SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
Daabaco Boggan | Print
 
:WAFTIGA REER CALI SAMATAR:

Wafti ka socda Reer Cali Samatar oo booqasho ku maraya magaalooyin ka tirsan Maraykanka oo hadda soo gaarey Minnesota ... Guji...

 

Qoraaladii laga qoray CALI SAMATAR:::
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |
 
Waxaan ahay Leelkase, saddexdayda gabdhood labo kamid ah waxaan siinaya cidda lagu tuhmayo nasab dhimanka" C/raxman Shiikh Akhri

BISMILLAHI RAXMAANI RAXIIM

Assalaamu caleykum wa raxmatullahi wa barakaatuhu ama bacda salaam waxaan jeclahay in aan shirka u soo gudbiyo dhawr qodob oo ay iila muuqato in ey munaasab ku yihiin shirka: {Waa Shirkii 23-24 Dec 2006 ee Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu qabtay Minneapolis}

SHIRKA IYO KA QEYBGALAYAASHA SHIRKA

Waxaa diyaariyey: Dr. Cali Nuur
Email: alinoor27@msn.com
_____________________
__________
____

Waxaan wada ogsoonahay in shirkaan iyo kuwa kale ee la nooca oo horey u qabsoomey aaney suuragal noqoteen in lagu riyoodo in ay qabsoomaan, hadduusan Maxamed Cabdullaahi, madaxii laanta AfSoomaaliga ee British Broadcasting Corporation sannadihii 2000 ku dhiirran in la qabto hawadana laga siidaayo barnaamij la magac baxay QUURSIGU QIIL MA LEEYAHAY. Maxamed Cabdullaahi wuxuu noqdey Soomaaligii ugu horreeyey ee geesinimo u yeesha kuna dhiirada in wax TABOO {aan laga hadlikarin} ahaa oo dowlad, xisbiyo siyaasadeed, siyaasiyiin Soomaaliyeed, culimaa'udiin Soomaaliyeed, Aqoonyahan Soomaaliyeed iyo Halcuriyaasha Soomaaliyeed eey u bareeri waayeen hortii ayuu u bareeray in uu dood ka dhex furo Soomaalida looga hadlo quursiga iyo waxa uu yahay.

Cali Nuur
Dr. Cali Nuur Axmed
| Email: alinoor27@msn.com

Waxaa la garan karaa in Maxamed Cabdullaahi arrinka mar keliya uusan isaga boodin ee uu muddo soo bisleynayey oo ka baaraan degayey oo walaac ku haysey, waxana shaki ku jirin inuu naftiisa kula mudacay wax badan sida uusan qiil ugu heyn Quursiga dabadeedna ku dhiiradey inuu Soomaali soo dhex dhigo arrinta, waakaa maanta meel kasta laguhadal hayo quursiga. Yaa u diray Maxamed Cabdullaahi mowduucaan xasaasiga ah oo mid wax quursada iyo mid la quursadaba maanta aan diyaarka u ahayn xal u helista qquursiga. Waxaan qabaa in damiirka nadiifka ah uu yahay waxa Maxamed (C/laahi) u diray arrinka. Marka qofka doonayo n uu ka hawlgalo mowduucan qalbi nadiif ah waa lagama maarmaan. Waxaan u arkaa in Maxamed Cabdullahi uu qaatey go'aankii ugu haboonaa iyo xilligii uu haboonaa oo laanta afsoomaaliga ee British Broadcasting Corporation uu madaxa u ahaa oo barnaamijkii uu gaarey adduunka oo dhan, Mahadsanid Maxamed waxaan kuu heynaa abaal, xshmad iyo qaddarin aan Soomaalida kale u hayn.

Doodii Quursiga qiil ma leeyahay ee British Broadcasting Corporation laanteeda afSoomaaliga ka baxay waxaa ka qeyb qaatey aqoonyahano academic iyo kuwo aan aheyn, intooda badana ka qeyb qaatey waxeey muujiyeen maskax furan iyo niyad sami in eey ku baadigoobaan wixii xal u noqon kara quursiga miyirka iyo qalbiga la. In baa waxay dooneysaa in ey qiil aan jirin uu raadiso quursiga, oo wexey leeyihiin Quursiga wuxuu ka dhashay ama daba joogaa oo jawaab u yahay tacaddi iyo dhib aad horey u geysateen oo ah in farsamada aad nagu cadaadiseen, dowlad aad ahaan jirteen oo tacaddi badan baad horey u geysateen waxey magac dhabaan Bucur Baceyr oo ahaa beesha Yibraha oo sida aan hayno ahaa nin caan ku ahaa xilligaas daweynta cudurada: Sida kabka lafaha jaba, toobikg muruqyada, waxyeelada dhimirka, dhalma la'aanta iyo cudurada dhalaanka. Bucur Baceyr Dawladna madax kama noqon degaan ma leheyn wuxu ahaa Cisbitaal digferki Soomaaliida ee xiligaas, wuxu ahaa Prf. Munasarki qaliinka ee xilligaas, wuxu ahaa Prf.Abdulqadir Gebgeblihii Ginikologiyada ee xilligaas.

Midgaan iyo Tumaal waxey ahayeen halcuriyeyashii teknlojiyada Soomaalida waxey ka xanuunsan kana dhiidhiyeen dhibtii iyo baahidii ey Soomaalida u qabtey xagga farsamada sidii ey u mareyn lahayeen dhabeecadda, waxey ugu deeqeen Somalida adeeg farsamo oo hufan waxey aad ugu sahleen Somalida farsamada birta iyo haragga oo aan garan karno qaymaha iyo wax tarka ey u leedahay bulshada. Meshey ka filayeen qadarin iyo aqoonsi waxey abaal gud u heleen quursi, takoor, xadgudub, iyo wax ka liita apartheid-kii Koonfur Afrika in lagu khasbo in la dejiyo degano ghetto oo lagu karantiino, ayagoo loola dhaqmayo si waxashnimo ah deganadaas waxaan ka xusayaa Daami (Hargesa), Ureyso (Burco) iyo Jaama-Laaye (Berbera). Ninka na leh Bucur Baceyr ayaa dawlad ahaa oo dhib uu noo geystey iyo farsamadaad nagu qaaliyeysen ayaa haruubkinii ku buuxsamey oo ku kasbateen quursiga waa farsamo cusub oo lagu jideynayo quursiga la'iguna diidayo in la ii qirto gefafkii iyo tacadiki nala badey intii quursiga nala ku hayey si eysa u soo bixin in aan mudanahay garawsho iyo ka xaal marin. Degmooyinka nooca apartheid-ka loo sameyey ee aan magacooda xusey maalin maalmaha ka mida taarikhda ku weydiin doonta.

MAGAC BIXINT A SOMALIDA.

Waxaan qaaba sida qaalibka ah qofka isagaa la baxa magaciisa ama waxa dhalaa u baxsada magaca, magac qurxoon oo kitaab laga deyey ama la weydiiyo abwaan ku xeel dheer magac bixinta oo eega marxaladda markaa taagan ama cumiladaha, sadaaliin waxa loo rajeynayo ama waxa lagalexinayo sida Sharmarke ,Shire, Raage, Odowaa, Ciilqabe, Liibaan, Deeq, Saluugla, sagal. ama kuwa kitabiga ah sida Maxamed, Cabdiraxman, Aamina, Maryan, Faaduma iyo kuwa kaloo badan. Waxaa jira magacyo ku boxo mihnada ee qofka inta badan ey dadkale u bixiyaan magaca kuwaas waxaa soo gelaya Midgan, Tumaal, Yibir waa kuwa aan hadda ka dagalameyno ,waxaa ka sii daran kuwo aan kitaabna laga deyn abwaana aan lagala tashan oo af qalaad ku baxay hadda waxana wada baarlamaanka iyo Doladda ku meel gaarka Soomaaliya magacyadaas saldhiggooda waa quursi waxeyna yihiin OTHERS iyo 0.5. Waa kelimada quursi iyo takoor ah oo looga jeedo ka mid maahid Somalida oo waxaa loo socdaa in lagu jideeyo muwaadin-nimada Somaliga oo sal [base] looga dhigo qabiil oo qofkaan ka dhalan qabiilada waaweyn muwaadinnimadiisa xoog maleh ee waa 0.5. waa quursi nooca cusub ah oo sharciyeysan, marka waa in aan ka dagaallano kalimada Others ah markii la sarifeyna noqotey 0.5.

Marka aan u soo noqdo beelaha la heeb sooco waxey Somalida u taqan :Midgaan,Tumaal iyo Yibir waxaa u dhexeya khilaf xagga magaca ah waxaana marar badan maqalaa kuwa leh Midgaan wada nahay, gabooyaan wada nahay, reer qura ayaa dhamaan wada matelaya, waa been wax dhici kara ma aha cidna cid ma metesho, isku qabiil ma ahan, isku meel kama soo wada jeedno, lakiin isku dan iyo isku takhriru masiir ayaan nahay oo quursi iyo takoor ayaa nawada saaran ,sidaan isaga qaadi leheyn quursiga annaga iyo wixi gacan nagu siiyaba walaalan wad a nahay, danwaadag ayan nahay, wada jirkayaga wa muhim ,wada tashi iyo wax wada qabsi waa laga mamarman, is cabburin iyo isku takrifal maya.

DIINTA ISLAAMKA IYO QUURSIGA.


Suuradda: Al Xujuraat, Aayadda: 13
{DHEGEYSO Aayadan: Sh. Baset}

Suuradda: Al-Baqarah, Aayad: 42
{DHEGEYSO Aayadan: SH. Baset}

Shiikh Somaliyeed marka laga codsado in uu wax ka dheho quursiga iyo takoorka wuxu akhriyaa aayad ku jirta Al Xujraat, oo macneheedu yahay: "Dadow waxaan idinka abuurray lab iyo dhaddig, waxaana idinka yeelay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, Ruuxase ugu sharaf badan Eebe agtiisa waa ka idiinku dhawrsasho badan, Eebana wax walba waa ogyhay." {Qur'aan: 49:13}. Bal muu ii raaciyo Ayadda 42 ee ku jirta Suuradda Al-Baqarah ee macneheedu yahay: "hana ku khalidina xaqa baadilka, ood qarisaan xaqa idinkoo og." {Qur'aan: 2:42} iyo [Wa Calamnahu Sancata Labusi Lakum Lituxsinakum min basikum Fa Hal antum Shaakiruun.3) Waladiina kafaruu wa kathabu bi ayaatina Ulaaika Asxabu Naari hum fihaa khaaliduna.

War anaga Diinta Islaamka waxba inoma dhimin kitabkana furqaan Illaah baa ka dhowrey xumaan mana ahin dad ka qaba ama ka tirsanaya xumaan kitaabka ILAAHEY ,waxaan ka tirsaneyna oo meesha na dhigey waa wadaad xume Somaliyeed oo qariyey ayadi loo baahnaa in dadka loo sheego, Anagana nagu yiri gabadha isku kuf ma ahidiin oo ayadee sheegeysa shiikh marka la weydiyana oranaya Caada la Goyaa Cara Alley Leedahay. Diinta Islamka 1427 sano ayaa laga jooga xilligee eey soo degtey ilaa maanta sii buuxda wadada Somaliyed waa u qiri layihiin in quursiga lagu mudan karo Gaalnimo aad kaga fogaato ILAAH IYO KITABKIISA.

MAXAA XALLIN U NOQON KARA QUURSIGA.

Waxaan u kala qaadayaa laba weji :

1) Dalka gudihiisa waa meesha loo baahayahay in hawsha culeskeeda lagu jeheyo oo aad looga hawlgalo.
- Baraarujin iyo wacyi gelin ku aadan quursiga oo laga fuliyo dugsiyada wax laga barto iyo masaajidda.
- Doodo iyo muxadarooyin ey jeediyaan culumo daacad ka ah quursiga in xididada loo siibo.
- Halcuriyeyasha masraxa, gabayada, jiifta, buraanbur ku jiheysan wax yeelada quursiga u geysato bulshada.
- Qoralada ku wajahan qiil-la'aanta quursiga iyo waxyeeladisa.
- Culumada, waxgaradka, abwaanada oo si wada jir ah uu wacyi geliya Issimada, aKabo Qabilada, Malaaqyada iyo madax dhaqamedyada Somaliyed.
- Madax Dhaqameedyada Somaliyeed oo u hawl gala doorkii ey horey uga seexdeen iskana meyraan ceebta faca weyn ee dushooda saaran oo ey ka dhaxleen quursiga iyo takoorka ee qeybaha bulshada ka mid ah in doora lagu hayey.


Siciid Cali Muuse mar laga waraystay Telefishanka Som TV ee Minneapolis isagoo ka hadlaya qaddiyada dadka la hayb sooco...

2) Dalka dibaddisa Jaliyadaha Somaliyed ee ku sugan dalalka galbeedka waxey maalin kasto la kulmaan quursi iyo xaqqiraad eey la qabaan dadyoga laga tiro badanyahay ee u soo qaxay dalalkan; waxey kala lakulmaan xiriir guur oo aad uga dugan key ku taani jireen oo aniga eey igu takoori jireen, wuxuu xiriir guur kula xididey oo qaraabo la noqdey kuwa usaan aad raali uga aheyn oo ey ku kala duwanan xagga diinta, midabka, muuqaalka iyo dhaqanka marka maanta wuxuu taaganyahay meeshi uu geeyey walaalkisii la diinta ahaa , la dalka ahaa, la afka ahaa, la muuqalka iyo midabka ahaa, taas waxaa dheer gabdhihii oo heley maamul ku taageera in ey guursadaan ninka ey jeceshahay.

Waxaa arrin xussid mudan ah in dhalinyarada Somaliyeed ee ku barbarey waddamada westrenka ey ka fikir duwanyihiin markey quursi iyo takoor joogto waliidkii dhaley iyo kan la da'da ah ee ku sugan dalka gudihiisa; Arrimaahaas oo dhan wexey ka qeyb qateen in is bedel ku yimado fekerki uu ka qabey is quursiga iyo takoorka qofka Somaliga ah ee ku sugan wadamaada galbeedka, lagana yaabo in intooda badan quursi la quursado qof Somali ah in ey xiiso u qabin, bal se ey haboontahay in laga codsado in eey gacan ka gestaan sidii walaalahooda Soomaliyeed quursiga looga dulqaadi lahaa.

Ugu dambeenti waxaan warkeygii uga baxaya in aan u mahad celiyo Shika iyo raggi iyo gabdhihi shirkan soo abaabuley, magaaladan waxey noqon doontaa baan u maleynaya magaaladii uu udhiibey Statetaha ama shumaci uu daarey Maxamed Cabdullahi ee lagu xidida siibayey QUURSIGA. MAHADSANIDIN.

Waxaa diyaariyey: Dr. Cali Nuur | Email: alinoor27@msn.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 27, 2006

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD