SOMALITALK.COM
SomaliTalk.com
Online Community
WEATHER LINKS
. AccuWeather
. WeatherNetwork
. WeatherBase
. Weather
. nws.noaa.gov
. IntelliCast
. WeatherOffice
. Environment Canada
SCIENCE
. NationalGeographic
. Discovery
. Animal Discovery
. Discovery ca.
. Nature Magazine
. Science Magazine
. The Lancet
ENGINEERING
. Eng. Net Base
. Clearing House
. ASCE Publications
. Eng.Virtual.Library
. Engineering Info.
. Civil Eng. Journals
. Testing&materials
. CSA International
. P. E. Ontario
. N. S. P. E.
HEALTH TALK
. Asthma Edu. Network
. Asthma Resource
. Asthma & indoor
. Asthma and Immun.
. Asthma and Allergy
. Astham Campain
. Allergy & Asthma

Home | SIIRO | ZAKAT | SALAT | Search
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WWW.SOMALITALK.COM
Maalinta oo Lagudaro ama Laga dhimo Saacad

SomaliTalk | October 27, 2001 | Cusboonaysiin: 04/04/04

FAA'IIDOOYINKA IYO XIGMADA WAQTIGA

Waxaa meelo badan oo woqoojiyga aduunka kamid ah la adeegsadaa waxa loo yaqaan "Daylight Saving Time" iyadoo xilliga Gu'ga (ama kulaylaha) saacad la hor marinayo waqtiga, iyo in xilliga jiilaalka (ama qabowga) hal-saac waqtiga dib loosoo celinayo.

Habkaan oo si loo xusuusto la adeegsado oraahda "Spring forward (ahead)...Fall back..." , waa nidaam macne weyn kujiro, kaas oo ujeedada ugu weyn ee loo asaasay ay ahayd in la Tashiilo Tamarta ay adeegsadaan guryaha. Waxaana nidaamkaan adeegsada qiyaastii 70 waddan oo dunida ah.

Waxaa la ogyahay in korontada guryaha ay adeegsadaan qiyaastii 25% ay kubaxdo Nalalka iyo qalabka yaryar ee kale oo la adeegsado sida TV-yada, VCR-ka iyo raadiyayaasha iwm. Tan oo badanaa la adeegsado fiidkii marka qoysaska oo dhammi ay guryaha joogaan, hadii markaas saacadda hal-saac la hormariyo waxaa la yaraynayaa xadigii korontada ee qoys walba adeegsanayey, taas oo markaas wadanka oo dhan faa'iido u ah.

Marka lagaaro bilaha kulaylaha (March/April) ayaa waqtiga la hormariyaa hal saac, taas oo halsaac dib u dhigaaya dhicitaanka qorraxda. Arintani waxay yaraynaysaa waqtiga u dhexeeya qorrax dhaca iyo waqtiga laseexanayo, taas oo markaas sida aan kor ku xusnay yaraynaysa xadigii koronta ee qoyska. Intaas keliya maahee waxaa yaraanaya xilliga qoysku uu guriga joogo maadaama ay qorraxdu waqtibadan maalintii soo jeeddo oo markaas guriga dibada looga maqanyahay waqtigaas.

Faa'iidada kale ee ku jirta in qorraxdu ay xilli badan soo jeedo waxaa kamid ah in la helayo waqti dheeraad ah oo beeraha loo shaqeeyn karo, sabatoo ah wadamada ku yaal woqooyiga adduunka xilliga ugu haboon ee beeraha la qoran karo waa xilliga kulaylaha ee aan barafku jirin, waqtigaas oo si weyn looga faa'iideysto - waxaa mararka qaarkood qorraxdu dhacdaa qiyaastii sagaalka fiidnimo, waxaana taas sii dheer in hal-saac lasii hor mariyey waqtigii hurdada laga kaci, sidaasna lagu helayo waqti dheeraad ah oo beeraha looga shaqeeyo.

Marka lagaaro xilliga qaboobahana (October) waxaa waqtigii dib loo celinayaa hal saac, taas oo faa'iido u ah in subaxnimada la helo iftiin.

Qaabkaas kore ee saacada marna la hormarinayo, marna la dib dhigayo, wuxuu sannadka oo dhan faa'iido u yahay yaraynta xadiga tamarta guryaha ku baxaya, marka laga reebo afarta bilood ee ugu mugdisan woqooyiga dunida, afartaas bilood oo ah Nofeembar, Diseembar, Janaayo iyo Febraayo, waqtigaas oo inta badan ku beegma baraf iyo hoosiis dhulka hareeya oo lagaba yaabo in qoraxda arageedu ciriiri galo.

GOORMA AYAA KALA BEDELKA SAACADUHU KUBEEGANYIHIIN

Wadamada Woqooyiga Ameerika waqtiga saacadaha lakala bedelo:

  • wuxuu bilaabmaa 2 a.m Axada ugu horaysa bisha Abriil [waqtigan oo la hormariyo hal-saac]
  • wuxuu dhammaada 2.am Axada ugu dambaysa bisha Octoobar. [waqtigan oo dib loodhigo hal-saac]

Wadamada Yurub

  • Wuxuu bilaabmaa 1 a.m. GMT Axada ugu dambaysa bisha Maarso.
  • wuxuuna dhammaadaa 1 a.m. GMT Axada ugu dambaysa bisha Octoobar.

Wadamo badan oo dunida ah wuxuu bilaabmaa 30ka Maarso, wuxuuna dhammaada 26ka Octoober.

Dhammaan wadamadaas kore waqtiga halsaac ayaa lahormariyaa xilliga kulaylaha, halsaacna dib ayaa loo dhigaa waqtiga qaboobaha, waxaa taas kaduwan dalka Ruushka taas oo waqtiga laba-saacadood la hor mariyo xilliga kulaylaha, halsaacna dib loo dhigo xilliga qaboobaha.

Xigmad ahaan marka aad u fiirsatid, waxaad arkeysaa wadamada kuyaal woqooyiga dunida in maalintu ay aad uga dheertahay habeenka waa marka lagu jiro xilliga xagaaga, taas oo aad siwacan u fahmeysid xigmadda qur'aanka ee ah in Allah habeenka iyo maalinta uu midba midka kale dhexgeliyo.

Waxaad kale oo xusuusnaataa: Hadii aad dhaqaalaysid in yar oo tamar (energy), waxaad u faa'iidayneysaa naftaada oo aad lacagyar bixineysid iyo wadanka oo dhan oo kharashkii uu ku bixin lahaa soo iibsiga waxyaabaha lagu socodsiiyo quwadaas ay yaraaneyso, taas oo weliba u wanaagsan degaanka guud ahaan.

Tixraac: daylightsaving | webexhibits | worldtimezone | worldtimeserver | worldtime | geography | energy



Jadwalka Taariikhda Islaamka

Taariikhda sannadka Islaamka waxaa lagu tiriyaa ama looga qiyaas qaataa bisha (ama dayaxa), Waxaana uu ka koobanyahay 12 bilood kuwaas oo bilwalba tiradeedu ay ku xirantahay dhalashada dayaxa. Badanaa sannadka islaamku wuxuu noqdaa 12 x 29.53=354.36 maalmood. Taas oo kadhigeysa sannadka Islaamka mid 11 maalmood ka tiro yar sannadka miiladiga ama taariikhda looyaqaan "Gregorian" ee lagu tiriyo qorraxda.

Sannaadka Islaamka waxaa sal u ah Aayadda Quraanka ee suurada "Al-Tawbah" ee macneheedu yahay "Tirada bilaha Eebe waa Laba iyo Toban kitaabka Eebe dhexdiisa tan iyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana kamid ah afar xurmo (gaar) ah leh...." [9:36].

BILAHA SANNADKA ISLAAMKA


1. Muxarram 7. Rajab
2. Safar 8. Shacban
3. Rabi'c al-awwal  9. Ramadan
4. Rabi'c al-thani 10. Shawwal
5. Jumada al-awwal 11. Dhu al-Qic'dah
6. Jumada al-thani        12. Dhu al-Hijjah

Bilaha Islaamku waxay bilaabmaan marka dayaxu (bishu) soo baxdo, taas oo ah in la arko bilowga dayaxa (ama bisha). [Eeg bogga muujinaya khariida bisha.

Xisaab ahaan bilaha Islaamka waxaa lagu qiyaasaa in ay kudhamaadaan 30 ama 29 maalmood.

Sannadka Islaamka oo loo yaqaan Hijra waxa uu bilaabmay markii Nebi Muxammad (scw) uu ka haajirey Makka oo u haajirey Madiina, taas oo ku beegnayd sannadkii 622 ee miilaadiga , qiyaastii [16 July C.E. 622].

Ma rabtaa in aad tirada carabiga u bedeshid Roomaan, ama tirada Roomaanka u bedeshid Carabi, Guji halkan

Waxaa isku soo dubaridey:
Maxamed Cali
SOMALITALK.COM

2001-10-27 | Update: 04/04/04

Tixraac: al-islam. | webexhibits | moonsighting


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
KNOWLEDGE.CENTER
health
Chemicals and Health
kaneeco
Mosquito bytes
poluution
Air pollution
smookin.gif (16385 bytes)
Still smoking

Copyright © SomaliTalk.com. All rights reserved.