SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK- MAQAAL

MACALLINKEEN ALLOW KAAL, MACALLINKIIS ALLOW KAAL!

Ma xasuusataa wiilkii yaraa ee loo keenay Boqorkii dulliga ahaa si uu sixir usoo barto oo u bedelo sixiroolihiisa gaboobay? Ma xasuusataa sida uu ugu soo hakan jirey Suufiga oo uu duruus ka soo qaadan jirey marka uu Sixiroolaha ka soo baqoolo, marka uu usii socdana ugu hakan jirey Suufiga. Wiilkii wuxuu labada dhinac duruus ka qaataba maalintii danbe ayuu go’aan ku gaaray inuu bal hubsado Sixiroolaha iyo Suufiga midka runta u sheegaya. Sixirooluhu wuxuu baraa in Boqorku Illaah yahay iyo sida dadka loogu cabiidiyo. Suufiguna wuxuu ku akhriyaa in Eebe weyne uu jiro Boqorkuna uu tuug gaal ah yahay. Wiilkii oo ka soo luudaya labadii guri ee labada macallin ayaa wuxuu ku soo baxay xayawaan weyn oo laga kaxeyn waayey jidkii keliya ee loo marayey magaalada. Dadkii oo dhan oo hortuban bahalkan ay ka anfariireen ayaa wiilkii yaraa inta uu dhagax soo qaatay yidhi: “ Tolow keebaa Saaxirka iyo Suufiga run sheegaya? Dhagaxow haddii Suufigu run sheegayo oo Saaxirku beenlow yahay bahalkan dil? Qac! Mise bahalkiibaa sarajooga ka duulay! Ummadii meesha tubnayd ayaa af labadii yeedhay: “ Alla wiilka yari sixir badanaa! Kanaaba kii hore ka mucjiseysan!. Wiilkii baa hadlay oo yidhi: “ Saaxiibayaal Illaahay ayaa bahalkan dilay ee sixir waxba ma dilo” dadkii baa argagaxay: “Illaah aa! Ma illaah kalaa jira! Boqorku muxuu yahay’ Waad wada garaneysaan, waa qisadii dheereyd ee sababta u noqotay in asxaabtii Nebi Ciise(cs) ee wanwanaagsanaa lagu guro dabka si ay diinta uga noqdaan. Wuxuu Eebe noogu qisoonayaa Suurada Al-Bruuj, Aayada 3-aad ilaa iyo 8-aad. Dadku ma ogola isbedelka, haddiiba ay yihiin kuwo madax ah oo ay u arkaan in waxaad fahantay ama aad taqaanid ay duulaan ku tahay madaxtinimadoodana warkeedaba daa. Ma ogola in waxay yiraahdeen laga daba hadlo ama habka ay wax u maamulaan wax laga bedelo. 


Mohamed Yaxye

Akhristow Wasaaradii Waxbarashada iyo Maalulayaashii Iskoolada Sheekh Aweys iyo 11 Janaayo ee Magaalada Baydhabo ayaa muusanow iyo qayla dhaan ku dhuftay: “ carruurtani xagay belaayadan ay akhrinayaan ka soo barteen? Yaa ka danbeeya caqligan iyo maskaxdan aan la xakameyn karin ee ka yaabisay macallimiintii ka soo qallin jebisey kuliyadii Waxbarashada ee Lafoole? Sidee baanu u ogaan karnaa meesha ay carruurtan yar-yari wax ka soo akhristaan? Yaa ka danbeeya xisaabahan iyo luqadahan ay kala shubayaan? Ma waxyibaa tolow ku soo dega? Su’aalo ka dib ayaanu afka furanay: “ Waa Mohamed Yaxye! Waa Mohamed Yaxye!. 

Waxaa weli ii muuqda sida uu Macallinkani isu qalqaloocin jirey markii uu jilayey macallimiinta Soomaaliyeed ee ku cayaari jirtay ilmahii lagu amaaneystay! Inta uu qalinka afka gashto oo uu afka marooriyo ayuu marka lug meel dhigi jirey si uu noo tuso fatooshka ku jira macallin soomaaliga iyo sida uu ilmaha u garaaco! Yaraantaada waxaad aragto kaama haraan! Tusaalooyinkaas markii uu noo muujinayey ayaa waxaa maskaxdeyda ku so dhici jirey sidii uu noo garaaci jirey nacaskii macallin ku sheega ahaa ee Cubeyd! Weli waan sugayaa inaan mar kale arko! Suxul jilib lee maahoo! 

Mohamed Yaxye oo ay Mundulihiisa hoostiisa ka soo aflaxeen Kumaamkun araday oo Reer Baydhabo ah isagoo dhigi jirey lugadaha kala duwan ee Fransiiska, Ingriiska, Carabiga iyo Jarmalka iyo dhamaan duruusta laga qaato Dugsiyada Dowlada eek ala duwan. Macallin Yaxye ayaa waxaa caado u ahayd in Maalmaha wax la dhigo mid ka mid ka mid ah la duceysto oo wardi iyo quraan la akhriyo. Wuxuu ahaa nin ka horumarsanaa xag walba dadkii Soomaalida ahaa ee xilligaa joogay. Waxyaabaha aan xiiseyn jirney ayay ahayd ka sheekeynta qurbaha iyo dhibaatadiisa iyo meelaha uu soo maray xilli aan dadka madoobi aysan aad u dhoofi jirin. Waxaanu jecleyn marka uu Buugaagta noo fasirayo sida uu noogu fasiro ujeedooyinka ka danbeeya sheekooyinka ku qoran buugaagta iyo waxa ay anaga nala tahay! Waa Macallin aan la ilaawi karin siiba ardaydii Reer Baydhabo! 

Macallin Yaxye oo hooyadii soo booqday dhanaadkii 1970-dii ayaa loo diiday in uu dib u noqdo dowladuna u sheegtay in waddankiisu u baahan yahay. Waxaa laga qabsaday Baasaboorkiisii iyo Shahaadooyinkiisii, isna wuxuu diiday inuu xil ka qabto dowlad aan doonista dadka qadarineyn. Waxaaba taas ka sii darneyd in ay Hooyadiis oo cad ahi ku muraaradilaacday inuusan dib u noqonayn oo uu la joogo. Macallin Yaxye ayaa go’aansaday inuu iska joogo oo uu carruurta Reer Baydhabo wax baro! 

Macallin Yaxye oo goor subax ah makhaayad hortiis fadhiya duubkiisu u weyn yahay tusbaxna ku wardinaya ayaa waxaa soo dul istaagay niman Jarmal ahaa oo ka socday Hay’ad Magaalada Luuq gegi diyaaradeed ka dhiseysay. Nimanka dhallinyaradi ahi waxay la yaaban yihiin camal la’aanta dadkan hor fadhiya makhaayadaha, waxaase taas uga yaab badnaa iyagoo cabaya shah kulul wadankoodu uu kulul yahay! Waxay iyagoo sheekeysanaya afkooda ku yiraahdeen: “ Bal eeg kan na hoos fadhiya ee duubka weyn, farahiisuna ay mashquulka ku yihiin wax tiriska. Tolow muxuu wax u qabsan waayey”. Waxay go’aan ku gaareen bal inay haddiiba uu Ingriis garanayo ay weydiistaan inuu ka jaahil bixiyo halxiraaha ay jawaabta u la’ yihiin: 

Ferenji: Ingiriis ma ku hadashaa Xaaji?

Macallin: Haa!

Ferenji: Hayaay! Agah! Wah! Naw!Ba’a! Laaaaaaa!

Macallin: Soo fariista? Maxaa dhib ah oo jira?

Frenji: Waxaan la yaabnay dadkan shaqa la’aanta ah ee makhaayadaha fadhiya. Waxaan kaloo la yaabnay wadankooda kulu iyo shaaha kulu ee ay cabayaan. MAxaad arrimahaas naga tidhi?

Macallin: Haa! dhib ma leh oo waan maqlayey markii aad na xamaneyseen!

Ferenji: Alla! Maxaad tidhi! Miyaad Jarmalka taqaan! Alla!

Maalintaas uu Macallinkeenu noo sheegayey qisadaas aad baanu u qosolnay oo wuxuu u jilayey si aad u yaab badan oo aan maskaxdeyda ka go’in! Nimankii Ferenjiga ahaa waxay u ballan qaadeen in ay shaqaaleysiinayaan ardayda ka soo qalin jebisa muntulihiisa mar walba! 

Ardey walba oo soo maray Macallin Yaxye wuxuusan marna iloobi karin waxbarashada ka sokow shaaciradiisii, sheekooyinkiisii iyo sidii uu niyada carruurta ugu dhisi jirey. Waxaan la iloobi karin sidii uu noogu soo ababiyey is walaaleysi, is jeceyl aan ku jirin takoor iyo quudhsi. Ardaydii uu soo aflixiyey oo maanta daafaha dunida ku kala daadsan ayaa waxaan xusuusinayaa in farxadiina iyo waxbarashadiina maanta ay qayb ka tahay aasaaskii wanaagsanaa ee uu soo dhagax dhigay Macallin Yaxye. Haddaba ha iloobin Macallinkaagii kusoo barbaariyey, niyada kuu soo dhisay, kuu sheegay in aad sidiisoo kale iyo ka fiicanba aad noqon kartid!  

Haddaba si aanu maanta usii wadno farxadiisii iyo nalkiisii ifayey, Ardaydiisii Reer Baydhabooy iyo cidii kale ee jecel waxtarka Macallin Soomaaliyeed oo qiima leh, fadlan la soo xiriir

Mohamed Xasan Weyne(Garlagarle)

E-MAIL maxamedxuseen899@hotmail.com  Edmonton, Canada ama Abdurahman A. Ali (Aflow) E-mail: qidmiir@yahoo.com ama ha moogaan Xawaalada kuu dhow oo qof waloowba gacantaada u fidi. [Telefoonka kala xiriir qoraaga maqaakan.)

  • Xusuus: Sawirka waxaan ka keenay www.baidoa.com.

C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Nov 6, 2005


Baaq: Dhibta Haysata Beesha Gabooyuhu Waa Maxay? Maxaase Inagu Waajib ah?
Iyada oo aynaan xaashiyo yar kusoo koobi karin dhibaatada culus ee beeshaas haysata hadana bal aynu.. Guji... May 23


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD