SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
DURUUSTA - WAAYAHA

"Jabkeygii iyo kii Walaashey"

Qaybta 3aad:

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

Sarrah oo kusoo biirtey daroogeystayasha! 

Waxan tagey guriga, Sarrah ayaa isoo qaabishey ayadoo ii yeereyso, waxan ku iri: Shaah iikari haddii aad doonaysid inan kuu waramo dhamaan arinteyda oo dhan! 

Miskiintii orad ayey isxaabisay ayadoo doonayso inay mushkiladeyda xaliso, aniga, maskaxdayda waxa kuwareeganayso boqolal fikradood oo shaydaynimo ah, hamigeygu waa inan dumiyo noolasheeda! Shaahii ayey keentey. Waxan kacodsadey inay aniga iyo ayadaba noo wada shubto!

Kadibna inay ii keento biyo aan cabo, ayan kacodsadey! Markii ay qolka kabaxdey, intii ay biyaha kumaqned ayan ugu dhex ridey xabad kanini ah!

Walaahi, waxa iga soo daadatey ilmo anan garanayn inay aheyd naxariis aan unaxsanahey mustaqbalkeeda meesha uu kudanbeyndoona! Ama farxad aan kufaraxsanahey madama aan fuliyey saaxibadey balantoodii ay igu lahayeen “sirteena cid dambe oo ogaan karto majirto!” 

Waxay soo noqotey ayadoo ii dholo cadaynayso, aniganase waxan u arka sida canug yar oo dhex galay dhul howd ah oo ay yeyda iyo dhurwaaga kubadanyihiin!

Niyadeeda oo wali ii saafi ah awgeed ayey aragtey ilmada indhaheyga kasocoto, waxay bilowday inay iga tirtirto ayadoo leh: Raga ma ooyan, ceeb… aamus!

Waxay iskudaydey inay isamirsiiso ayadoo uhaysato inan kaxumahey wixii aan nafteyda u gaystey! Ayada ayan unaxsanahey!!! Sideen ugu ooya anigoo nafteyda aan kanaxeynin, waxan la ooyaya sida uu mustaqbalkeeda noqondoona, waxan la ooyaya qosalkeeda iyo niyad wanaageeda iyo qalbigeeda nadiifta ah, sheydankuna wuxu igu leeyahey: War ha unixin ayada iyo adigaba saa dambe ayaad iska daaweyn doontane, oo kali ah mushkiladada ayey ogaandoonta; wayna kuu garaabi doonta, sikale oo aad kudarensiinkarto xaaladada majirto, waa lagama maarman inay dhadhamiso!

Sheydankii igama suulin in uu ii qurxinayo fisqiga iyo fasaadka aan samaynayo! XASBIYALLAH CALAYHI!  

Anigoo doonayo inay sifiican udaroogowda ayaan ku iri: Haye aan cabno shaaha, markan qac kasiino ayan kuu sheekeynaya! Miskiin, shaahii ayey cabtey! Alle may cabilaheyna, Alle haddii shaah ii karinlaheyna!!

Waxan bilabay inan usheekeyo, mar waan qosla, marna waan ooya, managaranayo sababta ay ilmada dhabankeyga ugu hoorayso! 

Ninkii Ibliiska ahaa, aya igu akhriyey in lay ogandoona, aabo iyo hooyo marka ay arkan walaashey oo isku dhexyaacsan in layga garaci doono~!

Waxan go’ansadey inan cararo. Almuhiim, waxan abaarey saaxibadey anigoo ubishaareynayo musiibadii aan gaystey! Dhamaan saaxibadey way ii  wada istagey ayagoo iimahad celinayo!

Walaahi waa cadowgeyga kuwas ma’aha saaxibadey! 

Waxay yirahdeen ayagoo abaalmarin iiga dhigayo: “Waxas kaa rag ah, laga bilaabo maanta adiga ayaa kooxda amiir u ah, qof kaa dabo hadli karo majiro, adiga na amraysid, nagana reebeysid! Taajka adiga ayan kusaarney, hadalkada hadal kama danbeeyo!” 

Habeynkii, bartii ayaan saaxanay; waaga marki uu baryeyna , cabsi ayaa iqabatey  iyo wal-wal kusabsan wixii aan gaystey!

Kooxdii ayaa isku dayday inay ii niyad qaboojiso ayagoo leh: Gacan ban kugu siinayna sidii lagu daaweynalaha, lasoco daaweynta miraha waa sahal, waxba hakawal-walin, iska dhig nin rag ah! 

Markii aan guriga kasoo maqanahey labo maalmood ayuu aabehey iweydiyo dadka meesha aan jiro. Aniga, waxan diyaar u ahey waxkasta oo laygu sameeyo dil, aflagaado, xabsi iyo in waxkasta oo ladoono! 

Waxan direy qaar kamid ah groupka bal si’ay usoo eegan xaalada guriga sida ay tahey; waxay igu soo war celiyeen inay wax waliba caadiyihiin oo wax dhibaato ah kajirin!

Gurigi ayaan aadey anigoo diyaar u ah waxkasto oo laygu sameeyo. Sidii aan filayey, aabehey ayaa idiley, ayadoo hooyadey iyo dhamaan dadkii kalana ay ila wada dagaalameen! 

Maalmo kadib, waxa ii timid walaashey Sarrah ayadoo iweydiinayso wixii aan shaaha ugu darey; inay jecleysatey ayey ii sheegtey oo ay hadana doonayso laakinse waan udiidey ilaa ay sixun ii baridey; lugaha ayey iga dhunkanayso-  waa sida aan kusameeyo saaxibadey marka aan kadoonayo daroogada!

Inta aan uqalbi jelcay ayaan siiyey waxooga! Dhowr jeer oo kalana waan siiyey ilaa ay laqabsatey! 

Xaaladii schoolka ayaa kasoo dartey ilaa aan ugu danbeyntii katagtey, dadkii guriga joogeyna waa lala yaabanyahey waxa gabadha kudhacay oo ay schoolka ugu hartey!  Ugu danbeyntii waxay isku samirsiiyeen inay ‘gabari hadafkeeda noolashu uu yahey guur ee ay waxbarashudu muhiim aheyn!’

Rajadii ayaa uwareegtey  dhanka walalkey iga yar madama aniga iyo walaashey kufashilmanay waxbarashada iyo rajadii nalaga qabay! 

Maalin baas ayaa waxa iga dhamaatey sahaydii (daroogadii)! Waxan ushaxaad tagey mid kamid ah saaxibadey inuu wax isiiyo haseyeeshe wuu ii diidey ilaa in aan.…….! Magaranaysan waxa uu igu xirey? XASBIYALLAHU WA NICMAL WAKIIL! Wuxu ii shardiyey walaashey Sarrah ayuu raba inuu kasinaysto! 

Waan kadiidey anigoo ladoodayo. Kooxdii kale ayaa nasoo kala dhex galay oo damcay inay nadhex dhexaadiyan ayagoo leh:

Halmar wax dhib ah kuma jiro, weydi ayada haddii ay raali katahey, maxa kudhibaya adiga….! 

Haddii ay lasafteen ninkii, ayaan ku iri: Waxad aheyd qofkii uhoreeyey ee iibalan qaadey inad ila daaweyneyso markii aan daroogada….., maantana mawaxad codsanaysa inan kuu keeno, masidaasba saaxibtinimadeenii?

Inta qoslay ayuu iigu jawabay: Maxay tahey saaxibtinimada iyo daaweynta aad sheegeysid ninyahow! Iska hilman waxas ee…..!

Dood adag kadib, xariirkooda oo dhan ayan jirey.

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

Daabacaad: SomaliTalk.com | Dec 11, 2004

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxa aleh qoraaga ku saxiixan

. “Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan Dilay Nafkale!”
.
Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna

. Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah

. Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda

QAYBTA 2aad QAYBTA 4aad

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
SHEEKADII KIISHKA... GUJI
 



HTML CD