SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRIKA
Maansada “Haddaad South Afrikaay…”


Waxa Tiriyey: Maxamuud Axmed Cabdalle “shiine”

Email: abdalle9@hotmail.com  

11/20/2006 


Hordhac:

SOUTH AFRICA NEWS
32nd Somali slain in 'horrendous killing' 
2006-10-02 07:36:07
Police urge Somalis to 'speak with one voice' 
2006-09-06 07:13:24
Somali shopkeeper 'critical' after attack 
2006-09-05 07:07:36
Toll hits 30 after more Somalis murdered
 2006-09-04 17:45:43
Refugees are being 'killed like dogs' 
2006-08-22 11:28:44
Somali shopkeeper attacked by gunmen in Paarl 2006-10-10 08:56:21

Wounded Somali vendor receives death threat 
2006-09-29 10:34:53
Somali buried after Du Noon murder 
2006-09-08 10:34:30
Somalis 'scared' to return to Masiphumelele 2006-09-01 08:04:01
Mob attacks Somali traders
 2006-08-29 14:30:10
Cape's Somali community living in fear 
2006-08-28 12:31:11
Police arrested after Somali man robbed 
2006-05-05 09:54:47

Senator Norm Coleman oo codkiisa ku biiriyey wax ka qabashada xasuuqda Qaxootiga Soomaalida South Africa

Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika, kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, hab-dhiska qashin saarka iyo dheefshiidka.
 

Dhammaanba ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan salaan baan halka uga soo gudbinaynaa. Waad la socotaan in badan oo idin ka mida, xasuuqa iyo dabar goynta lagula kacay dadka Soomaaliyeed ee ku nool waddanka South Africa. Haddaba, South Afrika waa tee? Waxan halka kaga hadlayaa maansadan, inaga iyo South Afrika sidaan isku ahaan jiray beri samaadkii. Qofkastoo soomaaliya oo damiir ku dambeeyo, waa inuu ka dagaallamo argagixisada South Afrika ka dillaacday ee lagu gumaadayo soomaalida si gaar ah. 

Akhris wanaagsan waxan abwaanada Soomaaliyeed ka codsanayaa inay arrintan oo SomaliTalk.com qayb libaaxle ka qaadatay baraarujinteeda, inay dhexda xidhaan oo Soomaalida uga digaan, gaadhsiiyaan, amaba la socodsiiyaan waxa ka dhacaya South Afrika. Mahadsanidin.

  1. Haddaad South-Afrikaay
  2. Saydhay dhiigga dadkayga
  3. Subax gawrac bilawday
  4. Sinjigayga fogeysay 
  5. Seedda aad iba goysey
  6. Samahaygii illowdey 
     
  7. Haddaad South-Afrikaay
  8. Maatadaydii sumaysay
  9. Budhcad aad nagu seertay
  10. Sawracayga gumaysay
  11. Sebigii la bireeyayoo
  12. Siriq laygu bakhtiiyey 
     
  13. Haddaad South-Afrikaay
  14. Maydkaygii solanayso
  15. Saancaddaale madoow
  16. Hindi seef ugu dhiibay
  17. Sababteeda la dooninoo
  18. Bilayskiina ka seexday 
     
  19. Haddaad South-Afrikaay
  20. Soomaalidoo la gumaado
  21. Saaka laysu bahaystay
  22. Waa midaanan sugayne
  23. Maanta saamaha muuqda
  24. Saadambaa ka horraysay 
     
  25. Saaddex wayga sifayn
  26. Saddex wayga dardaaran
  27. Saddexna wayga digniin 
     
  28. Saddex wayga sifayn 
  29. Sooyaalkaan deyayaaye
  30. Idinkoo sab gumeeda 
  31. Sandullaysi ku nooloo
  32. Saxariiray dhibaatoo
  33. Addoonsiga ku sujuuda
  34. Dusha laydin ka saaro
  35. Saamihiisa gumaysi
  36. Sarajoogga ku daalayoo
  37. Sidkanoon damqanaynin
  38. Markii laydin sadqeeyey
  39. Midab soocuna joogay
  40. Safkii kuu diriraayay
  41. Saadadii Afrikaanka
  42. Soomaali baa u horraysee
  43. Abaalkaygii ma saatanbuu
  44. South Afrikay ku dambeeyey! 
     
  45. Saddex wayga dardaaran
  46. Sharaftoo naga suushey
  47. Waayadeer sabarkayga
  48. Saranseerka ku raagey
  49. Qarankayga sadhoobey
  50. Ummadayda sabooshay
  51. Colaaddaa nagu seentiyo
  52. Salowgaa nagu meeray
  53. Sannadaa xigi doona
  54. Nabad aanu ku saacnoo
  55. Saldhignoo aan ahaano
  56. Sumcad dawlad ku caanoo
  57. Aduunyadu ku safaadinoo
  58. Sed libaaxna la siiyo
  59. Sawdkana kii ugu dheerbaan
  60. Su’aashayda ku muujine
  61. SouthAfikaay ubadkaagu
  62. Maalin laysa saluugayoo
  63. Sabadaadu collowdey
  64. Ma u soo safrayaan
  65. Soomaaliya geyigeeda? 
     
  66. Saddexna wayga digniin!
  67. Cadkaad maanta I siisay
  68. Dilkanaad igu soortay
  69. Saatirkay baan ku dhaartee
  70. Sina taa ma illaawo
  71. Saxalkoo mar wareegiyo
  72. Sahankaan ka war dhawriyoo
  73. Waana kuu samrayaa
  74. Seeto waa godobtayda
  75. Suun biroon la jarayn
  76. Siniin iyo miniinba
  77. Qoorta kuu sudhanoo
  78. Saamaxaad aan lahaynoo
  79. Saawirtaad ila gaadday
  80. Sumuc baan ka xigaayoo
  81. Intaan saarahay uunkan
  82. Siqiir iigu koraayo
  83. Sulub aan rabsho mooyee
  84. Waanaag suurta gal maaha
  85. Sidrigayga nacaybiyo
  86. Sun baa kuugu tallaalan
  87. Sina kuuma walaasho
  88. South Afrikaay magacaa be’
  89. South Afrikaay magacaa be’ 

W.T: Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)
Email: abdalle9@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2006

Ganacsade Soomaaliyeed oo Toogtey Labo Burcad ah
Koonfur Afrika: Burcadda oo dukaankiisa ugu soo gashay ganacsade labada lugood cuuryaan ka ah ayaa. Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
 



HTML CD