Sannadkii lixaad ee hijriyada wuxuu Rasuulka (scw)
go'aan ku qaatay inuu ballaariyo dadaalkii uu ugu jiray fidinta dacwada
islaamka, isagoo siddeed dhambaalood oo qoraal ah u kala diray boqorrada
carbeed iyo kuwa cajam-ba, wuxuuna dhambaaladiisa ugu yeeray boqorradaas
inay soo galaan diinta islaamka. Boqorradaas loo diray dhambaaladaas ayaa
waxaa ku jiray Thumaama Binu Uthaal Al-Xanafi. La yaab ma lahan inuu
Thumaama ka mid ahaa madaxda iyo boqorrada carbeed waqtigii jaahiliga ee
islaamka kahor. Wuxuu ka mid ahaa madaxda reer Banii Xaniifa, sidoo kale
wuxuu ka mid ahaa boqorrada reer Yamaama ee aan amarkooda marnaba la
khilaafin.
Wuxuu isku dayay dilka Rasuulka (scw)
Thumaama Binu Uthaal ma uusan aqbalin dhambaalkii uu u
soo diray Rasuulka (scw), isagoo iska dhega-tiray dacwadii xaqa iyo kheyrka
xanbaarsanayd. Taasi waxaa kaba sii darneyd, isagoo sheydaanka uu tusay
inuu isku dayo dilka Rasuulka (scw), iyo si uu wiiqo dacwadii uu Rasuulka (scw)
xanbaarsanaa. Wuxuu Thumaama u kuur-galay sidii uu uga takhallusi lahaa
Rasuulka (scw) hadduusan si kedo ah uga badbaadeen. Eebbe (sw) ayaa
Nebigiisa ka badbaadiyay shartii uu la maagay Thumaama.
Hase ahaatee, Thumaama Binu Uthaal haddii uusan ku
guuleysan dilka Rasuulka (scw), waxaa hubaal ah inuu ku guuleystay jirdilka
iyo dhibaateynta qaar ka mid ah asxaabtii Rasuulka (scw). Wuxuu Thumaama u
tafa xeetay leynta saxaabada jeer uu sabab ugu noqdo inuu laayo qaar ka mid
ah asxaabtaas, dhinaca kale wuxuu banneeyay dilka Rasuulka (scw), isagoo
arrinkaasna ogeysiiyay qabiilkiisa reer Banii Xaniifa.
Safarkiisii Makka
Waqi badan kama soo wareegan, jeer uu maalintii danbe
Thumaama Binu Uthaal go'aansaday inuu u kicitimo Makka, isagoo doonaya inuu
soo cimreysto. Wuxuu Thumaama ka anbabaxay gobolkii Yamaama, isagoo ku sii
jeeda xagga magaallada Makka, wuxuuna naftiisa ugu sheekeenayay inuu ku soo
dawaafi doono hareeraha Kacbada iyo inuu u gowrici doono asnaamtii ku
hareersanayd Kacbada.
Wuxuu gacanta u galay muslimiinta
Goor uu Thumaama ku jiro socdaalkiisa, uuna u dhow yahay
magaallada Madiina ayaa waxaa isagoo aan filanaynin ku soo baxay koox
ilaalo ah. Ilaaladaas oo ka mid ahaa ilaaladii ciidamada muslimiinta waxay
watigaas ku gaaf wareeganayeen degmooyinka ku dhow dhow magaallada Madiina,
si ay uga hortagaan haddii uu cadow magaallada soo galo. Waxay ilaaladii
soo kaxeysteen Thumaama Binu Uthaal, weliba iyagoo aan aqoon u lahayn ninka
ay soo qafaasheen. Markii ay yimaadeen Madiina, waxay Thumaama ku xireen
mid ka mid ah tiirarkii masjidka, dabadeedna waxay la sugeen Rasuulka (scw),
bal si uu go’aan uga gaaro arrinkiisa.
Markii uu yimid Rasuulka (scw) masjidka, uuna damcay
inuu soo galo gudaha masjidka ayaa waxay indhihiisa qabteen Thumaama Binu
Uthaal oo ku xiran mid ka mid ah tiirarka masjidka. Rasuulka (scw) wuxuu
weydiiyay asxaabtiisa “ma taqaanaan ninka aad soo qabateen?”. Asxaabtii
waxay yiraahdeen “maya Rasuulkii Allow”. Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri “waa
Thumaama Binu Uthaal ee ahaa reer Banii Xaniifa, ee wanaajiya la
dhaqankiisa”. Intaa kadib, wuxuu Rasuulka (scw) u laabtay reerkiisa, isagoo
ku yiri “soo aruuriya wixii cunto ah ee aad haysaan, waxaadna u geysaan
Thumaama Binu Uthaal”.
Maamuusiddii Rasuulka (scw) ee Thumaama
Dhinaca kale, wuxuu Rasuulka (scw) amray in hashiisa
looga liso Thumaama subixii iyo galabtii, loona geeyo si uu dhamo caanahaas.
Maamuusiddaas iyo wanaaggaas uu Rasuulka (scw) u qaddimayo Thumaama waxay
dhacday kahor intuusan xabiibka Suubbanaha Rasuulka (scw) la kulmin ama
uusan la hadlin Thumaama bin Uthaal. Intaa dabadeed, wuxuu Rasuulka (scw)
soo aaday xaggii Thumaama, isagoo doonaya inuu si tartiib ahaan uu u soo
geliyo diinta islaamka. Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri Thumaama: “maxaad
haysaa Thumaamow?”. Thumaama wuxuu yiri “waxaan hayaa kheyr Muxammadow..,
haddaad dishid waxaad dishay nin dhiig idinka galay, haddaad gallad
sameysid-na waxaad ku galladaysatay qof kugu mahadinaya, haddiise aad
doonaysid maal, weydiiso intaad doontid ayaa lagaa siin’e’’. Wuu isaga
tagay Rasuulka (scw), isagoo Thumaama ku xirnaa tiirkiisa labo maalmood,
halkaasna loogu geynayo cuntada iyo cabbitaanka, loogana soo lisayo hashii
Rasuulka (scw). Maalintii danbe ayuu Rasuulka (scw) u yimid Thumaama,
wuxuuna markale ku yiri “maxaad haysaa Thumaamow?”. Thumaama wuxuu yiri, ma
hayo waxaan ka ahayn hadalkii aan horey kuugu iri, haddaad gallad sameysid
waxaad ku galladaysatay qof kugu mahadinaya, haddaad dishid waxaad dishay
nin dhiig idinka galay, haddiise aad daanaysid maal, weydiiso intaad
doontid ayaa lagaa siin’e..
Haddana, sidii oo kale ayuu isaga tagay Rasuulka (scw),
jeer uu misna markale u yimid, isagoo ku leh “maxaad haysaa Thumaamow?”.
Wuxuu yiri: “hadalkii hore un baan hayaa.., haddaad gallad sameysid waxaad
ku galladaysatay qof kugu mahadinaya, haddaad dishid waxaad dishay qof
dhiig idinka galay, haddiise aad doonaysid maal, weydiiso intaad doontid
ayaa lagaa siin’e”. Intaa ka dib, wuxuu Rasuulka (scw) jaleecay asxaabtiisa,
wuxuuna ku yiri “iska sii daaya Thumaama..”. Asxaabtii waxay xargaha ka
fureen Thumaama, dabadeedna sidii ayeey ku sii daayeen..
Way saameesay wuuna soo islaamay
Thumaama waxaa saameysay dabci wanaaggii iyo naxariistii
Rasuulka (scw). Thumaama Binu Uthaal wuxuu ka dhaqaaqay masjidkii Rasuulka
(scw), wuu sii socday jeer uu ka gaaray meesha loo yaqaano “Nakhl” una dhow
magaallada Madiina, wuxuu yimid meel balli biyood ah, wuxuu ratigiisii ku
xirtay toggii biyaha, dabadeedna biyihii ayuu isku daahiriyay, kadibna
wuxuu u laabtay masjidkii Rasuulka (scw). Maba uusan iman goob ay ka
buuxaan koox muslimiinta ka mid ah, jeer uu goobtii ka qiray shahaadada,
wuxuuna yiri “waxaan qirayaa inuu jiro Allaha xaqa ah, waxan kaloo qirayaa
Muxammad inuu yahay addoonkiii iyo adeegihii Alle (sw)”, dabadeedna wuxuu
aaday Rasuulka (scw) isagoo ku yiri: “Muxammadow, wallaahi ayaan ku
dhaartaye ma jirin qof saaran dunida guudkeeda aan adiga kaa necbaa, hase
ahaatee hadda wejigaaga wuxuu noqday wejiyada oo dhan kan aan ugu jeclahay.
Wallaahi ayaan ku dhaartaye ma jirin diin aan ka necbaa diintaada, haddase
diintaada waxaan ka jeclahay diimaha dhammaantood . Wallaahi ayaan ku
dhaartaye ma jirin magaallo aan ka necbaa magaalladaada, haddase
magaalladaada ayaan ka jeclahay magaalooyinka oo idil” Dabadeedna wuxuu
intaa Thumaama raaciyay “waxaan asxaabtaada ka galay dhiig oo waxaan
asxaabtaada ka laayay rag badan, ee maxaa igu waajibaya inaan sameeyo?”.
Wuxuu yiri Rasuulka (scw) isagoo tilmaamaya samaaxada diintaan ay leedahay
“korkaaga cannaan ma ahaanin Thumaamow, Islaamku wuxuu jaraa oo tirtiraa
wixii denbi ee hore”, wuxuuna ugu bishaareeyay kheyrka iyo wanaagga uu
Eebbe (sw) u qoray islaamnimadiisa awgeed. Waxaa farxad awgeed fur-furantay
wejigii Thumaama Binu Uthaal, wuxuuna ku yiri Rasuulka: “wallaahi ayaan ku
dhaartaye inaan mushrikiinta ka leyn doono labo-laabyo intii aan ka laayay
asxaabtaada, dhinaca kale waxaan naftayda iyo seeftayda iyo cidda ila
socotaba aan yeelayaa gargaarkaaga iyo u gargaarka diintaada”, wuxuu kaloo
intaa ku daray “Rasuulkii Allow fardoollaydaada ayaa dhexda iga qabsatay
annigoo doonaya inaan soo cumreysto, ee maxaad igula talinaysaa inaan
sameeyo?”.
Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri Thumaama “u kac gudashada
cumradii aad u socotay, hase ahaatee waa inaad u gudataa sida waafaqsan
shareecadda Alle iyo Rasuulkiisa”, isagoo barayna qaabka loo guto acmaasha
cumrada. Thumaama ayaa u jiheestay magaallada Makka, isagoo doonayaa inuu
soo cumreysto. Wuxuu istaagay bartamaha magaallada Makka, isagoo si sare
codkiisa ugu qaadaya oraahda talbiyadda cumrada, isla markaasna leh
“Labbay-ka-allaahuma Labbay-ka, Labbay-ka Laa Shariika Laka, Innal-Xamda
Wannicmata Laka Wal-Mulk, Laa Shariika Laka..”taasoo macnaheedu yahay
Ilaahayow adiga unbaan ku ajiibay oo ku aqbalay, waan ku ajiibay oo ma
lihid Ilaah lagula wadaajiyo cibaadada, Mahadi iyo Gallad adigaa leh iyo
boqortooyaba, Mana lihid Alle lagula wadaajiyo cibaadada.
Muslimkii ugu horeeyay ee gala Makka isagoo gudanaya
cumrada
Thumaama Binu Uthaal Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu
ahaa muslimkii ugu horeeyay ee gala magaallada Makka, isagoo talbiyeysanaya.
Markii ay qureysh maqleen dhawaaqii Thumaama ayaa waxay hal mar ku soo
qamaameen xaggiisa, iyagoo aad uga careysan falka Thumaama. Waxay la soo
baxeen seefahooda, iyagoo soo aadayna dhinacii ka soo yeerayay dhawaaqii
Thumaama, si ay u qabtaan ninkan ugu soo galay buulkoodii ama goobtii ay
degganaayeen. Codkii Thumaama wuxuu cirka isku sii shareeray markii ay u
soo dhowaadeen oo ay u yimaadeen qureysh, weliba isagoo si geesnimo ku
jirto u eegayo xaggooda. Mid ka mid ah dhalinyaradii qureysh ayaa damcay
inuu ku dilo Thumaama seeftiisa, hase ahaatee tolkiisa ayaa qabtay, iyagoo
ku yiri “war miyaadan aqoonin ninka aad u fa-fakanaysid, waa Thumaama Binu
Uthaal ee ahaa boqorkii Yamaama, wallaahi haddaad u geysatid dhibaato waxaa
hubaal ah inuu naga jarayo sahaydii aynu heli jirnay, dabadeedna gaajo
ayeeynu u dhimanaynaa”. Intaa kadib, qureysh waxay aadeen xaggii Thumaama
kadib markay seefahoodii ku cesheen galalkii ay ku jireen, waxayna ku
yiraahdeen “ma waxaad ka baxday diintaadii iyo diintii ay haysteen
aabayaashaadii hore”. Thumaama wuxuu yiri “kama tegin diintayda, hase
ahaatee waxaan raacay diin tan ugu kheyrka badan..., waxaan raacay diintii
Nebi Muxammad”, wuxuuna intaa ku daray “Rabbiga kacbadan leh ayaan ku
dhaaranayaaye inaydan idin soo gaari doonin kadib markaan ku laabto Yamaama
kheyraatka Yamaama ka yimaada jeer uu kiina ugu danbeeya ka raaco Nebi
Muxammad” .
Cunaqbatayntii uu Thumaama ku soo rogay qureysh
Thumaama Binu Uthaal siduu Rasuulka (scw) u amrayba
wuxuu cumreystay iyadoo ay arkayaan qureysh. U dhowaanshaha Alle awgeed
ayuu u gawracay, oo ma uusan u gowracin sanamyadii ku yiilay hareeraha
kacbada. Thumaama wuxuu ku soo laabtay magaalladiisa, wuxuuna tolkiisa
amray in sahayda ay ka joojiyaan qureysh, sidiina ayeeyna ugu hoggaansameen
amarkiisa, oo Thumaama wuxuu cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogay qureyshtii
degganayd Makka. Qureysh waxay u adkeysan waayeen cunaqabatayntii uu ku soo
rogay Thumaama Binu Uthaal, waxayna cunaqabatayntii u keentay sicir-barar,
iyo iyadoo gaajadii iyo abaartii ay ku faaftay dadkii degganaa Makka iyo
nawaaxigeeda, jeer ay u cabsadeen naftooda iyo caruurtooda inay u dhintaan
gaajo awgeed.
Waxay u dacwoodeen Rasuulka (scw)
Markay arrintu halkaas mareyso, waxay gaalladii qureysh
u cawdeen oo u qoreen Rasuulka (scw), iyagoo ku leh “waxaan kaaga baranay
inaad xiriirisid qaraabada, dadkana aad ku boorrisid xiriirka qaraabada..,
waa kan oo waxaad goysay qaraabadeena, waxaad waalidiintii ku laysay
seefaha, caruurtiina waxaad ku laysay gaajo. Thumaama Binu Uthaal wuxuu
naga gooyay sahaydeenii, oo wuu na dhibaateeyay, haddii aad u qoraysid
qoraal aad ugu sheegaysid inuu noo soo celiyo sahaydii aan heli jirnay
fadlan samee”. Rasuulka (scw) wuxuu warqad u diray Thumaama, isagoo farayna
inuu ka qaado cunaqabatayntii uu ku soo rogay qureysh, sidiina ayuu
Thumaama u fuliyay amarkii Rasuulka (scw).
Intaa wixii ka danbeeyay, Thumaama Binu Uthaal intuu
noolaa oo dhan wuxuu ahaa kii u hoggaansama diinta, aadna u ilaaliya oo
fuliya ballamihii Nebiga (scw). Markii uu Rasuulka (scw) la kulmay Allihii
sarreeyay, uuna geeriyooday, markaasna ay carabtii billaabeen inay isaga
laabtaan diinta iyagoo koox-koox ah, ayaa istaagay Musaylamata Al-kadaab
kana dhashay qabiilka reer Banii Xaniifa isagoo dadka ugu yeeray inay isaga
rumeeyaan. Haddaba, waxaa istaagay Thumaama Binu Uthaal, isagoo tolkiisa u
digaya kuna oranaya “reer Banii Xaniifow waxaan idiinkaga digayaa arrinkan
mugdiga leh ee aan lahayn iftiinka. Wallaahi ayaan ku dhaartaye waxay
ayaan-darro haysataa qofkii rumeeya Musaylamata, dhinaca kale waa imtixaan
lagu eegayo qofkii aan isaga rumeyn”, wuxuu kaloo Thumaama tolkiisa ku yiri
“Reer Banii Xaniifow waxaa hubaal ah inayan labi nebi wada kulmi karin hal
waqti, Nebi Muxammad waa Rasuulkii Alle mana ka danbeeyo gadaashiis Nebi
kale, mana jiraan nebi lala wadaajiyo isaga nebinimada, dabadeedna wuxuu
aqriyay billoowga suuradda Qhaafir ee uu Eebbe (sw) ku leeyahay:
“Xaamiim (oo ka mid ah ereyada mucjisooyinka ku tusinaya,
Alle ayaa og macnaha loola jeedo), soo dejinta kitaabka waxay ka ahaatay
Allaha casiiska ah ee og wax walba. Waa Allaha dhaafa denbiga, aqbalana
towbadda ayna ciqaabtiisu daran tahay ee leh nimcada badan Ilaah kale aan
isaga ahayn ma jiro, xaggiisana ayaa loo noqon.”. Isagoo Thumaama is
barbardhigayo hadalkaas Eebbe (sw) leeyahay, iyo hadalka ninka sheeganayo
in isna lagu soo dejiyay aayado qur’aan ah. Thumaama wuxuu yiri ma hadalkii
Eebbe (sw) ayaa lala barbardhigi karaa hadalka Musaylamata uu ku leeyahay “
rahow iska ciy, cabbitaana ma diidi kartid, biyahana ma wasakhayn kartid”.
Intaa kadib wuxuu Thumaama gooni ula baxay intii diinta islaamka ku hartay,
ee ka mid ahaa tolkiisa. Way tageen iyagoo si jidka Alle ula dagaalamaya
dadkii ka riddoobay diinta, iyagoo sidaas u sameenayayna si kalimadda Alle
ay u kor ugu noqoto dunida.
Ilaah ha kaga abaaliyo Thumaama Binu Uthaal islaamka iyo muslimiinta
kheyr, hana ku maamuuso Jannadii uu Eebbe (sw) u yaboohay kuwa Alle ka
cabsada, intaana waxaa ku dhammaatay sheekadii Allaha u naxariistee
Thumaama Binu Uthaal.