Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qaybta 1aad
Manhaj-kayga xagga qoraalka.
Xuruufta.
Taarikh-daan oo aan kasoo
qaadan doonno masaadirta Islamiga ah oo carabi ku qoran waxaa jira xarfo
badan oo afka Carabi-ga ku jira oo aan laga helayn xarfaha Soomaali-ga ah
wax waafaqsan sida ay u dhawaaqayaan carabi ahaan, sidaa darteed waxaan
isticmaali doonaa xuruuftaan soo socota booskii xarfahaas.
Th xarafka
afaraad ee Alif ba’da. Tusaale cuthmaan.
Z xarafka
kow iyo tobnaad ee Alif ba’da. Tusaale Zako.
Gh Xarafka
sagaal iyo tobnaad ee Alif ba’da. Tusaale Baghdad.
Xuruuftaan sadexda ah
kaligood ma ahan xarfaha aan dhawaaqooda laga heli karin xuruufta afka
soomaaliga, ee waxaa jira inay ayagu ugu dhawaaq fog yahiin. Sidoo kale
waxaa jira xarfo kale oo aan ayagana dhawaaqooda lagu qori karin farta
soomaaliga sida xarafka sagaalaad ee Alif ba’da iyo laga bilaabo xarafka
afar iyo tobnaad ilaa todobo iyo tobnaad ee Alif ba’da xuruuftaan oo dhan
kuma lahan dhawaaqooda oo kale farta soomaaliga.
Hadaba qofku markuu
akhrinayo taariikh-daan waa inuu maskaxda ku hayaa dhawaaqii xarfahaas inta
badanna waa magacyada, illayn luuqadda waa la turjumayaa magacyadase waa in
dhawaaqooda lagu ilaaliyo siduu ahaa haddii kale dhadhankoodii la heli
mayo.
Soo
aroorinta macluumaadka.
Siirada Nabiga (scw)
waxaan si wayn u tixraacayaa kitaabka “Raxiiqul-Makhtuum” waxaase jira inaan
keeni doonno siyaadooyn -insha allah- ama aan ka tageyo wixii aan u aragno
in laga maarmi karo, haddiise aan macluumaadka kasoo qaado meel aan ahayn
kitaabkaan waxaan sheegi doonaa meesha aan kasoo qaadnay.
Taariikh-da kale ee ka
dambaysa Siirada Nabiga (scw) dawlad walba waxaan sheegi doonaa kitaabka aan
tixraaci doono iyo meeshii wixii macluumaad ah oo siyaado ah aan kasoo
qaatay.
Magacyadda.
Magacyada, meelaha,
dhacdooyinka, wadamada amase dadka haddii lagu heli karo sida ay u qoran
yihiin afafka latin-ka waan sheegi doonaa magacii oo qows ku jira -insha
allah- haddiise aan la helin waxaan u qorayaa sida ay u dhawaaqayaan oo far-soomaali
ah. Tusaale, Jaziiradda siqilliya (Jaziiradda Scile).
Nusuusta.
Nusuusta diinta xadiith-ka
Nabiga (scw) waxaan sheegi doonaa kitaabka uu ku jiro iyo darajadiisa sixada
iyo dacfiga hadba sida culumada Islam-ku ku xukumeen xadiith-kii aan waayo
culumada Islam-ka ee waawayn wax ka hadley darajadiisa waan sheegi doonaa
inaanan helin darajadiisa.
Aayadaha qur’aanka waxaan
sheegi doonaa suuradaha ay ku jiraan iyo raqamkooda wixii ku saabsan xagga
tafsiirka macnahooda waxaan kasoo qaadanayaa tafsiirka Al-imam Ibn kathiir
oo ah mid ku habboon koobnaantiisa iyo xeeldheeridiisa awgeed.
Gabayada
carabiga ah.
Gabayada carabiga ah oo
ah run ahaantii shay dhib badan in la turjumo, sababtoo ah in gabayadu dawr
wayn ka cayaareen samaynta dhacdooyinka macna waynna leeyihiin oo aan laga
tagi karin oo dhinac ah iyo in aan murtidoodii oo dhan lagu keeni karin
qoraal oo dhinaca kale ah darteed. Hadaba, dad badan oo luuqadaha kale wax
ku turjumay waxay qoreen macnahoodii annaguse waxaan isku dayaynaa inaan
gabayga ku muujino gabay ama geeraar af-soomaali ah –insha allah- oo aan
annagu sameynay macnihiisuna ku aaddan yahay gabaygii carabiga ahaa.
Turjumaadda luuqadda.
Luuqadda carabi-gu waa
luqadda ugu badan ee ku dhexjirta af-soomaali-ga mana suurowdo qof
af-soomaali wax ku qorayaa inuu iska ilaaliyo mana jirto wax sabab ah oo
nagu kallifi karta inaan iska ilaalino afka carabi-ga. Sidaa darteed kaliya
waxaan fiirinayaa in ereygu yahay mid soomaalidu fahmi karto carabi-ba ha
ahaadee haddii la fahmayo waan qorayaa haddaanse la fahmayn waa turjumayaa.
Waxaase kala jira turjumo
xarfi ah iyo turjumo xikmadda ah waxay kala yihiin inuu qofku ilaaliya
xarafka macnihiisa oo qura tan hore iyo inuu qofku ilaaliya xikmadda macnaha
ku jirta hadday doonto yaysan xaraf ahaan ugu aaddanaane tan dambe. Waxaan
anigu ku socon doonaa turjumada xagga xikmadda. Tusaale “Somali language”
turjumada xarfiga ahi waa soomaaliga luqadda, turjumada xagga xikmadduse waa
luqadda soomaliga marka waa kala cad yahay farqiga u dhexeeya labadaan.
Dhismihii
Kacbada (Masjidka Xaramka)
Sida Alle qur’aankiisa ku
caddeynayo kacbada waxaa dhisay Nabiga Alle ee Ibraahiim iyo wiilkiisa
Nabiga Alle ee Ismaaciil (cs) qisaduna waxay u dhacdey sidaan. Nabiyullah
Ibraahiim asalkiisu wuxuu ka soo jeedaa dhulkaan loo yaqaan ceraaq (Iraq)
Magaala yar oo saraan daanta galbeed ee wabiga furaat oo magaceeda la
yiraahdo (Ara) waa meel hadda ku aaddan kufa agteeda waxaana jira looxaan
dhulka laga soo faagay hadda oo laga helay warar faahfaahsan oo ku saabsan
magaaladaan iyo qoyska Ibraahiim (cs) iyo xaaladooda diineed intaba.
Ibraahiim (cs)
magaaladaan waa ka hijroodey dhinaca magaalada kale ee xaraan kadibna
dhulkaan Falastiin halkaas oo uu ka dhigtay saldhigga wayn ee dacwadiisa,
hadaba Ibraahiim (cw) wuxuu u bixi jiray safaro dacwo oo uu ku maray dhulka
Falastiin oo dhan iyo meelo kale oo dunida kamida.
Safaradaan mid kamida
ayuu Ibraahiim (cs) ku tagay dhulka masar, halkaas oo uu fircoonkii masar ka
talinayey u dagay shirqool ka dhan ah Ibraahiim (cs) iyo Zawjadiisa sharafta
badan ee (Saara). Shirqoolkaan oo ahaa Isku day uu fircoonkaani isku dayay
kufsi uu la damcay Saara oo ahayd –mid lasiiyey quruxdii aduunka nuskeed-
Alle shirqoolkaan waa ka badbaadiyey ayadoo fircoon uu ka arkay Saaro
mucjizo wayn oo uu darteed aqoonsaday xariirka wayn ee Saara ay la leedahay
Alle uuna qirtay fadligeeda iyo sharafteeda isla-markaana uu siiyay gabar
shaqaale ah oo magaceeda la dhoho (Haajara) Saarana ay dhankeeda u guurisay
gabadhii ninkeeda Nabiga Alle ee Ibraahiim (cs).
Ibraahiim (cs) wuxuu ku
soo laabtay Falastiin asagoo Alle ka siiyay Haajara (Ismaaciil). Hadaba,
dhalashada wiilkaan wuxuu masayr ka keenay Zawjada wayn ee Ibraahiim (cs)
waa Saaree -inaysan ayadu dhali jirin darteed- ilaa ay Ibraahiim (cs) ku
kalliftay inuu fogeeyo oo masaafuriyo Haajara iyo wiilkeeda yar Ismaaciil.
Ibraahiim (cs) wuxuu la
safray Haajara iyo wiilkeeda yar Ismaaciil ilaa uu kalasoo galay dhulkaan
Xijaaz uuna dajiyay geed wayn hooskii oo ku yaal tog aan beero lahayn oo u
dhaw barxadda uu Alla u doortay inay noqoto Bayt-kiisa sharafta leh ee
Xaramka oo markaa ah dalcad kor u dheer oo daadadku ka maraan labada dhinac.
Wuxuu dajiyay geed wayn
hooskii oo ku beegan ceelka Zamzam-ka meesha uu ku yaal korkeeda mana jirin
markaa cid ku nool eeryadaan biyona malahayn wuxuuna ag dhigey dambiil ay ku
jiraan xoogaa timira iyo sibraar biyo ah waana iska tagay markuu wax yar ka
dhaqaaqay ayuu gacmaha kor u qaaday asagoo Alle ka baryaya inuu kaligii ku
halleeyay ugana tagay dadkaas meesha cidlada ah lagaga tagay kagana baryay
Alle inuu ka dhigo meel dadka qalbiga kaga taal oo ay isagasoo shubmaan uuna
ku irsaaqo dadka ku nool noocyada thimaarta si ay Alle ugu shugriyaan, duca
dheer oo Alle ku sheegay qur’aankiisa suurado badan sida suuradda Ibraahiim
dhamaadkeeda wuxuuna Ibraahiim (cs) isaga laabtay dhulkii Falastiin,
isl-markiiba saadkii yaraa waa dhamaaday halkaas oo Haajara iyo wiilkeeda
Ismaaciil gaajoodeen oomeenna markaas Alle uu usoo fatahay isha macaan ee
Zamzam-ka naxariista iyo fadliga Alle taasoo u noqotay quud iyo wax ay
gaajada ku moodaan. Qisadaanna waa qiso dheer oo lawada yaqaan.
Muddo kadib waxaa meeshii
soo maray qabiilo carbeed oo loo yaqaan (Jurhamta-labaad) oo markii hore
mari jirtay togaan hase-ahaatee aan ku aqoon biyo iyo dad midna Markay
arkeen Haajara iyo wiilkeeda waxay uga idan qaateen inay la dagaan, halkaas
oo Ismaaciil uu ku dhexbarbaaray qabiiladaan carbeed bartayna afkooda.
Ibraahiim (cs) dhiniciisa
wuxuu safaro badan ku soo aaday makka si uu u kormeero duriyaddii uu meesha
kaga tagay inkastoo aan la aqoon inta goor uu kormeerkaan Ibraahiim (cs) ku
yimid, hadana qur’aanku wuxuu sheegayaa labo kamida.
Labadaan safar kan hore
intuu ku guda jiray ayuu Alle subxaanah riyo ku amray Nabi Ibraahiim (cs)
inuu gawroco wiilkiisa Ismaaciil -Alla u dhawaansho darteed- arrintaan oo
ahayd imtixaan adag oo Alle ku marsiiyay Ibraahiim (cs) inuu wiilkiisa
kaligii lagu arko gawroco, sidoo kale Ismaaciil inuu aabihiis ka yeelay inuu
fuliyo waxa Alle amrayo. Markay labadooduba Alle u hogaansameen oo
imtixaankii ku guuleysteen ayaa Alle ugu badalay wan wayn.
Labo safar oo kalana
waxaa sheegaya xadiith ku yaal saxiixul-bukhaari in Ibraahiim (cs) Ismaaciil
oo maqan uu yimid gurigiisa oo xaaskiisa waraystay oo ay dhib-sheegatay
markaa Ibraahiim (cs) ku yiri waxaad ku dhahdaa iska badal kaabadda guriga
oo Ismaaciil yimid uuna gartay in ninka yimid uu aabihii yahay uuna kula
taliyay inuu xaaskaan iska furo inuu Ibraahiim mar kale soo laabtay sidoo
kale Ismaaciil oo maqan oo uu waraystay xaaskiisa oo ay markaa Alle amaantay
oo khayr sheegatay markaa uu yiri waxaad ku dhahdaa adkee kaabadda guriga
Ismaaciil gartay cidda timid inay aabihii tahay uuna amrayo inuu xaaskiisaan
xagsado.
Safaradaan uu Ibraahiim (cs)
ku yimid kormeerka mid kamida oo ah intii Ismaaciil barbaaray kadib ayuu la
kulmay wiilkiisa Ismaaciil asagoo leebab qoranaya geed wayn oo Zamzam-ka u
dhaw hooskiisa, markuu arkay Ismaaciil aabihiis oo mudda dheer aysan is-arag
wuxuu salaamay salaan ay isku burureen, waalid ilmihiisa aan mudda dheer
arag iyo ilmo aan waalidkiis mudda dheer arag salaantood. Safarkaan ayaa
Alle amray Nabigiisa Ibraahiim (cs) inuu dhiso masjidka Kacbada dalcaddaas
uu Alle doortay korkeeda, markaasay bilaabeen dhismaha oo udubada u taageen,
markay dhameeyeenna Alle subxaanah wuxuu Nabigiisa Ibraahiim amray inuu
dadka ugu yeero inay usoo xajiyaan kacbadaan la dhisay marka waxaa la yiri
Ibraahiim (cs) intuu buur dheer dhaladeed fuulay ayuu qayladiisa tan ugu
dheer ku dhawaaqay “war dadoow Alle wuxuu idin saaray Xaj ee usoo xajiya
kacbadiisa” qayladaan oo dunida daafaheeda gaadhay oo aduunkoo dhan laga
maqlay.
Marka maalintaa laga
bilaabo ayuu dadku bilaabay inay usoo xajiyaan kacbadaan xaggeeda diinta
Nabi Ibraahiim-na ayku faaftay jaziiradda carabta oo dhan iyo meelo ka
baxsan intaba.
Ismaaciil markuu
barbaaray hooyadii Haajarana ay dhimatay oo uu noqday nin caqli badan
sharafna badan, qabiilkii carbeed ee Jurham waxay u guuriyeen gabadha uu
dhalay kaaba-qabiilkooda (madaad Ibn camar) waxaana Alle ka siiyay labo iyo
toban wiil oo wada hanaqaaday kulligoodna ay ka farcameen qabiilooyin tarmay,
halkaanina waa meesha ay ka bilowdeen carabta loo yaqaan (waladu Ismaaciil)
ama cadnaaniyiin oo nabigu (scw) uu kasoo jeedo.
Qabiilooyinkaan markii
hore waxay noloshoodu ku tiirsanayd ganacsiga laga keeno dalka Yaman sidoo
kale dhulka Shaam iyo Masar, Markiise ay ballaarteen intooda badan waxay ku
faafeen gudaha iyo hareera jaziiradda carabta ayagoo isu badalay xoolo
dhaqato iyo reer guuraa raac raacaya hadba meeshii roobku maro waxay kaloo
dhiseen dawlado yaryar iyo maamulo dhaqso u baaba’ay kadibna taariikh-doodu
waxay ku dhuntay mugdiga zabaanka.
Gudaha Makko waxaa kaga
haray faraca Qiidaar Ibn Ismaaciil oo kaliy ah isaga ilmihiisu waxay salka
dhigteen Makka oo ay isaga farcamayeen ilaa uu ka dhashay Cadnaan oo ah
awowga 21-naad ee silsiladda abtirsiga Nabiga (scw) cadnaankaan ayaana
carabta cadnaaniyiintu ka xafideen abtirsigooda, waxaana jira xadiith daciif
ah oo la yiri Nabigu (scw) markuu abtirsado oo uu gaaro cadnaan wuu ka
istaagi jiray oo oran jiray nasab-yaqaannadu beenbay sheegeen.
Hadaba intii Ismaaciil uu
noolaa furaha kacbada iyo maamulkeeduba waxay gacanta ugu jireen Ismaaciil (cs)
markuu dhintayna waxaa isaga dambeeyay laba wiilashiisa kamida oo kala ah
Naabit kadibna Qiidaar markay dhinteenna maamulkii kacbada waxaa la wareegay
awowgood xagga hooyo waa Madaad Ibn Camar oo ah saan sheegnay kaaba-qabiilka
qabiilada Jurham ee Makka dagan kadibna maamulkii kacbadu qabiilkaan Jurham
ayuu gacanta ugu jiray ayadoo faraca Ismaaciil (cs) aysan waxba ku lahayn
inkastoo ay ahaayeen dad la Ixtiraamo inuu aabohood kacbada dhisay daraadeed.
Sidaas ayaa hadaba
qaaruumo badani ku gudbeen, ilaa ay xumaatay taladii Jurham oo awoodoodii
wiiqantay oo musuqmaasuq dhexgalay markaa waxay bilaabeen inay boobaan
hantidii kacbada u taallay sidoo kale inay furtaan dadka wafdiga ah ee Xajka
gudanaya, arrintaan oo ah mid aad uga caraysiinaysay cadnaaniyiinta (faraca
Ismaaciil) sidaa darteed qabiilka khuzaaca oo ah qabiilo dagta hareera Makka
ayaa ka faa’iidaysatay xaaladdaan hadaba ayagoo taageero ka haysta
cadnaaniyiinta ayay dagaal ku qaadeen Jurham si fudud-bayna uga qixiyeen
Makko ayagoo markaa la wareegay maamulka iyo awoodda kacbada intaba.
Waqtiga Nabi Ismaaciil (cs)
Makko joogay waxaa lagu qiyaasaa inay ku aaddan tahay labaatan qarni kahor
taariikh-da dhalashada ciise, tani waxay ka dhigaysaa muddada ay Jurham
maamuleen kacbada 21-tan qarni ugu yaraan.
Muddada ay qabiilka
khuzaaca maamulayeen Makko carabta cadnaaniyiintu maamulka Makka waxba kuma
lahayn hasa-yeeshee waxaa jiray xurma diineed oo ay lahaayeen sida in ayaga
looga dambeeyo qaar kamida camallada gudashada Xajka sidoo kale inay dib u
dhigi jireen bilaha xurmada leh, cadnaaniyiintuna waa faafeen dagaanka Makko
waxaa kagasoo haray lafaha Qureysh oo ah faraca Fihir Ibn Maalik.
Maamulkase waxba kuma
lahayn ilaa uu kasoo baxay Qusayi Ibn kilaab oo ah awowga shanaad ee
abtirsiga nabiga oo uu Qureysh isku duway (mideeyay) isla-markaana uu ku
qabsaday Khuzaaca maamulka Makko kadibna arintii dagaal ay isu badashay,
dagaalkiina uu kaga gacansareeyay, markuu Makko qabsaday wuxuu dhisay guri
loo yaqaan (daaru-nadwa) oo ah baarlamaan yar oo Qureysh laga maamulo,
hawlaha Qureesheed col iyo nabad-ba Qusayi ayaa halkaa ku gorfayn jiray,
dhamaan masuuliyaadka Kacbada iyo hawlaha Qureesheed gacantiisa ayay ku
jireen ilaa uu Makko ka dhigay sidii xukuumad yar oo kale, markuu dhintayna
xeerarkii uu Qusayi dajiyay waxay u raaci jireen sidii diintii.
Waxay hadaba Makko
gacanta ugu jirtay Qureysh ilaa Nabiga (scw) laga soo saaray sida aan arki
doonno.
Akhri
Qaybat 2aad...
Daabacaad: SomaliTalk.com | September 16, 2004
HORDHACA |
QAYBTA
2aad |
URL:
www.SomaliTalk.com/taariikh
|