SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KITAAB
Kitaabka Quraanka ah oo Mar Kale la sharaf dilay

Waxba kama soo wareegin markii ilaalada xabsiga Guantanamo Bay ay waxyaalo sharaf dil ku sameeyey kitaabka quraanka ah, sida in lagu rido musqul ama saxarada laysaga tiro. Waxaa maalintii khamiista ahayd ee ay bishu ahayd Jun 23, 2005 ka dhacay magaalada Nashfile ee gobolka Tenesii cariga maraykanka in la helay kitaabka oo quraanka isagoo oo lagu sameeyey siyaabo kala duwan sida in la gubay, in la jeexay, in la isaga tiray saxaro dabadeedna lagu soo tuuray wadooyinka xaafadii ay soomalidu u badnayd. Waxaa wax ka qoray web site ka soo baxay gobolka Tennessee, websitkaas oo lagu magacaabo www.Tennessean.com sida warka udhigayna waa sidaan.

Waxay ahayd 5:00 saac markii nin muslim ahi helay kitaabka quraanka ah oo lagu falaaday lana dhigay guriga hortiisa, ninkaas oo ka tirsanaa dadka xaafadda ay degan yihiin soomalida wadanka ku timi barakaca, dabadeedna deriskii ayaay waxay ugu yeereen booliiska si ay ula socodsiiyaan sida xun oo sharaf dilay kitaabka quraanka ah.

Websitku isagoo sii wata qoraalkii ayuu yiri "qoraanka waxaa loo tiiriyaa inuu yahay isku xiraha ilaahay iyo qofka. Dadka muslimiinta ah aad iyo aad ayay u tix gliyaan, iyadoo la og yahay sidii dunida muslimka looga mudaahadaraaday markii ilaalada marykanka ah ee xabsiga Guantanamo Bay ay quraanka sida foosha xun u galeen".

Wariyaha websitka u soo gudbiya wararka ayaa wuxuu ka qaaday ereyo waraysi ah mid ka mid ah imaamyada gobolka laguna magcaabo Sh. Cabdishakuur Ibraahim oo ah Imaamka Masaajidka Al-Faaruuq, hadaladii imaamka waxaa ka mid ahaa:

"It's in the heart of every Muslim. We respect and we love (the Koran) more than our families," said Ab-dishakur Ibrahim, imam of the Al-Farooq mosque. "I don't know why anyone would do this. I can't comprehend it"


Defaced Qur’an Outrages US Muslims

Quraanku wuxuu ku jiraa wadnaha qof kasta oo muslim ah, waan tixgalinaa waanu jecelnahay quraanka si ka daran sidaan u jecelnahay qoyskayaga, ma garanayo sababta qof waliba uu u sharaf dilayo quraanka, wax aan fahmay maah.

Wariyaha websitku wuxuu intaa ku daray in dad badan oo muslimiin ah ay isugu soo baxeen xaafadda ay arintani ka dhacday iyo uu booliisku baaray arinkaani inuu yahay nacayb loo qabo bulshada musliminta ah ayna la xiriirayaan hay'adda sir doonka gudaha wadanke ee loo yaqaan FBI. Nin ka tirsan saraakiisha booliika oo magaciisu yahay ayaa sheegay in qofka arinka sameeyey hadii la qabto ay geeynayso in lagu xukumo inuu yahay dambiilo.

Wuxuu imam cabdishakuur kula taliyey bulshada inay tusaan oo muujiyaan shucuurtooda inay ka xun yihiin arintaan foosha xun ee lagula kacay kitaabka quraanka ah.

Diyaariyey: Cabdiqani M calixagaa
qardhaawi@yahoo.com

Faafin: Somalitalk.com | June 27, 2005

###

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD