SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MASAAJIDA
AHMIYADDA MASAAJIDADA IYO BAAHIDA LOO QABO DHISMAHOODA

_______________________________________
WQ: xaamud cali cilmi | July 14, 2001

salaamu calaykum waraxmatulaahi wa barkaat,

masjiddhis Xuquuqda Sawirka: The American Muslim magazine; Vol. 2, no.3, June, 2001, pge 31
DHIS MASJID, ALLAH JANNADA GURI HAKAAGA DHISEE [Insha Allah]
Fadla akhri wixii cusub ee wacdi iyo warar somalitalk [xaamud], soona gudbi siina gudbi wacdiga ,wa sida ay inagu soo gaadhay diintu, waa mawduuc muhiim ah (Ahmiyada Masaajida) ee fadlan wakhti sii aad ku akhrido.

waxaan ahay araday, aqoontiisa diin aad u gaaban tahay, waxaana soo gudbinayaa ama xasuusin wax dadku wada yaqaan, waayo waxay dadku samankan maanta ah mashquul ku yihiin, soomaliya, soomaliland, puntiland, qabyaalada, iyo ururo iyo aduun jecayl, kuwaas oo ka mashquuliyey dadka manhaji salfuna salax oo ah kooxdii firaqa naajiy, ama badbaadaysay.

wixii khayr ee aan asiibay waa faminalaah, wixii kale ilaahay iyo rasuulkiisi bari ayey ka yihiin, waa shaydaan iyo naftayda ilaahay baan dambi dhafwaydiisan,
Qore: xaamud

 
Cusmaan bin Cafaan(Irhka) wuxuu soo weriyey inuu Nebiga(Nabad-gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha Ahaato) yidhi: qofka masaajid dhisaa , Ilaahay ayaa janada guri uga dhisa.
 
"Any one who builds a Mosque for the sake of Allah, Allah will build a house in Paradise for him". [Hadith]
 

Masaajidku waa hoy cibaado iyo dugsi waxbarasho oo aanay Muslimiintu ka maarmi karin. Meel kasta oo ay degaanna intaanay wax kaleba u dhaqaaqin, waxa lama huraana inay masaajid ka dhistaan, waayo masaajidku ahmiyad gaar ahaaneed oo aan la qiimayn Karin ayuu nolosha qofka Muslimka ah ku leeyahay. Nebiguna (Nabad-gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha Ahaato) markuu madiina u haajirey mashruucii u horreeyey ee uu hirgeliyey wuxuu ahaa dhisme masaajid.,iyo muslimiintii uu walaaleeyey,ooahaa muhaajiriintii iyo walnasaara.

Masaajidku wuxuu ahmiyadda ku yeeshay doorka weyn ee uu ka qaato diinta Islaamka, carbinta iyo laylinta qofka Muslimka ah, jamaacada iyo mujtamaca oo dhan. Hooy cibaado ka sokow, masaajidku waa hooy waxbarasho oo lagu barto usuusha Diinta, Caqiidada iyo shareecada. Dadka masaajidka imaatinkiisa qabatimaana waxay markay ku socdaan, dhex joogaan, ama ay ka soo laabtaan, u socda ajar aan la qiyaasi karayn. Waxa kale oo ka dhex abuuranta walaaltinimo iyo xidhiidh sokeeye. Waxay noqdaan qaar iska war haya, dadka kale isaga dhow oo wada tashada, waxna wada qabsada, iscaawiya oo iska warhaya.

Masaajidku waa il ka mid ah ilaha jannada, oo Raxmada Alle ku soo degto, Naxariistiisuna ay hadhayso, habeenkiina nuur ayaa ka baxa malaa'igtu soo eegato. Sidaas darteed masaajidku wuxuu leeyahay qushuuc gooni ah iyo dareen gaar ahaaneed waayo waa meel Ilaahay lagu caabudo. Waanada aad gudihiisa ku maqashaana si gooniya ayey kuu damaqdaa, si dhab ahna raad ayey kuugu yeelataa waayo waa guriggii Ilaahay. Masaajidku waa meel lagu tababaro qofka Muslimka ah, laguna layliyo wacdiga Aayadaha Qur'aanka iyo Axaadiita Rasuulka (Nabad-gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha Ahaato) Carbiskaasina wuxuu qofka ku hagaa Dariiqa Mutaqiimka ah (toosan). Wuxuu noqdaa fuliyaha amarada Ilaahay, kana waantoobaa denbiyada la inooga digay ee inaga reebban.

Halkaasna waxa ka abuurma qof si dhaba diinta ugu dhaqma. Wuxuuna noqdaa mid hagaaga. Hadii qofqof loo hagaagana, waxaa iyana hagaagta jamaacada meesha ku wada tukata oo dhan. Hadday jamaacadu hagaagtana waxaa hagaaga mujtamaca guud oo isna qabatima Islaanimada. Waa wax isku wada xidhan. Haddaan aasaaska la toosinna, baarka sare lama toosin karo. Wakhtigii Nebigana (Nabad-gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha Ahaato). Wuxuu masaajidku ahaa xarunta nolosha Muslimiinta laga maamulo. Wuxuu ahaa goobta ay dacwaddu ka bilaabmato, Xarrunta Guud ee ciidamada laga kala diro, hogaamiyayaashana lagu magacaabo, Maxkamada dadka lagu gar-naqo, xarunta zakada lagu qaybiyo, iyo waliba hooyga saboolka saxaabada iyo dadka socdaalka ah.

Sida xaqiiqadu tahayna masaajidku wuxuu si wax ku ool ah u raadeeyaa nolosha qofka Muslimka ah. Waayo qofka masaajidka qabatimaa waxa uu badsadaa dhegaysiga khudbadaha Jimcayaasha iyo muxaadarooyinka diiniga ah. Wuxuuna noqdaa qof uu wacyigiisa diineed kor u qaadmo, Iimaankiisuna uu xoogaysto. Wuxuu noqdaa Muslim dhab ah oo u dhaqma sidii Ilaahay iyo Nebigiisu (Nabad-gelyo iyo Naxarii Kokiisa Ha Ahaato) ay fareen. Qofka masaajidka tegidiisa badsadana waxa gala dareen ah inuu Ilaahay ku xidhan yahay, maganna u yahay. Qof Ilaahay ku xidhani nasiib badanaa!!.

Masaajidku door xasaasi ah ayuu ka qaataa hagidda iyo toosinta Muslimiinta. Waayo maalin kasta shan goor ayaa laga eedaamaa, shan salaadoodna waa lagu tukadaa. Toddobaad kastana khudbada Jimceed ayaa ka baxda. Sidaa awgeedna,masaajidka dadka ayaa lagu baraarujiyaa oo tegiddiisa lagama maarmikaro. Dhamaan Muslimiinta waxa waajib ku ah inay meel kasta ka dhistaan masaajiddo ay Ilaahay ku caabudaan, Diintana ay ku bartaan. Hoyga cibaado kasokowna waxay u baahan yihiin goob ay ka duulaan oo ay dacwadda kagaadhsiiyaan dadka aan Muslimka ahayd oo ay waajib inagu tahay inaynu gaadhsiino diinta Islaamka.

Hadaba dadweynha soomaalida waxaan ku boorinayaa inay ka qayb qaataan dhismaha masaajida. Deeqday bixiyaan waxay u noqonaysaa sadaqa ajarkeedu u socondoonto ilaa maalinta qiyaame. Waxaa suura gal ah in qofka maanta ka faa'iidayta fursadan oo wax u bixiya in Ilaahay u labanlaabi doono, todoba boqol oo jeer ama ka badan (Ilaah idankiis). Waayo lacagta ayuu waayi ama qof uusiiyo ayuu waayi ama waa uu ka dhiman. Alle (Subxaanahu Wa Tacaalaa) waxa uu yidhi: kuwa iimaanka laga helayow wax bixiya waxaan idinku arsaaqay qaarkood ka hor intaanay iman maalinta (Qiyaamaha) aanay gudaheeda jirin wax la kala iibsado, saaxiibtinimo iyo isu-shafeeco qaadis (midna) {Al-Baqarah:254}.

Cusmaan bin Cafaan(Irhka) wuxuu soo weriyey inuu Nebiga(Nabad-gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha Ahaato) yidhi: qofka masaajid dhisaa , Ilaahay ayaa janada guri uga dhisa.

Allah (SW) wuxuu qur'aanka inooku sheegay in "kuwa xaqa rumeeyey ee camalka fiican fala inuu dhaxalsiin doono dhulka siduu u dhaxa-siiyey kuwii ka horeeyey; wuxuuna makanin Diintooda uu uga raali noqday; cabsiday ku noolaan jireenna wuxuuna ugu beddeli doonaa nabadgelyo; keligay ayay i caabudi doonaan cidna (caabudaadda) ilama wadaajinayaan" {An-Nuur:55}

 
islamempire Television kamida kuwa ugu caansan Maraykanka ee lagu magcaabo PBS ayaa diyaariyey Filim si qoto dheer uga waramaaya Islaamka, kan oo ku tilaamayo xadaaradii Islaamka iyo sida Muslimiintu ay uga qayb qaateen horumarka dunida.
Arintaas oo faahfaahsan ka eeg Halkan - Boggaa PbS.
Sidoo kale eeg devillierdonegan oo farsamada samaynta filimka ka qaybqaatay.
Filimka oo duuban waxaa laga iibsankaraa PBS
 
ISLAMIC LINKS
. Islamic Finder
. American Muslim
. Global Relief Foundation
. Muslim American Society
. Council of Islamic Schools
. Islamic Circle of N/America
. Why Islam
. Relief Online
. Islamic Relief
. Islam Online
. Kaaba Direction
. Halal & Haram Food Guide
. Sakada Maalka Lagabixiyo
. Habnololeedkii Saxaabada
. Gudashada Xajka
. Gudashada Ramadaanka
. More Islamic Links
OTHER INFO
Meeshii ay ku istaagtey Doontiii Nebi Nuux (cs)
Akhri halkan
Taariikhda Qalcadda Mombasa, Kenya
Halkan Akhri
TAARIIKHDA SOOMAALIA
Qore: Cali-Nuuri
Akhri halkan
Somalia: Its Political and Cultural History
Read here
SOMALIA HISTORY
By: abdi jama ali
Read here
Waxaan dhamaan muslimiinta uga digayaa gaar ahaan soomalida. Waxaa baryahan dambe socota caado xun oo noqotay in wakhti badan lagu lumiyo (meelihii) Xadiiska Rasuulku (Salalaahu Calayhi Wasalam) ku sheegay, meelaha Ilahayna ugu neceb yahay waa ( Suuqyada). Xadiis kale ayaa wuxuu ahaa hadii ay daan ka maarmayn fadhiisiga suuqa waxaa la amray in lagaa helo sidan.
  • Rasuulku ( Salalaahu Calayhi Wasalaam) xadiis ku sheegay oo ah {hadii la din salaamo salaanta cesha oo dhaha {salaamu calaykum waraxmtulaahi wabarkaat}. Soomalidu waa cajiib waxay isku bilaabaan "waar ii waran" iyo "saw nabad maaha" taasi salaan aad ajar ka helaysid maaha ee la soco.
  • Hadii dumar qaawan soo maraan indhihiina ka laabta.
  • Waa in dadka aad khayrka fartaan, xumaantana ka reebtaan.
Iska da'a inta kor lagu sheegay in ay sameeyaan ee waxay wakhtiga ku dilaan reer hebel iyo reer hebel.

waxaan leeyahay xasuuso xadiiskii rasuulku (Salalaahu Calayhi Wasalam) ee ahaa meelaha uu Ilaahay jecel yahay. Waa masaajid ee caado ka dhigo, waxaadna ogaataa hadii qof masaajidka laga waayo oo "xanuun ama duruufo" kale jirin, oo had iyo jeer laga helo meelaha xun wax fiican maah. Waxaan leeyahay waa naseexo guud, insha alaah ha laga waantoobo. Suuq fadhiisiga wakhtigu waa qaali ka qiimo badan "dheemanka iyo dahabka". waa waano iyo dhiiri galin ah oo aan u soo tebinaayon muslimiinta dhamaantooda iyo shacabka soomalida gaar ahaan kuwa ku dagan dhulka gaalada , ilaahay ha inafu anfaco inshaa Alaah.

salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarkaat

Qore: xaamud cali cilmi
Email: hamud13@hotmail.com

posted July 14, 2001
Updated: July 15, 2001

Faafin: SomaliTalk.com | August 25, 2001

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD