SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Soomaali Baddan oo markaliya lagu laayay dalka K/Afrika.

Ugu yaraan 3 qof ayaa geeriyootey, 3 kalana waa ay dhaawacmeen, iyadoo dhaawacyada qaarkood xaalkadooda laga deeyrinayo, tani ayaa ka dambaysay markii burcad hubeysan ay qaadeen weeraro khaarijin ah oo si toos ah loo bartilmaameedsanayay muwaadhiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa goobahooda ganacsi.

Dadka la laayay, iyo kuwa la dhaawacay oo lagu beegsaday labo dhacdo oo kala duwan, meelo kala duwana ka kala dhacay,ayaa dhacdada hore waxa ay ka dhacday magaalo xeebeedka East London ee Gobolka Eastern Cape halkaas oo koox burcadah oo tiradooda lagu sheegey 5 ay weerar ku ekeeyeen dukaan ku yiiley tuulo magaaladaasi ku taala, goor duhur ah, kadibna tacshiirad ooda oga qaaday Soomaalidii joogtey oo uu ka mid ahaa ciyaaryahan caan ah oo xagga kubbada cagta ah, kaas oo isaga iyo saaxiibkiis ay booqanayeen dukaanka, Maxamed Xusseen Cabduule (Shuluq) oo ah xidiga ciyaartooyga ee dhintey, ayaa waxaa lala diley Axmed Cali Qayre (Kullu) oo ka mid ahaa raggii dukaanka joogey, halka Xassan Daahir Sahal iyo Cabdullaahi Geele ay soo gaareen dhaawacyo xabadeed oo midkood xaaladiisa laga deeyrinayo.

Raga dilka geystey ayaa goobta ka baxsaday iyagoon wax dhac ah geysan, ujeedkooduna uu ku koobnaa oo kaliya in ay dil geeystaan, sida uu ii sheegey Wariye Cabdiraxmaan Nuur oo goobta gaaray, meydadka marxuumiinta waxaa ku yiiley xabado tiro baddan oo qofkii arka uu ka argagaxayo. Tanni waa 2 todobaad oo kaliya ka dib markii isla tuuladaasi lagu diley 2 Soomaali ah, laguna dhaawacay labbo kale, dhacdadaas oo iyaduna ahayd bartilmaameedsi iyo dil qaarijin ah.

Iyadoo warka dilka lala argagaxsanyahay, ayaa misane uu soo yeerey war kale oo la mid ahaa, nasiibdarada dhacday falkanina wuxuu ahaa mid si shaqsiyan ah loo bartilmaameedsanayay Soomaalida, Marxuumka Dhintey ayaa lagu magacaabi jirrey Cali Maxamed Cali, waxaana xusid muddan in uu ka ahaa qofka kaliya ee ka badbaaday labbo todobaad ka hor dil khaarijin ah oo loo geystey Soomaali kale oo uu dukaan kala shaqaynayay meel aan ka fogeen halka iminka lagu diley oo ah magaalada Rustenburg, waxaa sidoo kale goobta lagu dhaawacay Cabdullaahi Axmed Yuusuf oo dukaanka kula sugnaa marxuum cali Maxamed Cali.

Maalin kadib dhacdooyinkaasi hore ee dhacay 2 todobaad ka hor, waxaa jirrey Soomaali kale oo isaguna toori lagu diley tuulada Paarl ee duleedka Cape Town.

Lama garanayo sababta isku soo beegtey labbada dhacdo, waxaase dadka ka yaabiyey isu ekeenshaha sifooyinka dhacdooyinka, xiliga isku midka ah, iyo waliba qaabka (Execution style-ka ah) ama nooca qaarijinta ah ee dilalku ay u dhaceen.

Waa markii ugu horeysey oo tiro Soomaali ah markaliya la dillo xilli sidaasi isugu dhow, waxaase murugada iyo walwalka Soomaalida sii kordhinaya wax ka qabasho la’aanta dowlada ee dhacdooyinka noocaan oo kala ah, iyo Soomaalida oo aan maranaba ka caqliyin tuulooyinka noloshoodu ay aadka u liidato, dunuubtuna ay yihiin kuwa karkaarka jabinaya heerkooda .

Marxuumiinta ayaa lagu wadaa in barito la aaso, balse waa uun kadib marka lagu sameeyo qaliin aysan Soomaalidu jeclayn oo loo fahamsanyahay in qofka jirkiisa xubno lagala baxayo, balse dhaqaatiirta ay ku micneeyaan qaliinka loo yaqaano (Postmortem) ama baaritaanka ogaanshaha sababta dilka keentey, kaas oo natiijo kasoo baxday aanan waligeed qofna loosoo xirin muddo 10 sanno ah.

Cabdinaasir Saxansoxo. Email: saxansoxo1@hotmail.com, Johannesburg.

Aug 28, 2008: Dilal kala duwan oo Loo gaystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa dalka koofur Africa

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 4, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS