SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK- MAQAAL

 MA DHIMAN MANA NOOLI!

(Waano ku socota Soomaalida geysata ilmahooda Xanaanada) 

C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com

Waa qaracan iyo wax laga naxo. Waa dhibaato hor leh oo naga haysata badweyntan aanu soo galnay anagoon dabaal joogta aqoon. Waa ubaxii aanu la soo cararnay si aanu ugu beerno meel indhahayaga barwaaqo noogu suureeyeen, laakiin aan la gaari Karin biyaheeda iyo baadkeeda toona. Waa warqad joogta ah, telefoon joogta ah iyo canaan joogta ha: Subaxii kalah oo shaqa tag? Ciyaalkana yaa haynaya? Ugasoo tag aabahood. Aabe ma joogo! Aabe waan kala tagnay! Aabe lama yaqaan! Aabe waa aalkuliste! Aabe waa kheyru mas’uul!. Subaxii kalah oo shaqa tag? Ciyaalkana yaa haynaya? Uga soo tag Hooyadood. Hooyo adiguna aad iskool oo baro afka! Carruurtana yaan uga tagaa? Ugee ayooyadood. Ayeeyo orodoo Afka soo baro ama maalin walba iskaa wax u qabso ku soo shaqee. Ilmahana yaa haynaya? Dhib ma leh ee Xanaana geeya!. Lacag aan isaga bixino ma haysano? Waa bilaash ee dhib ma leh ee carruurta geeya Xanaanada, hana ka baqin waa meel nabad ah oo carruurta u roon!. 

Walaalayaal, Soomaaliyey, weliba kuwa qurbaha ku noolow aanu boodhka iska jafno oo carruurteena ka ilaalino dhibta iyo mashaakilka aynaan garaneyn ee aanu anagu soo doonanay. Ogaada in hal qof oo keliya uu bedeli karo buishada caqliga leh ee qadarisa waxqabadka iyo fikirka wanaagsan ee uu la yimaado mid iyaga ka mid ah iyagoon eegeyn Reerkuu yahay, Qabiilkuu ka dhashay, Cilmiguu yaqaan iyo siduu u egyahaytoona. La socda in dhib oo dhami ay anaga naga timid: Isma ogolin, wax mawada qabsan karno, waanu isku xajiimoonaa, mid waliba ka kale ayuu u fiirsadaa oo arkaa, ma aragno dhibka na haysta ee waxaanu aragnaa dhibka dadka kale haysta, beel waliba dadkeedaa libaax ah oo kuwa kale waa sagaaro iwm. Haddii xaajadu sidaa tahay maxaynu u tari kartaa dhalaanka yar-yar ee nooiga baahan mustaqbal, talo iyo tusaale, waxtar iyo u googol xaarin waxay ku faanaan oo ay ka sheekeeyaan in awoowayaashood ay u sameeyeen nolol iyo mustaqbal wanaagsan. 

Walaalayaal waxaad ogtihiin in anaga awoowayaasheen ay noo qabteen waxaanu maanta ku faananao oo ah diin, af, dhaqan iyo dal. Waa kuwii ka xoreeyey wadanka gumeystihii xooga weynaa iyagoo isticmaalaya dhagxaan, fallaar iyo ulo. Maxaa maanta na haysta ee aanu isaga celin la’nahay Dagaal Oogayaasha meel walba nagu gumaaday, nagu kufsaday, na geeyey dhulka dhibtu naga haysato, naga dhaariyey inaanu yeelano dowlad, nabad ku noolaasho iyo deris wanaag. Dhibku iyaga maaha ee waa anaga. Goormaanu iska deyn doonaa, walaalayaal, khayaali ku noolaadka iyo anagaa beri sidaa ahaan jirey. Goormaanu, walaalayaal, dareeymeynaa inaanu wax qabsano oo iska deyno in qof kale wax noo qabto, in dowlad kale wax noo qabato, in rajo been ah la dhowro iyo in aanu iska deyno ku faanka iyo amaanka qof kale oo ehelkeen ah wuxuu qabsaday. 

:::DENMARK:::

DENMARK: 5 JIR SOOMAALIYEED OO LAGU FARAXUMEEYAY XANAANADUU DHIGANAYAY

Markii aan ka akhriyey bogga Somalitalk qoraalkii ku saabsanaa wiilkii yaraa ee la fara xumeeyey Halkan ka akhri ayaa waxaan aad u dhibsaday dhibaatadii soo gaartay qoyska Soomaaliyeed ee laga fara xumeeyey wiilkoodii joogay xanaanada. Waxaan muddo badan ka shaqaynayey Xanaanada ugu weyn Gobolka Minnesota oo ka kooban ilaa iyo 11 iskool. Waxaa ay Soomaalidu ka tahay Qowmiyada 3-aad ee ugu badan marka laga reebo Mareykanka iyo Isbaanishka. Walaalayaal waxaan arrintii wiilka yar la wadaagay naagta Maamulaha Guud ka ah iskooladan oo runtii aad uga xumaatay iguna dhiiri gelisay inaan Soomaalida Qurbaha jooga la qaybsado sidii ay ku bilaabeen Xanaanadan Head Start-ka loo yaqaan oo haatan Mareykankoo dhan ka dhisan, dhibkii ay soo mareen iyo sharciyadii ay u degsadeen oo wax weyn u tari karta Soomaalida Qurbaha iyo carruurtooda. Wareysigiina wuxuu u dhacay sidan.

Eelay: Alyce-ey ka warran warkii naxdinta lahaa ee aan kuu sheegay ee ku saabsanaa wiilkii yaraa ee Soomaaliga ahaa.

Alyce: Wadnahaa I degay si kale kuma garatide! Aad baan uga naxay! Waxaan wiilkaa u suureystay wiilkayga oo kale, markaa waxaan dareemayaa xanuunka ay dareemayaan labadii dhashay iyo eheladoodii. Waxaan ogahay maadaama aan Muslimiinta sanooyin la soo dhaqmayey inay tahay wax fool xun oo aan ku haboonayn dhaqanka iyo diinta islaamkatoona. Waxaan anigu ahay qof ku soo dhexjirey carruurta yar-yar 35-sanadood oo aad u gubta markii aan maqlo ama arko ilma yar oo la dilayo, la xumeynayo, gaajeysan ama la dayacay. Fara xumeyna warkeedaba daa oo waxaan is idhaahdaa Allow yaa kaa dhiga qof awood leh si loo waayo ilmo dhibaateysan. Markaa waxaan leeyahay Qoyska Soomaaliyeed ee walaalaheen ah waan la murugooday arrinkiina.

Eelay: Maamule, bal Xanaanadan baaxada weyn ee aad madaxda ka tahay taariikhdeeda nwax manooga sheegi kartaa?

Alyce: Dhib ma leh! Waxaan ahaan jirey qof fakhri ah oo aan waxba haysan oo weliba caydh qaata-Ogow faqiirku xuquuq badan ma lahayn waagaas. Waxaan ahaa qof dumar ah oo joogta 1960-dii-Ogow dumarku xuquuq badan ma lahayne. Waxaan ka mid ahaa Dumarka Cadaanka ah ee fara ku tiriska ah ee sameeyey arrin mucjisa ah oo aan horey looga arag Magaalada aan deganaa ee Minneapolis. Waxaan guursaday nin Madow-Ogow madowgu markaa xuquuq badan ma lahayne. Waxaanu socon jirnay Maalintii inta badan si aan habeenkii naloo waxyeeleyn. Waxaa isoo gaadhay dhib badan oo iiga timid xagga ehelkeygii Irish-ka ka soo jeeday iyo xagii Bulshadii aan ku dhexjirey. Abdiyow ma soo wada koobi karo dhibkii nala soo mariyey ee waxaan ka naxaa marka aan akhriyo www.midgaan.com iyo Bogaga kale ee ka sheekeynaya dhibaatada aad ku haysaan dadyowga kala duwan ee aad isku af, diin iyo dhaqanba tihiin. Markaan akhriyaba waxaan soo xasuustaa wixii isoo maray! marka bal Soomaaliyey taa ka waantooba.  

Abdiyow carruurtu waxay noo aadi jirtay Iskoolada Dowladda kuwooda ugu tacliinta hooseysa maadaama aynaan dhaqaale haysan. Waxaa naloo diidi jirey shiraraka inaanu ka hadalno oo fikradahayaga la qaato. Waxaan abaabulay intii ila fikrada iyo dhibka ahaa. Waxaanu bilownay inaanu carruurtayada ka reebno iskoolada oo aanu guriga wax ku barno anagoon wax badanba garaneyn. Waxaanu weydiinaney Kaniisada inay na siiso qol ku yaala dhulka hoose(basement) si aanu carruurta wax ugu barno. Waxay na siiyeen meel ay ka buuxaan jiir, baranbaro iyo qashin oo dhan. Waxba nagama geline carruurtii baanu meeshii alifka ugu bilownay. Dowladii qayla afka labadeed dhigtay oo noogu hanjabtay inaan wax caawima ah nala siineyn haddii aynaan iskoolka dowlada ku soo noqon. Waxaan u sheegnay go’aankayaga ah in aanu carruurtayada wax bari karno oo ay kuwa dowlada ka waxbarasha fiicnaan doonaan. Waxaa noo soo gurmaday dad qalbi furan oo baayacmushtar ah oo noogu deeqay alaabooyin, xafaayado iyo xoogaa lacag ah. Waxaa muddo ka dib la arkay go’aankayaga birta ah iyo carruurtii oo cirkaa mareysa, kana waxbarasho fiican kuwii dhiganayey Dugsiyada Dowlada. Waxaanu markiiba ku soo baxnay joornaalada, jaraaidka iyo telefishenka. Waxaa nalaga daawaday Mareykanka oo dhan oo la leeyahay waa waalid u horseeday carruurtooda masaakiinta ah horumar iyo waxbarasho wanaagsan. Waxaa markiiba Mareykanka oo dhan ka bilowday dhaqdhaqaaq la mid ah keena oo kale iyadoo tusaale naloosoo qaadanayo in ay suuragal tahay in waalidku wax maamuli karaan, wax qabsan karaan, sameysan karaana iskoolo ka wanaagsan kuwa Dowlada. Waxaa bilaabatay in Gobolka Minnesota iyo Magaalada Minneapolis iyo Dowlada Federalka ahiba ay noo ogolaadeen dhaqaale aanu wadno howsha. Mar keliyaa waxaa na harqayiyey lacag aynaan weligeen arag, maqal oo aynaan garaneyn sida loo maamulo. Waxaanu halgankaa bilownay 1969 anagoo fakhri ah, damiin ah, dhismayaal haysan, nala takooro. Maanta oo aynu joogno 2005 waxaay waalidku maamulaan 11 iskool oo waaweyn, waxna waanu baranay, Miisaaniyada lacagteenuna kor bay u dhaaftay 25 Malyuun oo Doolar. Carruurta basas boqolaal ah baa lagu soo guraa, iskoolkay wax ka cunaan waxna lagu baraa. Ogow meeshu maaha Xanaano lagu hayo carruurta ee meel ilmaha lagu diyaariyo oo isagoo wax walba yaqaana uu aado iskoolada Dowlada. Sanadkii 4-aad oo xiriir ah ayaa nalagu magacaabay Xanaanada ugu sidata Dalweynaha Mareykanaka. Magaceedu waa PICA Head Start. PICA waxay u taagan tahay Parents in Coummunity Action (PICA). Waxaanu heerkaa kusoo gaarnay waa wada jir, isqadarin iyo midnimo. Wax badan baa laysku dayey in nala kala iibsado, laakiin shaqsideena iyo hadafka aanu leenahay iyo mas’uuliyada carruurteena ayaa ka weynaa shaxaad yar oo aanu qaadano. Adinkuna Soomaaliyey isku af, dhaqan iyo diin baaba tihiine maxaad isu aqbali la’dihiin? Waa wax aad si sahal ah ku sameyn kartaan, laakiin ballaaya ka weyn baa idin haysata! 

Eelay: Hagaag, Bal maxaad kula talineysaa Soomaalida guud ahaan iyo Gaar ahaan Soomaalida Denmark ee dhibaatadani  soo foodsaartay?

Alyce: Illaah baan ku dhaartee waan damqaday! Soomaaliyey isu kaalaya oo isurursada oo ha isnicina! Xanaanooyinka Head Start-ku waxay leeyihiin sharci ay raacaan. Waxaa qof walba oo ka shaqeeya laga saxiixaa warqad cadeyneysa inuu yahay mid soo sheega wax walba oo ilmaha ku dhaca. Waana khasab in shaqaaluhu ku dhejiyaan fasalka dhexdiisa. Haddii laga waayana ama uu raaci waayana laba Cali isma weydiiso oo albaabkuu ka baxayaa. Waa sharciga la yiraahdo (I’m A MANDATED REPORTED). Hoos ka akhri

Waxaan kaloo aan hay’adan u sameeyey sharci aan ka jirin Mareykanka oo dhan waana sharci oranaya KELIGAA ILMA YAR LAMA JOOGI KARTID, MA KEXEYN KARTID, MUSQUSHA LAMA GELI KARTID, FASALKA LAMA JOOGI KARTID, BASKA LAMA RAACI KARTID iwm! Baska waxaa kusoo qaada ilmaha darawalka iyo waalid mar walba. Waalidku midba maalin buu iskaa wax u qabso ku raacaa baska. Markaa anigaa sameystay sharcigaa markii aan Xanaanooyinka Mareykanka ka maqlay arrima badan oo fool xun. Sharcigani ilmaha yarna wuu badbaadinayaa shaqaalahana wuu badbaadinayaa oo cidna wax loo soo raacan mayo. Maadaama ay waalidku meesha xukumaan oo ay ku leeyihiin urur iyo qof shaqaala ah oo metela, had iyo goor way yimaadaan, faslada, xafladaha, meelaha ilamaha lagu cayaarsiiyo ayay iskaa wax u qabso ka sameeyaan oo waxaan carruurtooda bareyno iyo waxaan sameynanaba way na og yihiin. Shirciga ay Alyce sameysatay oo la yiraahdo “Marna Ha Iloobin” haddii ay shaqaalahu ku xadgudbaan albaabkay horey uga sii baxayaan.Halkan hoose ka akhri qodabaday dejisatay ee aysan Xanaanooyinka kale lahayn. 

PICA’S “DON’T FORGET” RULES

1.    Never leave a child alone

2.    Never be alone with a child

3.    Never fail to report a suspicion that harm has come to a child

  1. Never release a child to someone not authorized to take them
  2. Never punish a child (i.e. hit, shame, belittle, use food)
:::MAQAALKII EELAY:::

NINKII QEYRKIIS LOO XIIRAYOW ADNA SOO QOOYSO!: Hawshii aanu seegnay ayaa waxaa noo qabanaya dadyow iyagu aad u qadariya dhibaatooyinka loo geysto Bini’aadamka oo Guji...

Alyce oo hadalkii weli wadata-Midda kale waxaan anigu aaminsanahay in aan ilmaha yar iyo waalidkuba uusan kalsooni isiineyn haddii aanan shaqaaleyn dadkooda. Sidaa daraadeed waxaa 11-ka Xarumood ka shaqaala ah shaqaala badan oo Soomaali, Oromo iyo Muslim kaleba isugu jira. Darawaladu waxay u badan yihiin dad Muslim ah. Waxaa noo jooga ninkan I wareysanaya oo runtii aad ugu dadaalay bulshadiisa Soomaaliyeed. Wuxuu na baraa dhaqanka, diinta afka Soomaaliyeed. Wuxuu xalliyaa dhibaatooyinka murga ee aanu xallin weyno, wuxuu kormeeraa iskoolada si uu u soo ogaada waxyaabaha la barayo ilmaha yar iyo in dhaqankoodu uu ka muuqdo faslka dhexdiisa, wuxuu soo abaabulaa oo uu qorsheeyaa xafladaha Soomaaliyeed, wuxuu af-soolaali ku turjumaa waxkasta oo waalidku ay u baahan yihiin iyo weliba sheekooyinka carruurta iyo wixii la barayo. Waxaan idinku talainayaa haddii aysan Xanaanadu ogolayn in aad fikrad ka dhiibataan waxbarashada ilmihiina ama aysan dad idinka mid ah shaqaaleysiin ee ay dooneyso carruurtiina oo keliyaMarkaa waa in aad go’aan deg-deg ah ka qaadataan arrinkan sidii aad ka yeeli lahaydeen.

Midda kale haddii aad bulsho tira badan Denmark maad maalinba dhowr qof iskoolka tagtaan oo iskaa wax u qabso ku caawisaan carruurtiinana ilkaashataan. Inkastoo aan ogahay inaydan jecleyn arrintan oo aad jeceshihiin in lacag laydinki siiyo, haddana ogaada waxa yar aad heleysid iyo fayaqabka ilmahaaga kee idiin wanaagsan. Marka keliya ee arrimaha aan kor ku soo sheegay ay dhici karaan waa marka aad is ogoshihiin ee aad iska deysaan qabiil, takoor, nacayb iyo quraafaad waa hore laga tegey-Noqda isku dan ayaan oran lahaa. Noloshiinu waa ilmahiina ee maaha reerkiina iyo wax ka dhacaya dhul aad ka soo tagteen oo aan haatan waxba idiin qaban Karin. Intii baxarka ku jirta ayaa isku dan ah ee gacmaha is qabsada. Mar kale waxaan Qooyskaa leeyahay waan ka xumahay dhibkiina. Waad mahadsan tihiin! Guul iyo nabad iyo caano!(V sign).

Eelay: Waan kaaga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee aad bulshadeyda ugu faahfaahisay dhibaatadii kusoo gaartay iyo sida aad u baraarujisay. Nabadeey! 

 Haddaba Soomaaliyeey si ay carruurteenu noogu badbaado waa in aynu sameynaa:

Ø       Isku duubnaan iyo midnimo iskana ilownaa quraafaadka, takoorka iyo qabiilka

Ø       Waa in uu waalidku uu sameeyaa iskaa wax u qabso oo ay tookeystaan ka warqabka carruurtooda joodta Xanaanada

Ø       Haddii aysan Xanaanadu ogolayn in waalidku fasalka dhex fariisto ama aysan Xanaanadu lahayn qol u gaar ah waalidka, waa in ay u soo jeediyaan in a tahay xuquuqdooda inay helaan wixii ay rabaan haddii kale carruurtooda yaysan geynin. Ogow in ay Xanaanadu u baahan tahay carruur badan si ay dhaqaale uga hesho Dowlada(Koley xagayaga waa sidaa)

Ø       Haddii qoysku uusan ka koobnayn laba waalid oo Hooyada la furay ama laga tegayba ama ninku uusan daryeelin carruurtiisa, waa in ay sida ugu dhakhsaha badan Aabaha magaciisa ugu gudbisaa dowlada si loogu khasbo shaqo ama looga soo dhalaaliyo masruufkii ay ilmuhu ku lahaayeen. Xataa haddii uu waddan kale joogo oo Qurbaha ah waa laga soo qaadayaa quudka ilmaha. Laakiin waxay belaayo ka dhacday in aysan Hooyadu marna ogolayn inay dabagasho kheyru mas’uulkii ka soo daadiyey ilmaha ama ay ugu dul qaadato inay qariso oo ay iyadoo asturan ceeb walba xambaarato.

Ø       Waa in ay Xanaanadu shaqaaleysaa dad soomaali ah oo carruurta u turjuma waalidkana mas’uul ka ah. Waa in qofkaa la shaqaaleynaya uusan noqon Ferenji u sujuude iyo caada qaate midna. Waa in aad ku khasabtaan in fikradiina la qaato, waxna laga bedelo sharciyada Xanaanada iyo Cuntadaba.

Ø       Haddiiba intaas kore suuroobi weydo, fadlan carruurna ku haysta guryaha oo wax ku bara ama macallimiin u qabta. Dad badan baa waayadan danbe xataa Dugsiyadii Dawlada ka saaray ilmahooda oo guriga wax ku bara, marka la gaaro imtixaankana ku qaata Xarumaha Dowlada si loo ogaado inuu wax bartay iyo in kale (Home Schooling). Haddii, Qurbajoogta Yurubey, aydan sharcigaa lahayn ama ay idinku adag tahay sameeya sidii Eebahay idin faray oo guursada dhoor haween ah una istareexa sida ay Indhayartu ugu istareexeen Mareykanka. Tusaale ahaan, Guri dhan oo 3 dabaq ah baa waxaa wada degan nin iyo 3-diisa Xaas. Marka ay laba shaqo tagaan ta kale ayaa gurigoo dhan sii habaysa, ilmahana la sii joogta. Markii kuwii kale yimaadaana tii kale ayaa iskool ama shaqa tagata, ninkuna labada gelinba wuu shaqeeyaa. Laakiin Belaayo waxay ka dhacday qof dumar ah oo lagusoo barbaariyey ninkaaga xiniinyaha qabo oo yuusan waxyeelan si uusan u qooqin iyo nin lagu soo barbaariyey ha is jilcin, yaan nacas lagu moodin hana jixin jixin, ilmahana markaad guriga soo gasho laad kala daal sidii ay isula keeni lahaayeen. Belaayo waxay ka dhacday sidii EEDO loogu aamini lahaa carruur yaryar oo masaakiin ah oo ay qofta dumarka ahi dhaxal ahaan u haysato in ilmaha uu ninkeedu naag kale ka dhalay ay cadaabta adduunka dhadhansiiso kuweedana ay raxmaad iyo raaxo dhex maquuriso. Allah maxaa ku dhaqana! Alla maxaa ku dhaqana! Waxaase ka sii daran sidii dhowr cadaabood oo kala subxaanaleysta, mid walibana wadato dhaqan iyo caado ay colaad iyo cadawtinimo ka buuxdo guri laysugu geyn lahaa! Isma rabaan, isma jecla, iskuma daneysanayaan, buufisbaa ka buuxa! 

Waxaan kusoo gabagabeynayaa, Soomaaliyey dantiina garta oo ididnkoo Islaanimo sheeganaya yuusan sanam caabude idin dhaamin aakhiro iyo adduunba. Haddaanu Soomaali nahay maxaa noo diiday inaanu dhaqankayaga, Diintayada iyo waxayaga aynu haysano. Maxaa naga galay dadyow kale woxooda. Waan gartay, Alla yacizak-Waa Beyzaaninimo in la Zineysto, in Been la sheego, in wax la xado, in sida Moodalka loo lebisto, in Gaal lagu daydo, in wixii cusuba la qaato. Waan gartay Alla yacizak-Waa Dhooranimo iyo Reer gobol baad tahay iyo Xamar ma soo marin, Haddii aad qalafsan tahay oo dhaqankaaga ku eg tahay, haddii aad Xishootid, Haddii aadan Zineysan, Haddii aadan Been sheegin, Haddii aadan fadhi ku dirirka aadin, Haddii aadan qayilin, Haddii aadan qiiqa dhuuqin, Haddii aadan no! no!, no! badan odhanin!. Beyzaaniyow belo ku aragtay! 

Markii tusaalihii Suubanaha la raaci waayey ayaa Sharciyada Dowladaha loo hogaansamay si carruurta loo quudiyo, sidii dumarka loola dhaqmo, sida deriska loola macaamilo, sida carruurta loo tarbiyeeyo iyo sida laysu ixtiraamo. Ileyn khiyaali ku nool baanu nahaye, markaasaanu ku hadaaqnaa: “ Waxaan ay Gaaladu ku dhaqmeyso Islaamkaa laga keenay no!” Waaban garananaaye maxaa noo diiday ku dhaqankeeda? Iyadoo kahasab ah oo aynaan ajar ka heleyn sow maanu soo doonan! Sow sandulle ku qaata wixii Suubanuhu na farayey maahan! Haddii kale sow 20-tan jirow maaha! 

Fadlan booqo bogga Internet-ka ee PICA Head Start- www.picaheadstart.org

Waxaad kaloo booqataa si aad u heshaan sida uu waalidku ula dagaalamo uguna khasbaan wixii ay doonayaan madaxda wadankan oo ilaa maanta doonaya inay ka takhalusaan Head Start-ka maadaama uu yahay iskool lagu barbaariyo dadka masaakiinta ah- www.saveheadstart.org ama www.nhs.org 

Warbixino muhiim ah oo idinka anfaca sidii looga hor tegi lahaa dhibaatooyinka lagu sameeyo carruurta ka baadha bogagan hoose

http://www.childabuseprevention.org/   ama http://www.prevent-abuse-now.com/ 

C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct  23, 2005


Baaq: Dhibta Haysata Beesha Gabooyuhu Waa Maxay? Maxaase Inagu Waajib ah?
Iyada oo aynaan xaashiyo yar kusoo koobi karin dhibaatada culus ee beeshaas haysata hadana bal aynu.. Guji... May 23

MPLS: Habeenka Soomaalida iyo Sharciga | Goorma: June 4

 Waraysi: Garaadka Beesha Gabooyaha
Nin u Dhashay Beesha Gabooyaha ayaa Hargeysa Lagu Diley, Dadkii Arintaas Ka Mudaharaadayna Xabsi ayaa la dhigay, waxaana arintaas ka waraysanay Garaad Axmed Diiriye Geylan... Guji...

LINK: www.somalitalk.com/quursi


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD