Bal eeg sawirkani, maxaa kaaga muuqda? Waxaa sawirka ka muuqda
laan ka baxday geed aad u yar oo runti aan sinaba loo
barbardhigi karin dhererka daarta shirarka ee KICC, waxaad
moodaa in laantu ay la sarayso dhismaha 28 dabaq ka kooban, oo
waliba ay sidii calaamad su'aashii ay ugu dul samaysantay, marka
aad u fiirsatidna waaba xaqiiqada meesha taala, waayo waxa
meeshaasi maanta ka socda oo dhan ayaaba wada calaamad su'aal
saarantahay.
Waxay yiraahdaan "ha sawir ayaa ka wax sheeg baddan kun erey",
dhab ahaantii sawirkani wuxuu ka wax sheeg badanyahay malyuumaad
erey, bal u fiirso farqiga xagga dhererka ah ee u dhaxeeya
labbada sheey ee sawirka ka muuqda iyo sida la'isugu keeney iyo
micnaha uu samaynayo ururka marka la fahmo waxa uu ka turjumayo.
Sawirka waa mid magac siinaya shirka, kaasoo ah "shirka
calaamatul su'aasha",waayo xittaa marka laga taggo waxa looga
wadahadlayo, xittaa waxaa su'aalo ka taaganyihiin sida la'isugu
waafaqayo waxa laga hadlayo, waxay su'aal ka taagnaan doontaa
sida kuwa wax saxiixaya ay ku fulin doonaan waxa ay go'aamiyeen,
wali waxaa su'aal kale kasii taagantahay sida loo dhaqaajin
doono waxa meesha lagu saxiixay oo dalka looga hergalin doono
xittaa haddii kuwa gaaray go'aanka ay ka go'antahay in ay
fuliyaan, mar kale waxaa su'aal ka taagantahay sida ay qarash
ugu bixin doonaan kuwa shirka qabtay fulinta howlaha ay tahay in
la qabto ee goobtani lagu saxiixo.
Adigu waa su'aalo midba midda kale kuu dhiibeysa, mid sii kalana
kuusii dhiibeysa, waxaad cimrigaaga ku dhamaysanaysaa adigoo
wali qaba isla su'aalihii aad isweeydiin jirtey maalintii aad 20
jir ahayd, maalin kastana waxaa sii adkaanaya suurtagalnimada in
wax jawaab ahba la helo
Shirka waxa uu furmey casarkii ka dib maalintii talaadada
(28/10/08), waxana uu soconayaa labbo maalmood oo kale, marka
laga tago goobta lagu qabanayo oo ah meel aad qaali u ah,
horeyna aan waligeed lagu qaban shir ay Soomaalida leedahay taas
oo aad ka dareemi karto muhiimada laga leeyahay inta ay
la'egtahay, ayaa hadane su'aalaha ku hareereysey shirkani ay
yihiin kuwa madaxa daalinaya.
Marka la eego ajandaha shirka oo shalay oo kaliya la shaaciyey,
iyo ajandayaal kale oo dib kasoo bixi doona, hoowshu waxay u
muuqataa "mission impossible""sahan aan suuragal ahayn", howshu
in ay aad u baddantahay ka sokow, waa tan ugu culus ee aad ka
fikiri kartid, sidaasina waqtiga loogu tallo galay in lagu soo
afmeero uu yahay mid suurtagalnimada ka fog.
Marka laga soo tago ajandayaasha qarsoon (aan la shaacin) ee
kala ah xil ka qaadista Cabdullaahi Yuusuf iyo labadiisa wadaay
(Saaxiib), dhismaha dowlad wadaaga ah, iyo kordhinta
baaralamaanka, ajandayaasha kale ee shalay la shaaciyey ayaaba u
baahan lix billood in go'aan laga gaaro miisaanka ay leeyihiin
darteed, waa haddii hoowlaal uusan meesha ka jirrin.
Sida horey loo faafiney, ajandayaashu waxaa ka mid ah jeexista
xuduudo cusub oo lakala dhexmariyo gobolada dalka, taas oo
micnaheedu noqon doono dib usoo nooleynta dagaalada qabaa'ilka
iyo ku hardankii dhulka iyo magaalooyinka, tusaalaha ugu
wanaagsan meel dheer kaba dooni meeysid, kaliya waxaad u
baahantahay in aad soo xasuusatid magaalada Gaalkacayo oo aan
kaaga sheekeyneynin waxa ka jirra.
Haddii qodobkani lagu ansixiyo shirka, iyada oo xittaa kuwa
ansixiyey aysan Nairobi ka duulin ayaa meelaha qaarkood qoryaha
la'isu guran doonaa, gumaad aan la qayaasi karrin la sii
saadaalin karaa.
Qodobka kale waa wax ka badalista dastuurka oo la filayo in
labbo siyaabood dartood loo yeelayo, marka koowaad waa in
dastuurka lagu soo daraa qodobo ogaalanaya in xubnaha
baarlamaanka la kordhiyo, qodobada xadidayana laga saaro, awooda
madaxweynaha la dhimo, iyo dabcan qodob i shirkii Jabuuti ay
kaga wada hadleen DF iyo Isbahaysiga oo wax ka sheegaya xagga
diinta, gaar ahaan in la badalo qodobada diinta wax u dhimaya ee
dastuurka ku jirro.
Wallow shirka ay IGAD casuumtey, hadane waxaa haleeley waji
gabax weyn markii uu diidey in uu kasoo qeybgalo madaxweynaha
Sudan Cumar Xassan Al-Bashiir, lama yaqaano sababta laakiin
waxaa la filayaa in Sudan iyo Eritrea ay isku mowqif ka yihiin
arrinta shirka maadaamaa ay xulufo weyn yihiin.
Jawiga ergada ma ahan mid degen, waxaa la sheegey in ay si weyn
isugu maandhaafsanyihiin sida ay wax u socdaan,furitaankii
shirka waxay isku dagaaleen makaroonfanka waxaana meesha ka
dhacday foowdo baahsan oo kaliftay in shirka illaa arbacada dib
loo dhigo, waxaa xittaa dhacday in qaarkood ay isugu gacan
qaadaan goobihii lagu diiwaangalinayay, iyo meelihii ay ka
cunteeynayeen, ugu yaraan midkood ayaa habeenkii labaad xabsiga
ku hoyanaya kadib markii ay ciidamada amaanka ku qabteen isagoo
sita bastoolad uu kala soo degey garoonka, lama oga ujeedka uu
ka lahaa isagoo ka warhaya sida aan dalka looga ogoleyn wax hub
sharci darro ah.
Ciidamada badda ee maraykanka iyo kuwa Kenya ee jooga gobolka
waqooyi barri ee Kenya ayaa isu diyaarinaya tabobar xoog leh oo
muddo gaaban socda oo kumanaan askar loogu tabobaro DF iyo
Isbahaysiga garabka Jabuuti.
Shariifka ayaa isagu sheeda ka daawanaya shirka, wuxuuna degey
meel bidhaan arag u jirta shirka, hoteelka uu degey waxa uu ku
yaalaa farasmagaalaha Nairobi oo ah hoteelada ugu qaalisan ee
aad ka fikiri kartid ee Kenya ku yaala, waxaa la sheegey in
xittaa sariirtiisa dusheeda uu ka dul arki karro qofka shirka
galaya ama kasoo baxaya, wallow aysan micno weyn samaynaynin
halka uu qofka ka dego magaalada hadane waxaa micno samaynaya
waxa ay indhuhu arkaan waana arin xiiso galisey saxafiyiinta
dhagaha fiinka leh, indhaha fiirada u saaxiibka ah, maskaxdoodu
foojigantahay.
Shirka furitaankiisa waxaanan ka qeybgalin Cabdullaahi Yuusuf
Axmed oo goobta ka hoydey waxyar ka hor inta uusan furmin, lama
oga sababta uusan oga qeybgalin, laakiin sida laga yaabo in dib
laga fahmi karay, Cabdullaahi Yuusuf diyaar uma ahayn in uu
dhagaysto cambaareynta iyo eedihii kululaa ee uu u jeediyey
Sayoum Masfin oo u isticmaalay kalmadihii ugu cuslaa illaa heer
uu wax ka sheego anshaxa iyo dhaqan xumadaha madaxda DF.
Shirka labbo maalmood oo kale ayuu sii soconayaa, daqiiqad kasta
oo ka mid ah inta uu socdana waxaa la filan karaa fadeexad cusub
iyo waxyaalo baddan oo lasoo faago.
Marka laga hadlo waxyaalaha laga fillan karro oo ah dabcan waxa
qof kasta maanka kaga taagan, Xuuraan uma aragto in ay
arrintaasi muddantahay wax saadaal ah, waxaa qofka ku fillan in
uu ogaado sida ay wax u jirraan.
Xuuraan: waa qormo xoogto ah oo laffo gur iyo falanqeyn ah.
Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo). Email:
Saxansoxo1@hotmail.com
Xuuraan:
K/Afrika “Soomalida xabaalaha ayay naga buuxiyeen”. Akhri...