Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qaybta 3aad
Arrimaha Bulshada Ee Carabta Nabiga (scw) Kahor.
Waxaan kasoo hadallay muuqaallo ku saabsan siyaasadda iyo xukunka jaziiradda carbeed
ka jiray Nabiga (scw) kahor iyo diimaheeda, waxaa hadana inoo haray inaan isha
marino si kooban arrimaha bulshada, dhaqaalaha, iyo akhlaaqdu sida ay ahayd,. Hadaba
waraaqaha soo socda waxaan dulmaraynaa arrimaahaan.
Dhismaha Qoyska.
Bulshada carabtu waxay ahayd dabaqado iyo heerar kala noocnooc ah kalana sareeya oo
xaalada hooda gaarka ahina kala duwan yihiin, marka la fiiriyo dabaqada dadka
sharafta leh sida qoysaska magaca dheer, kaabba-qabiilada, mas’uuliyiinta sarsare
xariirka u dhexeeya ninka iyo xaaskiisu wuxuu ahaa mid aad u sareeya oo runtii kaa
yaabinaya, waxay haweenaydu lahayd xorriyad buuxda xagga meel marinta ujeedadeeda,
fullinta codkeeda iyo cadkeeda inay goosato, waxay ahayd marwo xurmo wayn leh oo la
ilaaliyo oo darteed seefaha la isugu qaato dhiigana la isaga daadiyo. Inta badan
markuu gabyaagu doonayo inuu ka hadlo wax laqadariyo oo kamida waxyaalaha carabtu
waynayn jireen sida geesinimada iyo deekhsi-nimada waa inuu hadalkiisa ku bilaabaa
amaanta gabdhaha iyo ka sheekaynta quruxdooda haddii kale hadalkiisu soojiidasha iyo
macaan yeelan mayo, waxaa dhici karay in haweenaydu hadday doonto qabiilooyinka dab
colaadeed ka dhexhuriso amase gole nabadeed isugu keento, laakiinse waxaasoo dhan oo
jira ninka ayaa ahaa hogaanka reerka muran la’aan. Markii nin marwo loo guurinayana
waxaa talada iska lahaa gabadha qaraabadeeda ayaduna wax xaq ah uma lahayn inay
diiddo guurka waligeedu la doonay.
Tani waa xeerka u yaalla dadka dabaqada sare, waxaase jiray heerar kale oo bulshada
ah oo isku xirka ninka iyo haweenaydu intiisa badan uu aad u foolxumaa gaar siisnaana
xad aynu ku tilmaami karo un-ceeb iyo foolxumo sharaf la’aan iyo faaxisho, waxaana
kamid ahaa guurarkaas kuwaan.
- Guurka dadka ee aan maanta naqaan, kaasoo ninku uu gabadha waligeeda ka doono
(waydiisto) kadibna la siiyo kadibna meher loo magacaabo markaasna sidaas uu ku
guursado, iyo guurkale.
In ninku gabadha uu doonayo inuu guursado uu ku yiraahdo markay ka mayrato dhiigga
(caadada) u tag ninkaas hebal ah oo isu-dhiib isaguna waa ka fogaanayaa oo reeraysan
mayo korkeedana taaban mayo ilaa ay caddaato inay ninkii ay isu-dhiibtay u
uur-qaaday, markaas ayuu dhisanayaa oo la dagayaa gabadha, waxayna ku magacaabi
jireen guurkaan (istibdaac isu-dhiib) waxayna sidaas u samaynayaan jeclaysi inay
ilmo qayma leh oo ninkaas magaca dheeri dhalay uu helaan.
In koox rag ah oo toban ka yar ay haweenayda isku mar u galaan oo wada reeraystaan,
hadaba markay uur-qaado oo umusho oo dhawr habayn laga joogo umusheedii ayay u cid
diraysaa kulligood ninkoodna ma diidi karo wayna wada imaanayaan, markaas ayay
leedahay rag-yohow waad ogtihiin arrintiinu siday ahayd ilmo ayaanna dhalay waana
ilmahaagii hebaloow, waxayna ku magacaabaysaa kay la jeclaato ninkaasaana loogu
magacdarayaa.
In haweenaydu tahay dumarka jirkooda ka ganacsada, marka rag aad u badan ayaa usoo
galaya mana diidayso cid usoo gasha guryohooda korkoodana calamo ayaa u suran
lagusoo raaco marka hadday uur-qaado markay umusho dadkii u galmooday oo dhan ayaa
lasoo ururinayaa waxaana loo yeerayaa sinji-sooce markaas ayuu ilmaha midkood
raacsiinayaa ninka la raacsiiyaana ma diidi karo.
Markii rasuulka (csw)
lasoo diray waxaan oo dhan waa dumiyay.(1)
Sidoo kale waxaa jiray xariiro guur oo ku dhisan waranka caaradiisa iyo qoriga
afkiisa sababtoo ah dagaallada u dhexeeya qabiilooyinka kala duwan ma kala joogsan
jirin qolada dagaalka laga guulaystana dumarkooda oo dhan waa la bannaysan jiray,
waxaase la yaableh caruurta ay ku dhalaan arrintaan waligood waa lagu caynayaa.
Waxaa kaloo guurka la xariira in ummadda casrigaan jaahiliga noolayd aysan lahayn
xad tirada xaasaska lagu joojiyo, sidaa darteed ninku wuxuu guursanayaa hadduu rabo
toban dumar ah, wuxuu wada guursanayaa labo gabdhood oo walaala ah wuxuu guursanayaa
haweenayda aabihii furay ama ka dhintay, sidoo kale ma jirin xad furitaanku ku
istaago sidaa darteed intuu boqol jeer furo ayuu haddana ceshanayaa.
Foolxumada zinadu waxay ahayd mid ku faaftay dhammaan heerarka bulshada oo dhan,
hasayeeshee waxaa jiray dad yar oo rag-yo dumarba leh oo naftoodu qadariya oo iskala
sharaf wayn inuu ceebtaan zinada ku dhoco, dumarka xorta ahina waa dhaameen kuwa
adoomaha loo yaqaan. Bulshada jaahiliguna wax ceeba uma arag inuu ninku sheegto
ilmaha uu zinada ku dhalay. (2)
Xariirka u dhexeeya ninka, caruurtiisa iyo qaraabadiisa.
Calaaqada u dhaxaysa ninka iyo ilmihiisa carabtu waa ku kala duwanayd, qaarkood aad
ayay u jeclaayeen ilmahooda wuxuuna gabyaagoodu yiri.
- Dhexdayada ilmuhu udgoon ubaxa geedahaye.
- Waa beerkayagi oo arlada aga-maraayaaye. (3)
Qaarkalana gabdhaha ayay xabaal-nololoodin jireen (nolosha ku aasi jireen) cabsi ay
ka qabaan ceeb gabadhu usoo jiido iyo waxla’aan, wiilashana waa dili jireen cabsi
ay ka qabaan faqri iyo goojo, hasayeeshee dhaqankaan kuma tirin karro caadooyinka
faafay sababtoo ah baahi wayn ayay wiilasha u qabeen inay cadowga ka horgeeyaan
darteed, fiiri qur’aanka suurat ancaam A-151, suurat naxli A-85-89, suurat Israa A-31, suurat kuwirat A-8, aayadahaan oo kulligood Allaha wayni ku xaarintinimeeyay kuna
joojiyay caadadaan foosha-xun ee nolol ku dilka caruurta taasoo ah dhaqan kasoo
horjeeda diinta, insaan-nimada iyo damiirka oo Islaamku joojiyay.
Marka la fiiriyo xariirka u dhexeeya walaalaha, ilma-adeerta iyo tolka wuxuu ahaa
xariir aad u xooggan, waxay u noolaayeen tolka dartiis una dhiman jireen isku
duubnida iyo midnimadu waxay ahayd mid ka muuqata halka qabiilada dhexdiisa toosoo ay
xoojinayso hiilka iyo isxigsigu, waxayna ku socon jireen halku-dhigga caanbaxay ee
oranaya “u hiilli walaalkaa hadduu gardaran yahay iyo haddii laga gardaran yahay-ba”
macnihiisa runta ah ayadoo aan loo leexin sida Islaamku u saxay oo ah in u hiillinta
daalimku tahay in gacanta la qabto oo laga joojiyo dulmiga.
Hasayeeshee ku tartamidda magacraadinta iyo madaxtinima doonka ayaa marar badan
hurin jiray colaado ka dhex aloosma qabiilooyinka hal oday kasoo wada jeeda sida aan
ka aragno Ows-yo Khazraj, Cabas-yo Dibyaan iyo kuwo kale oo badan.
Marka la fiiriyo xariirka u dhexeeya qabiilooyinka kala duwan, wuxuu ahaa mid aad u
fog oo xubin-xubin u kala googo’an awoodooda oo dhanna waxay ku dhamaan jirtay
sabuubo iyo colaado iska shidan, hasayeeshee cabsida laga qabo caadooyinka qaarkood
oo la wadaago iyo khuraafaadka diiniga ah ayaa xoogaa fududayn jiray ololka
dagaaladaan iyo holacooda, waxaa kaloo jiray isgaashaan-buursiyo iyo israacsanaan
qabiilooyinka qaarkood xiranayaan oo kuwa kale ay kaga soo horjeedaan taasoo marmar
isu keeni jirtay qabiilooyin kala duwan, sidoo kale bilaha la xurmeeyo waxay u
ahaayeen raxmad iyo gargaar dadku ku kala nastaan oo noloshu soo noqoto.
Isku duuduub xaaladda arrimaha bulshadu waxay ahayd mid dhulka taalla liidnimo iyo
indha la’aan, jahliga iyo aqoon darridu udbaheeda ayay mudatay, khuraafaadka iyo
aaminsanaanta malluugtu cirkay isku shareertay, dadku waxay isaga nool yihiin sida
xoolaha, haweenayda suuqaa lagu kala iibsadaa mararka qaarkoodna waxaa loola dhaqmaa
sida dhagax aan dareen lahayn, midnimo ma jirto, maamul ku sheegyada meelaha
qaarkood ka jiray ujeedadooda ugu wayn waxay ahayd hanti masaakiinta laga xoogay in
khasnadaha laga buuxiyo iyo dagaallo loo soo jiido cidda ay is-hayaan oo kaliya.
Arrimaha Dhaqaalaha
Arrinta dhaqaaluhu kama duwanayn arrinta bulshada, waxay taasina inoo caddaan kartaa
markaan fiirino dhaqaalahoodu waxa uu ku tiirsanaa, hadaba laf-dhabarta
dhaqaalahooda ugu wayn ee ay danahooda ku gaaraan waxay ahayd ganacsiga, wareegtada
ganacsiga iyo waxkala badalashaduna ma suuroobi karto ilaa amaanku arlada korkeeda
hareeyo kaasoo ahaa mid ka maqan oo laga waayay jaziiradda carbeed dhexdeeda marka
laga reebo bilaha la xurmeeyo, bilahaan ayaa muuqaalka ganacsiga la arki jiray oo
suuqyada carbeed ee caanbaxay cukaad, majanna, iyo dilmajaaz la fariisan jiray.
Dhinaca sancada iyo wax soo saarka waxay ahaayeen ummadaha kuwa ugaga fog, dhammaan
farsamada carabi soo saartana waxa ugu waynaa samaynta dharka (dumidda) iyo
soohidda-yo magdinta hargaha waxaana un laga soo saari jiray Yaman iyo Xiira
(ceraaq), gudaha jaziiradda way jireen xoogaa beero ah iyo dhaqashada xoolaha nool
dumarka carbeedna dhamaantood waxay ku mashquuli jireen tidaca iyo falagta, laakiin
waxaanoo dhan waxay ahaayeen wax dagaallada unloo hayo, faqriga, waxla’aanta,
gaajada iyo qaawanaantu waxay ahaayeen wax ummadda oo dhan wada saabtay.
Akhlaaqda
Dhinaca akhlaaqda, qofna kama qarsoona in dadkaan casriga jaahiliga nooli ay
lahaayeen dhaqamo xun, caadooyin foolxun iyo waxyaalo caqliga fayoobi diidayo
oo dareenku ka didayo, laakiinse taasoo jirta akhlaaqda wanaagsanna waxay ka
haysteen qayb wayn oo runtii qofkii u fiirsada ku keenaysa yaab, qaadanwaa iyo
argagax taasoo ay kaaga muuqanayso inay tahay sababta Alle (sw) dhexdooda uu
Nabigiisa sharafta badan uga doortay waxaana ka mida akhlaaqdaan wanaagsan.
I. Deekhsinimada
Wax bixinta carabtu waa ku tartami jireen oo isugu faani jireen gabayadooda inta
badan waxay ku dhameeyeen deekhsinimada inuu ku faanayo ama qofkale ku amaanayo,
waxaa dhici jirtay in qoysku hanti ka leeyahay hal irmaan oo uu caruurta iyo
naftiisaba u maalo markaa martidu ku soo hoyato habaynka bartankiisa xilliga
dhaxantu dhacayso markaas deekhsinimadu qalbigiisa gilgisho oo uu inta istaago
neefkaas uu hanti ka haysto oo nolosha qoyskiisu gabi ahaan ku tiirsan tahay uu
martidiisa u gawroco.
Waxaad kaloo ka garan kartaa, inay ku faani jireen cabitaanka khamrada iyo
sarqaamida, ayagoo aan ugu faanayn inay fiican tahay balse inay ku bixiso
deekhsinimada iyo waxbixinta saacadaha ay sarqaansan yihiin sida uu yiri Cantra Ibn
Shadaad.
Markii aan sarqaamaan hantida saalif bixiyaaye.
Sumcaddayna lama dhaawacoo waa mid saamiya e.
Saaniga markaan keeno deekhsi saacidaan ahaye.
Sinji hore fir igu miilmay iyo farac silloomayna. (3)
Sidoo kale waxay isku mashquulin jireen qamaarka oo hanti badan la isugu dhigan
jiray ayagoo u arka inuu yahay sabab kamida sababa wax lagu bixiyo, wixii hanti ah
oo ay ku kala qaadaanna waxay siin jireen masaakiinta, sidaa darteed waxaad arkaysaa
qur’aanku inuusan diidin nafac yar inuu ku jiro khamrada iyo qamaarka laakiin
dambiga iyo dhibka ku jiraayi ka wayn yahay nafacooda fiiri Al-baqarah A-219.
II. Ballamaha Iyo Axdiyada
Waxaa kaloo akhlaaqdooda wanaagsan ka mid ahaa fulinta ballamaha iyo axdiyada,
markay ballan iyo axdi galaan waxay u arki jireen diin lagu dhaganaado waxayna
fududaysan jireen ilmahooda oo ladilo ama guryahooda oo dab colaadeed galo fulinta
ballanta darteed, waxaadna ka garan kartaa qisadii Haani Ibn mascuud Ashaybaani iyo
dagaalkii uu dawlada Furus (Persia) kala horyimid sababtii keentay.
III. Gobanimada iyo dhawridda shakhsiyadda
Waxay ahaayeen kuwa ilaaliya gobanimada oo shakhsi ahaan isla sareeya xorriyad ku
nool sidaa darteed maysan aqbali karin liididda, bahdilidda iyo in sumcadooda hoos
loo dhigo, tanina waxay keeni jirtay geesinimo xadka dhaaftay iyo ficilada dhakhsaha
ah, hadday maqlaan kalimad amase oraah ayka urinayaan bahdilid ama liidid waxay u
yaaci jireen seefaha iyo qalabka waxayna hurin jireen colaadaha guyaalooba ayagoo
aan u aabayeelayn wixii kasoo gaara.
VI. Ku adkaysiga Go’aamada
Markay go’aan qaataan majirin wax ka leexin kara, waxaana uga dhexmuuqan jiray
sharaf, magac wayni iyo wax lagu faano in go’aankaas la fuliyo marar badan waxay
khatar galin jireen lafahooda ka salgaaridda go’aanka awgeed,Sidaa darteed hadduu
ninku wax ku go’aansado lagama fili karin kanoqosho.
V. Badownimada
Waxay ahaayeen dad iska badow ah oo aan ilbaxnimadu wasakhayn amase ku dhalan
doorsoomin oo dabcigoodu iska fudud yahay nadiifna yahay, taasina waxay keentay
inaysan aqoon beenta, khayaanada, dabamartaynta iyo isbabadalida wayna ka didi
jireen dhaqamadaan.
IV. Dulqaadka.
Dhaqankaan dulqaadka iyo u kaadsiga waxbay ka haysteen wayna isku amaani jireen,
hasayeeshee aad ayuu ugu yaraa geesinimada xad-dhaafka ah darteed.
Waxaa inoo muuqata in akhlaaqdaan wanaagsan ay lahaayeen, inkastoo dhaqamadaan
qaarkood uu dhib soo jiidi karo hadana laf ahaanteeda waa dhaqamo wanaagsan oo nafac
wayn soo jiidaya markii latoosiyo waana tan Islaamku sameeyay, waxaa kaloo muuqata in
akhlaaqahaan kuwa ugu waxtar badan uguna nafac rooni ay yihiin fulinta axdiga-yo
ballanta, gobanimada iyo dhowrista haybadda nafta iyo ku adkaysiga go’aanka iyo
fulintiisa, sababtoo ah ma suuroobi karto in sharka iyo fasaadka la dumiyo ama la
unko nadaam caddaalad iyo khayr ku dhisan haddaysan jirin awoodaan lama loodiyaanka
ah.
Waxaana laga yaabaa akhlaaqdaan wanaagsan iyo meesha jaziiradda carabtu dunida kaga
taal ee istaraatiijiga ahi inay yihiin sababta Alle subxaanah ummaddaan ugu doortay
inuu dusha u saaro risaalada Islamka ee wayn, gaarsiinteeda ummadaha iyo badbaadinta
aadanaha intiisa kale.
Abtirsiga Nabiga (scw) Iyo Usradiisa.
Abtirsiga Nabiga (scw) waxay taariikh-yahannadu u qaybiyeen sadex qaybood.
Qayb dhamaan dadka siirada qoray iyo nasab-yaqaannadu ay isku waafaqsan yihiin inay
saxiix tahay wax khalad ahina aysan ku jirin waana ilaa laga gaaro Cadnaan awowga
21-aad ee Nabiga (scw).
Qayb la isku khilaafay saxnaanteeda oo dadka qaarna ka gaabsadeen qaarna mariyeen
waana laga bilaabo Cadnaan ilaa laga gaaro Nabi Ibraahim (cs).
Iyo qayb aan cidina ka shakisanayn in khalad badan iyo wax aan saxnayni ay ku
jiraan waana wixii ka sareeya Ibraahiim (cs) ilaa laga gaaro Nabi Aadam (cs).
Sidaa darteed waxaan ka sheegaynaa kaliya qaybta ugu horeysa oo saxnaanteeda uusan
wax khilaaf ahi ka jirin mana jirto faa’iido wayn ah oo ku jirta qaybahaan kale
marintooda, qaybtii koowaadna waatan.
Muxamad Ibn Cabdillaah Ibn Cabdilmudalib -magaciisa kale shaybah- Ibn Haashim
-magaciisa kale Camar- Ibn Cabdimanaaf -magaciisa kale Mughiira- Ibn Qusayi
-magaciisa kale Zayd- Ibn Kilaab Ibn Murrah Ibn Kacab Ibn Lu’ayi Ibn Ghaalib Ibn
Fihir -magaciisa kale Qureysh isagaana qabiiladu ku magacaaban tahay- Ibn Maalik Ibn
Nadar -magaciisa kale qays- Ibn Kinaanah Ibn Khuzaymah Ibn Mudrikah -magaciisa kale
Caamir- Ibn Ilyaas Ibn Mudar Ibn Nazaar Ibn Macad Ibn Cadnaan.
Usrada Nabiga (scw)
Usrada Nabigu (scw) ka dhashay waxaa loo yaqaan qoyska Banii-Haashim ayadoo loogu
magacdarayo Haashim Ibn Cabdimanaaf awowga labaad ee Nabiga (scw), run ahaantii
waxay ahaayeen qoys magac sare iyo haybad wayn leh odayaasha iska daba-kacay waxay
ahaayeen odayaal Alle u doortay inuu faracooda ka dhaliyo makhluuqa oo dhan kii ugu
khayr badnaa Rasuulkii Alle (scw), dhinac walba oo laga fiiriyo caqliga,
deekhsinimada, xilkasnimada iyo sumcadda waxay ahaayeen dad tusaale loo soo qaato.
Waxaan hadaba u baahanay inaan dulmaro taariikh-da Haashim iyo odayaasha ka dambeeya
intaynaan gaarin dhalashada Nabiga (scw).
-Haashim- wuxuu ahaa Haashim ninka Qureysh wakiilka uga ah waraabinta iyo
martigalinta xujayda waxaana xilkaan loo magacaabay markii la xalliyay khilaaf soo
kala dhexgalay labada reer ee Banii-Cabdimanaaf iyo Banii-Cabdidaar oo ku saabsanaa
sidii loo qaybsan lahaa xilalkii uu hayn jiray aabohood Qusayi Ibn Kilaab oo aan soo
marnay inuu yahay ninkii Qureysh mideeyay oo dhisay aqalka Daaru-nadwa kadib markii
uu xaramka ka saaray qabiiladii maamuli jirtay ee Khuzaaca.
Haashim wuxuu ahaa nin maalqabeen ah (hanti badan) oo deekhsi ah sidoo kale yeeshay
magac wayn iyo sharaf badan waana ninkii ugu horeeyay ee xujayda Makka ku martisoora
suqaarka, -hilib jarjaran rooti lagu burburiyay- magaciisa oo markii hore la oran
jiray Camar ayaa arrintaan darteed waxaa lagu niinaasay Haashim (burburiye) rootigii
uu hilibka dadka ugu jajabin jiray awgeed niinaastaan oo magaciisii ka caanbaxday,
sidoo kale waa ninkii ugu horeeyay oo reer Makko u jideeya labada safar ee ganacsi
oo midna xagaagii loogu boxo Yaman midna diraacdii loogu boxo Shaam waana halka uu
gabyaagu ka yiri.
- Camar waa halyaygii, Hodan-nimada gaaroo
- Tolkiisa oo harsha, waadiga (*) halkiisii
- Abaaruhu ku hiifeen, Caatada ku hugan tahay
- Hilib rooti lagu jaray, Hagarli’I ku siiyoo
Haqab tiray dhibkoodii.
Waa hoodo Eebee, Sida hawd-ka lagu maro
Hanti loo agaasimo, Ayagoon halgaranayn,
Hanadkii u kacayoo, Hilin qodaxle mariyoo
Safar hawd-ka lagu maro, cadan laga hoyaatimo
Midkaloo hanaanloo, Shaam laga hoyaatimo
U horseeday weeyaan.(3)
Arrintaan safarada ee Haashim uu horseeday markii dambe waxay noqotay isha
dhaqaalaha ee Qureysh ugu wayn oo sanadkii hanti boqolkun oo diinaar oo dahabi ah
kor u dhaaftay ay ku kala badali jireen, waxayna noqotay wareegto ganacsi oo wayn oo
dadkoo dhani ku xisaabtamo waana arrinta markii dambe Alle (sw) uu kaga waramay
uguna abaalsheegtay Qureysh suuradda Qureysh.
Hadaba bilowgii sanadkii 497-dii ciise dabadii ama sanadkii ka horeeyay dhamaadkiisa
ayuu Haashim safarkii ganacsiga ugu baxay Shaam, markuu marayey yathrib (madiina)
ayuu kula kulmay gabar la yiraahdo Salma Bint Camar oo u dhalatay lafta
Banii-Najaar, ee qabiilka Khazraj, gabadhaas ayuu guursaday habaynno ayuuna Yathrib
kula aqalgalay kadibna safarkiisii Shaam ayuu usii gudbay gabadhiina reerkoodii ayay
lasii noolayd ayadoo uur-qaadday Cabdilmudalib, markuu marayay magaalada Qaza
(ghaza) ee dhulka Falastiin ayuuna ku dhintay.
Dhinaca kale gabadhii isla sanadkii gudihiisa ayey dhashay wiil waxayna ubixisay
shayba (cirro) cirro uu madaxa ku lahaa darteed, waxayna ku tarbiyaysay guriga
aabaheed ee yathrib, mana jirin cid ehelkiisii reer Makko ah oo wiilkaan ka
warhaysay.Haashim wuxuu caruur katagay afar wiil oo kala ah Asad, Sayfi, Nadlah iyo
Cabdulmudalib iyo shan gabdhood oo ayana kala ah Shifaa, Khaalida, Daciifa, Ruqiya
iyo Janna.
Cabdulmudalib- Waxaan soo marray labada shaqo ee waraabinta xujayda iyo
martigalintooda inuu hayey Haashim markuu dhintayna waxaa la wareegay walaalkiis
Mudalib Ibn Cabdimanaaf, (wuxuuna ahaa nin sharaf badan oo la maqlo oo amaan Qureysh
ku dhex leh waxaana lagu niinaasi jiray fayaad (shube) deekhsinimadiisa darteed),
waxaan kaloo soo marray in Haashim wiil shayba (cirro) loo bixiyay ugu dhashay
madiino, hadaba markuu wiilkii koray noqday ama waxyar dhaafay waxaa akhbaartiisa
maqlay adeerkiis Mudalib markaas ayuu raadiyay oo u sadcaalay xagga madiino markuu
arkay ayuu ilmeeyay oo laabta ku qabtay oo faraskiisa ku qaatay, markaas wiilkii
yaraa ayaa yiri ku raaci mayo ilaa hooyaday ogalaato, Mudalib markaas ayuu hooyadiis
waydiista inay u ogolaato oo ku darto markaas ayey diiday.
Markaas ayuu Mudalib yiri waxaan u kaxaynayaa inuu la wareego mulkiyadii aabihiis
iyo xaramkii Alle ee maxaad iigu diidaysaa? Markaas ayay ogolaatay inuu la tago
wiiilka, hadaba markuu Makko lasoo galay isagoo ratiga ku sita ayaa dadkii dheheen
kani waa adoonkii Mudalib ayagoo moodaya adoon uusoo gatay markaasuu yiri adoon ma
ahee waa ilmihii walaalkay Haashim halkaas ayayna wiilkii shayba (cirro) ahaa ka
raacday Cabdulmudalib adoonkii Mudalib.
Sidaasuu Cabdulmudalib adeerkiis Mudalib kula noolaa ilaa uu hanaqaaday kadibna
adeerkiis Mudalib sadcaal ayuu u baxay markuu marayay tuulo Radmaan oo Yaman ku taal
ayuu ku geeriyooday, xilalkii uu hayayna waxaa la wareegay Cabdulmudalib, wuxuuna
kasoo baxay kaalintii aabayaashii kasoo bixi jireen waana caanbaxay oo sharaf
waynaaday tolkiisoo dhanbaana qadariyey oo jeclaaday wuxuuna gaaray sumcad iyo heer
aan aabayaashii midna hore u gaarin ilaa uu ka noqday caaqilka Qureysheed ee aan
laga daba hadlin.
Inkastoo uu mudnaan wayn yeeshay, markuu Mudalib dhintay Cabdulmudalib waxaa ku soo
booday adeerkiis kale oo la dhoho Nowfal Ibn Cabdimanaf oo ka xoogay xilalkii uu
hayay oo ka dhaxlay aabihiis Haashim iyo adeerkiis Mudalib, Cabdulmudalib wuxuu u
ergooday odayaal Qureysheed oo ka codsaday inay ka qabtaan gardarrada Nowfal kula
kacay markaasay dheheen anagu adigiyo adeerkaa kala dhexgali mayno markuu hiil ka
waayey ayuu warqad ay ku qoran yihiin tixo gabay ah u diray reer abtigiis
Banii-najaar (reer madiino) oo uu hiil iyo garab ku waydiisanayo, marka waxaa soo
dhaqaaqay abtigiis Abu Sacad Ibn Cidiyi oo wata siddeetan nin oo fardoolay ah ilaa
uu soo gaaray oo dagay Abdax (tog duleedka Makko ah) waxaa marka ka hortagay
Cabdulmudalib oo yiri “Abti soo gudba oo daga” markaas ayuu Abu Sacad yiri
“Wallaahay inaanan dagayn ilaa aan Nowfal la kulmo” kadibna waa soo dhaqaaqay ilaa
uu soo kor istaagay Nowfal oo kacbada harkeeda odayaal la fadhiya markaas ayuu inta
seefta galka kala baxay yiri “Allaha Kacbada leh ayaan ku dhaartaye haddaadan wiilka
aan abtiga u ahay u celin xilalkiisa seeftaan inaan ku qabadsiinayaa” markaasuu
Nowfal yiri “waa u celiyay” markaasuu Abu Sacad odayaashii ku yiri ka marag ahaada
arrintaan.
Markaas ayuu Abu Sacad dagay oo Cabdulmudalib ku dagay sadex cisho
kadibna inta cumraystay ayuu Madiino isaga laabtay, arrintaani markay dhacday Nowfal
wuxuu isbahaysi la xirtay qabiilka Banii-Cabdishamsi lagaga soo horjeedo qoyska
Banii-Haashim, Qabiilka Khuzaaco oo aan soo marray inay xaramka maamuli jireen ayaa
markay arkeen hiilka Banii-najaar usoo hiilliyeen Cabdulmudalib ayaguna yiri
hiilkiisa anagaa idiinka xaq leh sidaad u dhasheen ayaan anana u dhalay, -taasina
waa inay Cabdimanaaf oo awowgiis ah dhaleen- markaasay inta Daaru-nadwa galeen
isbahaysi la xirteen Banii-Haashim lagaga soo horjeedo Nowfal iyo Banii-Cabdishami,
isbahay sigaanna waa kan sabab u noqon doona dagaalkii Nabigu (scw) Makko ku qabsaday
sida inoo imaan doonta.
Intii Cabdulmudalib arrimaha Kacbada gacanta ku hayey dhacdooyinka qabsaday waxaa
ugu waynaa labo dhacdo.
Tanhore waxay ahayd, sidaan soo marray markii qabiilka Jurham laga qixiyay Makko oo
ay carareen, waxay aaseen ceelkii Zamzamka ayagoo waliba ku aasay hanti muhiim ah oo
Kacbadu lahayd oo ah seefo, gaashaamo iyo labo deero oo dahab ka samaysan meeshiina
waa qariyeen, hadaba waxaa Cabdulmudalib riyo lagu amray inuu ceelkii zamzamka qodo
meeshuu ku yaalla waa loo sifeeyay markaas ayuu qoday oo alaabtii soo saaray oo
seefihii Kacbda albaab uga sameeyay deerooyinkiina gudaha u galiyay Zamzamkiina
xujayda ka waraabiyay.
Hadaba, markii uu bilaabay qodida oo ceelkii Zamzamku muuqday ayey Qureysh ku
qabsatay Cabdulmudalib oo yiraahdeen shaqada qaybtayada nagasii sharafta kaligaa
qaadan mayside, Cabdulmudalib-na waa diiday oo yiri arrintaani waa arrin aniga la
igu khaas yeelay, marka maysan ka harin khilaafkiina waa kululaaday ilaa ay isula
xukun tageen haweenay xidiga sheegad ah oo u dhalatay Banii-sacad oo khaybar fadhida
mana aysan soo laaban ilaa wadada Alle ku tusiyey burhaan u caddaysay in hawshaan
qodida ceelka Cabdulmudalib lagu khaas yeelay.
Sida uu Ibn Isxaaq sheegay, ergada baxay waxay ahaayeen labo kooxood mid
cabdulmudalib la socota iyo mid qureysh kasocota hadaba markay dhexda marayeen ayaa
kooxdii cabdulmudalib biyihii ka dhamaadeen markaasay kuwii kalana biyo u diideen
marka kooxdii cabdulmudalib haraadkii ayaa kululeeyay ilaa ay isu diyaariyeen
dhimasho oon dartiis oo dheheen nin walbow ninkii kaa hordhinta xabaal, marka
Cabdulmudalib ayaa ratigiisii istaajiyay, meeshii ratigu fadhiyey ayaa biyo kasoo
burqadeen arrintaan ayaa lala yaabay oo lagu ogolaaday in Cabdulmudalib lagu khaas
yeelay qodida ceelka zamzamka.
Dhacdadaan ku qabsashada qodida ceelka markay dhacday oo cabdulmudalib kacarooday
ayuu nidar ku galay in haddii Alle siiyo toban wiil oo ay hanaqaadaan ilaa ay
gaaraan inay difaaci karaan inuu midkood mahadnaq dartiis u gawroco Kacbada agteeda.
Dhacdada labaad waxay ahayd, waxaan soo marray in Xabashidu qabsatay Yaman ayagoo uu
doonyaha iyo maraakiibta dagaalka u diyaariyay imbiraadoorka Room (Byzantine Empire)
hogaamiyaha mad-habta Orthodex-ka oo xarunteedu tahay kaniisada baaxadda wayn ee Aya sofia
ee ku taal qusdandiiniya (Constantine-nople).
imbiraadoorka Room
Kaniisada Ayasofya
Markay qabsadeena hogaamiyihii ciidanka xabashida watay ku xigeenkiisii Abraha Ibn
Sabaax Al-xabashi uu gaadmo ku dilay ciidankiina la wareegay arrintaan oo ka
caraysiisay boqorka xabashida ee Najaashi islamarkaana Abraha uu boqorka iska
maslaxay, hadaba Abraha markuu dilay taliyihii ciidanka uu boqorkiina iska raalli
galiyay wuxuu sidaa ku noqday hogaamiyaha sare ee Yaman ku-simaha uga ah Najaashi.
Markuu kursigaa sare ku fariistay islamarkaana arkay carab oo u xajinaya Kacbada
Makko, wuxuu Sanca ka dhisay kaniisad wayn wuxuuna damcay inuu xajka carbeed u
leexiyo xageeda, warkaan markii la maqlay waxaa ka carooday nin u dhashay qabiilka
Banii-kinaana (qolo kacbada aad u qadariya) marka intuu kaniisadii waqti habayn ah
galay ayuu qibladeeda saxaro ku dhamooqay, Abraha markuu arrintaan ogaaday ayuu caro
isla-madaxmaray oo go’aansaday inuu Kacbada dumiyo waxaa kaloo la yiri boqorka
Najaashi ayaa ku amray Abraha inuu Kacbada dumiyo, labada kay noqotoba wuxuu lasoo
dhaqaaqay col ballaaran oo kor u dhaafay lixdan kun oo dagaalyahan si uu kacbada ugu
dumiyo.
-colkaan waxaa loo yaqaan taariikhda ciidankii maroodiga-
waxaana colku watay
maroodiyaal sagaal ah ama sadex iyo toban, Abraha wuxuu naftiisa u doortay maroodi
ugu wayn maroodiyaasha in isaga lagu qaado.
Markay carabtu maqleen ujeedada Abraha go’aansaday oo ah inuu Kacbada dumiyo
arrintaani waa la waynaatay waxayna isku dayeen inay kahor istaagaan fulinta
go’aankaan, kulana dagaalamaan hadduu diido, waxaa marka soo baxay nin kamida
madaxda reer Yamaneed iyo waxgaradkooda oo loo yaqaan Du-nafar wuxuuna qabiilkiisa
iyo ciddii kale oo ku raacdaba ugu yeeray inay Abraha la dagaalamaan, waana ka
yeeleen dagaalkiina waxaa ku gacan sareeyay Abraha waana la jabiyay carabtii
hogaamiyihii ciidanka Du-nafar-na waa la qafaashay.
Markuu marayay dagaanka qabiilka Khathcam waxaa jidgooyo ku sameeyay ciidan uu
hogaaminayo nin la yiraahdo Nufayl Ibn Xabiib, dagaal kulul markuu dhacay kadibna
waa la jabiyay qabiilkii Khathcam hogaamiyihii ciidankana waa la qafaashay mana
uusan dilin -inkastoo uu markii hore damcay- ee wuxuu ka dhigtay dhul yaqaan, waxaa
muuqata in Abraha la jabin waayay taasoo loo qaatay in Alle uu ka doonayo inuu
Kacbada ku muujiyo sharafteeda quwad ka baxsan aadanaha oo Abraha jabisa.
Kacbada |
Markuu marayay magaalada Daa’if waxaa soo dhaweeyay dadkii daganaa ee Thaqiif ayagoo
iska maslaxay cabsi ay ka qabaan inuu ka dumiyo sanab ay qadariyaan oo layiraahdo
Laata, waxayna ku dareen nin dhulyaqaan ah oo loo yaqaan Aba-rughaal.
Colkaani waa sii gurguurtay ilaa uusoo gaaray Maghmas (duleedka Makko) halkaas ayuu
dagay wuxuuna diray sahanno iyo colal yaryar oo dagaallo yaryar ku qaaday hareeraha
Makko waxayna dheceen xoolihii dhulka ay mareen daaqayay oo dhan, marka waxaa
xoolahaan ka mid ahaa geel labo boqol oo halaad ah oo Cabdulmudalib leeyahay.
Abraha marka wuxuu diray nin la yiraahdo Xannaadah Al-ximyari oo ergo ah uuna u
diray reer Makko, wuxuuna ku amray inuu u keeno ninka reer Makko ugu sharaf iyo
magac wayn, iyo inuu u sheego inuusan boqorka Abraha u imaan inuu la diriro
haddaysan ayagu ka hor istaagin duminta Kacbada, marka ninkii markuu Makko yimid
waxaa la tusiyay Cabdulmudalib Ibn Haashim markaas ayuu fariintii gaarsiiyay.
Cabdulmudalib-na wuxuu yiri la diriri mayno mana awoodno inaan la diriro, laakiinse
gurigaan Kacbadu waa beytkii Alle iyo Nabigiisa Ibraahiim, hadduu Alle difaacana waa
Kacbadiisii anagase wax awooda uma lihin aan ninkaan kaga hortagno.
Ergaygii markaas ayuu Cabdulmudalib usoo jeediyay inuu raaco, markay usoo galeen
Abraha oo uu arkay Cabdulmudalib waa qadariyay oo kursigiisii kasoo dagay oo dhulka
la fariistay, Cabdulmudalibna wuxuu ahaa nin muuqaal wayn oo haybad wayni ka
muuqato, markaa Abraha wuxuu turjubaankii ku yiri waydii ninkaan maxaad iga
doonaysaa oo iigu timid? Cabdulmudalib wuxuu ku jawaabay waxaan boqorka ka doonayaa
inuu geelaygii uu iga dhacay ii celiyo, Abraha wuxuu yiri u sheeg markii aan ku
arkay waad ila waynaatay oo waan ku qadariyay, markaadse hadashay waad ila qaymo
dhacday, ma waxaad igala hadlaysaa labo boqol oo halaad oo aan kaa dhacay oo aadan
igala hadlayn guri ah diintaada iyo diintii aabayaashaa, anigoo u imid inaan dumiyo?
Cabdulmudalib wuxuu ku jawaabay “anigu geelaan leeyahay Beyt-kuna wuxuu leeyahay
Rabbi difaacan doona, Abraha wuxuu yiri marka iga hor istaagi maysid markaasuu yiri
adigaa isyaqaan haddaad doonto dumi.
Marka Abraha geelii waa u celiyay Cabdulmudalib, waxaa kaloo lasocday Cabdulmudalib
qaar kamida odayaasha Qureysheed marka waxay Abraha usoo bandhigeen inuu xoolohooda
kala bar qaato oo uusan dumin Kacbada waana ka diiday.
Cabdulmudalib markuu Makko kusoo laabtay ayuu Qureysh amray inay ka baxaan xaramka
oo buuraha dhalooda iyo hawdadka ku cararaan si aan colku u baabi’in.(4)
Dhinaca kale Abraha iyo colkii markii waagu u baryay ayuu colku is cabbeeyay oo isu
diyaariyay inuu hujuum ballaaran ku qaado xaramka, hadaba markay marayeen waadiga
Muxassar oo u dhexeeya Mina iyo Muzdalifa (goobaha xajka lagu guto) ayuu maroodigii
waynaa fariistay oo diiday inuu hore ugu dhaqaaqo xagga Kacbada, markay u jeediyaan
koonfurta, waqooyiga amase bariga waa boodayaa oo dhaqaaqayaa markayse u jeediyaan
xagga Kacbada waa fariisanayaa, goor ay xaaladdaan ku sugan yihiin ayaa Alle usoo
diray “korkooda shimbiro raxan raxan ah, oo ku tuuraya (ku rushaynaya) dhagaxyo
dhoobo-naareed ah, markaasay ka dhigeen sidii bal la daaqay oo kale, (bal inta la
jaray dhulka bilkaxan oo kale)” shimbiruhu waxay u ekaayeen dafooyinka iyo haadda
baqalyada shimbir walbana wuxuu sitaa sadex dhagax, hal qowlalka uu ku sito iyo
labo uu adimada ku sito oo u eeg iniinaha iltukaha.
Qofkii uu dhagaxaasi ku dhoco wuxuu u googo’ayaa xubin xubin isla markiina waa
bakhtinayaa, hasayeeshee dhagaxu kuligood kuma wada dhicin sidaa darteed ciidankii
waa yaaceen ayagoo sidii mawjadda badaha isugu tumanaya oo isu jiiraya markaasay
gabi kasta ka daateen meelkastoo godanna ku bakhtiyeen, Abraha qof ahaan waxaa Alle
usoo diray cudur xun oo xubnihii la daateen oo cadba mar go’ay oogadiina haragu ka
diirmay wuxuu Sanca gaaray isagoo oogadoo dhan diiran tahay laabta ayaana dillaacday
wadnaha agtiisa waana dhintay islamarkiiba.
Run ahaantii waxay ahayd dhacdo wayn oo ah mucjizo layaab badan oo lagu isticmaalay
awood ka baxsan qudrada aadanaha iyo waxa uu garan karo labada.
Suurat Al-Fiil: (Ayadaha 1-5)
1. Ma Ogtahay sida Eebba ku falay asxaabtii maroodiga 'Colkii'. 2.
Miyaan Eebbe ka yeelin dhagartoodii wax dhumay. 3. Oosan ku dirin
korkooda Shimbiro kooxa ah. 4. Markaas Eebbe ka yeelay Bal la daaqay
sidiis.
Dhacdadii 'ciidankii
maroodiga' waxaa lagu qiyaasaa in ay dhacday bishii Muxarram, sida
ku xusan Roman Calendar. ISHA:
www.islamonline.net
|
Qureysh dhinacooda markii hore waxay ku firdheen hawdadka iyo duurarka waxayna isku
ilaaliyeen buuraha dhaladooda ayagoo ka baqanaya colku inuu cagta mariyo oo tirtiro,
markii hadaba colkii ay ku habsadeen baladii ku habsatay ayey guryahooda ku soo
laabteen ayagoo nabada qaba, dhacdadaanna waxaa Alle (subxaanah) kaga waramay
suurada Al-fiil.
Dhacdadaani waxay ahady bisha muxaram konton maalmood ka hor dhalashada Nabiga (scw)
ama shan iyo konton -waana sida taariikh-yahanada intooda badani qabaan- waxayna ku
beegan tahay dhamaadka February amase bilowga March sanadka 571-da ciise dabadi,
waxayna ahayd hordhacmo Alle horseed uga dhigay Nabiga (scw) iyo Kacbadaba, maxaa
yeelay markaan fiirino beytal-maqdas waxaan arkaynaa in qibladaan Alle ku salladay
oo gacanta u galiyay mushrikiin sanabo caabud ah ayadoo dadka haystaana ay muslimiin
ahaayeen sidii uu sameeyay bukhtanasar hogaamiyihii baabiliyiinta sanadkii 587-dii
ciise horti, sidoo kale Roomanka sanadkii 70-kii ciise dabadi, laakiinse Kacbada
Nasaaradu ma qabsan ayagoo markaas muslimiinta jira ahaa, ayagoo dadka Kacbada
haystaana yihiin mushrikiin Sanabo-caabud ah.
Waxay dhacdadaani kusoo beegantay marxalad hadalhaynteedu gaarayso dunida horumartay
ee markaa jirtay inteeda badan, sababtoo ah Xabashidu waxay hoos imaanayeen
embiraadooriyada wayn ee Room oo ay Orthodex isla yihiin xariir wayna ka dhexeeyo,
Furus-na (Persia) waxay loollan kula jireen Roomaaniyiinta iyo gaashaanbuurtooda oo
gaadayeen waxwalba oo ku dhaca sidaa darteed islamarkiiba Yaman ayagaa qabsaday
dhacdadaan kadib, labadaan dawladoodna ayagaa matalayay caalamka horumaray markaas.
Dhacdadaani waxay soo jeedisay indhaha caalamkoo dhan oo tusisay burhaanta
Kacbadaani leedahay iyo sharafteeda, iyo inuu yahay meel Alle doortay oo barakaysan,
waxay tafsiir u ahayd xigmadda qarsoon ee ku jirta in Alle u gargaaray gaalo sanabo
caabud ah dadkii iimaanka lahaana la halaagay si waliba ka baxsan caalamka asbaabaha
ee la garan karo, sidaa darteed hadduu qof xaramkaan u dhashayi nabinimo sheegto
waxay ahayd wax la rumaysan karo dhacdadaan awgeed.
Cabdulmudalib wuxuu dhalay toban wiil oo kala ah Xaarith, Zubayr, Abu-dalib,
Cabdulaahi, Xamza, Abu-lahab, Ghiidaaq, Maquum, Safaar iyo Cabaas waxaa kaloo la
yiri waxaa kaloo la yiri kow-yo toban ayadoo lagu daray Qutham, waxaa kaloo la yiri
sadex-yo toban ayadoo lagu daray cabdilkacba iyo Xajlan, gabdhahana lix kala ah
Umulxakam, (baydaa) Barrah, Caatikah, Safiyah, Arwa iyo Umayma.
-Cabdulaahi Aabaha Nabiga (scw)- Cabdulaahi hooyadii waxaa la yiraahdaa faadima Bint
Camar Ibn Makhzuum, wuxuuna ahaa wiilasha Cabdulmudalib ninka ugu wanaagsan uguna
dhawrsoon uuna ugu jecel yahay, waana ninka la gawracay, taasina waxay ku dhacday
markay Cabdulmudalib wiilashiisu toban gaareen, oo uu hubsaday inay difaaci karaan
wuxuu u sheegay nidarkii uu hore u galay inuu midkood shugri u gawracayo markaasay
ka yeeleen, markaasuu magacooda ku qoray leebka qidaaxa (qoryo wax lagu qaybsado) oo
u geeyay uqaybsanaha sanabka Hubal –si uu qoryaha u rido- qoryihii ayuu riday
markaasay waxay ku dhacday Cabdulaahi, markaasuu Cabdulmudalib mindi afbadan soo
qaatay iyo wiilkiisa Cabdulaahi oo Kacbada xageeda ulasoo dhaqaaqay si uu u gawroco,
waxaa ku qabsaday oo u diiday Qureysh gaar ahaan abtiyaashii Banii-makhzuum iyo
walaalkiis Abu-dalib oo ay isku hooyo yihiin, markaas ayuu Cabdulmudalib yiri maxaan
hadaba nidarkaygii ka sameeyaa?
_________________________________________
1- fiiri xadiith-ka caisha ee uusoo saaray abu-da’ud kituubu nikaax
2- waxaad ka garan kartaa qisada Sacad iyo Cabd Ibn zamca ay isku qabsan
jireen wiilka oo nabigu wiilkii firaash raacsiiya sidoo kale ninbaa
nabiga ku yiri wiilkaan wiilkaan anaa dhalay hooyadiis ayaan ka
zinaystay.
3- Tixaha gabayga waxaa turjumay Abdirizak Musanaf
4- Fiiri tafsiirka Ibn kathiir suurada Al-fiil
(*) Harsha waa buur makko u
dhow, waadiga waxaa loo yaqaan Makko.
Daabacaad: SomaliTalk.com | October 3, 2004
Isha Sawirrada: Google search
|
QAYBTA
2aad |
QAYBTA
4aad |
URL:
www.SomaliTalk.com/taariikh
|