SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MAXAA KA JIRA XAQIIQADA QUURSIGA? - Qaybtii 2aad..

YUSUF SHABAC II
yusufshaba@yahoo.com


Markii uu maqaalkan ku soo baxay isgaarsiinta heerka sare ee Somalitalk waxa aan helay jawaabo fara badan oo arinkii aan weydiiyey akhristeyaasha ku saabsan. Qolaa igu tiri aabayaasheen waa ay ku saxsanaayeen in ay wax quursadaan inaguna waa sidaa oo kale. Kuwaa yiri, waxa aad Shabacoow damaqdey nabaro xanuun badan oo layska ilow sanaa. Inkasta oo ay i marti qaadeen qaarka ka mid ah beelaha Midgaan wax badan waa ay ii sharxeen wax badan waxa ay iiga tageen aniga oo weli mugdi iiga jiro, sida ay waxakan u faqooqaan. Waxa aan is weydiiyaa, waa maxay Midgaan? Macne ahaan iyo taariikha ahaan? tolow qabiiladan la yaso ma isku qabiilbaa? Haddii ay yihiinse, iyaga dhexdooda ma jiraa wax khilaaf ah? Haddii ay ahaayeen dadkii dhulkan loogu yimid, maxaa wiiqey jiritaankooda? Maxaa hoos u dhigey, qiimaha ay ku leeyihiin bulshooyinkii ay ka dhasheen? Maxaa u diidan in ay yeeshaan deegaano iyaga u gaar ah? Hanti iyo in ay xoolo yeeshaan? Ugu dambeyn, maxaa ka guuxaya garaadkooda, oo ay filiyaan in ay wax ku bedelaan?

Maadaama ay Ajidu ahaayeen xoolo dhaqato ku nool miyiga, qolyaha la yaso waxa ay ayana ahaayeen kuwo ugaarsada xoolaha uu ilaah ku beeray duurka oo aan lakala lahayn iyo kuwo ku nool magaalooyinka sida fiican loo dagay, oo waxa xoolo u ahaa Midigtooda, marka laba midig laysku daro waa MIDGO, macne ahaan waa kuwii ka caano maaley Midigtooda., Kuwo wax ugaarsada, oo qaata GABOOY ama geedka lagu gurto qaansada iyo fallaaraha, kuwa isticmaala GABAAN, geedka lagu jukeeyo lugta si uu u dhalaaliyo mindida iyo toorayda taas oo keentay in koonfurta looga bixiyo magaca ah TUMAALO maadaama ay birta tumaan. Wiil caqli badan ayaa hadda ka hor igu yiri, “dadkan farsamadooda waxaa si xun ula dagaalamay isticmaarkii oo diidanaa in ay bulshadu isku filnaato, taas ayaa keentay buu yiri, in lagu naaneeso, SAB-SOOMAALIS” aadmiga horumaray waxa ay isku abaalmariyeen farsamooyinka bulshada gaarsiin kara horumar iyo isku filnaansho, laakin bulshooyinka dib u dhacay waxa ay la dagaalamaan iyaga oon ogeyn qof allaaliyo qofkii bulshada gaarsiinaya horumar ee ku intifaacdo. BOON macnihiisa idinkaa garan, laakin aniga waxa ay weligey ila ahayd qof lagu durayo bakheeltinimo, laakin BOONTA aan aqaan wax ka saqisan ma jiro. Raas casayr illaa Ra’s Kambooni, waa ay joogaan waxa kaliya ee ka dhexeeya ama lagu garto waa laba shey iyada oo ay yasaan dad walba oo ay la dagaan iyo iyaga oo ka macaasha midigtooda.

AJIGU WAA GOB SABTUNA WAA GUN | Eelay

» MADHIBAAN IYO AJJI: JAWAAB QORAALADII EELAY [C/Waxid]



» AJIGU WAA BINU QUREEYSH MADHIBANKUNA BINU..!!!!! [Eelay]

Aniga iyo dad aad u tiro yar ayaa aaminsan in ay yihiin qabiilo yar-yar oo si joogto ah looga faquuqay qabiilkii ay ka dhasheen, sida DAAROOD, DIR, ISAAQ, HAWIYE AMA XOOLO DHAQATADA KALE. laakin aan marna noqon dad isku awoowe ah, oo meel ka soo wada jeeda gaar ahaan meel aan ahayn qabiiladaas aan soo sheegay. Sidii nin inkirey cunigii uu dhalay oo kale, ayaa qabiiladuna u inkaraan markii la sheegto. Marna maka quustaan kuwii la yasay in ay sheegtaan qabiilkii laga faqooqey mar hore. Waxa jirta fikrad sheegaysa in ay dadkanu ka soo jeedaan hal aabe iyo hal hooyo, laakin ma ahan fikri xooggan oo shir lala tagi karo. Iyagu waa ay isu gurmadaan, waa ay isu xoolo gooyaan, magtana waa ay isla bixiyaan haddii la weydiisto. Maadaama ay ka simanyihiin haybsoocid iyo dulmiga waxa ay duruufuhu ka dhigeen dad DANWADAAG ah. Tani waxa ay igu soo rideysaa jidkii aan mar ka imi oo ah, oo ah iyaga dhexdooda ma yaalaa khilaaf. Haddii ay runtahay in ay yihiin dad gooni-gooni looga soocay qabiiladii ay ka dhasheen waxa run noqonaysa in aysan waxna isku waafaqsanayn. Waxaa jirta xaqiiqo xanuun badan, taas oo ah in ay iyagu iska daa in ay wax wada qabsadaan ee in ay is yasaan dhexdooda. Waxa ay isku khilaafaan halka ay ka soo jeedaan, waxa ay isku khilaafsan yihiin sida ay u arkaan gumaysiga lagu hayo, waxa ay isku khilaafsan yihiin sidii ay waxakan u joojin lahaayeen ama u hor-istaagi lahaayeen. Kuwaa aaminsan wakhtiga ayaa ugu fiican in uu baabi’iyo dhibka lagu hayo, qaarna waxa ay aaminsan yihiin geeri in ay dhaanto sida ay ku nool yihiin sidaa darteed haddii ay heli lahaayeen dhaqaale iyo cudud militari waxa ay Ajida kala hor imaan lahaayeen kacaan uu dhiig badan ku qubto.

Haddii ay yihiin dadkii dhulka Soomaaliyeed loogu yimi maxaa wiiqey jiritaankooda, kana hoos mariyey qoys walba oo ay la dagaan? Waxa dooddan looga baxay in ay qoyskani yihiin reer guuraa, aan ayagu u guuri hayn roob laakin la guura hadba meeshii ay u guuraan. In ay dalka ku firdhiina waxa keenay ganacsi iyo in ay ka macaashaan farsamooyinkooda. Waxaa ummada ay la dagan yihiin ka hoos mariyey waa laba shey, iyaga oo aamina waxa lagu caayo iyo iyaga oo aan marna isku dayin in ay helaan xalkii lagu baabi’in wixii bilowdey casrigii jaahiliyadda.
GABAYGII QUUDHSI DIID  

Aadmiga qaarbaa isku yasa dhaqan xumida, qaarbaa isku yasa Saboolnimada, qaar baa isku yasa fuleynimada iyo talo xumaanta. Qaar baa lagu yasaa hadba wixii ay shaqo ka dhigteen. Si kastaba ha ahaatee, in lays yaso waxa ay noqotey wax dabiici ah oo laga ogolaadey dunida dacaladeeda oo idil, waana caddaalad xumo Alle laga magan galo. Haddii aysan joogsan yasmada lagu hayo dalkan, ilaah baa inagu nacaya, waxana mar walba nalagu salidayaa cadaw inaga xoog weyn oo inaga gaarsiiya in aan sidooda oo kale u go’no mid-mid illaa la waayo mid aan ka tirsanayn, MID-GO. Haddii aan dadkan sidan loo dhaamin, waxa ay si xeel-daro ah ugu milmayaan bulshooyinka aan ku dhex nool nahay ee dhowraya dhibkanada. Ugu dambeyn, waxa ay dadkani noockastooy ahaadaanba ay halis weyn ku noqon doonaan amniga qaranka, “National Security”

YUSUF SHABAC II
yusufshaba@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Waqooyiga Ameerika iyo Wadida Baabuurta Waaweyn: Qaybtii Labaad : W.D:Yuusuf Shabac...

Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD