga Kismaayo iyo nawaaxiga xeebaha Marka iyo Muqdisho iyo
meesha lagu magcaabo Ceel-Baraf . Meelaha kale ee
qashimadaas lagu duugay waxaa kamida bay yiraahdeen: Jawhar,
agagaarka waddada Boossaasso - Garoowe iyo dhulka u dhexeeya
gobolada Bari iyo Sanaag.
ISHA: Cilmi
Baaristii Dr.
Bashir Sh. Mohamed
http://www.somalitalk.com/sun/
Anshaxa Warbaahinta:
Warbaahinta waxaa loo kala qaybin
karaa labo qaybood oo kala ah: Qayb ku hadasha afka dawladda iyo
qayb wadaniyiin/muwaadiniin ah. Kuwa ku hadla afka dawladu waxa keliya oo ay
soo bandhigaan aragtida dawladda ama waxa ay dawladdu raali ka tahay
oo keliya, taas oo mararka qaarkood ka hor iman karta rabitaanka
shacabka.
Warbaahinta wadaniga ah waa mid si madax bannaan u waranta,
ayadoo maanka ku haysa anshaxa warbaahinta iyo waxa dan u ah mujtamaca ay la
hadleyso, waa mid aan ku talax tegayn ama si xad-gudub ah
wararka u baahinayn, waa mid miisaan saareysa baahida dadka, kana
tarjumeysa mujtamaca iyo rabitaankiisa.
Warbaahinta Damiirka leh waxaa lagu
tilmaamaa warbaahinta raadisa xaqiiqada, una soo bandhigta ama uga
war bixisada sida ay wax u dheceen oo shacabka ugu adeegta si hagar
la'aan ah oo daacad ah, islamar ahaantaasna leh anshax wanaagsan iyo karti.
Warbaahinta, sida Radiye, Joornaal, Website, TV iwm, waa in la
ogyahay cidda wax ku leh, waana in warbaahintu caddayso. Tusaale ahaan
haddii Radiye ama Website uu qof gooni u lahaan jirey ay sami kamid ah
iibsadaan xubno kamid ah dawladda waa in arrintaas shacabka loo
caddeeyo, waayo wixii maalinta iibku dhacay ka dambeeya warbaahintaasi
looma tixgelin doono mid dhexdhexaad ka noqon karta arrimaha kuwa
awoodda xukunka haysta, maadaama ay iyagu wax ku leeyihiin ama xubno ka
tirsan kuwa maamulka haysta ay saami ku leeyihiin.
Anshaxa Weriyaha
Weriye waa qof xirfad u leh soo
ururinta, qorista, isku dubaridida, tifatirida, soo gudbinta iyo soo
bandhigidda wararka iyo warbixinada, kuwaas oo lagu soo saari karo
Internetka, Radiya, Telefishanka, Wargeysyada TV-yada, iwm. Waxaana
weriyaha looga baahan yahay qodobadan:
- Weriyaha Xilkiisa koowaad waa sheegidda Runta
- Weriyaha cidda koowaad ee uu daacadda u yahay waa
muwaadiniinta
- Weriyaha dadaalkiiisa koowaad waa anshax ku salaysan
xaqiijin
- Weriyuhu waa in uu ka madax bannaan yahay kuwa uu warka ka
tebinayo
- Weriyuhu waa in uu ahaado mid si madax bannaan isha ugu haya
kuwa awoodda (xukunka) haysta
- Weriyuhu waa in uu hirgeliyo gole ay dadweynuhu fikirkooda
ku cabiri karaan
- Weriyuhu waa in uu tebiyo war si siman loo sheegay oo
caddaalad ah
Weriyaha iyo Raadinta Runta:
Weriyayaasha waa in ay ahaadaan
daacad, caadil, iyo geesi marka ay soo ururinayaan xogta iyo warbixinada
iyo marka
ay dhiibayaan ama faahfaahinayaan akhbaarta.
Weriyaha waxaa laga rabaa:
- In uu xaqiiqada akhbaarta ka
hubiyo dhammaan meelaha/isha akhbaartaas iyo in uu aad uga taxadaro
khaladka kama'a ah (khaladka aan loo kasin). Si ula kac ah
in akhbaarta loo qaloociyona
marna uma bannaana weriye.
- In uu si xeel dheer u raadiyo
dhinacyada uu khuseeyo warku si loo siiyo fursad ay kaga
jawaabaan, tusaale ahaan haddii cid eedaymo loo soo jeediyey waa
in fursad lasiiyaa si ay eedayntaas uga jawaabaan.
- In uu caddeeyo isha laga helay
warka mar kasta oo ay macquul tahay. Shacabku waxay xaq u
leeyihiin in ay ogaadaan isha ama meesha laga soo xigtey warka iyo sida
ay isha laga soo xigtey u tahay war-gal lagu kalsoonaan karo.
[Arrimo xagga ammaanka la xiriira ama arrimo la xeerinayo oo
macquul ah awgeed waa loo qarin karaa isha warka, laakiin waa in
taas qudheeda la caddeeyo.]
- In uu weydiiyo sababta ama
ujeedada ka dambaysa haddii isha warku codsato in la qariyo.
Caddayn buuxda waa in laga haystaa wax kasta oo lagu bedelanayo akhbaar. Ballantana
waa in la xafido - haddii weriyuhu qof ka ballan qaado in uusan
magcaabayn, waa in uu xafidaa ballantaas.
- In uu xaqiijiyo in wararka, sawirada,
codka, video, iyo xigashada aan laga leexin macnahoodii asalka
ahaa ama inta xog lagala soo dhex-baxo waa in aan loo fasirin
hab ka duwan ujeedadii asalka ahayd.
- In uu hubiyo sawirada iyo
video wax-yaabaha
ay xambaarsan yihiin macne ka duwan in aan loo yeelin. Sawirada waa la
hagaajin karaa si ay hannaan ama qaab wanaagsan ugu soo baxaan,
laakiin waa in aan macnihii la rogin ama la bedelin. Summad ama
astaan waa in loo sameeyo sawirada.
- In uu ka fogaado war horay u
dhacay oo laga dhigayo wax cusub oo sidii masraxii loo jilayo. Haddii
taasi dhacdo waa in la caddeeyo oo la sheego in warkani yahay
mid horay u dhacay oo hadda la jilayo.
- In uusan wararka ku raadin hab
khiyaameed ama soo dhuumaalaysi, haddiiba warkaas lagu heli
karo nidaamka caadiga ah. Haddii si dhuumasho ah warka lagu
helay waa in taas la caddeeyaa oo warka lagu sheegaa in sidaas
lagu soo helay.
- In uusan ku dhaqmin khiyaano ama
xadid war qof kale.
- In uu warka u sheego si caddayneysa
inta ay leegtay arrinta meesha ka dhacday - Haddii arrinta
meesha ka dhacday ay tahay mid sahalan waa in aan laga badbadin.
- In uusan warka u adeegsan erayo ka
hor imanaya dhaqanka iyo asluubta wanaagsan.
- In uu codka siiyo dadka aan codka lahayn
ama awood u lahayn in ay codkooda ku hadlaan.
Warka saraakiisha iyo kan shacabku labaduba waxay noqon karaan
kuwo sax ah, sidaas darteed waa in si siman loo sheego warka
kuwa xukunka haysta iyo kuwa aan codka lahayn.
- In uu kala saaro u ololayn arrin iyo gudbinta warka. Arrin loo ololaynayo waa in aan lagu
lammaanin war dhacay. Falanqaynta iyo faallada waa in si cad
cinwaan gaar ah loogu sameeyo, waana in aan la majara habaabin
xaqiiqda. Fikradaha iyo warku waa in ay si cad u kala
baxsanaadaan.
- In uu si cad u qeexo faraqa
u dhexeeya warka iyo xayaysiiska, waana in aysan isku khaldamin.
- In uu xoogga saaro (ama mas'uuliyad gaar ah iska saaro) xaqiijinta akhbaarta ku saabsan waxyaabaha dadka u dhexeeya ama hantida
qaranka, Kadibna uu soo tabiyo, si ay u noqoto mid aan qarsoodi
ahayn.
Weriyaha iyo
Yaraynta Dhibaatada
Weriyaha anshaxa
leh waa kan u tixgeliya in ay bini'aadam yihiin dadka uu ka helayo
warka, dadka uu warku khuseeyo, dadka uu warku gaarayo, iyo dadka la dhigga ah.
Wariyuhu waa:
-
In uu ka
taxadaraa raadka uu warkaasi reebi karo, kuna reebi karo
mujtamaca uu ka weriyey.
-
In uu si
taxadar leh uga fiirsado waraysiyada iyo sawirada dad uu dhib
soo gaarey, oo tix geliyo dareenka dadka dhiban.
-
In uu
xaqiiqsado in raadinta iyo werinta warku ay dhib u keeni karto
qof warkaasi khuseeyo. Dabagalka warku ma ahan isla weyni sidii
la doono loola dhaqmayo, balse waa xaqiiqo raadin iyo caddayn la
rabo in arrin laga bixiyo si shacabka loogu caddeeyo runta..
-
In uu
xaqiiqsado faraqa u dhexeeya qofka shacabka ah iyo madaxda &
dadka awooda dawladeed ama ciidan haysta. Qofka shacabka ah
isagaa awoodd u leh inta akhbaar uu bixinayo.
-
In weriyuhu
uu mar kasta ilaashado sharaftiisa iyo sumcadiisa.
-
Waa inuu ka taxadaraa in uu xogta uu ku helay xirfadiisa
wariyonimo uu maqaayadaha kaga kaga sheekeeyo, wariyaha
sumcadiisa waxaa kor u qaadi kara in laga helo goobta looga
baahan yahay iyo xiliga loo baahan yahay.
Weriyaha iyo Waraysiga:
Weriyuhu marka uu waraysi qaadayo waxaa ugu horeeya waa in uusan
su'aalaha uu ku saabsan yahay waraysigu uusan tusin qofka uu waraysiga
ka qaadayo. Waayo haddii su'aalaha la tuso waraysi ma noqonayo ee wuxuu
noqonayaa wax la soo diyaarsaday sida khudab, waxaana dhici karta (a) in
qofkaasi ka sii gaashaanto oo kuu sii diyaariyo jawaab ay qofkaas dani
ugu jirto, ayna dhici karto in uu si ka duwan u sheegi lahaa haddii
su'aasha oo uusanarag la weydiin lahaa (b) dhegeystayaashu waxay u
haystaan in ay dhegeysanayaan waraysi, lakaiin aysan doonayn in ay
dhegeystaan war loo soo diyaariyey. (c) waxaa dhici karta in uu
waraysigaba diido marka uu arko in su'aalahaasi aysan isaga dhankiisa
ahayn
Weriyaha iyo Madax
Bannanida
Weriyihu waa in
uu ahaadaa mid ka madax bannaan ballan qaadyo, laaluush, ama dan gaar ah oo
kasta, una adeegaa danta shacabka iyo xuquuqda ay u leeyihiin in ay warkaas
ogaadaan.
Wariyuhu waa:
-
In uu ka fogaado danta gaarka ah oo ka hor imaneysa danta guud.
-
In uu
ahaado mid ka madax bannaan dhammaan dhinacyada arrin u dhexayso, kuwaas oo
wiiqaya kartidiisa ama wax u dhimaya sumcadii weriyaha lagu
rumaysan lahaa.
-
In uu san qaadan
abaal marin, ixsaan gaar ah, lacag, safar bilaash ah iyo si gaar
ah oo laguu tixgeliyo, shaqo lagu siiyo, ka qaygal xisbi
siyaasadeed, xafiis dawlad ama jaalid u shaqeeya haddii
dhaammaan ay ka hor imanayaan kartida weriyenimo.
-
In uu caddeeyo danaha
aan laga fursan karin. Tusaale ahaan haddii madaxda dawladu kugu
casumaan in aad ula safartid meel oo aad ka aqbashid, marka aad
meeshaas ka war bixineysid caddee in safarkaas aadan iskaa u
tegin - adigoo caddaynaya ciddii kugu casuntey.
-
In uu had iyo jeer
feejignaado, ahaadona geesi marka uu la xisaabtamayo kuwa awoodda
ama xukunka haysta. Taas macnaheedu ma'ahan inuu mucaarad
noqonayo, ee waa inuu u cadaalad sameeyaa Dowlada iyo shacabka.
-
In aan
weriyuhu ixsaan gaar ah warka ugu samayn dadka wax ku
xayaysiista ama danaha gaarka ah ka dhexeeyaan oo raba in ay raad
ku yeeshaan warka. Taas oo ah in uu ka taxadaro
wararka iyo akhbaarta lagu siinayo si meeshii warkaas laga
qaatay loogu fuliyo dan gaar ah ama warka loo sheego si meeshaas
qancisa oo aan ahayn xaqiiqadii warka.
Weriyaha iyo Mas'uul Noqoshada
Weriyayaasha
waxaa xil ka saaran yahay waxay u gudbinayaan akhristayaashooda iyo
dhegeystayaasho/daawadayaashooda.
Weriyuhu waa:
-
In uu caddeeyaa, sharraxaana warka, isla mar ahaantaana ku casumaa shacabka in ay
dood furan ka yeeshaan dhaqanka weriyayaasha.
-
In uu ku
casumo
dadku in ay si bareer ah u sheegtaan waxyaabaha ay kaga
cabanayaan warbaaahinta.
-
In uu qiro khaladka
ka dhaca, isla mar ahaantaasna sida ugu dhaqsaha badan u saxo.
-
In uu si waadax u
caddeeyo weriyayaasha iyo warbaahinta ku dhaqmaya wax aan
waafaqsanayn anshaxa warbaahinta.
[Xusuusnow: Weriyaha
Xilkiisa koowaad waa sheegidda Runta.]
Weriyaha iyo Qoraal Wanaagga
Weriyuhu
waa in uu yeesho xirfad wanaagsan oo la xiriirta wax qorista. Waa in uu
ku dadaalo in uu si wanaagsan oo la fahmi karo u qoro qoraallada. Waa in
qoraalku noqdo mid haybad wanaagsan ka muuqato oo ku qoran naxwe iyo
higgaad la fahmi karo. Waa in weriyuhu had iyo jeer kororsado aqoontiisa
iyo xirfaddiisa.
Weriyaha iyo Dhawridda Xuquuqda Qoraallada
Hantidu
waxay noqon kartaa mid maal ama mid maskaxeed. Qoraalladuna waxay
soo hoos gelayaan hantida maskaxeed. Sidaa daraadeed waxaa lagama
maarmaan ah, isla markaana shardi ah, in weriyuhu ilaaliyo xuquuqda
qoraalka oo uusan qoraal soo min guurin isagoo aan sheegayn isha uu ka
soo xigtey. Maadaama xilka koowaad ee weriyuhu uu yahay "Sheegidda
Runta" waxaa muhiim ah in uu qoraallada ka run dheego haddii uu meel
ka soo xigtey.
Tixraac:
Drafted: 2006 | Updated: 2008 / 2010