SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
ARAR
QASHINKA IYO SUNTA HALISTAA EE LOO DHOOFIYO DUNIDA SADDEXAAD
Daabacaad: December 12, 2000 | Update: July 25, 2003 | Updated: Feb 27, 2005
UJEEDDO
Qoraaladan taxanaha ah ilaa saddex qaybood oo isdabajooga ee aan halkan ku soo bandhigayno ayaa ku
saabsan khiyaamada caalamigaa ee qashinka suntaa loogu waaridayo guud ahaan
dalalka soo koraya gaar ahaanna dalka Soomaaliya iyo musiibada ay keeneen ama
keeni karaan mustaqbalka. Ujeeddooyinka qoraalladan ayaa dhinac ka ah kuwo xog
iyo xaqiiqa raadis ah dhanka kalana ka raba in xogtaas la gaarsiiyo ummadda
soomaalida ee dhibku khuseeyo islamarkaasna lagu dhiirri-galiyo sidii ay
arrimahaas uga hortagi lahaayeen ama xuquuqdooda ugu halgami lahaayeen. Waxaan
ujeddooyinka qoraallada ku soo koobayaa:
- In dadka soomaaliyeed ay dhug iyo dhaayo u yeeshaan waxyaalaha aadka
halista ugu haya caafimaadka iyo tayada nolosha soomaalida hadda nool iyo
jiilalka dambbe ee soo socdaba iyo guud ahaan saxada degaanka Soomaaliya bad
iyo berriba. Dhibaatooyinkan ayaa ah kuwa ay maleegaan quwado shisheeye iyo
gacan aan loo jeedin kuwaasoo markooda marar abadan garab ka hela ashkhaas
ama kooxo soomaali ah asii soomaalinimada ku tacadiyey;
- In dadka soomaliyeed ka fekero bal hadda sida ugu habboon ee ay
xuquuqdooda ugu ololayn lahaayeen una baranlahaayeen in ay ka dhacsadaan
intii karaankood ah ciddii hororka ku ah. Maanta oo soomaali aad u farabadani
dunida reer galbeedka ku dhaqantahay oo ah meesha eelkaasi ka soo unkamo ayaa
laga yaabaa in haddii la isku dayo in wax uun natiijo ah laga keeni lahaa
haba yaraato ama ha soo daahdee. Way habboonaan lahayd in ugu yaraan ay
codkooda caalamka maqashiiyaan;
- Waxay u egtahay in si gaar ah arrimahan waajib uga saaranyahay dadka
aqoonta leh iyo kuwa iyagu masuuliyiinta u ah jaaliyadohooda (meeshii ay ka
jiraan). Tusaale ahaan way habboonaan lahayd in ardayda soomaalida ee
jaamicadaha dibedda ka baxayaa ay daraasaddooda qalinjabinta ay arrimahan oo
kale ku baaraan oo ku soo bandhigaan gaar ahaan kuwa barta culuunta shuruucda
caalamiga ah, kuwa siyaasadda, kuwa deegaanka iyo laamaha cilmiga ee la
xiriira oo ah kuwo farabadan;
- Iyadoo laga dab-qaadanayo tilaabooyinka siyaasadeed iyo kuwa sharci ee ay
ku dhaqaaqeen waddamada kale ee soo koraya oo waddamada reer-galbeedka iyo
shirkadohoodu ku xadgudbeen, waxay soomaalidu u ololayn kartaa:
- Sidii loogu dirqin lahaa dalalka qashinka lahaa inay tilmaamaan oo
daaha ka qaadaan dhulka iyo xeebaha sida gaarka ah loo sumeeyay;
- In waddamadaasi lagu dirqiyo inay inta goori-goor tahay ay dib u soo
rartaan inta ka hartay qashinkaas iyagoo u diraya qalab ku habboon iyo dad
xirfad u leh hawlaha noocan oo kale ah;
- In ay marka mar ugu horraysa joojiyaan iyagoo u hogaansamaya
Qawaaniinta caalamigaa ee jira sida Axdiyadii Basel, Bomako, London
Convention, heshhiskii LomčIV, kuwa Qaramada Midoobay iyo qaar kaloo badan,
- In loo saaro arrintan guddi caalami ah oo qimayn ku sameeya dhibka
ummadda soomaaliyeed iyo degaankooda muddo dheer loo geysanayey iyadoo si
gaara loo eegayo xilliga adag ee Soomaaliya ku jirtay markaas, khasaaraha
ilaa hadda taasi keentay iyo kan weli aamusan ee mustaqbalka dhow iyo kan
dheerba ka dhalan kara isla dhibkaas;
- Waxay xaq u leeyihiin soomaalidu in dhibkaas loo geystay mag-dhaw waafi
ah una qalma dhaawaca soo gaaray laga siiyo kaasoo loo fidinayo heer Qaran,
Gobol, Degmo iyo Qoys-ba (dadka ku aafoobay);
- In dadweynaha soomaalidu, dalkii ha ku dhaqnaadeen ama dibedda ha
joogeene, maanta iyo berriba, ay si adag uga digaan masuuliyoontooda heer
kasta (Qaran, Gobol, Degmo, Beel, iwm) inaan xuquuqdooda lagu xadgudbin oo
aanay masuuliyiintaasi marnna ku hamiyin inay heshiisyo aan xalaal ahayn la
galaan shirkado iyo quwado shisheeye oo halis gelin kara aayaha ummadda.
AFEEF
Qoraaladan baa ah maxsuulkii ka soo baxay cilmi-baaris la sameeyey waqti
aaanay Soomaaliya ka jirin tobankii sano oo u dambeeyey wax dokuminti ah oo
heer Qaran tirakooba ama dabagal ku sameeya dhibaatooyinka noocan ah iyadoo ay
weliba u badantahay in xitaa markii ay jirtay Dawladdii militeriga ahayd aanay
taasi jirin. Sidaa awgeed macluumaadka halkan lagu soo koobay ayaa ah kuwo
dhammaantood laga soo ururiyey ilo Soomaaliya ka baxsan (dalka dibeddisa).
Inkastoo qaar laga soo xigtaya daraasado jaamiaado ajnabi ah iyo hay'ado
caalami ahi sameeyeen ayaa haddana waxaa qayb weyn ka ah warbixino kala duwan
oo ay saxaafadda caalamku ka qortay arrimahan tobankii siddeeddii sano ee u
dambeeyey. Ilahaas ayaana ah marjaca macluumaadka halkan akhristuhu ka
helidoono.
CUDUDAAR
Sida daraasad kasta lagu yaqaan, gaar ahaanna kuwa saxaafadda macluumaadka
ay soo bandhigayaan qayb ka soo minguuriya, waxaa dhici karta inaan 100%
macluumaadkani ahayn mid xaqiiqada kama dambaystaa waaafaqsan oo naaqus iyo
siyaadaba way jiri karaan. Inkastoo taas aad looga taxadarey ayaanay ahayn
haddana mid la reebi karo. Waxaanse shaki ku jirin oo 100% la hubaa in dhib
weyn loo geystay Soomaaliya iyo soomaalida oo arrintani tahay mid baaxad weyn
islamarkaasna aan eelkay dhashaa dhaqso u dhammaanayn. Taasna weeye midda ugu
weyn oo raadkeeda lagu joogo.
MAHADNAQ
Marka hore Alle ayaa mahad leh. Marka xiga waxaan si aan la soo koobi karin
ugu mahad-celinayaa Mr. Mohamed Ali oo ah assaasaha iyo Webmaster-ka
SomaliTalk.com oo aad gacan iiga siiyey
xagga farsamada iyo soo bandhigga ama daabicidda daraasaddan iyo weliba xagga
links-ka joogtaynta ama updating-ka.
QAYBTA 1aad
Halkan ka akhri...
|
|
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|