SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
QUUDHSI - DIID

Qayla dhaan ha dhiirado Quudhsiguna ha baaba’o! 

Waxaa gabayga hoose tiriyey Abwaanka Caanka ah ee Soomaalinimadu ku dheer tahay Mohamed Sangub. Abwaan Sangub oo aad uga soo qayb gala golayaasha iyo shirarka looga hadlayo quudhsiga iyo takoorka ayaa had iyo jeer ku baraarujiya Soomaalida inaysan ku habsaamin sheeka xariirta ay ku habsaameen awoowayaasheen. Wuxuu inta badan ku canaantaa Soomaalidu inaysan daacad ka ahayn waxyaabaha ay qabanayaan ama ay ku hadlayaan. Wuxuu ku booriyaa dadweynaha Soomaaliyeed ee ka soo qayb gala shirarka iyo kuwa soo abaabulayba in afkooda iyo uurkoodu uu is waafaqo. Inta badan waanadiisu waxay ku saabsan tahay in layska daayo Munaafiqnimada oo runta laga sheegaan waxa uuka yuurura ee buux dhaafay. Hadaladiisu waxay ku soo gabagabeysmaan in Quudhsiba uu dhamaan lahaa haddii inta ay indhihiisu arkayaan oo soo hor fadhiya ay daacad yihiin.  Maansadu waa hoodo iyo heybad Eebe ku siiyee isagoo cod baahiya dul taagan ayuu wuxuu doono tiraabaa!.

Abwaan Sangub wuxuu ku bilaabay: 

  1. Ayax dhowre quudhsiga
  2. dadku way isku wada qayr
  3. waa in lays qadariyaa
  4. wuxuun buu ka qoonsaday
  5. qadafkii markaa jirey
  6.  
  7. Welina way qandoodaa
  8. Buurihii qabiilkuyoo
  9. Way kala qoqoban tahay
  10.  
  11. Qammaan baa wuxuu yidhi
  12. Baadida qof baa raba
  13. Raadkeeda qaadoo
  14. Quluubtiisu dooneyn
  15. Qudhii inuu kusoo baxo
  16.  
  17. Ismaaciil qabaalkii
  18. Lagu qoday ridada-ee
  19. Kuwii ay qudh waayeen
  20. Qayla dhaantii uu yidhi
  21. Kibirkiyo qabkuu nacay
  22.  
  23. Saahid qawlkii uu yidhi
  24. Maamul inaanu qaybsano
  25. Qorituurka loo rido
  26. Mase way qurxoon tahay
  27. Hadduuse qaadigii yidhi
  28. Qatagow dhig hay odhan
  29. Qaraarkaa maya dheh
  30. Qalad qalad ku sixii
  31. Qaynuun la’aantii
  32. Isqadarin la’aantii
  33. Qabiil qabiil ku faankii
  34. Ayaa khasaarahaas dhigay
  35.  
  36. Qosol haddaad banaysaan
  37. Beentana aydin qeexdaan
  38. Runtana aydin qarisaan
  39. Indhaha qoordabeedka
  40. Midna qalac ka siisaan
  41. Midna dabin ku qabataan
  42. Qadaf weeye xaajadu
  43.  
  44. Shirarka aynu qabanaa
  45. Daacad kuma qorsheysnee
  46. Wuxuu qariyey dooniyow
  47. Qalbi iyo af kala jira
  48. Allow yaa ina qala-oo
  49. Qasnadeena daawada
  50. Waxa quudhsi yuurura
  51.  
  52. Qaadirkeen mid
  53. Ashahaada wada qire
  54. Muslimkii is qaabila
  55. Qolo qolo ma kala laha
  56.  
  57. Imisaa Quraankiyo
  58. Qaybaha Xadiiska ah
  59. Laynoo dhigay ha qaateen
  60. Qalbiadage  Aadame
  61. Qaarbaa diiday Nebiyadii
  62. Qaadirkeen u soo diray
  63. Qayladhaan la dhiirado
  64. Quudhsiguna ha baaba’o
  65.  
  66. Reerkaan aqoontii laga cunay
  67. Qiimihiina laga tiray
  68. Magacna qoorta loo suray
  69. Ee qoyska Soomaali
  70. Qarqarna aan u dhaafeyn
  71. Bal inay qaboobaan
  72. Boogta qolofta laga rogo
  73. Xaal aad u qara weyn
  74. Inaad taqabal siisaan
  75. Ood qoomameysaan
  76. Qiirada la oydaan
  77. Qayladhaan la dhiirado
  78. Quudhsiguna ha baaba’o
  79.  
  80. Qufac aan dawo lahayn
  81. Qandha aan bogsoonayn
  82. Taariikhdii qudhmuuneyd
  83. Qanigani ma tiri waa
  84. Weli qodaxdii lama gurin
  85. Fartii boogtu may qaban
  86. Lama qodin dhibaatadii
  87. Qayladhaan la dhiirado
  88. Quudhsiguna ha baaba’o
  89.  
  90. Arrimahan qarada weyn
  91. Qolku raagan soo jirey
  92. Qaadaa dhigeedii
  93. Aqoonyahan qorsheeyiyo
  94. Qalin-buug ha loo maro
  95. Xisaabaha la qaatiyo
  96. Qoraalada ha lagu daro
  97. Qayladhaan la dhiirado
  98. Quudhsiguna ha baaba’o
  99.  
  100. Nabsi qooqay baa yimid
  101. Ina qaaday daadkii
  102. Haddaynaan is daba qaban
  103. Qabyadii la wada tolin
  104. Qaybiyuhu wax soo celin
  105. Dhamaan mayo quudhsigu
  106.  
  107. Qaafil aan wax garaneyn
  108. Yam-yam iyo Qadaad weyn
  109. Isu qodhisadaas baas
  110. Qax iyo boobka lagu dhalay
  111. Qumayadan isu ekadan
  112. Aan qiimaha lahayn
  113. Ma ilaa Qiyaamey kala qaybsanaan uun
  114. Qayladhaan la dhiirado
  115. Quudhsiguna ha baaba’o
  116.  
  117. Aqoonyahankii qarankow
  118. Qorax waliba shukul bay
  119. Qaadirkeeda wadataa
  120. Midiyaha inoo qora
  121. Neefkana inoo qala
  122. Oo qawda maqashii
  123. Qorshe kuma hagaagee
  124. Qayladhaan la dhiirado
  125. Quudhsiguna ha baaba’o
  126.  
  127. Culimada quraankiyo
  128. Dhallinyaro qusuusiya
  129. Hooyo qaaliyoo wacan
  130. Odayaal wax qaban kara
  131. Kuligeen qasaarahan
  132. Qadafka weynu leenahay
  133. Qayladhaan la dhiirado
  134. Quudhsiguna ha baaba’o
  135.  
  136. Dhiig lagu qubeystiyo
  137. Boolida la quutiyo
  138. Qaabkii Fircooniga
  139. Kulli qaatil baan nahay
  140. Qabrigii adduunku leeyahay
  141. Oo qabiil laguugu dul xidhay
  142. Qayladhaan la dhiirado
  143. Quudhsiguna ha baaba’o
  144.  
  145. Maskaxda iyo qoortiyo
  146. Quruxda iyo wejigiyo
  147. Indhaha araga qaadiyo
  148. Dhegaha maqalka qaybiya
  149. Afka lagu qaraabtiyo
  150. Carabka qawlka celiyiyo
  151. Hunguri quud mareenkiyo
  152. Gacmaha hawsha qabaniyo
  153. Lugaha socodka qaybshiyo
  154. Qunbaha calooshiyo
  155. Qarqaradiyo beerkiyo
  156. Sambabka neefta qaadiyo
  157. Wadnaha qaaligee wacan
  158. Kelyaha qayb mareenka ah
  159. Qayb-qayb jirkeena
  160. Qaarkee baynu tuurnaa
  161. Keebaanse wax qaban
  162. Qaabkaasoo kalaan nahay
  163. Qakhtarada qaliinkaa
  164. Qaabkoodii aan nahay
  165. Haddaad qaadaneysaan

Waxaa tiriyey Abwaan Mohamed A. Sangub

Waxaa soo gudbiyey C/Rahman Eelaay eediran@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE EELAY...

Faafin: SomaliTalk.com |  April 4, 2005

LINK: www.somalitalk.com/quursi


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD