DHUFAYL BINU CAMR
AL-DOWSI
(7)
Dhufayl wuxuu kaaba qabiil u ahaa qabiilka uu ka dhashay ee Daws, wuxuuna
ahaa nin carabta dhexdeeda ka leh sharaf iyo qaddarin. Dhufayl wuxuu ahaa
deeqsi oo wuxuu maal iyo lacag hayo wuxuu ku quudin jiray masaakiinta aan
waxna haysan, sidoo kale wuxuu magangelin jiray dadkii kuwii weydiista
magangelyo.
Dhufayl wuxuu ahaa gabyaa dareen sare leh, isla markaasna aad u yaqaana
Suugaanta iyo Maansada Carabiga. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Dhufayl wuxuu
ka carraabay magaaladii ay deganaayeen tolkiisa ee Tihaama, isagoo u sii
jeeda magaalada Makka, markaas iyada ahna waxaa magaallada Makka socday
loolan dagaal oo dhexmarayay Nebiga (scw) iyo gaallada Qureysh.
Qureysh waxay isku deyday sidii ay ku kasban lahayd Dhufayl. Bal aan
Dhufayl u deyno sheekada si uu noogu sii wado sheekada, bal saan u ogaanno
wixii uu kala kulmay Madaxdii Qureysh, Dhufayl wuxuu yiri "Waxaan soo galay
magaallada Makka, wax yar kaddib maba aan joogin ilaa ay ii yimaadeen
madaxdii Qureysh iyagoo doonaya in ay ila kulmaan, si aad u wanaagsan ayay ii
soo dhoweeyeen, iyagoo i dejiyay guriga guryaha ugu qiimaha badan. Intaa
kaddib waxay igu yiraahdeen Dhufayloow waxaad timi magaalladeenna, waxaa jira
nin sheeganaya inuu yahay Nebi, ninkaasi wuxuu fasahaadiyay ama kharribay
umuurteena, wuxuu kala daadshay midnimadeena, wuxuu burburiyay midowgeenii,
sidaa darteed waxaan ka cabsanaynaa in ay kugu dhacdo adiga iyo tolka aad
madaxda u tahay Musiibada nagu dhacday annaga sidaa darteed waxaan kugula
talin lahayn in aadan ruuxaa la hadlin oo aadan waxba ka dhageysanin, waayoo
ninkaa waxa uu akhrinayaa hadal sixir oo kale ah.
Dhufayl waxa uu yiri "Wallaahi baan ku dhaartaye odayadaasi igama aysan
tagin ilaa ay iiga sheekeeyaan Nebiga (scw) wararkiisa kuwa ugu yaabka badan
iyagoo igu beeraya cabsi aad u daran, sidaa darteed waxaan go’aansaday in
aanan u dhowaan oo aan agtiisa marin meeluu joogo Nebiga, in aanan la hadlin
ama aanan waxba ka dhageysan. Maalintii kale markii la gaaray ayaa waxaan
aaday Kacbada si aan u soo dhawaafo, isla markaasna aan u barakeysto
asanaamta halkaas tiil anigoo labadeyda dhagood soo gashaday suuf si aanan u
maqlin hadalka Nebi Muxammad (scw).
Hase ahaatee markaan galay markaan soo galay kacbada waxaan kula kulmay
Nebi Muxammad (scw) oo tukanaya, Salaad ka duwan salaadihii aan tukan jirnay,
aad ayay ii farax gelisay muuqaalka, waxaana i gilgishay qaabkii uu u
cibaadeysanayay, waxaan is arkay naftaydii oo u sii dhowaaneysa xagga Nebiga
(scw) ilaa aan noqdo ruux aad ugu dhow, Ilaahna wuxuu ii sahlay inaan maqlo
wax ka mid ah wixii uu akhrinayay, wuxuuna ahaa hadal wanaagsan, ileen waa
qur’aanka’e.
Wax yar ka dib waxaan is iri waxaad tahay gebyaa caqli badan, waad kala
garanaysaa hadalka kiisa wanaagsan iyo kiisa xun, maxaa kuu diidaya inaad
maqasho waxa uu akhrinayo Nebi Muxammad (scw), haddii uu wanaagsan yahay waxa
uu akhrinayo waan qaadan, hadduu xun yahayna waan ka tagi. Dhufayl wuxuu yiri
"waan iska joogay ilaa uu Nebiga (scw) iska baxay, anna waan ka daba tegay
anigoo kula kulmay gurigiisa. Waxaan u sheegay in la ii sheeko xumeeyay oo la
igu kaa yiri sidaa iyo sidaa ilaa aan go’aan ku gaaray inaan labadeyda
dhegood suuf ka soo buuxiyo si aanan u maqlin halalkaaga, balse Alle ayaa taa
diiday ilaa uu dhagahayga uu soo gaarsiiyo hadaladaada wuuna wanaagsanaa.
Haddaba waxaan kaa codsanayaa inaad ii soo bandhigto sharaxaad ku saabsan
Diinta Islaamka. Markaasna Nebiga (scw) wuxuu ii sharxay diinta Islaamka,
isagoo ii akhriyay Suuradda Al-ikhlaas iyo suuradda Al-falaq, Wallaahi ma
maqlin hadal ka wanaagsan hadalkaa, mana aanan arkin caddaalad ka fiican tan
uu Islaamka dadka ugu yeerayo, intaa ka dib waxaan Nebiga (scw) u fidiyay
gacantayda, anoo qiray shahaadad sidaa ayaan ku Islaamay.
ka dib Dhufayl wuxuu negaa oo uu joogay Magaalada Makka, halkaasoo uu ku
baranayay Diinta Islaamka, kuna xifdinayay qaar ka mid ah Suuradaha qur’aanka.
Markii uu Dhufayl go’aansaday inuu u laabto magaaladii ay deganaayeen
tolkiisa ayaa waxa uu u yimid Rasuulka (scw), isagoo ku yiri " Rasuulkii
Ilaahayow waxaan ahay nin ay tolkiisa maqlaan, sidaa darteed waxaan jeclahay
inaan iyaga u laabto si aan ugu yeero Diinta Islaamka, waxaana Ilaah iiga
baridaa inuu ii yeelo calaamad iigu kaalmeysa Dacwada Islaamka. Rasuulka (scw)
wuu ka aqbalay dalabkiisii, wuuna u duceeyay. Dhufayl wuxuu u safray
magaalladii ay tolkiisa deganaayeen, markuu marayo meel sare oo buur ah oo u
dhow magaalladii ay deganaayeen tolkiisa, ayaa waxaa labadiisa indhood
dhexdooda fuulay Iftiin aad mooddo faynuus.
Dhufayl wuxuu Ilaah ka baryay inuu iftiinkanka yeello meel aan ahayn
wejiga, waayo wuxuu ka cabsaday in ay u maleeyaan tolkiisa ciqaab lagu
ciqaabayo ka dib markii uu ka tagay Diintii uu haystay markii hore. Iftiinkii
wuxuu u wareegay karbaash (jeedal) uu watay madaxiisa. Dhufayl markii uu yimi
magaalladii, ruuxii ugu horeeyay ee uu la kulmay wuxuu ahaa aabihiis, wuxuuna
ahaa odey waayeel ah. Dhufayl wuxuu ku yiri aabihiis "Isma sheeganno, waayoo
waxaan ahay Muslim". Markaa aabihii ayaa ku yiri wiilkiisa Dhufayl "Wiilkaygayow
anniga iyo adigu isku diin baynu nahay, halkaana ayuu aabihii ku soo Islaamay.
Dhufayl haddana wuxuu dacwada u bandhigay xaaskiisa iyo qabiilkii uu ka
dhashay ee reer Daws. Xaaskiisa iyadoo aan hakad gelin ayey qaadatay Islaamka,
inkastoo reerkiisu ay ku madax adeegeen marka laga reebo Abuu Hureyra (rc) oo
isagu qaatay islaamka. Dhufayl wax yar kaddib, wuxuu ku soo laabtay Rasuulka
(scw), isagoo sharaxaad iyo warbixinno uga bixiyay wixii uu kula kulmay
tolkiisa. Dhufayl wuxuu yiri "Waxaan imi magaallada Makka isagoo uu ila socdo
Abuu-Hureyra (rc).
Rasuulka (scw) ayaa wuxuu i weydiiyay wixii aan kala kulmay tolkayga,
waxaana ugu jawaabay " Quluub ad-adag iyo gaalnimo daran, waayo reer Daws
waxaa ka xoog batay faasiqinimo iyo Alle ku caasin". Intaa ka dib Rasuulka (scw)
wuu is taagay isagoo weysastay haddana wuu tukaday, dabadeedna wuxuu kor u
taagay labadiisa gacmood isagoo Ilaah baryaya. Dhufayl wuxuu yiri markaan
arkay wixii uu Rasuulka (scw) sameeyay ayaa waxaan u qaatay inuu Rasuulku (scw)
habaari doono tolkayga oo markaas la halaagayo. Hase yeeshee Rasuulku (scw)
wuxuu guda galay inuu u duceynayo reer Daws oo uu leeyahay "Ilaahoow hanuuni
reer Daws", saddex jeer ayuu ku celceliyay. Intaa kaa dib Rasuulku (scw)
wuxuu deymooday Dhufayl, wuxuuna ku yiri "Waxaad u laabataa tolkaaga, una
dhimri oo si fudud ugu sheeg diinta Islaamka".
Wixii intaa ka danbeeyay Dhufayl wuxuu joogay dhulkii Daws, halkaa oo uu
ka gudanayay Dacwadii Islaamka ilaa laga soo gaaro wakhtigii uu Rasuulku (scw)
u hijrooday Maddiina, ay dhaceyna dagaladii waaweynaa ee Badar, Uxud, Khandaq.
Waxaan u soo galay Rasuulka (scw), waxaana ila socotay siddeetan qoys oo reer
Daws oo islaamay, weliba islaamkoona wanaagsanaaday. Rasuulku (scw) aad ayuu
ugu farxay arrinkaas.
Markii uu Nebiga (scw) geeriyooday ka dib ee khaliifnimadii loo doortay
Abuubakar As-sadiiq waxa aan noqday mid adeeco oo naftiisa iyo seeftiisa u
dhiibay Abuubakar As-sadiiq, ka dibna waxaa dhacay dagaalkii riddooyinka (dadkii
diinta ka noqday), waxaana aan ahaa dadkii ugu horeeyay ee la dagaalama
Museylamatul-kadaab, balse marka uu marayo meel u dhow meesha lagu magacaabo
Yamaama, ayaa waxa uu arkay riyo, dabadeedna wuxuu asxaabtii uu la socday ku
yiri: "waan riyooday, waxaana doonayaa inaad ii fasirtaan riyadaas?!". Waxay
ku yiraahdeen maxaad aragtay?. Dhufayl, ayaa wuxuu yiri: "waa tan koowaade
waxaan ku riyooday annigoo madaxa la iga xiiray. Tan labaadna waxaa afkayga
ka soo baxay shimbir, tan saddexaadna waxaan arkay haweeneey caloosheeda i
gashatay!.
Ugu danbeyntiinna waxaan arkay wiilkayga Camar oo doonaya inuu igu soo
ordo oo uu ii yimaado, hase ahaatee ay dad na kala dhex galeen". Dadkii waxay
yiraahdeen oo keliya: "waa kheyr". Hase ahaatee, Dhufayl ayaa isku dayey inuu
fasiro riyadii. Wuxuu yiri, horta madaxa la iga xiiri doono waa iyadoo madaxa
la ii dheereyn doono oo la iga jarayo (dagaalka ku shahiidayo), shimbirka ka
soo baxay afkaygana waa annigoo shahiidi doona, haweentii caloosha i
gashatayna waa dhulka la igu aasi doonno, SIDAA DARTEED WAXAAN RAJEYNAYAA IN
AAN DAGAALKA KU SHAHIIDO, wiilkayga Camar ee xaggeyga soo aadeyna waa isagoo
doonaya SHAHAADO (inuu dagaalka ku dhinto), taasoo aan annigu u nasiib yeelan
doono marka hore haddii Alle idmo, laakiin Camar isagu gadaal danbe ayuu
shahaadada ka haleeli doonaa.
Haddaba, markay dhacday dirirtii Yamaama, wuxuu Dhufeyl goobtii dagaalka
ku soo bandhigay wacdarro lagu dayan karo, jeer uu ILAAH ka waafajiyo wixii
uu doonayay oo ahayd inuu jidka Alle ku dhinto. Hase yeeshee wiilkiisa Camar,
isaga kama noogin kii sii wada dagaalka, ilaa uu ka dhaawacmo, gacantiisa
midigna ka go’do. Intaa ka dib, Camar wuxuu ku soo laabtay magaaladii Madiina,
halka uu aabihiis Dhufeyl ku dhintay (shahiiday) dagaalkaas.
Xilligii khilaafada Cumar Binu Khadaab (rc) ayaa waxaa maalin Cumar u soo
galay Camar Binu Dhufayl, wax yar ka dibna waxaa fadhigii Cumar la keenay
cunto. Cumar wuxuu dadkii ugu yeeray inay wax kala cunaan cuntadii, hase
ahaatee waxaan aadin xeeradii cuntada Camar oo isagu meel cidla ah iska
fariistay. Cumar ayaa weydiiyay inay ugu xishoonayo iyadoo ay ugu wacan tahay
gacanta uu la’yahay awgeed iyo in kale?. Camar ayaa ugu jawaabay haa oo waa
runtaa amiirkii mu’miniintoow. Cumar Binu Khadaab ayaa ku dhaartay inuu ka
qayb qaato cunidda cuntada la keenay, isagoo yiri: "wallaahi nalama fadhiyo
ruux qaar ka mid ah jidhkiisu ay jiraan Jannada aan ka ahayn adiga", wuxuu ka
waday gacanta Camar Binu Dhufayl ee dagaalka uga go’day.
Haddaba, ugu danbeyntii Camar isna waxaa u danbeysay inuu helo wixii uu ku
yididdiilan jiray in muddo ah, taasoo ahayd inuu ku dhinto jihaadka asagoo
difaacaya jidka iyo diinta Alle (sw), wuxuu ku shahiiday dagaalkii Yarmuuk ee
dhacday sannadkii 15-aad ee hijriyada. Ilaah ha u naxariisto Camar, waayo
isna shahiid ayuu ahaa, aabihiisna shahiid ayuu ahaa
###
Qore: Ibraahim Saalax Aaden
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk |
Odense | Denmark
Daabacaad:
Isniin June 5, 2000