XAMAR CAASIMADA HALAGA BEDELO
YUSUF
SHABAC II
yusufshaba@yahoo.com
Aug 23, 2005
Soomaaliya waa cusub ha u baryo, taaba qaad hor leh
dib ha loo galo. Calanka bil halagu saa’idiyo.
Xuduudaha Soomaaliya dib haloo xariiqo. Caasimadana
Xamar halaga bedelo. Waa hadaladii iga soo maaxdey
xalay markii aan seexanayey. Soojeede riyooda sidiisii
haddaadan u xulan hadalkaaga weli ma aadan xeereyn
xikmaddii runta ahayd. Dunidu marka uu dagaal sokeeye
uu ka dhaco, waxaa la bedelaa magaca waddanka,
mar-marka qaar waxaa la bedelaa midabka iyo nooca
calanka, ugu dambeyn waxa hubaal ah in la bedelo
caasimadii waddankaas, iyada oo ujeedada runta ahi ay
tahay in la taaba qaado bilow cusub.
1918 illaa 1920kii midowgii Soofiyeedka waxa ka qarxay
dagaal sokeeye oo ay ku dhamaadeen in ka badan
3.000.000.00 seddex million oo qof. Ka dib markii ay
caddaalad xumo ka abuurantey dalka gudihiisa. Waxa uu
waagu u baryi jirey dad hanti leh iyo kuwo sabool ah
oo kaliya. Kuwa wax bartey iyo in badan oo aan
magacooda aan xariiqi karin. Muslim, Katoolik iyo
Oorthodoxi. Iyada oo sidaa loo qaybsan yahay ayey
damceen seddex xisbi oo siyaasi ah in ay dalka u
taliyaan. Xisbi ay dadku xukumaan oo federaal ah
(Confederation Democracy-Social Democracy) iyo Federal
republic of Soviet Union – Pure Capitalist. iyo
Soviet Union People’s republic (Communist Party) Ugu
dambeyn waxa xukunka ku guuleystay kuwii ugu dambeeyey
ee shuuciga ahaa. Maxaa yeelay waxa ay dadka u balan
qaadeen bilow cusub iyo horumar ay ka dhalandoonto
midnimo joogto ah. Shuucigu waxa ay aaminsan yihiin
“Ilaah ma jiro, noloshu waa maaddo, waxa na dila waa
wakhtiga oo kaliya” Waxa kale oo ay dadka ku soo
jiiteen in ay baabi’in doonaan dabaqadaha taajiraanta
iyo fuqarada, iyo in ay bulshadu u sinaan doonto
nidaamka waxbarasho iyo daryeelka caafimaad. Waxa ay
xasuuqeen qoyskii boqortooyada ee ka talinayey
wadanka. Waxa ay caasimadooda ay ka soo bedeleen
Petersburg waxana ay caasimaad cusub ay ka dhisteen
Moscow.
1776 Maraykanku wuxuu is yiri Ingiriisku tage oo dib
dambe idiin soo weerari maayaan. Waxa ay qorteen
nidaam qurux badan oo si fiican u dhaqay qofka midabka
cad. Waxa ay samaysteen dawlad federaal ah, waxana
caasimad de facto u ahayd Philadelphia PA. Oo ka
tirsanayd Waqooyi wadanka Sanadkii 1880 markii ay
dareemeen in uu wadanku u kala jabayo kuwo damacsan
dawlad dhexe oo xoog badan oo ku nool Waqooyiga
Maraykanka iyo kuwo aaminsan dawlad federaal ah oo
gobolku ka xoog badan yahay dawladda federaalka ah oo
ay ayagu ku nool Koonfurta waddanka ayey go’aansadeen
in caasimada laga sameeyo meel u dhexeysa Waqooyiga
iyo Koonfurta dalka. Washington DC ayaa loo doortey
caasimada maxaa yeelay waxa ay koonfur ka xigtaa
Maryland waxa ay waqooyiga ka xigtaa Virginia. Waana
deegaan aan ka tirsanayd gobolna.
adopted 6 February
1996
Calanka Cusub ee Itoobiya oo lasameeyey 1996 (oo ah intii ay
Soomaaliya ku jirtey burburka) sida kamuuqata sawirka sare waxaa
dhexda kagajira xidig shangees ah oo kudhexjirta qayb buluug ah.
Sida hoos kamuuqata Calanka
Soomaaliya
waa buluug xidig dhexda kagajirto.
Taariikhda
Calanka Soomaalida |
Dagaalkii sokeeyey ee Shiinaha ka hor waddanka
shiinaha waxa caasimad u ahayd Nanchang markii dambe
oo ay heshiiyeena waxa ay xariiqeen meel iska banaan
oo maantey loo yaqaano Beijing. Waxa aad ogtihiin in
Za’ir laga bedelay magaca ka dib markii wadanka laga
saarey Zezeko oo uu xilka la wareegay Joseph Capila.
Hadaba haddii ay calanku inoo xariiqeen kuwo waagii
inoogu aqoonta badnaa waxa aan arkaa haddana in
waddankeena laga bedeli karo calankii aan dartiis isku
xumayney oo aan guul la gaari weyney.
Waxa aan arkaa
in bil lagu daro si loogu muujiyo dunida
Islaan-nimadeena loona ixtiraamo meelwalba oo uu ka
taagan yahay. Tan ugu muhiimsan waxa ay tahay in uu
ilaah raali inooga noqon doono. Waxa aan arkaa in
xuduudihii dib loo xariiqo oo calanka Soomaaliya uusan
marna u ekaan lambarka toddobo, maxaa yeelay marka aad
fiirisaan waxa aad ogaaneysaan in ay Itoobiya caloosha
nagashatay oo aan dhamaanteena ku qanacney inaga oo
aan marna ka dagaalamin.
Waxa aan ugu dambeyn arkaa in
caasimada laga bedelo xamar oo la geeyo meel aan Xamar
ahayn. Xamar waxa ay noqotey shan iyo tobankii sano ee
la soo dhaafey meel ay ku nool yihiin dad aan waxba
garan oo aad u hubaysan. Kuwaan oo xabadeeya
diyaaradii soo degto ama kacdo, markabkii deeqda inoo
waday iyo mid damaashaad ku socdaba. Waxa Xamar yaal
isbaarooyin aan marna la wada fujin karin. Suuqyada
magaaladana waxaa xoog ku haysta dad aan marna la dhex
gali karin. Marka lagama dhigi karo oo waxa ay
yiraahdaan ma ahan magaalo fidi karta. Kismaayo dalka
intiisa badan aad bey uga fogtahay, Hargaysa waxa ku
nool hal qabiil. Boosaaso waa lama dagaan, Gaalkacyona
waa meesha ay nooga yimaadaan dadka ugu waalan ama ugu
colaadda badan. Beydhabana waxa ku nool dad u hadla
sidii Ooramada oo doonaya in ay Soomaliya u qaybiyaan
May iy Maxaa, sidaa awgeed waa in la xushaa meel cusub
oo la ilaalin karo amnigeeda.
...MUSTAQBALKA
SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED
...MAXAA KA
JIRA XAQIIQADA QUURSIGA?
YUSUF
SHABAC II
yusufshaba@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
Waqooyiga
Ameerika iyo Wadida Baabuurta Waaweyn: Qaybtii
Labaad : W.D:Yuusuf Shabac...
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 23, 2005
|