SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK : COD-BIXIN
:::Natiijadii Codbixintii Toddobaadkii Hore:::

March 6 - March 13::

Su'aashii Feb 27 - March 5::: waxay ahayd: Ma Saxbaa in Baarlamaanka FKMG Ansixiyo Ciidamada Itoobiya?
Waxaa la codeeyey 1770 jeer, taas oo ay natiijadii noqotay in boqolkiiba konton iyo sideed (58%) u codeeyeen in aysan sax ahayn in Baarlamaanka FKMG Ansixiyo Ciidamada Itoobiya, halka ay boqolkiiba soddon iyo sagaal (39%) u codeeyeen in ay sax tahay in Baarlamaanka FKMG Ansixiyo Ciidamada Itoobiya la keeno Soomaaliya iyo 3% oo aan hubin jawaabtii ay bixin lahaayeen.

Natiijadii codbixintu waa tan ku sawiran dhanka bidix ee boggan, sidii loo kala codeeyeyna waatan hoos ku qoran.

Haa: 39% ......... [694 cod]
Maya: 58% ....... [1019 cod]
Ma Hubo: 3% .... [57 cod]


Feb 27 - March 5:::

Su'aashii Feb 27 - March 5::: waxay ahayd: Maloo baahan yahay in Soomaaliya la Keeno Ciidamo ka Socda Wadamaad Deriska?

Waxaa laga codeeyey 1763 Computer taas oo ay natiijadii noqotay in boqolkiiba konton iyo lix (56%) u codeeyeen in aan loo Baahnayn in Soomaaliya la Keeno Ciidamo ka Socda Wadamada Deriska, halka ay boqolkiiba afartan iyo kow (41%) u codeeyeen in loo baahan yahay in Soomaaliya la keeno ciidamadaas wadama deriska iyo 3% oo aan hubin in ay haboontahay in ciidamo la keeno iyo inkale.

Natiijadii codbixintu waa tan ku sawiran dhanka bidix ee boggan, sidii loo kala codeeyeyna waatan hoos ku qoran.

Haa: 41% ......... [715 cod]
Maya: 56% ....... [996 cod]
Ma Hubo: 3% .... [052 cod]

Su'aasha codbixinta toddobaadkan waa "Ma Saxbaa in Baarlamaanka FKMG Ansixiyo Ciidamada Itoobiya?, waxaadna codkaaga ka dhiiban kartaa dhanka hoose ee boggan.

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 6, 2005


Cod-bixin:::

Cod-bixinta ka muuqata dhanka midig ee boggan waxay kamid tahay barnaamij ay SomaliTalk ugu talo gashay shacabka Soomaaliyeed in ay si toos ah codkooda uga dhiibtaan mowduuca markaas taagan ee saamaynta ku yeelan kara bulshada Soomaaliyeed.

Toddobaadkiiba hal mowduuc ama arrin ayaan soo daabici doonaa si codka looga dhiibo, natiijada ka soo baxda codbixintaasna halkan ayaan kusoo daabaci doonaa.

Mowduucii kasta, halkii Computer waxaa laga codayn karaa hal-mar.

Waxay cod bixintani akhristaasha SomaliTalk fursad u siineysaa in ay si toos ah aragtidooda u cabiraan, taas oo wax ka bedeli karta aragtida hoggaanka Soomaaliyeed marka ay arkaan aragtida guud ee shacabka.

Waxaa aad muhiim u ah in lagu baraarugsanaado in codbixintaasi aysan ahayn mid hab saynis oo qayaxan u qeexeysa aragtida shacabka Soomaaliyeed, balse waxaa looga qiyaas qaadan karaa aragtida guud ee ay mujtamaac Soomaaliyeed ka qabaan arinta markaas laga codaynayo.

Lasoco toddobaad kasta natiijada cod bixinta iyo cod bxin cusub, Insha Allah...

http://www.somalitalk.com/feedback/

SomaliTalk.com | March 2, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD