Dib u eegista Taariikhda Soomaaliya: Dr. Saadiq Eenow - Qaybta: 3aad
Taariikhdaada marka aad taqaanid ayaad hore u socon kastaa....
- SomaliTalk.com | August 5, 2010
Qaybtan
waxa ay ku saabsan tahay Taariikhda Soomaaliya xilligii bilowgii Islaamku soo
gaarey Soomaaliya iyo safaradii ay Soomaaaliya ku yimaadeen bad-mareenadii
Carbeed iyo bad-mareenadii Muslimiinta ahaa. Waxa kale oo Sheikh Saadiq
Eenow kaga warbixinayaa jidkii ganacsiga ee loo aqoonjirey Wadadii Xariirta
ahayd taas oo isku xiriirin jirey ganacsiga Yurubta Koonfureed ilaa Shiinaha,
wadadaas oo mari jirey Soomaaliya. Arrimahaas oo dhammaantood muujinaya in
dhulka iyo dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo leh taariikh facweyn, ayna xiriir
la lahaayeen xadaaradihii adduunka soo maray.
Taariikhdaas oo cod ah; oo uu tebinayo Dr. Saadiq Eenow:
Taariikhdaas Soomaaliya iyo tixraacyo dheeraad ah ka akhri hoos:
IQRA (5tii ayadood ee u horeeyey Quraanka)
Nebi Muxammad (Nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee (NNKH)) oo ku
nool dhul saxara ah oo ka fog xadaaradda, dadkuna aysan wax akhrin, Nebiguna wax
akhrin ayaa Allah ku soo dejiyey shan (5) Aayadood oo ay ugu horayso IQRA
(AKHRI) isagoo joogey godkii Qaaru Xiraa oo ku yaal buurta Jabalu Nuur oo u dhaw
Makko.
"Markii si xeeldheer loogu kuurgalay akhbaaraha taariikhdaan kusoo
arooray waxaa suurta gashay in lagu jaangooyo maalinkaas waxyigu soo dagay
inuu yahay maalintii Isniinta ee bisha Ramadaan ahayd 21 waqti habayn ah,
waxayna waafaqsan tahay tobanka bisha August sanadka 610 ciise dabadi
(10/8/610-kii ciise dabadi), cimrigii Nebiguna NNKH wuxuu maalintaas ku
xaddadan yahay 40-sano oo dayax ah, lix bilood iyo 12-maalmood, taasoo u
dhiganta 39-sano oo qorrax ah, sadex bilood iyo 12-maalmood." Tixraac
qormadii Sheikh Sancaani ee
Silsiladda Taariikhda
Islaamka.
Ayadahii u horeeyey Quraanka oo ku bilaabatay AKHRI, waxay tilmaamaysa
mucjisada Qur'aanka, maadaama horumar kasta oo dunida waxa lagu gaaraa ay tahay
wax akhrinta.
Aayaddu waxay xoojisey "Wax ku akhri magaca Allah" taas oo daliil u ah haddii
aad Allah ka tagtid aqoontaasi waxay noqonaysaa Aqoontii uu Nebigu NNKH
yiri: Allahayow waxaan kaa magan geliyaa cilmi aan wax nafac ah lahayn.
- Magaca Allah yaan ku bilaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista:
- 1. Wax ku akhri (Nabiyow) Magaca Eebbe ee abuuray (khalqiga). 2. Dadkana ka
abuuray Calaq. 3. Akhri Eebena waa kan Sharafta lehe. 4. Ee Dadka baray sida
Qalinka wax loogu qoro. 5. Dadkana baray waxayna aqoonin. (Suurad 96:1-5).
Islaamku waxa uu la yimid xadaarad iyo Ilbaxnimo, maadaama Aayaddii u
horaysay ay tahay AKHRI, waxaa Nebi Muxammed NNKH uu muddo 13 sano ah magaalada Makka ka
waday dacwad ku salaysan IQRA. Kaddib waxa uu u gudbey Madiina oo uu dacwaddii
ka sii wadey 10 sano oo kale, taas oo gaartay guud ahaan jasiirada Carabta.
Maalintii Allah soo dejiyey IQRA kaddib 200 sano (laba qarni) waxaa ilbxanimadii
Adduunka ku wareegtey oo gacanta ku hayey dadkii Muslimiinta ahaa.
Xadaaradii Islaamku meelihii ay ugu xoog weyneyd.
Xilligii Khaliifadii al-Ma'mun (oo ahaa wiilkii Harun al-Rashid)
waxa uu dalbaday in loo keeno wixii kutub/buugaag iyo qoraal adduunka yiil. Markii loo
keenay waxa uu yiri kulligood hala tarjumo isagoo adeegsanayey Gurigii Xigmadda. Ilbaxnimada, aragtida iyo hanka
intaas gaaray ayaa Islaamkii la yimid. Xilligaas waxa uu ahaa xilligii Dahabiga
ahaa ee Islaamka, waa bartamihii qarnigii 8-aad ilaa Qarnigii 13aad AD (Islamic
Renaissance /Islamic
Golden Age).
Gurigii
Xigmadda (House of Wisdom
/ بيت الحكمة) waxaa asalkii asaasay Harun al-Rashid
oo ahaa khaliifkii Cabaasiyiinta,
gurigaas oo noqday machad meeshii ugu saraysa gaarey intii u dhaxaysay 813–833 oo
ahayd xilligii uu khilaafadda hayey wiilkiisii al-Ma'mun. Guriga xigmadda
oo xaruntiisu ahayd magaalada Baqdaad, waxana xaruntaasi hirgelisey in luqadda
Carabiga lagu tarjumo dhammaan cilmigii markaas jirey oo dhan oo laga soo
qaadanayey buugaagtii iyo culuumtii kale ee jirtey. Baqdaad waxay noqotay
magaalada ugu camiran adduunka xag kasta.
Xilligii Khaliifatul al-Ma'mun waxaa Guriga Xigmaddu noqday meesha Adduunka
looga soo raadsado cilmiga, sida Xisaabta, cilmiga xiddigiska, daawada,
juquraafiga, kimisteriga iwm. Aqoonyahanadii ka tirsanaa Guriga Xigmadda waxaa
ka mid ahaa Aabahii xisaabta Algebra oo ahaa Muhammad ibn Musa al-Khwarizmi,
oo sannadkii 820 AD qoray buugga Kitab Al-Jabra, buuggaas oo ah kan laga qaatay
xisaabta Aljabrada ee adduunka hadda laga adeegsado.
Ayaddii IQRA kaddib Islaamkii ayaa la wareegey xadaaraddii Adduunka.
Islaamku waxa uu Soomaaliya soo gaarey xilligii quruurntii barakaysnaa kuwoodii ugu
horeeyey, hijradoodii ugu horeeyey markii ay asxaabtii ka soo haajireen
dhibaatadii ay qureyshi ku hayeen oo ay soo aadeen dhulka Xabasha meeshii ugu horeysey
ee ay soo mareen waxaa lagu qiyaasayaa meesha baddu isaga dhowdahay oo ah dhul
Soomaaliyeed (sida Saylac ama Jabuuti).
Saxaabada la tuhmayo in ay Soomaaliya yimaadeen waxaa ka mid ah Abuu Muusa Al
Ashcari iyo Cali ibnu Daalib (radiyallahu canhumaa). Waxa kale oo jirey xilligii
Cabdul-Malik ibnu Marwaan waxa uu ciidan u soo diray dad Muslimiin ah oo
deganaa Koonfurta Soomaaliya oo diidey in ay sakada in ay bixiyaan, markii ay yimadeen
ciidankaasi si rasmi ah ayey halkaas u degeen, mana laaban, waxaana la
qiyaasayaa in dadka Soomaaliyeed ee midabkoodu cadyahay ee deggan Koonfurta
Soomaaliya in ay ka soo jeedaan dhacdadaas dadkii la socdey.
Bad-mareenadii Carbeed ee yimid Soomaaliya
Islaamkii markii uu hana qaaday waxaa dhacday in Carabtii ilbaxa ahayd ay aad
u daneeyaan Soomaaliya. Waxaana markaas Soomaaliya yimid dal-mareeno badan oo
Carbeed ama Muslimiin ah, kuwaas oo qoraallo ka sameeyey Soomaaliya. Dal-mareenadaas iyo taariikhihii ay yimaadeen Soomaaliya waxaa ka mid ahaa:
Al-Yaqubi (Qarnigii 9aad ciise dabadii). Al-Mas'udi (933), Al-Istakhri
(960), Ibnu Hawgal (977), Al-Barruni (1030), Al-i-drissi (1154), Yaqut (1229),
Ibna Battuta (1331), Al-Harruni (1334), Ibn-Said (1344).
Bad-mareenada Carbeed ee imanayey Soomaaliya waxay muujinaysaa in Soomaalidu
yihiin dad taariikh leh oo dhulkooda ay xiisaynayeen.
Ibnu Batuuta (oo ahaa nin Muslim ah oo ah reer Moroccan dadka loo
yaqaan Berberiga, oo ahaa bad-mareen iyo sahamiye adduunka ku safri jirey)
markii uu yimid Muqdisho sannadkii 1331 waxa uu ka qoray hadalkan:
"Muqdisho waa magaalo baaxad ahaan aad u weyn oo aan la soo koobi karin.
Dadkeedu waxay leeyihiin Geel farabadan oo ay maalinkasta qashaan boqollaal,
waxa kale oo ay leeyihiin ido farabadan. Dadkeedu waa dad aad ugu wanaagsan
ganacsiga. Waa magaalo lagu farsameeyo dharka loogu magac daray magaalada,
kuwaas oo aysan jirin cid kula tartamaysa, waxaana loo dhoofiyaa ilaa Masar iyo
meelo kale."
Safarkii Zheng He ee Soomaaliya
Dadkii kale oo ahaa dal-mareenada Muslimiinta ee yimid Soomaaliya waxaa ka
mid ahaa Zheng He oo ka soo jeedey dalka Shiinaha gobolka hadda loo
yaqaan Yunnan. Safarkiisii u horeeyey Zheng He waxa uu booqday magaalooyin
badan oo xeebaha Soomaaliya oo ay ku jirtey Muqdisho, Baraawe iyo Kismaayo.
Waxaana jirta Tuulo u dhaw Kismaayo ee aagga webiga Jubba oo loogu magac daray
bad-mareenkaas Zheng He.
Taariikhdu waxay xustaa markii uu Soomaaliya ka laabtay waxyabihii ugu
xiisaha badnaa ee uu 1415 kala laabtay waxaa kamid ahaa Geri. Waxaana lagu
tilmaamay dhammaan waxyaabihii uu safarka kala soo laabtay wixii ugu xiisaha ama
qiimaha badnaa in uu ahaa Geriga uu kala yimid Soomaaliya, Gerigaas oo lagu
xusay buugaag farabadan.
Zheng He maraakiibtii uu safarka ku geli jirey waxaa taariikhdu xustaa in ay
aad u baaxad weynayeen. Si aad u aragtid baaxadda maraakiibtii Zheng He waxaad
booqan kartaa Mall-ka "Ibnu Battuta Mall" oo ku yaal Dubai, halkaas oo lagu soo
dhig markab kamida maraakiibtii Zheng He oo la barbar dhigayo markabkii
Christopher Columbus kaga gudbey badweynta Atlantic sannadkii 1492
safarkiisii uu ku tegey qaarada Ameerika, taas oo muujinaysa in markabka Zheng
He uu aad uga baaxad weyn yahay.
Zheng He waalidkiis oo Muslimiin ahaa waxay u bixiyeen magaca "Ma Ho" oo Afka
Shiinaha ku ah Muxammad. Aabihiis iyo awgiisba waxay ahaayeen Muslimiin, waxayna
tageen Xajka. Arrintaas oo wiilkii yaraa ee Zheng He ku dhalisay in uu maalin
uun sidaas oo kale uu safar dheer u galo. Intii uu nolaa Zheng He waxa uu tegey
Xajka (Makka) iyo Madiina. Waxaa jira meelo badan oo loogu magac daray
magaciisii loo aqoon jirey xilligii uu carruurta ahaa oo ah Sanbao (oo
macnaheedu yahay saddexddexdii qaniimadood), waxaana goobahaas loogu magac daray ku yaaliin Thailand, Malaysia iyo Indonsia.
Waxa kale oo taariikhdu xustaa in xiriir wanaagsan ka dhexeeyo Soomaalida iyo
Muslimiinta Shiinaha, xiriirkaas oo soo bilowday xilligii Zheng He, xiriirkaas
oo la tilmaamo in uu weli jiro.
Taariikhahaas ay bad-mareenada Muslimiintu ku imanayeen dhulka Soomaaliyeed
waxay muujinayaan in Soomaalidu tahay dad leh taariikh aad u facweyn oo aysan
ahayn dad dhawaan dhulka soo degey. Waxa kale oo ay tilmkaamaysaa in Soomaalidu
yihiin tan xadaarad leh, sida Muqdisho oo ay ku oolaayeen wershedo, lagana
dhoofin jirey alaabada ay kamid yihiin dharka lagu sameeyo Soomaaliya.
Wadadii Xariirta (Silk Road) oo mari jirtey Soomaaliya
Socdaalladaas Carabta iyo Muslimiinta kale waxaa garab socdey taariikh
looyaqaan "Wadadii Xariirta" (Silk Road) oo ah waddo ganacsi oo isku xiri jirtey
Yurubta Koonfureed ilaa Shiinaha. Magaca wadadaas oo asal ahaan ka soo jeeda
ganancsi aad u kobcay oo ahaa Shiinaha oo ka ganacsan jirey Xariirta wadadii ay
marin jireen. Wadadaas waxyaabihii lagu safrin jirey waxaa kamid ahaa waxyaabaha cuntada
lagu macaaniyo ama lagu udgiyo oo ay reer Yurub danaynayeen, waxaana alaabtaas
laga keeni jirey bariga fog ilaa Shiinaha.
Haddaba waddadaas Silk Road meelaha ay marijirey waxaa kamid ahaa Soomaaliya.
Marka guud ahaan laga hadlo meelaha dariiqaasi marijirey, oo isku jira bad iyo
berri waxay ahaayeen: Koonfur Europe ilaa uu sii maro Arabian Peninsula,
Somalia, Egypt, Iran, Pakistan, India, Bangladesh, Java-Indonesia, iyo Vietnam
ilaa uu gaaro China.
Qormadii hore waxaan kusoo aragnay in Soomaaliya loo aqoon jirey "Dhulkii
Qorfaha" oo ay u aqoonjireey Giriiggii hore & Roomankii oo
Soomaaliya ka qaadan jirey qorfaha. Arrimahaas oo dhan waxay caddayn u yihiin taariikhda
facaweyn ah
ee dhulka iyo dadka Soomaaliyeed oo weligood xiriir la lahaa xadaaradihii iyo
ganacsiyadii adduunka soo maray ilaa haddana ay Soomaalidu yihiin dad ganacsiga
aad ugu wanaagsan oo firfircoon. (Taariikhdaada marka aad taqaanid ayaad hore u socon kastaa....)
La soco Qaybta 3aad.... (Akhri Qaybtii hore)
Dr. Saadiq Enow, waa taariikhyahan, qoraa, dhakhtar iyo macallin
Soomaaliyeed. Waxaana lagala xiriiri karaa Email:
enow2@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | August 5, 2010
Tixraac:
Isha sawirada qaar: Wikipedia.org & Google images
|