SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
TAARIIKHDA - ISLAAMKA


Silsiladda Taariikhda Islaamka
  • Qaybta 12aad:::

Qaybtani waxay ka kooban tahay:::

  • Axdi diineedkii Caqaba Ee labaad (Baycatul Caqaba Athaaniya)
  • Bilowgii Wadahadalka iyo Caddayntii Cabbaas
  • Qodobada Axdiga
  • Hadallo lagu muujinayo waynida mas’uuliyadda
  • Doorashadii 12 hoggaamiye
  • Shaydaan oo Axdiga Fashilinaya
  • Khabarkii oo xaqiiqoobay
  • Ifafaalihii Hijrada oo Muuqday

Axdi diineedkii Caqaba Ee labaad (Baycatul Caqaba Athaaniya)

Wareegtadii Xajjka sannadka saddex iyo tobnaad ee nabinimada oo ku beegan bisha July sannadka 622 Ciise dabadii, waxaa kasoo qayb galay gudashada Xajjka dhawr iyo todobaatan ruux oo muslimiinta reer Madiino ah, dadkaasi waxay ku dhex qasnaayeen xujaydii mushrikiinta ee reer tolkood, dadkaan muslimiinta ahi intii ay dhexda soo socdeen amase ayba Madiino joogeen waxay marwalba si qarsoodi ah isu waydiinayeen “ilaa iyo goorma ayaan Rasuulka Alle (scw) kusii dhowran karnaa duruufta qallafsan ee uu ku jiro isagoo wareegaya buuraha Makko, la cabsi galiyay lana cayrinayo?


Bannaanka Mina, 12 km ayay Koonfur kaxigtaa Makka

Markii ay Makko soo gaareen waxay xariir qarsoodi ah la sameeyeen Nabiga (scw) isagoo dhiniciisa u diray Muscab Ibn Cumayr, xariirkaan oo ay ka dhalatay in labada dhinac isku afgarteen in la qabto kulan bartamaha maalmaha tashriiqa, in kulankaani ka dhoco madal kor saaran caqabada wayn, halka dhagaxaanta lagu tuuro ee Mina ku taal, sidoo kale in kulankaani ku qabsoomo hab sir iyo qarsoodi heerka ugu sarreeya ah bartamaha mugdiga allaylka dumay.

Kulankaan taariikhiga ah oo baal dahab ah ka galay taariikhda Islamka, kulankaan oo leexiyay khadkii maalmuhu ku socdeen, kulankaan oo qayb libaax ka qaatay halganka Islamku shirkiga kula jiray, aan ka dhagaysanno mid kamid ah goobjoogayaashii habaynkaas, masuulka Ansaareed ee Kacab Ibn Maalik, wuxuuna yiri:

Xajjka ayaan usoo baxnay waxaan Rasuulka Alle (scw) kula ballannay karinta Cabaqo dhexdhexaadka ayaamaha tashriiqa, waxaa hadaba la soo gaaray habaynkii aan Nabiga (scw) ku ballannay –waxaan aadnay halkii lagu ballamay—waxaana xilligaas socodka nagu weheliya Cabdullahi Ibn Camar Ibn Xaraam oo kamida madaxdayada iyo raggayaga sharafta leh, oo aannu ogaal u kaxaysannay –warkana waan ka qarinaynay mushrikiinta—waxaan ku niri Abajaabirow waxaad tahay nin kamid ah hoggaankayaga iyo raggayaga sharafta leh, run ahaantiina waan kula nacaynaa xaaladda aad ku jirto, inaad barri naarta xaabo u noqoto, kadibna waxaan usoo jeedinnnay Islamka waxaanna la socodsiinnay ballanta aan Rasuulka (scw) kula jiro ee karinta Caqabo, islamarkiiba waa uu islaamay wuxuuna nagala qayb galay kulankii halkaas oo uu kamid ahaa madaxdii lagu doortay.

Kacab wuxuu yiri: habaynkaas waxaan –fiidkii hore—la seexannay mushrikiintii reer tolkayo halkii la daggannaa, hadaba markii habaynku saddex isu dhigay ayaan u guuraynay halkii karinta Caqabo ee aan Nabiga (scw) kula ballansanayn, annagoo hal hal siibannayna sida fiidmeertu u dhuumato, ilaa aannu Nabiga (scw) la kulannay, waxaannu ka koobannahay saddex iyo todobaatan nin iyo labo dumar ah, Umu cammaara Nusayba Bint Kacab Almaaziniya oo Banii Najaar u dhalatay iyo Umu Munayc Asmaa Bint Camar oo Bani Salama u dhalatay.

Fiiro Gaar ah: labadaan gabdhood midda hore Umu Cammaara waa mujaahiddadii waynayd ee ka qayb gashay Uxud, Xunayn, Xudaybiya, Yamaama iyo goobo badan oo dagaal ayadoo xaqa difaacaysa oo Nabiga Alle (scw) garab taagan, gacanteedana lagu gooyay wiilkeeda Xabiibna lagu dilay maalintii Yamaama, ilaa Uxud inta Nabiga Alle (scw) la yaabay geesinimadeeda uu yiri: Oo yaa awoodi kara waxa aad awooddo Umu Cammaarey” gabadha kalana waa Umu Munayc saxaabiga wayn ee Mucaad Ibn Jabal hooyadiis.

Kacab wuxuu yiri: hadaba karintii ayaan isugu soo aruurray ilaa uu Nabigu (scw) noogu yimid, waxaana la socda adeerkiis Cabbaas Ibn Cabdilmudalib oo maalinkaas wali ku dhaggan diintii reer tolkiis, wuxuuse jeclaystay inuu goobjoog u ahaado halka ay ku danbaynayso arrinta wiilka walaalkiis dhalay, wuxuuna ahaa ninkii ugu horreeyay ee hadla.

Bilowgii Wadahadalka iyo Caddayntii Cabbaas

Kadib markii dhamaan dadkii fadhiga kasoo qayb gali lahaa soo dhamaystirmeen, waxaa islamarkiiba furmay wadahadalkii si loo unko loona gunto isbahaysi diineed iyo mid ciidaneedba, qofkii ugu horreeyay ee golaha furayna wuxuu ahaa Cabbaas Ibn Cabdilmudalib Nabiga (scw) adeerkiis, isagoo hadalkiisa si cadcad ugu muujiyay culayska iyo khatar uu leeyahay xilka wayn ee reer Madiino garbaha u ridan doonaan markii isbahaysigaani guntamo, marka wuxuu yiri:

Bulshada Khazrajeey –carabtu waxay Ansaar ku magacabi jireen Khazraj labada qabiilba—waad lasocotaan halka uu Muxamed naga joogo, run ahaantiina waannu ka difaacnay dadka reer tolkayo ah ee aragtidayada mid lamid ah ka qaba –kasoo horjeeda—hadaba sharaf ayuu tolkiis ku dhexjoogaa, ilaalin wanaag ayuu magaaladiisa ku haystaa, isaguse waa diiday inuu xaggiinna usoo wareego oo idinka idiin soo haleelo mooyee, haddii aad hadaba isu aragtaan inaad u oofin kartaan ballanta aad u qaadeen ee aad ugu yeerteen, oo aad ka difaaci doontaan ciddii kasoo horjeedda, haddee waa idinka iyo xilka aad qaaddeen, haddiise aad isu aragtaan inaad cadow u dhiibi doontaan oo garabkiisa ka bixi doontaan, markuu xaggiinna usoo wareego, ragoow haddeer arinta ka fiirsada oo faraha kala baxa, tolkiis sharaf badni iyo ilaalin ayuu ku dhex haystaaye.

Kacab wuxuu yiri: markaas ayaannu niri waan maqallay waxa aad tiri, ee adugu Rasuulka Alloow hadal oo naftaadana xaqeeda u qaad rabbigaana waxa aad jeceshay u xukun.

Waxaa xusid mudan: jawaabtaani run ahaantii waxay muujinaysaa heerka sare ee xamaasaddooda iyo dareenkooda wanaagsani joogay, sidoo kale waxa go’aan adki, ka niiba gaarid, geesinimo, iimaan, daacadnimo iyo macno wayni qalbigooda hareeyay, taasoo u fududaysay xambaarista masuuliyaddaan baaxadda wayn iyo natiijooyinka khatarta badan ee ka ratibmi karey.

Markaas kadib ayuu Raruulka Alle (scw) soo jeediyay bayaankiisa dheer, islamarkaana axdigii ayaa dhamaystirmay.

Qodobada Axdiga

Waxaana qodobadaan ayagoo faahfaahsan soo gudbiyay Al Imamu Axmed isagoo ka warinaya Jaabir inuu yiri: waxaan niri rasuulka Allow maxay yihiin qodobada aan axdiga kugula galayno? Markaas ayuu yiri:

1: Maqlid iyo addeecid xilliga firfircoonida iyo xilliga itaaldarrida

2: Iyo wax bixin xilliga wax la’aantu jirto iyo xilliga dabacsanaantu jirro

3: Iyo in wanaagga la faro xumahana la reebo

4: Iyo in aad u istaagtaan hor Alle u khidmaynta diinta idinka oo aysan hadafkaas idinka leexin karin cid idin haaraamtay dagaalkeed

5: Iyo in aad ii gargaartaan –igarab istaagtaan—markii aan xaggiinna usoo wareego, aadna iga difaacdaan wixii naftiina, haweenkiinna iyo ilmihiinna aad ka difaaci lahaydeen –si aan diinta Alle u gudbiyo—haddaad taas fulisaanna janno ayaad leedihiin.

Dhacdadaan dacalkeeda kale ee Kacab Ibn Maalik marinayay oo uu Ibn Isxaaq soo saaray waxay sheegeen qodobkaan ugu dambeeya kaliya, waxaayna la dheer tahay in Kacab yiri: Rasuulka Alle (scw) ayaa hadlay, wuxuuna akhriyay Qur’aanka, wuxuuna noogu yeeray rumaynta Alle, wuxuu jeclaysiiyay macaanka Islamka, markaas ayuu yiri: waxaan axdi idinkula galayaa inaad iga difaacdaan wixii aad naftiinna, haweenkiinna iyo wiilashiinna ka difaacdaan. Baraa Ibn Macruur ayaa gacanta qabtay oo yiri: haa Allihii xaqa kula soo diray adoo nabi ah ayaan ku dhaartaye, waxaan kaa ilaalinaynaa ciddii aan naftayada iyo maxastayada ka ilaalino ee rasuul Allow axdiga nala gal, wallaahay anagu waxaan nahay ubadkii dagaalka iyo raggii goobta, waxaan ka dhaxallay aabbe iyo awoow.

Hadalkii oo halkaas maraya oo Baraa uu wali Nabiga (scw) la hadlayo ayaa waxaa hadalka soo dhexgalay Abul haytham Ibn Tayhaan oo yiri: Rasuulka Allow annaga iyo Yuhuud waxaa naga dhexeeya xargo badan iyo xariiro badan, xargahaasna waa goynaynaa, ee ma laga yaabaa haddii aan sidaas yeello kadibna Alle guusha ku siiyo inaad reer tolkaa usoo laabato oo naga tagto?

Rasuulka Alle ayaa (sw) ilka caddeeyay kadibna yiri: taasi ma jirtee dhiiggu waa dhiigaygii, magtii la cafiyana waa magtaydii, anigu idinkaan idinka mid ahay, idinkuna anigaad iga mid tihiin, waxaan la colloobayaa ciddii aad la collowdaan, waxaanna nabad galinayaa ciddii aad nabad galisaan.

Hadallo lagu muujinayo waynida mas’uuliyadda

Markii wadahadalladii shuruudaha ku saabsanaa soo afjarmeen, oo kaliya ay dhiman tahay guda galiddii guntidda axdiga ayaa waxaa iska daba istaagay labo nin oo kamid ah raggii islaamay sannadihii 11 iyo 12 aad ee nabinnimada, si ay ragga ugu caddeeyaan culayska wayn ee xilkaan, islamarkaana inaysan axdiga galin ayagoo aan xaqiiqadiisu u caddayn, sidoo kale inay hubsadaan heerka ay gaarsiisan tahay diyaar garowga iyo naf huridda ragga ku jirta.

Ibn Isxaaq wuxuu yiri: markii dadkii usoo urureen inay gacan qaadkii axdiga guda galaan ayaa waxaa istaagay Cabbaas Ibn Cubaada Ibn Nadla oo yiri: ragoow ma fahansan tihiin waxa aad ninkaan axdiga kula galaysaan?

Markaas ayey yiraahdeen: haa, markaas ayuu yiri: waxaad axdiga kula galaysaan inaad la collowdaan bini aadmiga mid cas iyo mid madowba, haddaad isu aragtaan in markii maalkiina balo haleesho, madaxdiinana xabbadi layso aad cadow u dhiibaysaan, ragoow haddeer arinta ka fiirsada, wallaahay taasi waa dulliga aduun iyo Aakharoba, haddaadse isu aragtaan inaad u oofin kartaan axdiga aad ugu yeerteen ee ah inaad ku sabraysaan hantidoo balo asiibto iyo madaxda iyo mudanayaashoo la laayo ku qaata, taasi wallaahay waa khayrkii Aduun iyo Aakharabee.

Markaas ayey yiraahdeen: waxaan ku qaadanaynaa –waxwalba—hantidoo la ciribtiro iyo madaxda oo la gumaado ee Rasuul Allow (scw) maxaan leennahay haddaan taas oofinno?

Markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: Janno, markaas ayey yiraahdeen: gacantaada fidi, gacantiisa ayuu fidiyay, markaas ayey axdigii la galeen.

Jaabir wuxuu yiri: markaas ayaan istaagney annagoo –axiga dartiis—gacan qaadayna, islamarkiiba waxaa istaagay Ascad Ibn Zuraara waana ninka todobaatanka nin ugu yar oo yiri: suga reer madiinow, wallaahay geela bogga ugama aannaan soo garaacin –safarka uma soo galin—annagoo og inuu Rasuulkii Alle yahay mooyee, saarista aad maanta saartaanna –nabiga Makko ka saartaan—macnaheedu waa in Carab dhamaanteed bannaan cidla ah idin mariso, in ehlu sharafkiinna la laayo iyo in seefuhu idin martaan, haddaad ku dulqaadanaysaan arrimahaas ku qaata, ajarkiinana Alle umbaa gudine, haddaadse nafihiinna la baqaysaan cabsi haddeerba ka taga, taasaa Alle agtiisa idiin cudurdaar roone.

Guntiddii Axdiga

Kadib markii qodobadii axiga la ansixiyay, kadib markii hadalladaas kulkulul lagu adkeeyay, waxaa bilowday axdigii in lagu gunto gacan qaad, Jaabir wuxuu yiri: markii Ascad Ibn Zuraara haddalladii yiri: ayey raggii yiraahdeen: naga leexi gacantaada wallaahay inaannaan axdigaan ka tagayn dibna aannaan u dhigayne.

Markaas ayuu Ascad ogaaday kalsoonida ragga ku jirta iyo inay naftooda u hurayaan jidkaan khayrka ee cusub, sifiican ayuunna u hubsaday arrintaan, wuxuuna ahaa daacigii waynaa ee Muscab hawshiisa ku weheliyay, sidaa darteed runtii wuxuu ahaa haggaamiyaha diiniga ah ee dadkaan axdiga guntaya, wuxuu hadaba ahaa ninkii ugu horreeyay ee axdiga galay, Ibn Isxaaq wuxuu yiri: Banu Najaaar waxay sheegaan in Aba Umaama Ascad Ibn Zuraara uu yahay qofkii ugu horreeyay ee Nabiga (scw) gacan qaaday.

Markaas ayaa raggii isdaba joog u galeen, Jaabir wuxuu yiri: markaas ayaan nin nin u istaagnay, axdigii ayuunna naga qaaday isagoo (scw) Janno noogu ballan qaadaya.

Axdiga labada gabdhood ee dhacdadaan joogayi wuxuu ku guntantay kaliya afka, Rasuulka Alle (scw) waligiis haweenay ajnabi ka ah ma gacanqaadin.

Doorashadii 12 hoggaamiye

Kadib markii hawshii axdigu gabagabowday wuxuu Rasuulka Alle (scw) dalbay doorashada labo iyo toban hoggaamiye oo matalaya reer tolkood, mudanayaashaani kulligood waxay kafaala qaadayaan inay masuul ka noqdaan fulinta qodobbada axdigaan dhinaca reer tolkood, isagoo arrintaan codsanaya ayuu Rasuulku (scw) yiri: iisoo saara labo iyo toban xildhibaan oo idinka mid ah, si ay u hoggaamiyaan hawlaha reer tolkiin dhexdooda ah.

Islamarkiiba waxaa goobtii lagu doortay raggaas, waxayna ka koobnaayeen sagaal Khazraj u dhalatay iyo saddex Aws u dhalatay, magacyadoodiina waa kuwaan.
 

Madaxda Khazraj

  • 1: Ascad Ibn Zuraara Ibn Cadas
  • 2: Sacad Ibn Rabiic Ibn Camar
  • 3: Cabdullahi Ibn Rawaaxa Ibn Thaclaba
  • 4: Raafic Ibn Maalik Ibn Cajlaan
  • 5: Albaraa Ibn Macruur Ibn Sakhar
  • 6: Cabdullahi Ibn Camar Ibn Xaraam
  • 7: Cubaada Ibn Saamit Ibn Qeys
  • 8: Sacad Ibn Cubaada Ibn Daliim
  • 9: Almundir Ibn Camar Ibn Khunays

Madaxda Aws

  • 1: Usayd Ibn Xudayr Ibn Sammaak
  • 2: Sacad Ibn Khaythama Ibn Xaarith
  • 3: Rifaacata Ibnul Mundir Ibn Zubayr

Markii hadaba ay doorashada masuuliyiintaani dhamays tirantay wuxuu Nabigu (scw) si gaar ah uga qaaday axdi kale inay yihiin madaxwaynayaal masuuliin ah darteed.

Wuxuu ku yiri: dhamaan hawlaha reer tolkiin ayaad kafiil ka tihiin sidii Xawaariyiintu Nabi Ciise (cs) ugu kafaalo qaadeen, aniguna reer tolkay ayaan kafiil ka ahay –muslimiinta ayuu ka wadaaye—markaas ayey ku jawaabeen: haye.

Shaydaan oo Axdiga Fashilinaya

Markii guntiddii mucaahadadu soo gunaanadantay oo ayba qarka u istaageen inay kala dareeraan ayaa waxaa arrinta ogaaday mid shayaadiinta kamid ah, inuu hadaba xogtaan helay daqiidaddii ugu dambaysay, aysanna u suuroobi karin inuu warkaan gaarsiiyo madaxda qureysheed si ay ciidan ahaan dhaqso uga duldhacaan, wuxuu go’aansaday warka inuu faraha ka bixiyo, sidaa darteed buur dheer ayuu fiinta uga baxay, markaas ayuu codkiisa heerka ugu dheer ku qayliyay isagoo leh: hooy dadka dabakaayooyinka –guryaha—jiifoow ma la socotaan –dan maka leedihiin—Muxamed iyo kuwa raacay colaaddiinna ayey go’aansadeen?

Markaas ayuu Rasuulka Alle (scw) yiri: kaasi waa Asabkii caqabo (magac shaydaan oo macnihiisu yahay kan gaaban ee foosha xun), Allaan ku dhaartaye waan kuusoo faaruqin cadowga Alloow, markaas ayuu raggii amray inay si dhaqso ah u kala dareeraan.

Markii codka shaydaankaani la maqlay ayuu Alcabbaas Ibn Cubaada Ibn Nadla oo odayaasha Ansaareed kamid ahi yiri: Rasuulka Allow Allaha xaqa kula soo diray ayaan ku dhaartaye, haddaad doonto seefahayaga ayaan kula waabariisanaynaa dadka Mina daggan aroortii, markaas ayuu Nabigu yiri: dagaal wali nalama amrine iskaga laabta meeshii aad dagganaydeen, islamarkiiba waxay ku laabteen halkii ay dagganaayeen oo seexdeen.

Qureysh oo Eedaynaysa Madaxda Reer Madiino

Markii codkaas dheer ee shaydaanku dhagaha qureysheed garaacay oo khabarku ka dhexdhacay, waxaa kacay buuq wayn oo keenay qulqulatooyin oo abuuray walwal wayn, sababtoo ah waxay si qotodheer u garanayeen ciribxumada ka dhalan karta axdi noocaan ah iyo natiijada qaraar ee ka ratibmi karta marka loo fiiriyo naftooda iyo maalkoodaba, sidaa darteed oogguba intuusan dilaacin ayaa waxaa dhaqaaqay wafdi ballaaran oo ka kooban madaxdii iyo mudaneyaashii qureysheed iyo madaxwayntii kufriga xagga halkii martida reer Madiino dagganayd, si ay ugu soo jeediyaan eedayn ballac wayn oo ereyo kulul lagu qoray oo ku saabsan mucaahadadaan, waxay marka yiraahdeen:

Bulshada khazrajeey, waxaa nasoo gaaray inaad saaxiibkayo –Nabiga scw—u timaaddeen oo aad doonaysaan inaad naga dhex daftaan, oo aad colaaddayada axdi kula gasheen, sidaad la socotaanna wallaahay inuusan jirin qabiil carbeed oo aan ka neceb nahay in colaad naga dhex hurto qabiilkiinna.


Mina, Makka, xilli habeen ah.

Dhinaca kale madaxda mushrikiinta ee reer Madiino axdigaan waxba kalama socon sababtoo ah wuxuu ku qabsoomay hab sir iyo qarsoodi ah, sidoo kale mugdiga haybaynka ee dumay dhexdiisa, waxay habada bilaabeen inay dhaaro jeexaan oo magaca Alle maraan inaysan waxba ka jirin, inaysan ogayn, ilaa odoyaashii u tageen Cabdullahi Ibn Ubaya Ibn Saluul, markaas ayuu wuxuu yiraahdaa: waxaani waa been, waxaani ma dhicin, raggayguna waxaas oo kale ilama dhinac mareen, haddaan xataa Madiino joogo reer tolkay tallaabo nooocaas ah ma qaadeen ilaa ay ila tashadaan oo aniga wax iwaydiiyaan.

Muslimiintu dhinacooda aamuska ayey adkaysteen ayagoo qaarba qaar fiirinayo, qof kamid ahina kuma hadlin beenin iyo qirasho toona, waxay marka arrintu ka fursan wayday in odayaashii qureysheed rumaytaan madaxda mushrikiinta ee reer madiino, markaas ayey iska laabteen ayagoo hungoobay.

Khabarkii oo xaqiiqoobay

Odayaashii qureysheed Makko ayey isaga laabteen ayagoo kalsooni buuxda ku qaba in warku been yahay, hasayeeshee wali kama aysan harin inay warkaan raadqaadaan, oo ay si qotodheer u lafa guraan, sidoo kale indha indheeyaan dhamaan ilaha suuragalka ah ilaa ay u xaqiiqowday saxnimada warka iyo in dhab ahaan axdigu qabsoomay, xilligaasina wuxuu ku aaddan yahay xilli ay xujaydii dhulalkoodii ku laabteen, islamarkiiba ciidan fardoolay ah oo qureysheed ayaa waxay u dagdageen inay baacsadaan xujaydii reer Madiino, waase mar fursaddii seegtay, waxayse dhexda ku gaareen Sacad Ibn Cubaada iyo Almundir Ibn Camar.

Labadaas nin ayey baacsadeen ugu dambayntii Almundir orod ayuu ku daaliyay, waxayse gacanta ku dhigeen Sacad, halkaas oo ay inta xarig gacmaha iyo qoorta isugu xireen timaha qabteen sii jiideen ilaa ay Makko galiyeen ayagoo garaacaya, islamarkiiba waxaa yimid Mudcam Ibn Cidiyi iyo Alxaarith Ibn Xarbi Ibn Umaya markaas ayey ka siidaayeen, sababtoo ah Sacad wuxuu magan galin jirey safaradooda Madiino maraya, Ansaari dhinaceeda markii ay Sacad waayeen ayey dhexdooda shireen, waxayna ku hamiyeen inay soo laabtaan, markii ay go’aanka qaateen ayuu soo muuqday, markaas ayey dhamaan Madiino nabad ku gaareen.

Tani hadaba waa axdi diineedkii Caqaba ee labaad kaas oo loo yaqaan (baycadii caqabo ee waynayd) waxayna ku dhamays tirantay jawi ay hareysay farxad, himilo iyo ididdiilo heerkii ugu sarreeyay, jawi ay camirtay caadifad, isjeclaysi, isxigsi iyo isugargaarid mu’miniinta kala firirsan, sidoo kale ay ka muuqato kaslooni, geesinimo iyo karti badni u hiilinta jidka xaqa, mu’minka reer Madiino wuxuu u xanuunsanayaa walaalkiiska lagu silciyay Makko oo qalbiga kala jiraa, wuxuu u caroonayaa cadowga dulmiyay oo jecel yahay inuu uga aargooyo, waxaa dareenkiisa oo dhan buuxiyay raxmad iyo u diirnixid walaalkiisa uu isaga oo aan arag Alle dartiis u jeclaaday.

Sida la ogsoon yahay kalsoonida kulankaan ka dhalatayi ma ahayn xamaasad maalmo un socota kadibna dabayalaha la bidda, ee waxay ahayd mid ka dhalatay, ku dhisan kana dab qaadanaysa rumaynta Alle, Rasuulkiisa iyo kitaabkiisa, rumayntaas oo markii hiyigeedu koco aysan horjoogsan karin quwad kasta oo quwadaha dulmiga ku dhisan ahi, rumayntaas oo markii gayraheedu babbado mucjisooyin dhalisa, rumayntaan ayeyna muslimiintu ku awoodeen inay taariikhda ku reebaan dhacdooyin casriga tagay iyo kan dhimaniba ka maran yihiin ayagoo kale.

Fiiro Gaar ah

Baycada Caqabo waxay ka dhigan tahay makaabkii ugu horreeyay ee ay ku dul istaagtay amase udubkii ugu horreeyay ee la muday dhismaha dawladda Islamaka, ahmiyaddeedana waxaa laga garan karaa inay tahay halkii lagu ansixiyay axdigii ugu horreeyay ee lagu hirgaliyay dawladdaas, hadaba sida la ogsoon yahay dhacdooyinka la xariira intaan kuma koobna, kaliya waxaan iftiiminnay dulmar kooban.

Khudbadii uu Nabiga Alle (scw) ka jeediyay oo sidaan soo sheegnay dheerayd wuxuu ku bilaabay inuu dadkaan ugu yeeray towxiidka khaaliska ah, uuna sharax dheer ka bixiyay mabaadiida Islamka ee waawayn, kadibna uu qur’aan akhriyay, markaas kadib ayuu dadkaan ka codsaday inay difaacaan oo soo dhaweeyaan si uu fursad ugu helo gudbinta farriinta wayn ee Alle lasoo diray.

Albayhaqi wuxuu sheegay in markii uu Nabigu (scw) masuuliyiinta Ansaareed dooranayay, qofkasta oo uu dooranayo uu tilmaamayay malaku Jibriil (cs).

Dhinaca Qureysheed axdigaani wuxuu ku dhaliyay walwal iyo niyad jab ballaaran, ayagoo garanayay in arrintii Muxamed (cs) markaan xuduuddooda dhaaftay, hadaba habayn ayaa ayagoo soo jeeda waxay maqleen ruux aan la arkayn oo buurta Abuqubays korkeeda ka dhawaaqaya oo tirinaya tixa gabay ah.

  • Haddii sacad hormuudka ah iyo sammigii Islaamaan
  • Sax waxaa ah inuu Muxamed helay geesiyaal sare e
  • Sallad ka cabsanayiyo Makko sowt mukhaalifa e

Markaas ayuu Abu Sufyaan yiri: oo labada Sacad waa kuwee? Ma Ascad Ibn Bakar iyo Sacad Ibn Hudaym baa?

Habaynkii xigay ayey hadana maqleen dhawaaqii oo leh:

  • Sacad Sacadka Awsoow adaa saahid qaaliya e
  • Safiirrada Islamkiyo ku biir saaxibbada diinka
  • Saaxiibkaa Sacadka khazraj waa seef ilaahiya e
  • Ku sifooba iimaanku waa saadka Aakhiro e (1)

Markay waabariiisteen ayuu Abu Sufyaan yiri: wallaahay waa Sacad Ibn Mucaad iyo Sacad Ibn Cubaada.

Reer Madiino magaca Ansaar oo halkaan ka raacay macnihiisuna yahay (u gargaarayaashii Rasuulka Alle scw) markii ay ka laabteen habaynkii Caqabo ee dhulkoodii ku laabteen waxay muujisteen diintooda, taas oo sabab u noqotay inay islaameen dad badan iyo odayaal wali diintii shirkiga ku jiray oo uu ku jiro Camar Ibnul Jamuux oo wiilkiisa Mucaad Ibn Camar Ibnul Jamuux Axdiga joogay.

Ifafaalihii Hijrada oo Muuqday


Fogaanta ugu dhow ee dhexeysa  Makkah iyo Medina waa 335 km. Dhinaca xeebta ah marka la maro oo ah wadadii uu ku haajirey nebi Muxamed (scw) waa  400 km. Medina waxay  xeebta badda cas u jirtaa 160 Km.
Isha: www.hajcommittee.com
Sawirka:
www.asia-atlas.com

Markii baycadii Caqabo ee labaad ay hirgashay, oo Islamku ku guulaystay asaasidda wadan uu leeyahay oo bartamaha ugu yaal saxaare ballaaran oo kufriga iyo jahligu udbaha mutay –waana kasabkii ugu muhiimsanaa ee Islamku tabcay ilaa maalintii dacwadiisu loo yeeraye—ayuu Rasuulka Alle (scw) muslimiinta ugu baaqay inay diintooda ula cararaan wadankaan cusub.

Duruufta xilligaas taagan marka si xeeldheer loogu kuurgalo waxaa muuqanaysa mushkilooyinka qallafsan ee ku hareeraysan hijradaan, marka dhinac laga fiiriyo waa ka tanaasulid dhamaan danihii Makko ku xirnaa, baylihin maalkii, maslaxadihii iyo la baxsasho nafta oo qura, dhinac kale muslimiintaasi waxay dareensan yihiin hantidoodii in lala wareegayo, waxay u bareerayaan habgooyo dheer oo bilowgeeda lagu halaagsami karo amase dhamaadkeeda, waxay wajahayaan mustaqbal qarsoon oo aan la garan karin waxa qulqulatooyin iyo dhib ka dhalan doona.

Waxaas oo dhan ayagoo garanaya ayey muslimiintu bilaabeen inay hijroodaan, dhinaca kale mushrikiintu waxay iyana bilaabeen inay jid gooyaan inay garanayaan khatarka jira awgeed, waxaan hadaba halkaan kusoo gudbinaynaa dhawr tusaale dhibkii muslimiintaasi kala kulmeen gaalada markii ay hijroodeen.

1: Dadkii hore u hijrooday waxaa kamid ahaa Abusalama Ibn Cabdil Asad –wuxuu hijrooday axdiga Caqabo intuusan dhicin sannad kahor—sida Ibn Isxaaq sheegay isaga, marwadiisa iyo wiilkooda yar, markii uu hadaba go’aansaday inuu safro ayaa waxaa isku hareereeyay seeddiyaashiis ayagoo leh nafsaddaadaan yar waad nooga adkaatay, maxaanse gabadhadayadaan kaagaga tagaynaa, inaad hawdadka la dawaafto?

Waxay hadaba ka xoogeen marwadiisii iyo wiilkoodii yaraa, islamarkiiba waxaa arrintii ka carooday Abusalama laftiisa oo yiri: haddaad gabadhiina kala harteen inankayaga maxaan idiinkaga tagaynaa cunugayaga yar, muran kadib ayaa cunugii la isku jiidjiitay sidaa darteed gacanta ayaa kala baxday, kadibna laftiisii ayaa si xoog ah uga fara marooqsaday.

Abusalama isaga oo aan marwadiisii iyo cunugiisii midna wadan ayuu iska sarfay, xaaskiisii Umusalama markii ninkeedii tagay cunuggeediina dayacmay walwal iyo walbahaar ayaa ku abuurmay, marka intay subax walba duurarka u baxdo ayey ooyi jirtay ilaa ay galabtii noqoto, sidaas waxaa hadaba ku gudbay muddo sannad dhan, mid ay Umusalama ehel yihiin ayaa dhibkaan haysta dartiis u qalbi dabcay oo yiri: maxaan miskiintaan u shidaynaynaa, ninkeedii iyo ilmaheedii ayaad ka kala tuurteen, markaas ayey dheheen orod ninkaagii aad haddaad rabtid.

Markaas ayey cunuggeedii kasoo ceshatay qaraabadiisa, wayna baxday ayadoo niyeysan inay goyso masaafo gaaraysa shan boqol oo kilomitir oo lama dagaan ah ilaa Madiino, mana jirto cid khalqiga Alle kamid ah oo safarkaan ku wehelisa, markii ay hadaba maraysay meesha lagu magacaabo Tanciim ayaa waxaa la kulmay nin lagu magacaabo Cuthmaan Ibn Dalxa, kadib markii uu xaaladdeeda fahmay ayuu go’aansaday inuu kexeeyo ilaa madiino, markii uu soo gaarsiiyay Madiino oo ay muuqatay xaafadda Qubaa ayuu ku yiri: ninkaagii magaaladaan ayuu joogaaye hore ugu gal barakada Alle, markaas ayuu iskaga laabtay Makko.

2: Suhayb Arruumi markii uu damcay inuu hijroodo ayey mushrikiintu isku hareereeyeen ayagoo leh: waxaad nootimid adigoo cayr xaqiira ah, kadibna dhexdayada ayaad ku tabcatay ilaa maalkaagii batay, oo aad gaartay heerka aad gaartay, haddaad marka waxaad doonaysaa inaad naftaada iyo maalkaagiiba la dhaqaaqdo, wallaahay inaysan taasi dhacayn, markaas ayuu Suhayb yiri: ka warama haddaan maalkayga idinku wareejiyo aniga jidkayga ma iiga leexanaysaan?

Markaas ayey yiraahdeen: haa, hantidiisii oo dhan ayaa islamarkiiba lala wareegay, kaligiis oo fara maran ayuuna ka lugeeyay markii hadaba warkaani Rasuulka Alle (scw) gaaray ayuu yiri: Suhayb waa liibaannay, Suhayb waa liibaannay.

3: Cumar Ibn Khataab, Cayaash Ibn Abirabiica iyo Hishaam Ibn Caas Ibn Waail ayaa ku ballamay meel ay aroortii ku kulmaan oo iska raacaan, kadibna ay Madiino u hijroodaan, labadii nin oo kale ayaa isu yimid, Hishaamse waa la qabtay.

Markii hadaba Cumar iyo Cayaash ay Madiino gaareen, oo xaafadda Qubaa ku dageen, ayaa waxaa ka daba yimid Abujahal iyo walaalkiis Alxaarith Ibn Cayaash, saddexdooduna waa isku hooyo, markaas ayey yiraahdeen: hooyadaa waxay nidartay inaysan madaxeeda shanlo taabsiin, qorraxdana ka harsan ilaa ay ku aragto, markaas ayuu Cayaash u dabcay, Cumar ayaa ku yiri: arrintaani wallaahay waa khayaano ay doonayaan inay diintaada kaaga fidmeeyaan, ee nimankaan ka digtoonow, wallaahay haddii hooyadaa injirtu dhibto waa shanlaysanaysaa, haddii qoraxda Makko gubtana way ka harsan, Cayaash marka waa diiday inuu nimanka raaco mooyee, si uu dhaarta hooyadiis ugu baarri sameeyo, Cumar ayaa markaas yiri: haddii aad sidaas yeeshay hadaba qaado hashaydaan, waa hal dheeraysa oo laylyoone, dhabarkeeda laasim, haddii aad nimanka ka dareento wax ku shaki galiya dusheeda ku baxso.

Markii ay dhexda marayeen ayuu Abujahal yiri: wallaahay ratigaan waan ku daalay, ma iigu baddalaysaa hashaadaan? Markaas ayuu yiri: haye, hashii ayuu fariisiyay ayaguna fariisiyeen si uu ugu wareego, markii dhulka ay wada istaageen ayey kusoo boodeen, oo xirxireen, markaas ayey Makko waqti maalin ah lasoo galeen isagoo xirxiran, oo yiraahdeen: reer Makkow doqomadiinna ula dhaqma sida aan doqonkayagaan ku samaynay.

Saddexdaan tusaale oo yari waxay caddaynayaan sida gaaladu ula dhaqmayeen qofkii ay ku ogaadaan inuu hijroonayo, taasoo jirta ayeyna muslimiintu hijroodeen ayagoo raxan raxan ah oo qaarba qaar kadaba tagayo, markii labo bilood laga joogo axdigii Caqabo ee labaad Makko gudaheeda kuma harin muslimiintii Rasuulka (scw) Abubakar iyo Cali mooyee, oo ayaga Nabigu (scw) amray inay joogaan iyo wixii muslimiin ah ee gaaladu xirtay oo khasab ku hayaan, Nabigu (scw) wuxuu diyaarsaday sahaydii safarka isagoo sugaya marka la amri doono inuu boxo sidoo kale Abubakar.

Albukhaari wuxuu ka wariyay Caaisha inay tiri: Rasuulka Alle ayaa muslimiinta ku yiri: waxaan arkay –riyo—magaalada aad u hijroon doontaan, magaalo timir leh oo labo buurood oo dhagax madow ah u dhaxaysa, markaas ayaa muslimiinta wixii hijroonayay u hijroodeen dhinaca Madiino, dadkii Xabashida aadayna intoodii badnayd waxay usoo laabteen dhinaca Madiino, Abubakar ayaa isna isu diyaariyay dhinaca Madiino, Rasuulka (scw) ayaa ku yiri: iska sii joog waxaan rajaynayaa in anigana la ii idmee, Abubakar ayaa yiri: Rasuulka Allow (scw) taas maka rajo qabtaa? Markaas ayuu yiri: haa, Abubakar markaas ayuu sugay Nabiga (scw) si u raaco, wuxuuna diyaariyay labo halaad oo lasii quudinayo caleenta iyo abqada quraca afar bilood.

_______________________________

1: Tixaha waxaa mariyay Abdirisaq Musanaf

Daabacaad: SomaliTalk.com | July 1, 2005
Sawirka: Google Search

QAYBTA 11aad QAYBTA     


URL: www.SomaliTalk.com/taariikh

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 
 



HTML CD