SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
DURUUSTA - WAAYAHA

Wasiir wiilkiisa gaaji udhintey!
Qaybat 1aad:

 Qisadan murugada badan waxay kusabsantahey wiil yar oo aabihiis dayacay. Sideebu wasiir dhan ilmihiisa udayicikara? Waa su'aal aad xaq uleedahey inad isweydisid!
Umada haddii aaney Diin kudhaqmeyn waxkasta kafilo! Waxa laga yaba inay kuxasuusiso sheekoyin badan oo lamid oo horey kuu soo marey!

Nin layirahdo Abu Abdillahi , waa sida uu nagu soo gaarey magaca sheekaade, ayaa suuqa maalin  tagey isagoo raadinayo qof gurigiisa howl yar ugu qabto oo uu markas  waxyar siiyo!
Markii uu yimid meesha ay masaakinta istagan ayaa farta loogu fiiqey wiil wadad ahoo wadada geeskeeda fadhiyo. Wuxu  laha waji quruxsan oo aamusan.  

Markii uu utagay ayuu weydiyey inuu shaqo rabo iyo  inkale, wuxu usheegey inuu diyaar uyahey shaqada laakinse uu doonayo 'hal dirham' oo kali ah!
Abu Abdullahi isagoo layaban lacagta yar ee uu dalbanayo ayuu usheegey inan waxba kaqabin.

 Wiilkii yara shaqadiisii ayuu bilaabey isagoo aamusan oo wax kalmad ah kasoo baxeen ilaa uu howsha kadhameyey, lacagtiisii ayuu qaatay , Allah ayuu kumahadiyey, kadibna waa iska dhaqaajiyey!

Abu Abdullahi, maalinkale ayuu ubaahdey wax shaqadii oo kale uqabto, wuxu yimid meeshii uu ninka kula kulmay markii hore laakinse wuu kawaayey markan; dadka haddii uu waydiyey meesha uu aadey, waxa loo sheegey in la'arko 'wiilkan' isbuucii maalin kali ah!

Abu Abdullahi, maalintii  lagu yiri 'wuu soo fadhiista' ayuu soo laabtey.
Isagoo bartii fadhiyo ayuu uyimid, wuxuna waydiiyey inuu shaqo uqabto.
Maadama uu ubogay shaqada uu uqabtey ayuu siiyey dhowr dirham laakinse wiilkii ayaa iska soo taagey, inuu qaato wax lacag ah, wuxuna yiri: Waxan kuwaydiistey majiraan howsha aan kuu qabtey!
Abu Abdullahi: waayahey ee qaado nus waayo howl adag madan ii qabanin(wuxu uhaysta inuu lacagta saluugsanyahey)
Wiilkii: Waxan kaa qadanayo oo lacag ah majiran!
Abu Abdullahi: Waayahaye, kudarso inta hartey oo wada qaado haddii ay kugu yartahey!
Wiilkii: Maye, shilin maqadanayo!

Wiilkii ayaa iska laabtey isagoo ay wajigiisa kamuqato tiiranyo iyo daal! Abu Abdullahi ayaa daba galay isagoo doonayo inuu siiyo xaqiisa, haseyeshe kama qaadan!
Abu Abdullahi oo aad iyo aad uwareersan ayaa gurigiisa kusoo noqdey, xaaskiisa ayuu ugu sheekeeyey waxa dhacay; waxay kutiri:
Adiga dadka noolashooda hoose war uma haysid, ilaahey umba og; waxa dhici karto inaad kafasahaadisay arin hoose oo isaga iyo Allah udhaxeysey! Waxa dhici karto inusan aheyn dadka caadiga uxamaasho ee ay duruufta ku qasabtey!

Maalmo haddii lajoogey ayuu Abu Abdullahi is yiri maad soo eegtid ninkii , meeshii ayuu kawaayey, dadka  ayuu weydiyey meesha uu kadanbeeyey; waxay ushegeen inuu xanunsanyahey!
Wuxu damcay inuu fursadan kafa'ideysto oo uceliyo xaqiisii uu katagay hada kahor!
Gurigiisa ayuu booqasho ugu tagey.
Guriga waxa dhexyeelo darin yar, busto iyo zabiib! Wuxu isweydiyey sida uu ninkan ugu noolyahey guri sidan ah, guri aan waxbo yeelin! Haseyeshe ku adkaatey sidii uu usiinlahaa lacagtiisa ama ugu sheegi laha hadafka booqashadiisa. Waxoga markii uu aamusna ayuu ku yiri: Danban kaa leeyahey walaal!
Wiilkii: Oo maxad rabta?
Abu Abdullahi: Waad ogtahey ajirka uu helayo qofka walaalkiis qalbigiisa galiyo farxad?
Wiilkii: Maxad ula jeedaa?
Abu Abdullahi: Gurigayga ayad imanayso si'an kuu bukandhowro, waayo xaas iyo caruur midna kulama joogan!
Wiilkii: Ma sidas ayad jeceshahey?
A.Abdu: Haa, aad iyo aad  ayaan ugu faraxsanahey arintas!
Wiilkii: Hadaba, waxan kugu raacaya sedex shardi!
A.Abdullahi: oo maxay tahey? Insha'Allah, kheyr.
Wiilkii: Mida koobad,inaadan isiin cunto anigoon kuwaydiisan!
Abu Abdullahi: Waa sahal, maxa kale!
Wiilkii: Tan labaad, haddii aan dhinto inad igu astid go'eyga iyo jubadeyda aan sito!
Abu Abdullahi: Maxa dhacay?
Wiilkii: Waxan gacanteyda kushaqaystey ayan ku iibsadey, sidaas ayaan uraba in laygu aaso insha'Allah!
Abu Abdullahi: Ilahey cumrigada hadhereye, wali wiil yar baad tahey ee kafikirin geeri!
Wiilkii: Mida sedexad...waxooga ayuu aamusay. ilaa iska aamusayba .
Abu Abdullahi : Maxay tahey ninyahow, waxba ha aamusin, diyaar ban u ahey inan fuliyo dhaman waxad iga codsatid!
Wiilkii: Waa arin ay adegtahey inad fuliso! Caawa ayaan kuu sheegaya, insha'Allah!

Guriga ayey isu raaceen ayadoo Abu Abdullahina uu karaameeyey.
Dhanka kale, wuxu xooga saarey sidii uu kasbanlaha kalsoonidiisa , wuxu go'ansadewy inuu ka ajirka gurubsado ninkan aan caruurta iyo qaraabada midna laheyn.
Maalintii dambe ayuu uyeerey Aba Abdullahi kadib markii uu aad iyo aad u xanunsadey; wajigiisa waxa kamuuqato daal iyo diif!
"Yaa Abaa Abdullahi?" Ayuu yiri isagoo doonayo inuu ladardaarmo.
 "Kheyr insh'Allah, maxa kugu dhacay walaal?"
Wuxu usheegey inay kusoo xaadirtey geeridii oo ay u egtahey markii ugu danbeysey aduunyadan!
"Ilahey cumrigaada hadheereye, maxa dhacay? Arimaha noocas ah, maxad ugu fikirta? Wali waxad tahey, qof dhalanyaro ah, insha'Allah waayo badan ayaad sii noolandoonta!" Ayuu yiri Abu Abdullahi oo  isku dayayo inuu ka khafiifiyo xanuunka ba'an ee wajigiisa kamuqdo.
Wiilkii: Howshan iska dhaafe, fur 'Jacketkan' jabkiisa!
Maxa soo baxey markii lafurey? 'Khaatim aad iyo aad uqurux badan, xita maal-qabeenada lacagta badan aysan iibsan karin!
"Muxu yahey kana?"
Wiilkii: Waxa iska leh ninka layirah 'abu fulan' Wasiir hebel!
" Oo adiga mawaxad tahey ina hebel, Wasiirka Cadalada?" Wiilkii "nacam"
Abu Abdullahi oo yaaban ayaa weydiiyey " Oo aabaha wuxu kamid yahey dadka ugu sareeye wadanka, maxa kubidey noolashan?"
Ilmo weyn ayaa 'gabax' kasoo tiri ilaa uu hadalkii kasoo bixi waayey!!

Abu Abdullahi, waxa kudhashey shaki isagoo isweydiinayo su'aalahan "Malaha wuu soo xaday 'Khaatimkan quruxda badan', waxa uu sheegayana waxba kama jiran"
Hadana, naftiisa ayaa qaadan kari weydey inuu soo xadey waayo  wax tuugonimo ah wajigiisa kama muuqato, waa layaqaan tuug iyo saansaankiisa.
Wuxu isku qanciyey inuu wiilka su'aalo dheerad ah weydiiyo: Fadlan, maxay tahey qisadaada? Runtii, sir weyn baa kugu qarsoon!
Wiilkii: Ha hilmaamin, inan kugu iri 'shardi' sedexaad ayaa jira!


Wasiir wiilkiisa gaaji udhintey!
Qaybat 2aad


Abu Abdullahi oo hilmaansan shardigaas ayaa
kuyiri "Oo muxuu ahaa?"
Wiilkii: Waa 'sir' aan inbadan kuhayey feeraheyga dhexdooda.
Indhaha ayaa biyo kasoo boodeen, hadalkii ayaa kasoo bixiwaayey! "Haddii aan dhinto, qaad Khaatimkan oo ugee aabehey; waxadna kutirahda "Ninka khaatimkan kuu soo dhiibey wuxu kuleeyahey "War gurigii ba' sidan hakudhiman! Haddii kale, waad kashalandoonta maalin aan maanta aheyn"

Indhaha ayuu isku yara qabtey sidii waxyara raaxeysanayo. Abu Abdullahina wuxuu ubalanqaadey inuu fariintan kagaarsiindoona aabihiis!

Wuxu isku dayey bal inuu kahelo macluumad intaas kabadan laakinse wiilkii yara wuu diidey isagoo kugabsadey "Aabehey ayaad ka ogaandoonta wixii faahfaahin  ee aad ubaahantahey. Majecli inan 'daaha' kafeydo  sirta sheekadan. Allah oo kali ayaa sirtan og!

Maadama uu wiilkii kagaabsadey inuu bixiyo wax dheerad ah, Abu Abdullahi hadalkii ayaa kusoo xirmey. Wuxu usheegey inuusan hadalka ku  adkeyneyn "waan ku arkaa oo aad iyo aad ayaad uxanunsantahey ee iska naso!"

Wiilkii: Hurdo dheer ayaan saaxandoona, raaxo weyna waan raaxeysandoona, insh'Allah. ASH'HADU ALLA ILAAHI ILLALAAH WA ASH-HADU ANNA MUXUMADAN RASULULAHI. Kadibna inta yara aamusay ayuu kuyiri: Iga gaarsii aabehey jeceylY iyo salaan, waxadna kutirahda "Waxan kukulmayna Allah hortiisa!" Daqaa'iq kadib, nafta ayaa karaacdey!


Abu Abdullahi waajibkiisa ayuu gutey isagoo aasey wiil meydkii.
Markii kafara xashey aaskiisa ayuu dib ugo soo laabtey qabrigiisa isagoo kufikirsan wixii uu kayeelaha fariintii uu udhaafey iyo sidii uu kugaarsiinlaha aabehiis, wasiirka!

Waxay ula muuqatey inuu jara'idka kufaafiyo inuu dhintey wiil uu dhalay nin weyn, wiilkas oo uu udhintey gaaji iyo dacdaro! Iyo inuu wiilka watey Khaatim sugayo dhalashadiisa iyo nasabkiisa ee uu aheyn sheegasho iyo been abuur!
Runtiina jaraa'idka ayuu kuqorey. Telephonada ayaa kala istaagi waayey.
Dad badan ayaa telephono soo direy ayagoo rabo inay arinta ogaadan, meesha ay qaarkale codsanayan inuu udhiibo khaatimka laakinse Abu Abdullahi wuu diidey waayo wuu yaqaan ninka iska leh.

Wasiirkii laftiisii ayaa isa soo dhigey isagoo is qarinayo oo iska dhigayo 'sidii qof war doon ah'.
 Abu Abdullahi ayaa soo dhaweyey isagoo ukeeney Khaatimkii!
Wasiirkii oo amakaksan ayaa kuyiri "Xageed ka keentey?"
Abu Abdullahi: Waxa ii dhiibey nin xoogsade ahaa!
Wasiirkii: Xoogsade.. qariib, meeyey hada?
Abu Abdullahi: Mudune wasiir, wuu ila dardaarmey.
Waiirkii: Muxu kuu dardaarmey?
Abu Abdullahi:  Wuxu ii dardaarmey in marka uu dhinto aan kugu simo khaatimkan!
Wasiirkii: Marka uu dhinto?
 Hadalkii ayaa labo shub ugu dhacay wasiirka, dhakafar iyo indho tag-taag ayaa kasoo harey.

" Isdaji oo  iga dhageyso sheekadiisa!"
Wasiirkii: Hmmm, bal soo daa.
Abu Abdullahi qisadii murugada laheyd ee wiilka yar kunoolaa ayuu ugu sheekeeyey! Wasiirkiina dhegta ayuu udhigey, isagoo qalbiga ka gubayo warka naxdinta leh ee looga sheekeynayo.

"Khaatimkan kasii kow,  Wuxu ii dardaarmay inan kugu irahdo: "Warhooge! Yaaney geerida kugu iman adigoo sidas aduunyada ugu mamsan haddii kale waad kaqoomameyn doonta maalin aan maanta aheyn!"

Wasiirkii,  marna waa  istaagey, marna wuu fadhiista, wuxu lawareersan duruufta adag ee wiilkiisa kusugna ilaa uu god ugaley!
Wuxu kudhawaaqaya 'kalmado' aan lafahmi karin micnahooda.
Waa sax inay indhaha kala wareegan, afka hadal kasoo bixi waayo. nin dayacay wiilkiisa iyo waajibkii Allah saarey!
Abu Abdullahina mafahansano waxa uu odeyga sidaas ula gubanayo; dabcan, waxa jiro arimo hoose oo isaga ogyahey oo ubaahan in laweydiyo.
"Meeyey hada?" Ayuu weydiyey isagoo aad moodo inusan fahmin hadalkii loo sheegey.
Abu Abdullahi: Ilaahey cumrigada hadhereye, wuxu aadey Allah agtiisa!
Wasiirkii: Wuu dhintey!
Abu Abdull:  Allaha unaxariisto, sow kuma dhihin inta uusan dhiman ayuu ii dardaarmay!

Wasiirkii ayaa dhulka kudhacay isagoo ooynayo! Abu Abdullahi ayaa isku dayey inuu aamusiiyo oo samirsiinayo .. Hadana wuxu go'ansadey inuu faraha kaqaado waaba intaas oo uu qalbiga gubanayo uqaboobo!

Markii uu soo miirsadey ayuu Abu Abdullahi kuyiri: Madoonaysa qof kugu caawiyo musiibadadan?
Wasiirkii: Ahhhh..! Madoonayo waxan ka aheyn..
 Abu Abdullahi: Muduna Wasiir, hadal! Sirtaada lagama faafinaye! Kasoo saar naftaada waxa gubayo.
Wasiirkii: Waxa igala kaa muuqdo caalamado kheyr oo umaleyn maayo inad sirteyda faafineyside!
Abu Abd: Ilaahey sida aad ii malaynaysid ha iga dhigo!
Wasiirkii: Idhagayso ninyahow, sheekadeydana ugudbi dadwaynaha, magaceyga iyo meel aan kashaqeeyo toona hasheegin. Waa Qiso mudan in lagu waano qato!
Wuxu yiri isagoo kajawaabayo hal xiraalihii uu wiilkiisa katagey:
Aabahey ayaa ii soo jeediyey inaan guursado ina adeertey, anigana majecleyn gabadhas. Gabadhu cilid kale malaheyn ee waxan u arkeyey inay lajan-qaadi karin dabeecadeyda, waxay aheyd qof aad udabeecad xun oo hadana buuran; waana labo sifo oo anan kujecleyn dumarka.
Gabar shaqaalo ah oo guriga kashaqayso laakinse qabaa'ilada layaso ah ayaan jeclaadey laakinse dadkanagii waa iga soo horjeesteen oo waxay u arkeen inay sharaf dhac kutahey qabiilka guud iyo qoyska intaba.
 Maadama ay ijecleyd anigana aan jeclaa, dhib uma arkeen 'isma guursano iyo waa ceeb'
Qaadiga ayaan utagey anigoo usharxey arinteyda, waxan kacodsadey inuu ii mehriyo oo uu waliba kaqariyo waalidkeyga. Waxan usheegey haddii uu faafiyo sheekadan inan wadanka kaceyrin doono!

Khaatimkan ayan usiiyey meher ahaan, waxana dajiyey qasri weyn oo kuyeela magaalo kale.
Waxan aadi jirey xiliga fasaxa ee kuleylaha ah (Summer vacation) iyo markasta oo aan fasax helo oo dhan!
Markii uu intaas marinayo sheekadii ayuu aamusay isagoo neef weyn kasoo baxdey.
Hadalkii ayuu siiwatey oo wuxu yiri: Sanado badan ayaan sidas wax kuwaday, anigana aad iyo aad ayaan ugu faraxsanaa guurkeeda. Waxay dhashey wiilkan; waxan kuharqiyey lacag aad ufara badan.

Si lama filaan ayuu warkeedii iga go'ay! Waxan tagey magaladii ay daganayeen laakinse cidi majoogto; dadkii dariska la'ahaa haddii aan weydiyey, waxa la'ii sheegey inay dhimatey!.. Nacam, way dhimatay!

Inta uu ii waramo wuxu isku cil-celinaya ilmo(ilin) waaweyn oo indhaha soo buuxsantey.ilaa uu  oohin ladhacay!
Abu Abdullahi ayaa eegey wasiirkii isagoo ooynaya, isaga laftiisa sheekada naxdinta leh ayuu layaaban yahey. "Xagee buu aadey wiilka haddii ay hooyadiis dhimatey?" Ayuu waydiyey.

Wasiirkii: Waxay ii sheegen inuu nin anay garaneynin uu qaatey oo uu la'aadey meel aan lagaranaynin! Haddii aan garanayo inuu jooga wadankan, gaar ahaan magaaladan aan daganahey waan soo kaxeynlahaa.

Kadib waxan isaga laabtey magaaladeydii aan ka imid anigoo aad iyo aad umurugaysan oo unaxsan wiilka yar! Mahilmaamin wiilka iyo hooyadiis, waxan waqti iyo shaqooyin kala duwan aan soo marey ilaa aan wasiir gaarey, waligey mahilmamin!

Abu Abdullahi: Maxaad reerkiina ugaarsiinweydey inad guursatey gabadhas, iyo wiilka kuu dhashey si'ad guriga ugu soo celisid?
Wasiirkii: Ilaahey hanacalado 'hab dhaqameedka' aan diinta kudhisneyn iyo jagada aan hayo ayaa iidiidey inan gaarsiiyo!
Abu Abd:LAA XOWLA WALAA QUWATA ILLA BILAAHI!
Wasiirkii: jaahilada, ilaahey hanacalado!
Abu Abd: Xisaabta Alle aad bay udarantahey, xaaska iyo caruurta waxay leeyihiin xaq! Guurka laqariyana mushkiladas ayuu leeyehey!

Wasiirkii ayaa aamusey mudo dheer, kadibna wuxu weydiyey inuu tuso qabrigiisa!
Abu Abdu: Waxan ku aasnay meel fog!
Wasiirkii: Dhagayso ninyahow, marka ay qoraxda dhacdo, albabka ii soo istaag si'aan usoo booqano qabrigiisa!

Waxay gaareen qabriga wiilka, halkas oo uu ninkii ku ooyey saacado badan isagoo garkiisa dhulka kujiidaya. Kadibna wuxu yiri: Wiilkeygow waad  unaseexeysey aabahaa, laakinse war umahaynin inad magaaladan joogtid, adigana ilama aadan soo xariirin!

Abu Abdullahi ayaa kuyiri: Ninyahow, isdaji marka hore, QADARALLAHu, WAMASHAA FACAL!!!
Wuxu siiyey Abu Abdullahi lacag abaal marin ah oo aad ufaro badan, wuxuna kuyiri: Haddii aad wax ubaahatid ila soo xariir, waxan kuu ahey aabahaa oo kale!
Abu Abdullahi ayaa ugu jawaabay: Walaal aniga wax lacag ah uma baahni, laakinse naseexadan iga qaado!
Wasiirkii: Soo daa, ilaahey hakaa ajirsiiye!
Abu Abdu: Diinta islaamka waa shareeco ubaahan in lagu dhaqmo, waa dastuur kaamil ah oo waxyi ilaahey kudhisan! Noolashada kudhaq dastuurkaas!!

Abu Abdullahi iyo wasiirkii, mid waliba hortiisa ayuu udhaqaaqey isagoo  goonidiisa ufirkansan oo aamusan!

Isha qisadan:
??? ????? ???????? ????????? ?? ?????
By: Muxamed Amiin Al-Jundi.
Tarjama: Abuzuhri Al-Hassani.
Waxaan Allah karajeynaya inuu naga dhigo kuwii kucibroqaato.


abuzuhri1@hotmail.com

Daabacaad: SomaliTalk.com | Jan 11, 2004 | Updated: March 1, 2005

. “Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan Dilay Nafkale!”
.
Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna

. Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah

. Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda

QAYBTA 5aad QAYBTA 7aad

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
SHEEKADII KIISHKA... GUJI
 



HTML CD