"Heshiis Saddex Geesoole ah oo Lagu
Gatay
Xaafuun Muddo 99 sanadood ah" sida ay shaaca ka qaaday HAFZA
Qoraal ay (Febraayo 18, 2005) faafisay
shabakada Hafza ayaa shaaca ka qaaday waraaqihii lagu saxiixday heshiis la
sheegay in la kiraystay magaalada xaafuun muddo 99 sanadood ah. Heshiiskaas oo
Xaafuun ka dhigaysa mid si toos ah uga madax bananan sharciyada iyo
qawaaniinta Soomaaliya iyo kan Puntland - waxaana halkaas lagu dhiqi qoona
sharci iyo qaanuun u gooni ah oo ay u dejiso Hafza [Horn of Africa Free
Zone Authority], taas oo looga gol leeyahay in laga dhigo meel u madax
bannaan ganacsi ay tooska u maamusho HAFZA, waa sida ay Hafza sheeganeyso'e.
Qoraalka cusub ee ay Hafza faafisay ayaa
shaaca ka qaaday warqad ay sheegeen in uu qoray madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya kaddib markii loo doortay madaxweynaha, waxana
warqadaas ku qoran in Cabdullaahi Yuusuf uu saxiixay lana qoray October
17keedii 2004, (doorashadii madaxweynaha ee uu C/laahi Yuusuf ku guulaystey
waxaa la qabtay 10kii October 2004).
Qoraalka Hafza waxa uu ku bilowday sidan: "Daabacaad 18 February 2005"
"Markii la arkay akhbaar majara habaabin ah
oo ay faafinaynaan qaybo ka soo hor jeeda dawladda Soomaaliya iyo/ama
Puntland, ayaa HAFZA waxay ay soo daabacday ama soo bandhigeysaa dukumiinti
caddaynaya sidii uu heshiiskaasi u dhacay"
Nuqul kamid ah warqad muujinaysa "qoraal
rasmi ah" oo HAFZA sida ay shegtay kasoo gaarey madaxweynaha Soomaaliya,
Cabdullaahi Yuusuf Axmed, markay taariikhdu ahayd 17 October 2004, (hoos
ayaad ku arki doontaa linkiyada waraaqaha).
Nuqul (qayb) kamid ah heshiiskii
ay 23 October 2004 la saxiixdeen Dawlad goboleedka Puntland, dawladda
Federaalka Soomaaliya ayagoo sii maraya Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
iyo khayraadka dabiiciga ah, Axmed Maxamed Cigaal.
Qoraalkaas ay HAFZA shaaca
ka qaaday ayaa waxaa ku qoran in heshiiska ay HAFZA la gashay Puntland uu ka
kooban yahay 19 qaybood (32 bog), waxaana Puntland u saxiixay Axmed Maxamed Cigaal,
sida ku saxiixan warqadahaas.
Waxaana goobta lagu saxiixayey goob joog ka ahaa laba qof oo kale oo
Soomaali ah oo warqadaas
saxiixay ayagoo markhaanti ahaan ah, sida ay HAFZA faafisay, magacyadooduna
uu warqadaas ku qoran yaha.
Waxa kale oo ay HAFZA shaaca ka qaaday Nuqul
ku taariikhaysan December 23, 2004 oo muujinaysa "qoraal
rasmi ah ama wareegto madaxweyne" oo kayimid Maxamed Cabdi Xaashi oo markaas ahaa
madaxweynaha Puntland, oo HAFZA
ay sheegtay in email loogu soo diray. Waxana wareegtadaasi awood u siinaysaa in Wasiirka
Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo khayraadka dabiiciga ah uu hewshiiskaas la
geli karo HAFZA, sida ku cad nuqulkaas. .
Waxa kale oo HAFZA ay shaaca ka qaaday
email sida ay sheegeen uu u soo diray Wasiirka
Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo khayraadka dabiiciga ah, Axmed Maxamed Cigaal,
taas oo ay ku qoran tahay in "Qaraarka" heshiiskaas la ogolaaday, sida
warqadaas ku qoran, in kasta oo qaybo ka mid ah warqaddaas ay HAFZA qalin
marisay ama qarisay.
Madaxweynaha hadda ee Puntland, Gen. Cadde
Muuse, oo ay idaacada SBC su'aal ka weydiisey waxa uu ka ogyahay in qaybo
kamid ah Puntland shirkado ajnabi ah lagu wareejiyey ama laga gaday ama laga
ijaarey, waxa uu ku jawaabey "Internet-yada ayaan ku arkay in 99-sano dad
laga ijaarey, anigu arrintaa lama socdo" ayuu yiri, waxana uu ku daray "madhaci
karayso in aan niraahno (shirkad ajnabi ah) dhulka adigaa iska leh ". [Halkan
dhegeyso].
Ilaa hadda dawladda Fedelkaaga Kumeel
gaarka ee Soomaaliya war rasmi ah kama soo saarin sheegayshada HAFZA
ay sheeganeyso in ay qaybo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed kiraysatay muddo 99
sannadood ah oo ay dhulkaas ku dhiqi doonto xeer iyo qaanuun u gaar ah
shirkadaas. Sidoo kale DFKMG weli war sugan kama soo saarin qoraalada ugu
dambeeyey ee ay shaaca ka qaaday HAFZA.
Madaxweynihii hore ee Puntland asagun weli
arintaan war rasmi ah kama soo saarin.
Afeef: Ilaa hadda arinta ijaarashada ama
gadashada Xaafuun waxaa laga maqlay HAFZA, xaqiijinta ama beeninta rasmi ah
ee arintaas waxaa laga sugayaa Dawladda Soomaaliyeed iyo dawlad goboleedka
Puntland.
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19, 2005