Kulan Hadaladii ka Soo Baxay Loo Riyaaqay oo ka Dhacay Minneapolis, oo ay
Soo Qaban qaabiyeen Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed
- Diyaaradaha Ethiopian Airlines Waa in aan qof Soomaali ah raacin...
- Xawaaladaha Soomaaliyeed waa in aysan wax lacag ah gey Addis Aababa,
Xawaaladii geysanaya waa in Soomaalidu Qaadacdo oo aan lacag lagu xawilan...
- Qofkii Viso ehelkiisa ugu diri lahaa Addis Ababa ha ugu diro Jabuuti
oo ay ku yaalaan Safaaraha Adduunka oo dhan...
- Qof Soomaali ah waa in uusan iibsan Canjeelo Xabashiga (Canjeero
Itoobiyaan)
- Qof Soomaali ah waa in uusan iibsan Qaadka ka Yimaada Itoobiya
- Qofkii Itobiyaan taageera waa in laga dhigo Gun oo aan laga guursan,
lana takooro, laguna qoro buugga madow...
- Qiso Muqugo Leh - Gabdho iyo wiil Soomaaliyeed oo Ciidanka Itoobiya
Kufsadeen
- waxaa hadda Addis Ababa laga furay Suuq madow oo lagu gado alaabta ay
ka bililiqaystaan Soomaaliya.
Warbixintan waxaa isku soo dubaridey: SomaliTalk.com |
Minneapolis | Nov 25, 2007
Kulanka ay soo qaban qaabiyeen Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed (United
Somali Diaspora) ee saldhiggiisu yahay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka
ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis, Sabti Nov 24, 2007. Kulankaas oo ay
ka soo qayb galeen dadweyne aad u tiro badan oo lagu qiysaaya ilaa sagaal
boqol (900) oo qof iyo ka badan ayaa qodobadii loogaga hadlay
waxaa ka mid ahaa:
- Allah qolo ma badalo haddii aysan iyagu is babalin (C/rashiid Macallin
Faarax)
- Xalka Siyaasadeed ee Soomaaliya (C/risaq Xaaji Xuseen, Ra'iisul wasaare
hore ee Soomaaliya)
- Siyaasadda khaldan ee maamulka Bush ee ku aadan Soomaaliya (Prof. Xasan O.
Mahadallah, Jaamacadda Southern University)
- Habka ay Isbahaysigu ku samatabixinayaan siyaasadda cakiran ee
Soomaaliya (Sakariye M. Xaaji Cabdi - guddoomiye xigeenka isbahaysiga dib u
xoraynta Soomaaliyeed)
- Sharci darrada ay Dawladda Itoobiya ku qabsatay Soomaaliya (Prof.
C/raxmaan Xaaji Aaden Ibbi - Isbahaysiga)
- Ku xadgudubka Ethiopia ee xuquuqul Insaanka iyo Dembiyada dagaal ee ka
dhaca Soomaaliya (Fowsiya Maxamed Sheikh)
- iyo Warbixin Xasuuqa ka dhacay Xamar
Furitaankii Shirka (Tiicey):
Tiicey
|
Ugu horayn waxaa kulanka furay Maxamed Aaden "Tiicey" oo ah
guddoomiye-ku-xigeenka Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed, waxana uu
warbixin kooban ka bixiyey asaaskii Ururka oo la dhisay bishii October ee 2007,
iyo ujeedooyinka ururuka oo ay asaas u tahay: Sidii loo xorayn lahaa Soomaaliya
oo ah dal lahaysto
oo Itoobiya haysato. Waxana uu hadalka ku xoojiyey in
Ururkan lagu mideeynayo ummadda Soomaaliyeed oo dhan, uuna u furan yahay qof
kasta oo Soomaaliyeed.
Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed waxa uu dhammaan reer Minnesota iyo
Soomaalida deggan Maraykanka ka codsaday in ay la xiriiraan xubnaha ku
jira sentarka iyo congress-ka Maraykaanka ee laga soo doorta meelaha ay deggan
yihiin, iyagoo kala hadlaya sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada ka taagan
Soomaaliya.
Waxaa si gaar ah ururuku weydiistey reer Minnesota in ay saxiixaan warqadda
ku qoran linkiyada hoose (ee ku saabsan sidii loo joojin dhitaada ka taagan
Soomaaliya), una diraan senotarada iyo congress-ka xubnaha ka soo gala
Minnesota:
Kelimadda Ururka Midowga (Xasan Dhooye):
Xasan Dhooye
|
Kaddib waxaa madasha lagu soo dhoweeyey Xasan Dhooye oo ah Guddoomiyaha
Ururka Qurba Joogga Soomaaliyeed, oo kulanka ka soo jeediyey "Kelimadda Ururka".
Soo dhoweyn ka dib waxa uu warbixin kooban ka bixiyey heerarkii uu soo maray
ururka Midowga Qurba joogga Soomaaliyeed iyo sidii lagu asaasay iyo
ujeedooyinkiisa iyo in hadafkiisu uu kusalaysan yahay midaynta Soomaalida..
Hoggaanka ururka
oo ka kooban sagaal xunood, 3 dumar ah iyo 6 rag oo kala ah:
- Xasan Maxamed (Dhooye) "Gudoomiye"
- Mohamed M Adem (Tiiceey) "Kuxigayn"
- Maxamed Wardheere Khasnaji
- Raaxo Warsame "Xoghayn"
- Yaasiin Garaad
- Maxamed Cumar
- Osman Abdullahi (Oday Cabdulle)
- Caabiyo Ali
- Khadra Cabdi
Xasan Dhooye oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri:
Ururka ujeedadiisa maxalliga ah waxaa ka mid ah in uu wax ka qabto danaha dadka
Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota, xagga waxbarashada, xagga dhaqanka, iyo
dhinacyada kala duwan ee saamaynta ku leh bulshada Soomaalida.
Xasan DHooye oo ka hadlaya kulankii Minneapolis (Bidix: Pro.
ibbi, C/risaaq Xaaji, Sakariye)
Siyaasadda Arrimaha dibadda ee ururka waxaa ka mid ah in lala xiriiro
hay'adaha caalamiga ah oo lagala hadlo danaha Soomaaliya, in lala hadlo Maraykanka
oo dano kaleh Soomaaliya, iyo cid kasta oo danayneysa arriamaha Soomaaliya.
Maxaa Khaladamay, ayuu is weydiiyey: Dadkii wanaagsanaa oo dib isu dhigay, dadkii
wanaagsanaa oo ka maqan saaxada, waxaana
meeshii buuxiyey kuwii ugu liitey, laakiin ma ahan in ay iyaga ku eedaynayo ee
inagii ayaa ka seexanay booskeeniin.
Ha is dhehin wax yar sug, haan dhehin dad kale ayaa wax qabanaya, ha quusan.. ha is
dhehin wax ma qaban karo.. yaa wax xallinaya haddii aadan wax xallin... Faa'iidooyinka ficil
in lala yimaado waxaa ka mid ah: Isku kalsooni, wax qabad... Rajo... Ogsoonow
dadku waa saddex: Naftiisa keliya anface, Nin reer kiisa oo keliya ka fekera iyo
Ninka ka fekeraya ummadda oo dhan - noqda kuwa ummadda oo dhan ka fekera ayuu
dadweynaha ku guubaabiyey...
Mabda'ii qabiilka waa laga guurey.. Hadda arrintu waxay taagan tahay Mabda'a Itoobiyaanka
& wixii
taageersan iyo Mabda'a wixii ka soo hor jeeda Itoobiya iyo wixii taageersan..
mabda'a dambe oo ah kan Soomaalinimada.
Xasan Dhooye waxa uu sheegay in Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaalieed uu
taageero weydiisanayo shacabka Soomaaliyeed... Ficil ayaan idiinka ayaan
u baahanahay ayuu hadalka ku xoojiyey.
Kaddin guddoomiyaha ururku waxa uu madasha ka akhriyey
warsaxaafadeed uu ururku soo saaray, warsaxaafadeedkaas waxaa ka mid ahaa:
- Canbaarayn Soogalida, joogitaanka iyo Xasuuqa Ciidamada Dowlada Itoobiya
ugaysteen shacabka Soomaaliyeed... Canbaarayn Dowlada Meel ku gaarka ah oo
ka qaybqaadanaya Xasuuqa... canbaarayn laynta Suxufiyiinta iyo
afqabashada/xirida Saxaafada.. canbaarayn hadalkii kasoo yeeray Madaxwaynaha
Meel ku gaarka C/laahi Yuusuf taariikhdu markay ahayd November 20. 2007 ...
Canbaarayn beesha caalamka gaar ahaan OAU sida ay isaga indho tirayso
xasuuqa dowlada Itoobiya gaysanayso... canbaarayn Jaamacada Carabta oo aan
kasoo bixin kaalintii uga aadanayd Soomaaliya.... canbaarayn Saxaafada
caalamka qaarkeed oo iska indho tiraysa xaqiiqada ka jirta Soomaaliya... iyo
soo jeedin Ciidamada Dowlada Itoobiya inay Soomaaliya uga baxaan shuruud
la’aan
- Warsaxaafadeedka oo dhammaystiran ka akhri:
HTML | PDF |
WORD
Xalka Siyaasadeed ee Xaaladda Soomaaliya (C/Risaaq Xaaji Xuseen)
Abdirizak
Haji Hussen [Somalia PM
1964-67]
|
Kaddib waxaa madasha shirka lagu soo dhoweeyey C/Risaaq Xaaji Xuseen, ra'iisul wasaarihii
Soomaaliya 1964-67, oo ka hadlay sida uu u arko
xalka Soomaaliya. Waxana uu ugu horayn xusay in aysan sahlanayn xalka Soomaaliya
maadaama ay soo jiitameysey muddo 17 sano. Waxana marka hore
muhiim ah in la ogaado meesha arrimahu ka khaldameen, ayuu yiri.
C/Risaaq Xaaji Xuseen oo hadalkiisii siiwata waxa uu yiri:
Dhibtaada ugu weyn ee haysata Soomaaliya waa qabiilka . "Haddii
aynaan ka harin qabiilka, oo ku midoobin qaranimo raadin. Haddii aan sidaas la
helin arrintu ma sahlana..." Dawlad haddii aan rabno, aan ka harno qabiilka, oo sidii hore loogu keenay
qaranimada aan u raadino...
Gaar aan waxa uu toos ula hadlay dhallinyarada, oo uu ku adkeeyey in ay qabiilka
ka haraan..
Madaxnimada waxaa laga eegaa in qofku yahay: aamin, mukhlis ah, daacad ah, in uu aqoon
leeyahay, in uu cod kar yahay, in uu danta guud ka shaqaynayo, camal fiican
yahay, dul qaad badan yahay.. Marka haddii la isu yimaado oo qabiilka laga haro
waa la helayaa hoggaan fiican ama qofkii hoggaamiye noqon lahaa.
Waa in la ogaado askarta uu Zenawi keensaday Soomaaliya, in
dhabarkeeda uu joogo Maraykanku oo ah kan shukaanta haya... Yurub
mindideedu af maleh.. waad aragteen marar badan oo EU hadashay, waxba kama soo
naasacadaan..
....Arrintu waa Maraykanka oo ka soo horjeeda Dawlad Shareecada lagu maamulayo
oo ka hir gasha dalka Soomaaliya..
C/Risaaq Xaaji Xuseen |
Arrintu waa Maraykanka oo ka soo horjeeda Dawlad Shareecada lagu maamulayo
oo ka hir gasha dalka Soomaaliya..
Waad ogtihiin markii wadaadadu qabsadeen (Muqdisho) in Bush yiri Taaliban oo kale in ay
Soomaaliya ka hir gasho ma dooneyno.
Inta arrintu joogto kala doorasho DFKMF iyo Wadaadada, waxay arrintu tahay in
ay tageerayaan DFKMG iyagoo adegsanaya Itoobiya.. Marayknaku waxa uu dhehayaa arrimaha National Security ee USA
aayan ka eegeynaa.. isagoo xusaya
safaaradihii Maraykaanka ee Nairobi iyo
Tanzania... Itoobiya waxay dheheysaa haddii Soomaaliya Wadaado qabsadaan inaga ammaankeena
ayaa wax u dhimayaan..
In kasta oo dagaaladii socdaan, dad badan ayaa dhintay, barakacay, waxa la
oran karaa waxa ka dhacay Muqdisho iyo agagaarkeeda wax aan la arag oo la maqalay
ma aha...
Cadow ayaa ina haysta... Xeelad ayaa loo baahan yahay.. waa in waan-waan la helo,
in la helo sidii dagaalka lagu joojin karo.
Ugu horayn: Cadow ayaa ina qabsaday, inta dagaalameysa hambalyo
ayaan u soo jeedinayaa, inta dhimatayna janno ayaan ugu ducaynayo, qadiyad xaq
ah ayey u doonayeen...
Anigu waxaan rumaysnaya in Maraykanka iyo DFKMG in aysan dooneyn ama rabin in
Ciidamada Midowga Afrika ay yimaadaan Soomaaliya, waayo hawsha isku-si ma u
qabanayaan... Is bar bar dhiga, Yuganda iyo Itoobiya hadda jooga Muqdisho isma leh.. Ugandha waa
nadad ilaaliyayaal (peace keeping)..
C/risaaq xaaji xuseen oo la gudoonsiinayo billada
Soomaalinimada
Waa in ay ogolaanaa ciidamada Afrikaanka ee nabada ilaalinta, in aan ogolaano
oo ay shuruud ku yimaadaan, mudada ay joogayaan in la isla ogyahay weeye,
Itoobiya hal qof waa in uusan ku jirin gudaha Soomaaliya... Dawladda (FKMG) Soomaaliya waa in aan laga aqbalin askar ayey
Itoobiyaanku noo tababarayaan... Waa in aan hal qof oo Itoobiyaan ah ku sugnaan
gudaha Soomaaliya oo lagu bedelo ciidamo Afrikaan ah oo aysan ku jirin dawladaha
deriska..
Markaas kaddib, Ciidamada Dawladda Soomaaliya loo asaasayo waa in ay noqdaan
kuwo aan dawladda oo keliya
soo xulan, waa in ay noqdaan ciidamo qaanuunka ilaalinaya, oo aan ku dhisnayn qabiil,
waa in noqdaan ciidamo qaran...
C/Risaaq
Xaaji Xuseen waxa uu markale ku celiyey: Ilaa intii meeshu joogto ma Wadaado qabsanaya mase DFKMG, waxaad ogaataan in
xaalku ahaanayo sida uu yahay... Marna ma ogolaanayaan inta "Alternative" ay wadaadadu
yihiin.
Dadku waa dareemeen 6dii bilood ee wadaadaddu joogeen in ay wanaag keeneen. Billad waxay ku helayaan
waa Qaadkii ay joojiyeen, arrintaas waxay wadaadadu ku heli doonaan
billad joogta ah... Ma u malayneysaan Bilyanno Doolar oo ah lacag BAAD ah, oo ah
lacag adag "HARD
currency" in ay Itoobiya iyo Kenya ay ka qaadaneyso Soomaalida.. Adigaa
lacagtayadii siinayayna.. Wax ka soo noqonayaana ma jiraan, wax lagaga soo beesho
lacagtaasna ma jiraan (aan ka ahayn qaad).
Xeel aan la nimaadno, aan tijaabino, marka aan niraahno waxaan dooneynaa dawladaha
Afrikaanka, markaas ayaan tijaabineynaa Maraykanka in ay daacad ka yihiin
Soomaaliya iyo in kale.. Waana in dawladahaasi Afrikaanka aysan ku jirin kuwa
safka hore aam deriska, sida Itoobiya, Kenya ayuu yiri Ra'iisul wasaare C/Risaaq Xaaji Xuseen
oo hadda deggan magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.
Tix Gabay ah..... (Maxamed Sheikh Cabdi Aar)..
Maxamed Sheikh Cabdi Aar oo ka hadlaya kulanka
Kaddin waxaa gabay qiiro leh tiriyey Maxamed Sheikh Cabdi Aar, oo intii uusan
gabayga tirin xusay dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira in ay qayb ka yihiin:
- Odayo Dhaqambeedyadii hore oo laga daba hadli karin oo Gumeysigu intuu
u yeerto ayuu yiraahdaa haddii aydin waxaas samayn haddee ..
Odaydhaqamyadaas oo aan la socon caalamka...
- Dawladihii Soomaaliya soo maamuli jirey..
- Wadaadadii hore oo dadka fooxa u shidi jirey
- Dadkii dawladihii jiri jirey ku helay sed bursiga....
Soomaalida hal ayaa la gudboon, ayuu yiri: Ma wada noolaanaa mase waan wada dhimaa..
Waxaan wada heli karaa in aan wada noolaano, ee aan isu tanaasulo.. Kolka aan wax cad la nimaadno caalamku waa in rabaa...
Kaddib waxa uu hadal murtiyeed ku yiri: Bakterayadii laga dili waayey Soomaalida Ogaadeenya ayaa ku faafay
Soomaalidii kale.... Gumeysiga Itoobiya waa mid liibtay..Axdi ma leh xabashidu lagu aaminaye..
Xafiiska Sen. Coleman oo soo dhoweeyey Marti Sharafta Kulanka:
Senator Norm Coleman
|
Maxamuud Wardheere
|
Kaddib waxaa madasha shirka lagu soo dhoweeyey Maxamuud Nuur Wadheere, oo mar
ahaa musharaxii duqa magaalada Minneapolis, oo ka
socdey xafiiska Senator Norm Coleman isagoo soo dhoweeyey marti sharafta u soo
safray inay shirkaan kala qayb qaataan jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan gobolka
Minnesota.
Wardheere waxa uu yiri: "Anigoo ku hadlaya magaca Senator Coleman waxaan soo
dhoweyneynaa dhammaan dadka safarka ku yimid magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota.."
Senator Coleman waxa uu ka mid yahay senatorada laga soo doorto gobolka
Minnesota oo ka mid ah gobolada Maraykanka ee ay deggan yihiin Soomaalida ugu
tirada badan ee qurba joogga.
Wardheere waxa uu mar kale Minnesota ku soo dhoweeyey dhammaan dadkii safarka ku yimid Minneapolis si ay uga qayb qaataan shirka Midowga Qurba Joogga
Soomaaliyeed.
Maxamuud Wardheere waxa kale oo uu xusay sida ay muhiimka u tahay in wax laga
qabto arrimaha la xiriira xagga waxbarashada, oo xoogga la saaro sidii carruurta
wax loo bari lahaa..
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee kusoo badanaya Xabsiyada Maraykanaka
Kulankii ay soo qabanqaabiyeen ururka Midowga Qurba joogga Soomaaliyeed waxaa
si weyn looga xusay dhallinyarada Soomaaliyeed ee waayadan dambe kusoo badanaya
xabsiyada dalka Maraykanka, gaar ahaan xabsiyada Minnesota.
Arrintaas oo shacabka Soomaaliyeed lagu baraarujiyey in ay usoo jeestaan sidii
wax looga qaban lahaa. isla markaasna xoogga loo saari lahaa sidii dhallinyarada
wax loo bari lahaa.
Siyaasadda Maamulka Bush ee ku aadan Soomaaliya (prof. Xasan Mahadallah)
Prof. Xasan Mahadallah
|
Waxaa madasha lagu soo dhoweeyey Prof. Xasaan Mahadallah oo bare ka ah jaamacad ku taal
Maraykanka oo ka
hadlay siyaasadda Khaldan ee Maamulka Bush ee ku aadan dalka Soomaaliya. Waxana
uu sheegay in siyaasaddaasi ku salaysan tahay saddex aragti oo ah:
- In Soomaaliya loo diido in cid kale wax u qabato,
- In Mucaawino uun la siiyo haddii ay u baahdaan,
- Haddii Soomaaliya deriskeeda la dhaqanto in la siiyo mucaawino..
Prof. Mahadallah waxa uu ku xeel dheeraaday taariikhda iyo xiriirka Maraykanka ee ku aadan Afrika, taas
oo uu ku tilmaamay in ay ka soo bilaabatay wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee
adduunka. Gaar ahaan 1963 wixii ka dambeeyey ayaa Maraykanku danihiisu Afrika
kusii xoogeysteen.
Geeska Afrika sababta keliya ee uu Maraykanku ugu xoogeysey waxa loo yaqaan
siyaasadda diidmada oo markii hore ahayd in loo diido oo laga hor istaago Midowgii Sofiyeedka
(Ruushka).. haddana waxaa socota in la yiraahdo waxaa laga hor istaagayaa
"Argagaxiso".
Marka Soomaaliya laga hadlayo, waxyaabaha uu Maraykanku kaga xumaaday waxaa ka
mid ahaa: Markii Soomaaliya ay ku durugtay in ay u dhowaato Bariga ilaa laga gaarey
1969 oo uu Soomaaliya ka dhacay Inqilaabkii xukuumada Militarigu oo uu Maraykanku
ka xumaaday. Kaddib waxaa Profosoorku xusay taariikho soo maray Soomaaliya oo
saamayn ku yeeshay xiriirka Maraykaanka, sida:
- 1972 asaaskii xisbigii hantiwaadaga (kacaanka Soomaaliyeed).. taas waa ka xanaaqey
Maraykanku.
- Saldhig Militari ee Ruushka ee ay siisay Soomaaliya...
- Fiitnaam (Vietnam) oo Soomaalidu u ogolaatay calanka Soomaaliya in ay ku shaqaystaan
oo badaha ku maraan maraakiibta Vietnam
- 1964 Waxaa maraykanku maal geliyey machadkii waxbarasha Soomaaliya,
waxaa bilowday peace corps, iwm.
- 1976 ayaa madaxweynihii Maraykaanka (Jimmy Carter) amray in Soomaaliya la soo raaciyo xagga Maraykanka oo
saaxiib lagala dhigo..
- 1977-78: Maraykanku mucaawino ayuu siiyey Soomaaliya..
- Ka hor 1991 intii aysan Soomaaliya burburin mucaawinada ugu weyn ayaa la siin
jirey Soomaalida
- 1991 wixii ka dambeeyey Soomaaliya waxay gashay dagaal ahliga
- 1992, waxaa Maraykanku u diray Soomaaliya ciidamo (Raja Soo celinta... Operation Restore Hope).. Waana uu khasaaray...
Kaddib dhimashadii 18 askari oo Maraykanka lagu diley Muqdisho sidaas ayaa
ciidamadii uu Clinton uga
soo saaray Soomaaliya
- ilaa 9/11: Arrimaha dibadda oo loo bedeley Idiology.. La Dagaalanka
Argagaxisada..
Waxa kale oo uu prof. Mahadallah xusay sida Afrika dhowaantan indhaha looga laabtay (sida Rwanda).
Waxa kale oo uu uu ku xeel dheeraaday qaabka ay u shaqayso siyaasadda Arrimaha dibadda
ee Maraykanka iyo faracyadeeda kala duwan..
Waxa kale oo uu xusan hadalkii BUSH ee ahaa: Ama na soo raac ama naga jir...
Xilliga uu Bush hadalkaas yiri Soomaalida waa burbursanayd mana jirin dawlad. Waxaa arrintii ka faa'iideysety Qabqablayaashii
iyo dacaayadii ama Borogaandihii Itoobiyaanka... Saddex qof in la soo qabto ayaana
loo burbureiyey Soomaaliya.
Waxa uu yiri "C/Laahi Yuusuf sow ma aha kii yiri
Shimbiraale ayaa argagaxiso joogtaa"
laakiin waa la
soo cadeeyey ceebtooda in aan arrintaas waxba ka jirin..
Prof. Mahadallah waxa uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Maraykanku
aysan raali ka ahayn in Soomaaliya la galo, waxaa ka
dambeeyey in Soomaaliya la galo waxa loo yaqaan "lobbyist" (u ololeeyaal).
Maadaama aysan hadda jirin wax kula tartama Maraykanku Afrika faraha ayey ka qaaday..
Diblumaasiyiinta ugu liita waxaa loo diraa Afrika.. Kuwa aqoonta leh waxaa loo diraa
Yurub, iyo aasiya iyo dalalka la xisaabtamaya.. Waxaa Afrika loo diraa kuwa
hawl-gabka ah iyo kuwa hadda koleejooyinka ka soo baxay oo aan khibarada
lahayn..
Waxana uu dadkii kaga qosliyey markii uu yiri: Kuwa ugu liita ee loo soo diro
Afrika oo ah kuwa ugu aqoonta liita, wiilal
hadda college ka soo baxay iyo odayaal hawl-gabay ayaad u malaynsaan inaad la
hadlaysaan Maraykan...
Arimahaaas ayaa ka khaldan Siyaasadda Maraykanka ee ku aadan Soomaaliya ayuu
hadalkiisa ku soo xiray Prof. Xasan Mahadallah.
Isbahaysiga iyo samatabixinta siyaasadda cakiran ee Soomaaliya (Sakariye
M. Xaaji Cabdi)
Sakariye Xaaji
|
Waxaa markaas kadib madasha lagu soo dhoweeyey Sakariye Maxamed Xaaji Cabdi
oo ah guddoomiye xigeenka isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliyeed oo ugu horayn
sheegay in marka ay shirarka adduunka ka qayb gelayaan ay ku faanaan
Soomaalida joogta gobolka Minnesota.
Sakariye waxa uu ka sheekeeyey in kulan ay kaga qayb galeen
Turkiga in uu dadkii Carabta ahaa ee ka soo qayb galay kulankaas ugu faanay in
Soomaalida Minnesota ay qayb weyn ka qaateen sidii uu Aqalka Odayaasha
Maraykanka (U.S. Congress) uu u tegi lahaa qofkii Muslimka ahaa ee ugu horeeyey
(Keith Ellison).. Sidaas dareedeed, ayuu yiri, isagoo la hadlayey Soomaalida
Minnesota "marka shirar noocan oo kale ah la qabto waa in meel lakala istaago la
waayo.."
Ugu horayn waxaan rabaa, ayuu yiri Sakariye, in aan ayido oo xoogga saaro hadalkii uu yiri
Maxamuud Nuur Wardheere ee ahaa waxbarashada in la xoojiyo.
Isagoo ka warbixinaya sida ay dhallinyarada Soomaaliyeed ee qurba joogga ahi
ugu soo badanayaan xabsiyada waxa uu yiri: magaalada London,UK waxaa boolisku ii sheegeen
in ajnebiga xiran ay ugu badan yihiin
Soomaalida..
Sakariye oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri:
Meesha keliya oo inoo furan oo la rabo in aan ku soo baxno waa aqoonta.
Haddaba haddii meeshii carruurtu wax baran lahaayeen ay saaqidaan maxaa inoo dan
ah.. Carruurta wax hala baro. ayuu hadalka ku adkeeyey.
Carrurta kuwa da'aah weynaadey xataa waa in la geeyo machadyada farsamada, si ay u
bartaan farsamo ay ku shaqaystaan.
Galbeedka sida wax looga barto waa ka duwan tahay sidii Soomaaliya wax looga
baran jirey. Haddii aan waalidku waqti gelin carruurtu wax ma baranayaan..
Mustaqbalkeenu waa carruurteena.
C/risaaq Xaaji iyo Saakiye Xaaji
Wadamadaan aan nimid waxaa jira wax la yiraahdo "ISKU DANAYSI".. marka waa in
aad codkiina iibsataan, oo siisaan qofkii dantiina idiin qabanaya.. codkiina ku
gorgortama. ninkii Soomaalida dan u ah codkiina siiya.. (Waxana uu xusay nin
aqalka Maraykanka ka soo gala gobolka New Jersey oo aad u daneeya arrimaha
Soomaalida).
Arrimaha Soomaaliya iyo warkii aan u soo safray:
Sakariye Xaaji Cabdi oo hadalkiisa sii wata waxa uu ku dheeraaday arrimihii
uu safarka u soo galay ee uu u yimid shirkaan, isagoo arrintaas ka hadlayeyna
waxa uu ku bilaabay:
Qof kasta haka jawaabo saddex arrimood oo ah:
- Waxaan ahaan jirey, waxaan hadda nahay, iyo waxaan noqon karno haddaan
Soomaali nahay:
Waxaan ahaanjirey: dad isla weyn, karaamo leh, isla qab weyn, cid baryin,
waxaan ahayn dadka ugu taariikh wanaagsan Afrikada Madow. Haddaad tagtid Maktabadaha Dalka UK, waxay Soomaalida ka qoreen
waxaad arkeysaan in aan nahay dadka ugu taariikhda wanaagsan afrikada madow..
Dadka noocaas ah in aan ahaan jirey waxaad ku garenysaa in aan leenahay xeebta dheer 3300km, cid kusoo dhowaan
jirtey ma jirin. Waxaan weligeen ku dadaali jirey in aan la inaga xigsan badda
xagga xajka (kacbada) xigta, isla markaasna aan cidina inga xigsan badda
(badweynta
Hindiya).. Xitaa inagoo aan badda ka kalluumaysan jirin oo xooleheena dhaqan
jirey ayaan cid kale usoo dhowaan jirin baddeena.. Kuwa aan deriska nahayna
buurahaa ay saaraan jireen. mana soo hollin jirin..
Markaas ayuu Sakariye xusay taariikho ay soo martay Soomaalidu sida:
....Cidda u haysata in Soomaaliya jabtay, Soomaaliya ma jabin ee waa suuxday ee
waa soo kabaneysaa....
Sakariye Xaaji |
Axmed Gurey oo watey ciidan gaaraya 12,000 oo keliya oo ah qabaa'ilka Soomaaliyeed in
ay ka hor tageen ciidankii Xabashida oo tiradoodu dhamayd 35,000, waxaana
ciidaankaas xabshida lagu jebiyey muddo shan beri oo keliya ah..
Soomaalida runta ah taas ayey ahayd.
Seyid Maxamed Cabdullaahi Xasan muddo 21 sano ah ayuu ku jirey iska caabin
iyo is difaac isagoo aan wax mucaawino ah bannaanka uga iman.. (Xooleheenii weli
waa haysanaa)...
Cidda u haysata in Soomaaliya jabtay, Soomaaliya ma jabin ee waa suuxday oo
waa soo kabaneysaa..
- 1964 waxaad xusuusataan anagoo afar sano jirney in aan iska caabinay
duulaankii Itoobiya
- 1977/78 waad ogtihiin waxaan marsiinay Itoobiya.. Waad ogtihiin in loo soo hiiliyey bari
iyo galbeedba.
- Maxay 500 sano maxay noo qabsan weydey? Yaa sababta garanay? Waan
midaysnay.. Hadda waa kala qaysanay..
Ethiopia’s ‘Own
Darfur’ As Villagers Flee Government-Backed Violence
By Steve Bloomfield
Independent
October 17, 2007
Early one June morning, in Kamuda,
a village of 200 families in the remote Ogaden region in eastern
Ethiopia, 180 soldiers announced their arrival by firing guns in the
air. The village, they said, had been providing food and shelter for the
Ogaden National Liberation Front (ONLF), a separatist rebel group . As
the villagers froze in horror, the soldiers plucked out seven young
women, all aged between 15 and 18, and left. The following morning the
youngest girl was found. Her body, bloodied and beaten, was hanging from
a tree. The next day a second girl was found hanging from the same tree.
A third suffered the same fate. The others were never seen again.
Shukri Abdullahi Mohammed, 48, a
mother of seven children, lived in Kamuda. As she describes the fate of
the seven girls – "the most beautiful girls in the village" – she
tightens her headscarf around her neck to indicate the way they were
killed. "I will not forget it," she says. Days later, a 12-year-old boy
from the same village was kidnapped by soldiers and gang-raped. Every
night, soldiers would knock on doors looking for women to rape. "I did
not want to wait until it happened to my family," said Mrs Mohammed.
They left Kamuda and made their way across the porous border with
Somalia, before travelling a further 300 miles by foot to the hot and
humid port town of Bosasso.
Read more...
|
Qiso Muqugo Leh - Gabdho iyo wiil Soomaaliyeed oo Ciidanka Itoobiya
Kufsadeen:
Sakariye Xaaji Cabdi waxa uu ka xusay qiso aad u xanuun badan oo dadkii
shirka joogey ay aad uga caroodeen, ka tiiranyoodeen, aadna uga caloolyoobeen,
kana xumaadeen.. Qisadaas oo ahayd:
Qoraal ay 17kii Octoebr 2007 qortay jariidada Independent ee ka soo baxda
dalk UK, oo ay cinwaan uga dhigtay 'Daafuurtii Ethiopia', ayey kaga warbixisay
sida ay ciidamada Itoobiya u silic dilyeeyeen, una kufsadeen toddoba gabdhood oo
ay ka kaxaysteen tuulada Kamuda oo ku taal dhulka Soomaalida ee ay Itoobiya gumaysato.
Waregeysku waxa uu xusay in ciidamada Itoobiya inta ay rasaas ku fureen
tuulada ay xoog ku kaxaysteen toddoba gabdhood oo da'doodu u dhexaysey 15 ilaa
18 jir. Subaxdii xigtey waxaa la helay gabadhii ugu yarayd oo inta ay kufsadeen,
oo jir dileen ay geed ka soo daldaleen. Subaxdii xigtey waxaa gabadhii labaad
laga helay isla geedkii iyadoo sidii oo kale loo galay. Subaxdii saddexaddna
gabar sidii oo kale oo galay. Gabdhihii kale meel ay raq iyo ruux ku
dambeeyeen lama arag.
Jariidadu waxay qortay in dhawr maalmood ka dib ay ciidamada Itoobiya inta ay
soo laabteen ay tuuladii ka kaxaysteen wiil 12-sano jir ah oo ay si wadar ahaan
ah u kufsadeen. Habeen kastana inta askartaasi ay tuulada yimaadaan ay albaabada
soo garaacaan iyagoo raadinaay dumar ay kufsadaan. Waxayna jariidadu xustay
hooyo dhashay toddoba carruur ah oo tuuladaas ku noolayd markii ay u adkaysan
weydey ay halkaas ka cararay oo tagtay magaalada Boosaaso oo 300 km u jirta
tuuladaas. (Qisadaas oo Af Ingriis ah ka eeg
halkan...).
Sakariye markii uu qisadaas xusay waxa uu yiri: Ogaada in dalka oo dhan la
xukumo. Ogaada meesha xabbadu ka dhacayso ayaa uguroon oo waxaa ka daran meelaha
aan xabadu ka dhacayn oo lagu xakumo telefoon, oo la dheho hebel nooga soo
kaxeeya masaajidka.
Weligaya waan didiri jirnay dhexdeena, kaddibna waa heshiin jirey, laakiin dhaqan nooma ahayn
in aan Itoobiya isu soo kaxaysano... Qofkii taas qabaa fikirkaas haka baxo..
Sakariye waxa uu qurba jooga xusuusiyey in dalkoodii Soomaaliya wax uga wanaagsan aan la helayn, waxana uu yiri :Gurigaagu waa meesha aad ka timid
asalkii".
Haddii aad heli kartaan quraac (cunto) aad kala dooran kartaan, ogaada
wiilka iyo gabadha Soomaaliya jooga ee dagaalka lagu hayo ma haystaan taas..
1. Addis Ababa, 2. Afar, 3. Amhara, 4.
Benishangul-Gumuz, 5. Dire Dawa, 6. Gambela, 7. Harari, 8. Oromia,
9. Somali, 10. Southern Nations, 11. Tigray
|
Waxa kale oo uu Soomaalida xusuusiyey in dadka ay Itoobiya kufaanto ay
dadkeena yihiin, (oo ay tahay siyaasad ahaan in aan la soo wareegno), gaar ahaan
waxa uu xusay Qowmiyadda Oromada oo ka badan 30 million waa dadkeenii, waa dad
aan isku asal nahay oo Muslimiin u badan. Sidoo kale Canfartu waa dadkeenii.
Ogaada Tigreegu kama badna 2.5 milion, waxaana ka badan jufo Soomaali ah.
(Eeg khariidada dhanka bidix dhul ahaan Inta Itoobiya ay ka degaan).
Waa in aan qabiilka ka baxno..
Ma yeeli karno in hal nin ama laba nin oo aan iyagu isku kalsoonayn oo daba
dhilif ah, ka yeeli mayno in ay karaamada naga qaadaan, ayuu yiri Sakariye.
12 masajid oo ku yaal Muqdisho ayey Itoobiyaanku kujiraan oo ku saxaroodaan,
ma waxaas ayaa ah wax loo dul qaato, ayuu is weydiiyey.
Waxana uu xusay meelaha aan kaga wanaagsan nahay Itoobiyaanka, waxana uu
yiri: 23 meelood ayaan kaga xoog weynahay, hal meel ayey naga xoog weyn tahay
waana hal meel
oo lasoo dhoodhoob..
Waxaa khaatimada naga xooray waa markii aan dabagalay Qabqable dagaal oo aan Allah
aqoon, oo aan ku daba galay Qabiil. Qof kasta waxa uu dhibane (fictim) u yahay
Qabqablayaashaa.. Qofka waa in lagu racaa barnamijkiisa iyo waxa uu bulshada u
qabanayo..
Rajada ay Soomaaliya leedahay waa dadkan qurbaha jooga oo arkay nidaamyada kala
duwan.. Maanta ayaan fursad
haysanaa.. Maanta ama weligeed [Today or forever]..
Halgan hubaysan.. Xorriyad diblomaasiyad laguma keeno, waxaa lagu
keenaa qori caaradiis.. .. Marka aan Tigreega ka boohino ayaa la inala
hadli doonaa..
Sakariye Xaaji.. |
Itoobiya qabsigeeda fursad weyn ayey inoo tahay. Waayo waxaa meesha ka baxay
wax kasta oo ay kugaban jirtey, iyadii ayaa ka dagaalameysa Muqdisho.. (Jabka
gaarana kama soo waaqsan doonto).
Sakariye waxa uu xusay in aysan jirin wax Dawlad Soomaaliyeed la yiraahdo oo
ka jirta Soomaaliya, isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yiri:Haddii ay dawladi jirto kama soo tageen. Yaan been la idiin sheegin, dawlad jirta oo Soomaaliyeed ma jiraan.
Maxaa nala gudbod si dhibka looga baxo:
Arrintu 'alamtara soo dhaaftay' ayey taaagan tahay, siin soo dhaaftay, dal
soo dhaaftay, waa arrin shakhsi ah (pesonal), ayuu yiri Sakariye oo intaas ku
daray:
Si aan xorowno:
- Qof kasta waa in uu ogaado in Qarniga 21aad Soomaaliya la haysto oo
aysan jirin Dawlad Soomaaliyeed.. Cali Geedigii calanka ka taagey gurigii
anigu aan ku aroostay (guriga uu geedi calanka ka taagey aniga ayaa ku
aroostay ayuu yiri...) (xagge ayuu maray Geeddi...)
- Xaqa madax bannaanida iyo xaqa nolosha.. xaq ayaan u leenahay in aan is
xorayno.. sida South Afrika, eeg Nelson Mondella.. oo lagu sheegi jirey
Argagxiso oo xabsi kujiri jirey isagii ayaa hadda la soo booqdaa... Anagu ma nihin Argagxiso.. Maraykanka saaxiib ayaan la nahay,
xorriyad doon ayaan nahay, xaq ayaan u leenahay is xorayn..
Madax bannaani iyo noqol... Waa Asaaska xuquuqul Insaanka.. ["Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol, xorriyo iyo nabad gelyo."
Tixraac qodobka 3aad ee Baaqa Caalamiga ah ee
Xuquuqul Insaanka]
Si loo gaaro xorriyad:
- Midonimo dhab ah meel kasta oo aan joogno.. qabiilka ha la halgaado..
aan soo ceshanno midnimadii aan ku saaryan gumaystayaashii hore...
- Halgan hubaysan.. Xorriyad diblomaasiyad laguma keeno, waxaa lagu keenaa
qori caaradiis.. Annagu haddaanu nahay isbahaysiga dib u xoraynta waan ballan
qaadnay.. Marka aan Tigreega ka boohino ayaa la inala hadli doonaa.. Kuwa
hadda dhimanaya hadduu dhintona janno ayuu geliyaa, Insha Allah, hadduu noolaadona sharaf
ayuu ku noolaanayaa. [Geeri ama sharaf iyo xorriyad ku noolaansho..]
- Daqaale dagaalka lagu galo in la helo, qofka dhimanaya ama dhaawacmaya waa in loo helo dhaqaale, lagu daweeye, qof kasta oo Soomaali ah --
Xusuusta xilligii maxkadaha (ammaankii iyo sharaftii la helay)
-
Qof Soomaali ah yuusan raacin DIYAARADDA ETHIPIAN AIRLIES... Raaca
diyaaradaha dalalka kale, raaca diyaaradaha Soomaalida.. Tusaale ahaan
diyaarada Daalo waxay ka baxdaa LONDON... Sidaas daraadeed haddaad ka
bexeysaan Maraykaanka raaca Diyaarada
Northwest Airlines
kaddibna 'connection' ahaan London ka raaca
Daallo Airlines oo idin geyneysa Soomaalia.. Soomaali ayaa diyaaradaha
Itoobiya Airlines raacda ma ahan arrin la qaadan karo.. Dawlada Maraykanka
oo idin soo dhoweysey diyaaradeheeda raaca, shilin aad leedihiin ha siinina
Itoobiyaan...
- Qaadka in la joojiyo ama la qaadaco. Waa in aan la iibsan qaadka
laga keeno Itoobiya...
- Cuntada Xabashida waa in aan la iibsan,
CANJEELA XABASHI ama CANJEELO ITOOBIYAAN waa in aan la iibsan..
- Meel Soomaali degan tahay wax ku dirso.. Xawaaladaha waxaan ka
codsaneysna in ay xiraan xafiisyadooda Addis Ababa.. Shirkadii diida in ay
xirto xafiisyadeeda Addis Ababa yaan wax lagu dirsan... waa nala xumeeyey
oo gabdhehenii ayaa la kufsaday.. sidee lacagteenu u tegi kartaa Itoobiya..
taga JABUUTI, iyo gobola Soomaalida... Kuwa deggan Addis Ababa reerahooda ha u rareen JIGJIGA, WARDHEER, QARIDAHARRE.. HARGEYSA.. GALKACYO.. BAYDHABO..JABUUTI..
iyo meelaha Soomaalidu degto.. Shirkadii diida arrimahaas yaan lala macaamil..
- Xumaanta ku suuliya gacanta, carrabka, haddii aysid awoodin qalbiga ka
nebcaada... Sidaas daraadeed dhaqaale haku bixinana meel faa'iidada laga
helo lagu wax yeelayn doono shacabka Soomaaliyeed.
- Bannaanbax joogta ah, "lobby" (ololayn) joogto ah, gaar ah reer Minneapolis..
Xooggiina iyo midnimadiina aduunka tusa, mudaharaada oo isu soo baxa xitaa
haddii qabowgu ka hooseeyo -20.. Idaacadaha ka hadala, joornaalada wax ku qora, shir marka la
qabanayo meel la maro hala waayo.. Ogaadana dadka raba Amxaarada waa dad yar
(kuwaas oo berri ina soo raaci doona).. Waa inoo halgan..
Mar uu Sakariye ka sheekaynayey sida xabashidu xilligaan sida tooska ah ugu
maamusho Soomaalida, waxa uu yiri, anigoo safar ah ayaan nin Xabashi ah meel
isku aragnay, sawirkayga ayuu hore u arkay markaas ayuu yiri, orod oo taag
Addis Ababa oo ka raadso jago aad ka qabatid Soomaaliya waayo halkaas ayaa
Soomaalidu saf ugujiraan Zenawi'e.. Bal eeg ayuu yiri Sakariye, ma
dalkaygii ayaan Zenawi weydiistaa si aan wax uga noqdo.
Shirkii Casmara isagoo ka warbixinaya waxa uu yiri: Bishii September 2007
ayaa shirkaas la qabtay, waxana uu ahaa shirkii ugu horeyey oo muddo sagaal
maalmood oo keliya go'aano kasoo bexeen. Haddaba anagu qorshihii dejiney ee
wixii lagu socod siin lahaa idinka ayaa ah ee waa in Soomaaliya la xoreeyo.
Waxaan samaynay Buug Cad iyo Buug Madow, ayuu yiri, sidii ay u jiri jirtey
xilligii gobanimodoonka. Qofkasta asaga ayaa laga rabaa in uu astaysto meeshii
uu isku qori lahaa.. Waxaan u baahanay dadka yaqaan farsamadan casriga ah
(technology) iyo dadka aqoonta leh. GUUL IYO GOBANIMO, ayuu ku soo xiray
Hadalka.
Sharci darrada ay Dawladda Itoobiya ku qabsatay Soomaaliya (Prof. Ibbi)
Prof. C/raxmaan Xaaji Aaden Ibbi
|
Kaddib waxaa madasha kulanka lagu soo dhoweeyey Prof. C/raxmaan Xaaji Aaden
Ibbi oo ka tirsan Isbahaysiga Dib u xoraynta Soomaaliyeed qaybta xiriirarada
dibada iyo dib u heshiisiinta oo ku xeel dheeraaday sidii ay Itoobiya ku soo gashay Soomaaliya,
waxana uu yiri:
Masuuliyadda soo gelitaankii xabashida waxaa qaadaya ummadda Soomaaliyeed oo dhan.
17kii sano ee ugu dambeeyey xabbad kasta oo aan isku dileyney waxaan ka heli
jirney xabashida.. Raggu waa dagaalami jirey, dumarkuna waa alalaasi jireen...
Waxana uu markaas xusay sidii Itoobiyaanka lagu soo geliyey Soomaaliya in ay
ahayd hab sharci darro ah, waxayna u dhacday, ayuu yiri sidan:
Khudbadii ugu horeysey ee uu la yimid C/Laahi Yuusuf (markii la doortay) waxaa ku qornayd
in loo baahan yahay 20,000 ciidamo ah in Soomaaliya la geeyo. Waxaa lala yaabay
maadaama uusan ogeyn in la dooran doono sida uu qoraalka dheer u soo diyaarsaday
oo ay ku qoran yihiin tiradaas ciidamada ah.. Waxaan ilowney 1978 - yaa
Balanballe suray calanka Itoobiya, C/laahi Yuusuf, Soomaaliya wa ilowsiiyo
dhowdahay, ayuu yiri Prof. Ibbi.
Waxana uu xusay sida baarlamaanku isugu dagaalay "Yaan la keenin ciidamao safka
hore iyo hala keeno" oo muran weyn iyo feer ka dhex dhacay xubnaha baarlamaanka.
Arrintu waxay soo jiitantoba waxaan nimid Baydhabo, ayuu yiri. Markan nimid waxaa habeenkiiba Baydhabo soo
galay 70 ciidan ah .. AMHARO KOYTEE.. ayaa reer Baydhabo ku waaberiisteen.
Prof. Ibbi waxa uu yiri: Haddii aan wax yar idiinka sheego qaabka ay yihiin
xubanaha baarlamaanka DFKMG waa:
- 90 waa dad hanuunsan, kuwaas oo ka badbaadey xulashadii Itoobiyaanka, (waa
kuwo u fekera si xor ah)
- 90 Addis Ababa ayey Itoobiyaanku kala yimaadeen - ku fikira fikirka
Itoobiyaanka
- 90 waxay raacaan hadba dhankii xoogga weynaada labadaas kooxood ee sare...
Haddaba, Waxaa markii la yimid Baydhabo la bilaabay in moshin la keeno
Baarlamaanka ay ku saxiixan yihiin ilaa 27aad (waa fikirka 90kii laga keenay Addis
Ababa).. Waxaa ujeedadu ahayd in ciidamo shisheeye la keeno Soomaaliya oo ay ku
jiraan safka hore...
Durbadiiba 20 kale oo xildhibaan ayaa baarlamaanka keenay mooshin ah
in cod bixintu ahaato qarsoodi...
Sidaas ayaa 14kii Juune 2006, waxaa 125 xildhibaan u codeeyeen in ciidamo shisheey la keeno
Soomaaliya, ciidamadaas oo la kala soocin.
Halkaas waxaa uu ku muujiyey Prof. Ibbi in "Intii aan tashaneyney xabashiduna waa tashaneysey."
Waxana uu yiri C/laahi Yusuuf waxaan ku iri "xitaa biya-tooni kuuma noqonayo."..
Prof. Ibbi waxa uu dadkii shirweynaha ka soo qayb galay shaashadda ka tusiyey
warqaddii uu qoray guddoomihii Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aaden. Waxana uu
Ibbi yiri: Warqadasas markii loo geeyey madaxweynaha ayaa madaxweyanaha iyo
ra'iisulwasaarhuhu waxay ka bedeleen sidii ay ahayd waxayna sameeyey mid macmal
ah (foojeri) taas oo ay u geeyeen UN-ta markii ay safarka ku tageen Maraykanka.
Warqaddii saxda ahayd ee uu saxiixay guddoomiyihii baarlamaanku
waa tan, ayuu yiri prof. Ibbi.
Warqadda oo weyn halkan ka
eeg...
Prof. Ibbi waxa uu sheegay in UN-ka loo geeyey warqad kale oo la macmalay,
balse warqaddii saxda ahayd waa tan sare..
Wixii dhacay waa dheceen... waa ciqaab, ayuu yiri Ibbi... haddaan dib ugu
noqono Allah, dhibka waa ka bixi doonaa, insha Allah..
Prof. C/raxmaan Ibbi oo taageeraya hadalkii Sakariye ee ahaa in dhaqaalaha
lagala dagaalamo Itoobiya, waxa uu yiri: Itoobiya waxaa ka furan sagaal xawaaladood,
ha tagaan Jabuuti.. aan jabuuti dhisno..
Safaarad kasta ayaa Jabuuti kutaal oo dadka Fiisayaasha diraya ay
ugu hagaajin karaan ehel kooda ee Jabuuti hala tago meeshii laga tegi lahaa Addis
Ababa.
- Qof dadkii madasha joogey ayaa yiri: Xajka ayaa lagu adaa Diyaaradaha Ethiopian Airline ee ka waran.
Waxa uu ku jawaabey; XAJKIISU HA BAAQDO QOFKII RAACA
ETHIOPIAN AIRLINES..
Prof. Ibbi waxa kale oo uu xusay in Dumarka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo dhisay
dalka wax weyna ka geystey bulshada. Taas oo uu ku amaanay dumarka Soomaaliyeed.
Dhanka kele waxa uu xusay in arrinta Soomaaliya ay hadda meel xun mareyso
waxana uu xusay qiso dadkii shirka joogey kaga yaabisay, kana xanaajisey,
markalena ku abuurtay caloolyow, qisadaas oo ahayd:
Nin Xaaskiisii yiri u tag Xabashi!
Qisadan ayaa ka dhacday meel ka mid ah Soomaaliya, ayuu yiri. Nin saarkaal
Xabashi ah ayaa magaalada ku arkay qof asturan, markaas ayuu inta uu ninki
haweentaas qabey u yimid waxa uu ku yiri: War ninyohow waxaa la sheegayey AIDS
iyo wax la mid ah, qoftaada ayaa asturan ee aan la seexdo.. Ninkii inta uu
xaaskisii u tegey ayuu weydiistey sidii la soo amray.. Gabadhii inta ay il iyo
labadeed baal ninki goysey ayey ku tir dayuusyohow iga tag. Xaaskaagiina ma ahi
laga bilaabo hadda. Arrintii waxay
gaartey wax loogu yeero in loo fariisiyo oday dhaqameedyo.. taas oo dulaysi kale
ah..
Gabadhii oo dhawr carruur ah haysata waa soo carartay, waxayna hadda joogtaa
Nairobi.. Waxaan ku niri ayuu yiri carruurta ninkaas magaciisa ka bedel dulliga
ah si
aysanba weligood ugu abtuirsan... maanta ayey taagan tahay nasab dhimankii rasmiga
ahaa in la hayo...
Ninkii taageera Xabashi waa in la takooro, waa in aan la guursan gabdhohooda,
guntii rasmiga ahayd weeye, tusbax go'ay Allah ha dhigo wixii xabashi gacan
siiya, ayuu ku yiri. Dadka masaajida Muqdisho dhexdooda ayaa lagu qowracaa..
Maanta waa maalintii la kala baxayey.
Buraanbur Qiiro leh... [Hadday diintu maqantahay dawladnimo macaan ma
leh....]
Laba gabdhood ayaa buraanburro ka soo jeediyey madasha.. Buraan-buradaas oo
qiiro geliyey dadkii geliyey.
Buraan buradaas dulucdoodu waxay ahayd guubaabo in dalka Soomaaliya la
xoreeyo, laga xoreeyo gumeysiga Itoobiya.
Waxa kale oo buraanburadu ku salaysnaayeen in dawladnimadu aysan qiimo lahayn
haddii aan la isu dhiqin diinta Islaamka. "Hadday diintu maqantahay dawladnimo macaan ma leh...."
ayeytiri gabadhii buraan bureysey.
Ku Xadgudubka Ethiopia Xaquuqul insaanka (Fowsiya Sheikh)
Fowsiya Maxamed Sheikh
|
Waxaa mashada shirka lagu soo dhoweeyey Fowsiya Maxamed Sheikh oo ka hadashay
Ku Xadgudubka Ethiopia Xaquuqul insaanka iyo danbiyada dagaal ee ka dhacay
Soomaaliya. Waxayna ugu horayn xustay in Itoobiya aysan na qabsan kari lahayn haddii aysan
soo kaxaysan lahayn dad nala midab ah.
Waxay xustay ilaa markii Itoobiya soo gashay Soomaaliya in ay qowracaan
carruurta iyo dhallinyarada, oo kufsadaan gabdhahii Soomaaliyeed.
Waxa kale oo ay Fowsiya xustay in Itoobiyaanku ay bililiqaysteen hantida iyo
maal wixii ay arkaan, taas oo ay tiri waxaa hadda Addis Ababa laga furay Suuq madow oo
lagu gado alaabta ay ka bililiqaystaan Soomaaliya.
Hadda waxay dadka ka ururusadaan computerada iyo Labtop-yada iyagoo ku marmar-siinyoonay argagaxiso sawiradooda ayaan ka fiirineynaa,
sidaas ayeyna ku qaataan. Waxa kale oo ay xustay in Itoobiyaanku hubka ay dadka
Soomaaliyeed ku laayaan ay ku jiro kiimiko halis ah..
Waxay aad ugu xeel dheeraatay dhibaatooyinkii ay ciidamada Itoobiya geysteen
intii ay ku jireen gudaha Soomaaliya.
"Waxaan idin ka codnayenaa in aan maxkamad soo taagno inta qof ee dhibaatada u
geystay Soomaaliya, waa in maxkamad la soo taago intii dhibaatada geystey.."
ayey tiri Fowsiyo oo madasha ka akhriday warbixin dheer oo ay arrimaha
Soomaalida ka soo diyaarisay...
Filim Naxdin leh
Kaddib waxaa dadweynihii shirka ka soo qayb galay loo daaray Filim ay
Fowsiya Sheikh ka keentay Soomaaliya oo tusinaya sid ay Itoobiyaanku u
baabi'yeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho.. Filimkaas oo ah mid aah
u naxdin badan, marka la geliyo YOUTUBE ayaan halkan kusoo xiriirin doonaa insha
Allah.
Gabagabdii Kulanka waxaa bilado sharafyo la siiyey xubno siweyn u muujiyey
Soomaalino.
Ugu dambayntiina Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed waxay Hambalyo u
diray
Faarax Macallim oo ku guulaystey ama ku soo baxay Isreeb-reebkii hore ee doorashadii xildhibaanimo ee
Baarlamaanka Kenya ee uu u
tartameyey.
- Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed waxa uu bulshada Soomaaliyeed weydiistey in ay la xiriiraan ururka, taageerona siiyaan,
emailka ururku waa:
unitedsomalid@gmail.com
SOO KOOBID:
Kulankii Minneapolis lagu qabtay Sabtidii Nov 24, 2007, ee ay sooqaban
qabiyeen ururka Qurbo jooga Soomaaliyeed waxaa dadweynaha Soomaaliyeed la xusuusiyey
in ay xaq ugu leeyihiin xor-nimada iyo nolosha gumeysi la'aanta ah, sidaas
daraadeedna ay xaq u leeyihiin in ay iska xoreeyaan Itoobiyaanka ku soo duuley
dalka Soomaaliya.
Waxaa kale oo dadweynihii shirka ka soo qayb galay aad ugu riyaaqeen markii
kulanka laga soo jeediyey siyaabaha dalka Soomaaliya lagu xorayn karo oo looga
saari karo Itoobiyaanka ku soo duuley in ay ka mid tahay in dhaqaalaha laga
curyaamiyo Itoobiya, oo qof Soomaali ah Shilin iyo Taanu uu leeyahay uusan ku
bixin meel ay Itoobiyaanku ka faa'iidi karaan, waayo lacagta ay Itoobiya ka
hesho Soomaalida ayaa lagu laayaa isla dadka Soomaaliyeed ama lagu xasuuqayaa.
Sidaas daraadeed hadaladii aadka loogu riyaaqay oo ay soo jeediyeen marti
sharaftii ka hadashay shirka ayaa waxaa ka mid ah in gebi ahaanba la qaadaco
Diyaaradaha Ethiopian Airlines. Arrintaas oo uu ku nuuxnuuxsaday Sakariye Xaaji
Cabdi, oo uu ayidey prof. Ibbi, waxa ay dadka Soomaaliyeed xusuusiyeen in ay
jiraan diyaarado Soomaaliyeed oo ku geynaya Soomaaliya, oo aysan jirin wax qof
Soomaali ah ku khasbaya in uu raaco diyaaradaha Itoobyan Airlines.
Waxa kale oo lagu baaqay in la qaadaco:
- Cuntada Itoobiyaanka, sida canjeela xabashida
- Qaadka laga keeno Itoobiya
- iyo wax kasta oo ay ka macaashayaan Itoobiyaanku in la qaadaco
Lacagta ay helaan Itoobiyaanku waxay ku maal geliyaan xasuuqa ummadda
Soomaaliyeed, ayaa lagu adkeeyey Soomaalida, sidaas daraadeedna aysan bannaanayn
in arrintaas lagu gacan siiyo Itoobiyaanka.
Waxaana dadka Soomaaliyeed la xusuusiyey: Qofkii arka xumaan gacanta ha ku
suuliyo, hadii uusan ku suulin karin af ahaan haku suuliyo, kii aan intaas
awoodina qalbiga haka nebcaado... Sidaa daraadeed ficil ahaan ayaa Itoobiya loo
tusi karaa in lacagteena meeshii aan doono aan xor u nahay si aan dadkeena loogu
xasuuqin macaashkii ama faa'iidadii laga helay lacagtaas.
Xawaaladaha iyo Addis Ababa
Waxaa kale oo loogu baaqay xawaaladaha Soomaaliyeed in aysan wax lacag ah
geyn magaalada Addis Ababa. Dadka Soomaaliyeedna halkii ay eheladooda ugu diri
lahaayeen Addis Ababa ha geeyeen Jabuuti, ama magaalooyinka Soomaalida sida
Jigjiga, Qabri dahare, Qalaafe, Godey. iwm, magaalooyinkaas waxaa lacagta la
geeyo ka macaashaya Soomaali, laakiin lacagta la geeyo Addis Ababa waxaa ka
macaashaya Itoobiyaan.
Waxaa la xusuusiyey in xawaaladaha Soomaaliyeed ay wax ku yihiin dadka
Soomaaliyeed, sidaas daraadeed xawaaladii lacag geysa Addis Ababa in ay
Soomaalida oo dhammi qaadacaan xawaaladaas.
Waxaa Soomaalida loogu baaqay in ay maalkooda gashadaan dalka Jabuuti oo ah
dad walaaleheen ah halkii ay lacagtooda ku bixin lahaayeen Addis Ababa.
Waxaa la xusay in sababta ay Soomaalidu u tagaan Addis Ababa in ay ka mid
tahay dad loogu diro Fiisooyin. Waxaa dadkaas loogu baaqay in ay Jabuuti u
wareegsadaan fiisooyinkooda iyo haddii ay qof soo isboonsarayaan, maadaama
Jabuuti ay joogaan safaarada adduunka badan koodu.
Taageerada Itoobiyaanka oo Lagu noqonaayo Gun...
Waxaa kale oo Soomaalida loogu baaqay in la takooro qofkii taageero la garab
istaaga Itoobiyaanka xasuuqaya dadka Soomaalida, oo markaas laga dhigo gun aan
laga guursan gabdhihiisa, aan wiilashiisa loo guurin, laga dhigo gunta dhabta
ah... Waxaa Soomaalida la xusuusiyey in ay jiraan dad Soomaali ah oo la quursan
jirey si xaq darro ah, balse maanta ayaa la ahayaa gunta dhabta ah oo wixii
hadda kadambeeya ay noqon doonto cidda Itoobiyaanka taagerta.
Waxyaabihii kale ee la xusay intii kulanku socdey waxaa kale oo ka mid
ahaa:
- Beenta Meles Zenawi: ee ah in markii uu ciidamadiisa soo geliyey
Soomaaliya uu sheegay in uu durbadiiba ciidankaas ka saari doono Soomaaliya.
Muddo kaddibna uu yiri hadda ayaan ka saari doonaa.. Waakaas weli
ciidankiisii kujiraan Muqdisho caasimadi Soomaaliya.. Waxaana markaas la
xusay in aan Xabashidu lahayn wax axdi ah oo lagu aamini karo..
- In lagu dadaalo sidii la isu hor taagi lahaa (Itoobiya), laguna dadaalo
sidii loo taageeri lahaa xeerka lagu magcaabo "*HR
2003 - the Ethiopia Democracy and Accountability Act of 2007" ee ay ka
codaynayaan aqalka Maraykanku uu mucaawinada Itoobiya ku xiro xuquuqul
Insaanka.
Si taas loo sameeyona in qof kasta oo Soomaali ah ee deggan Maraykanka uu la
xiriiro senator-ka iyo congress-ka magaalada uu joogo ama gobolka uu joogo
laga soo doorto.. La muujiyo in Itoobiya aysan ahayn dal Dimoqraadiyad,
sidaas darteedna u qalmin in dal dimoqraadi ah uu taageero...
[HR
2003:
Effects on Human Rights and Humanitarian
Webcast ama
DAAWO VIDEO]
- In la qoro oo la diiwaan geliyo tacadiyada ay ciidamada Itoobiya u
geysanayan shacabka Soomaaliyeed ee dhanka ka dhanka xuquuqul insaanka, oo
adduunka xorta ahna la tuso...
- In qofkasta oo Soomaali ah uu ku baraarugsanaado in uu xaq u leeyahay
xornimo sida ku cad xeerka Qaramada midoobey ee caalami ah ee
Xuquuqul
Insaanka, sidaaas daraadeedna halgan loo galo sidii taas loo xaqiijin
lahaa.....
- In Soomalidu midowdo oo dhinac iska dhigto qabyaaladda, kuna midowdo
xoraynta Soomaaliya....
Warsaxaafadeedka Ururka Qurba Joogga oo dhammaystiran ka akhri:
HTML | PDF |
WORD
Warqadaa aad u direysid senotorka iyo congresska halkan kala soo bax: PDF |
WORD |
HTML
Warbixintii Fowziya Sheeikh akhri: AF-SOOMAALI
| ENGLISH
Asaaskii Ururka
United Somali Diaspora ka akhri halkan...
SomaliTalk.com | Minneapolis, MN | Nov 25, 2007
- Si aad u ogaatid xaqiiqada Soomaalida ku jirta jeelasha, hal "county" oo ka mid ah Minneapolis oo la yiraahdo Hennepin, waxaad eegtaa inta qof ee sadexdii bilood ee ugu dambeeyey la
geeyey Jeelka..
guji halkan
kaddib dhanka midig ee website kuu soo bixi doona ka calaamidi barta "Show All"
markaas guji batoonka 'SEARCH RECORDS' (Eeg sawirka hoose)
Guji Halkan... [Arrintaasi waxay u baahan tahay in wax laga qabto oo la baraarujiyo shacabka
Soomaaliyeed ee qurba joogga.]
Sidoo lale
halkan ka eeg 10-ka dembiileyaasha aadka loo raadinayo ee xaafada ama aagag
hennepin (Minneapolis) ee ay Soomaalidu deggan tahay ....
EEEG HALKAN...
|