SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CUMAR FAARUUQ

 Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya oo uu Bixiyey Sheekh Cumar Faaruuq:

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2004

  • Sheekh Cumar Faaruuq: "(dowlad uu madaxweyne kayahey C/laahi Yuusuf Axmed) waan u aragnaa tii xalka & nabada gaadhi laheyd..."

  •  Sheekh Cumar Faaruuq: "C/lahi Yusuf Recordkii hore wuu xidhmey, Record cusub baa u bilowdey, isaguba wuxuu afkiisa kasheegey markii doorashadu dhamaatey kadib, hala icafiyo buu yidhi..."

  • Sheekh Cumar Faaruuq:  Sheekada in ey Somaliland ka go’odo Soomaaliya waxaan ogalahey ma aha, waxaan daliil u hayaa maahmaah reer waqooyiga ee “Sagaaro Tun Lakalaqalo malaha”... Islaamkuna kalataga ma ogola, Allahu S.W.T wuxuu inoosheegayaa “WACTASIMUU BIXABLILAH, WALAA TAFARAQUU.”... inta ashaahadata oo dhan in ey mid noqdaan bey diintu fareysaa caqliga caafimaadka qabaana sheegayaa.... ilaahna (waxaan) kabaryayaa umadda soomaaliyeed midnimadeeda....

Sawirka bidix:
Sheekh Cumar Faaruuq, oo Khudbadii Jumcaha kahor bayaan ugajeedinaya Muslimiinta Masajidka Hamidia ee Newtown, Johannesburg, sheekha agtaagan waa sheekha katurjimaya, (Sawirkan waxaan kuqaadey Mobile Phone keyga, Technoologiyada qarniga 21aad).

Sawirka midig:
Sheekh Cumar Faaruuq oo salaamaya Muslimiinta kasooqeybgashey Salaadii Jicme ee 3rd Dec ee Masaajidka Hamidia, New town, Johannesburg.. 

Waxaa waraysiga qaaday:

Saeed A. Mohamed, oo jooga Pretoria, K/Africa shmadar@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com

Fadiilatul Sheekh Omar Faaruuq X.Cabdi Suldaan (Cumar Faaruuq) oo booqasho diineed oo Dacwada ugugudbinayo Bahweynta Soomaaliyeed & Muslimiinta K/Africa, kujooga wadanka K/Africa. .  Sh. Cumar Faaruuq waxa uu kasoodegay Garoonka Caalamiga ah ee Johannesburg 27 bishii Nov 04, halkaas oo ey siweyn ugusoodhaweeyeen Culumo Soomaaliyeed & kuwo u dhashey wadankan K/Africa.

Sida ey iikala xaqiijiyey Sh. Cabdi Xakiim & Sh. Mohamed Amin, waxa casuumey ama dalbadey Sheekha culumo Soomaaliyeed oo degan K/Africa .  Sheekh Omar waxa uu muxaadarooyin aad u qiimobadan kajeediyey masaajid dhowr ah oo kukalayaal gobolkan Gauteng, isaga oo ugajawaabey su’aalo tirobadan oo kukalasaabsan diinteena & caalamul islaami, sheekhu wuxuu joogidoonaa wadankan K/Africa ilaa mudo bil ah isaga oo mari doona gobolo badan oo isla wadankan ah.

Waxaa markaasi iisuurtogashey in aan wareysi dhinacyobadan leh layeesho Sheekha oo aan  kubooqdey Hotelka uu deganyahey ee Magaaloweynta Johannesburg, Wareysigan aan layeeshey Sh. Faaruuq 30/Nov /2004 ka oo dhinacyo badan taabanaya waxa uu u dhacey sidan: 

Su’aal(Saeed, Freelance Journalist): Sheekh manooga warami kartaa ujeedada Safarkaagan aad kutimid K/Africa, iyo guud ahaanba xaalada guud ee wadankii Somalia dhinac nabadeed, dhaqaaleed, bulsheed? 

Sheekh Faaruuq: Bismilaahi Raxmaani Raaxiim, waxaan ugu horeyntii u mahan-naqayaa Allahii inoo suurtogaliyey in eynu ereyadan isweydiino, Allahaas ayaan u mahadnaqayaa, marka labaadna Siciid-yare ayaan aad ugumahadinayaa booqashada uu isoobooqdey iyo su’aalaha uu iweydiiyey labadaba, marka sadexaad hadii aan kajawaabo safarkeyga, safarkeygu asbaab badan ayuu lahaa, ha u horeysee Dacawa mina-laah in aan dadka muslimiinta ah intii aan kagaadho gaadhsiiyo diinta Islaamka ama aan ugu yeedho diinta islaamka ayaa sharafka koowaad aheyd sharafka labaadna umadda Soomaaliyeed baahday ee burburtey ee meelwalba jooga in aan diinkoodii Islaamka aheyd iyo dadkoodii iyo dalkoodiiba kuxidho, ta sadexaad, xiligan maanta eynu kujirno oo ah xili marxalad badan oo xasaasi ah umadda Soomaaliyeed marka loofiiriyo, umadda oo dhibaato aad u tirobadan mudo intii dagaalo dhowr iyo toban sano ah dhibaato iyo dagal sokeeye iyo abaar iyo cudur iyo gaajo iyo soojiideysey hadana abaabul uu u bilowdey oo aan odhankaro Soomaalidu waxey kujirtaa xili kalaguur ah oo ey kaguureyso fowdadii & lugooyadii una-guureyso Qaranimo & Dowladnimo ayey hada kujirtaa, sida lagawarqabo in shir 2 (Labo) sano kabadan kasoconayey Nairobi laguna baadi goobayey nabadeynta umada Soomaaliyeed & qarameynta, shirkii in uu hadeer midho dhal bilaabey oo qaranku baarlamaan yeeshey, oo qaranku maamul baarlamaan yeeshey oo qaranku madaxweyne yeeshey oo qaranku Ra’isal wazaare yeeshey, maalmahana lagugudajiro sidii dhismada dowladnimo loodhameystiri lahaa ee waziiradii iyo maamulkii qaranka loodhameystiri lahaa (Wareysigan wuxuu dhacey intii aan waziirada Somaliya lamagacaabin),
:::GOLAHA WASIIRADA DFKMG::

Magacyada Wasiirada DFKMG
 kadibna ey dowladu uga bixi laheyd qaxootinimadan ey Nairobi kujoogto oo ey u tagi laheyd dalkii markaana hadii ey nabadeyntahey, & hadii ey qarameyntahey, & hadii ey dhismo taheyba ey dowladan cusubi kagasho wadankii xiligaas kalaguurka ah ayaa lagujiraa, xiligan kala guurka ah ee lagujiro maadaama aan waayeel ahey cabaarna soonoolaa, 60 kii markii laqaatey gobonimadda oo aan qaangaadhey oo 10 (toban) galey 44 kii sanana wixii lasoomarey ama kahor xiligii gumeysiga wixii dhibaato ah oo lasoomarey & markii qaran lanoqdey dawladnimo wixii lasoomarey & markii qaranamidu burburtey dhibaatadii lasoomarey, waxaas oo dhanba aan goobjoog u ahey oo arkaayey oo maqlaayey, bal in aan dadka saboolka ah ee dalkan K/Africa yimid wixii diin, talo & caqli kubiirinkaro kubiiriyo waana safarka asbaabtiisii bey kamid aheyd, hadii markaa an u noqdo su’aasha qeybteedii kale umadii soomaaliyeed halka ey mareyso, nabadgelyo dhaqaale iyo aan yartaabto soomaalidu waxey tiraahdaa war la ogyahey xiisomaleh, arintii soomaali waxey noqotey, arin aan lagula war kalarooneyn oo dadka oo dhami kawarqabo, dhibaato badan ayaa umadu soomartey hadana dhibaatadii weli waa kudhexjirtaa umadu waxaadse moodaa in sidii hore ey dhibaatadu kasahlanyihiin, marxalad cusubna waa lagaley oo kalaguurka ah oo qaranimo iyo nabad baa hada umadu u geedi tahey baa maskaxda iyo maanka kuheysaa, markaa sidii hore waa kawanaagsantahey dhan loo eegaba, xaga abaarta iyo raxmada umadu abaar badan bey soomartey Ilaahey mahadi ha kagaarto roob badan ayaa da’ey hada markaa abaartii in lagabaxey ayey u egtahey taa intaas ayaan kusookoobi lahaa, wabilaahi tawfiiq. 

Su’aal: Sheekh Omar Faaruuq, Jazaakumulaah, su’aasheyda labaad, waxa aad kahadashey dhibaatooyinkii iyo burburkii kadhacey wadanka Somaaliya mudadii 13ka sanadood aheyd & abaabulkii ladoonayey in dowlad lagudhiso oo dhowr iyo toban jeer la isugu yimid oo run ahaantii badi ey dhicisoobeen, shirkan ugu danbeeyey oo weli siiqoyan oo lagudoortey dowlad uu madaxweyne kayahey A/laahi Yusuf Ahmed kaculumo ahaan, ma u aragtaan tii xalka kabadambeysta ah gaadhi laheyd?. 

Sheekh Faaruuq: Walaal Siciid waad mahadsantahey, waan u aragnaa tii xalka & nabada gaadhi laheyd asbaabahan soosocda awgood, sababta u horeysa ee koowaad waxa weeyi: qofku marka uu muslim yahey rajo kamadhamaato, dhibaato kasta oo laguhayo  ama adimada kulajiro kheyr alle ayuu filayaa Alle ayuu aaminsanyahey sidaad darted kheyr baan sugeynaa oo xaga caqiidada Islaamka ah in wanaag lafilo oo aan niyada san aaney dhamaanin oo dhiman taa diintaa nafareysa, tan labaad oo aan isleenahey wey hagaagi doontaa maanta waxa weeyi: xaga muwaafaqadda oo shirkan danbe ama abaabulka cusub waa loodhanyahey, majiro qof soomaali ah muctabar ah oo talo gal ah hadii kii hore qabqable ahaa & hadii uu ahaa madaxduub & waxgarad oo maanta mucaarad ah oo kamaqan shirkan, shirkan waa mid loowadadhanyahey, kol hadii muwaafiqiyo midnimo laheleyna in kheyr kadhashaan baanu fileynaa, ta sadexaad ee ugu danbeysey Siciidow, waxa weeyaan maamulkan hada ee cusub oo aad carabka kudhufatey A/laahi Yusuf Madaxda kayahey, Ibliis baa gaal & Muslimba u hiil ah oo hiil & hooba lagarabtaagan sidaad lasocoto shirku 2 sano ayuu dhaafey kharashka kubaxeyna mid yar ma aha, umad ayaa kharashkaa bixisey, umad ayaa gogashaa fidisey, qolooyinka IGAD layidhaahdo ee dhowrka dal ah ayaa maamulkii iyo kacankuheyntii shirka isugu timid, gudoomiye waxaa ka ah Madaxweynaha Uganda Museveni, mar hadii umadii shirkii u dhantahey, aduunkii oo dhamina hiil iyo hoo lagarabtaaganyahey, rajoda koowaad ee umaddu leedaheyna tahey Alle xagiisa mudo farabadana umadu usabirtey, shirkan iyo abuulkan in uu yahey kii ugu danbeeyey ee dhibaato oo dhami ey kugabogaboobilaheyd, wanaagna kubilaabmi lahaa, wabilaahi tawfiiq. 

Su’aal: Sheekh wararka xuuraanka ah ama dadku isladhexmarayaan waxey sheegayaan, in A/laahi Yusuf aanu laheyn Record Taariikheed oo aad u fiican iyada oo lagu eedeynayo arimo badan oo kadhan ah, diinta, bulshada, xuquuqul insaanka iyo weliba iyada oo laleeyahey wuxuu sabab ka ahaa dagaaladii & burburkii kadhacey Soomaaliya, arinkaa sikooban wax manooga sheegi kartaa? 

Sheekh Faaruuq: Awalan arinta waxaa lagayaabaa in ey wax kajiraan hasa yeeshee sida loobuunbuuniyo aheyn, Soomaalidu waxey tiraahdaa “Meyd maxaa u danbeeyey, kaa hada lasiiwado”, A/lahi Yusuf Recordkii hore wuu xidhmey, Record cusub baa u bilowdey, isaguba wuxuu afkiisa kasheegey markii doorashadu dhamaatey kadib, hala icafiyo buu yidhi, waxaan filayaa ninkakan in uu aad u jecelyahey ama in madaxweyninimada qaranka mar hanto in uu inbadan kufakarey iyadii maanta gacanta kuhayo waxaan kafilanaa in uu dalkii iyo dadkii u noqdo, mida labaad waxey soomaalidu tiraahdaa “ Fari Fool ma meydho”, calaa qof wax maqaban karo, sidaa daraadeed A/laahi Yusuf waa muwaadin ah oo umadda soomaaliyeed kadhashey, umadii inteedii kale hadii ey tahey baarlamaanka qaranka ama hadii ey tahey Waziirada lasameyndoono, ama hadii ey tahey dadweynaha Soomaaliyeed gebi ahaanteed, ama hadii ey tahey madaxtooyada qaranka hadii ey yihiin, ama boqorada & salaadiinta, ama culumaa u diinka ama maalqabeenka, ama aqoonyahanada ama siyaasiinta waaweyn ee ruug cadaaga bislaadey intaasi hadey iskutagto oo isutimaado sida hada muuqata, waxaan filayaa A/laahi Yusufna taariikh diisii hore wey xidhantey oo waxey aheydba, qofkuna mustaqbal qaran marka uu kafakarayo iskuma mashquuliyo wixii uu soomarey, wixii tagey tag “Tag Tag daa, Timaada qabo”, markaa wixii la ahaan jirey, umad badan ayaa danbaabtey, qaranku waa iskudhintey waanu kaladhintey qaranku midba qeybtuu qaateyba, maanta waxa lagufikarayaa waxa weeyi Caano daatey dabadood ayaa laqabtaa, ilaahey mahadi hakagaadho weli la inama qabsan dhibkastaba dadka hakudhaco laakiin gacan cadow lama gelin weli, qarankii weli waa madaxbanaanyahey calankii weli waa taaganyahey in manta hadii ladhaqo in umad iyo qaranimo kufilan waa joogtaa, markaa caano daatey dabadood ayaa laqabtaa in qarankii ladabaqabto wixii wax garad ah ee soomaalina noocey yihiinba su’aal ayaa hortaala oo aan mid 2aad laheyn, “Famal Xalu”, oo macnaheedu yahey waar dhibwelba dhacye maxaa lagubadbaadi karaa ama lagu sheekeyn karaa, sidii lagubadbaadi karaa waxa weeyi: in ey umaddu midowdo oo kulanto, talabaadna in Alle lacuskado, tasadexaadna, dhibaatadii oo looga maarmo dib u dhiska qaranka ama dib u dhiska dalka ama heshiisiinta qaranka, taa in lagu fakaro, oo lagudhaqaaqo iyada oo lagafaa’iideysanayo awalan dhibkii qaranka kudhacey talabaadna laga faaiideysto dunida manta heeganka ah muslim iyo gaal ba in ey garabgalaan soomaali, taa in laga faa’iideysto oo dawarsigii, dagagii, iyo duligii, iyo darxumadii,iyo dagaalkii, iyo deeqda gaalnimo, dadka soomaalidu waa dadyar walaalo ah oo iswada taqaana, wadan aad u baaxadbadan leh, bad leh, bari leh, xoolo leh, beero leh, iyada oo wax kuduugan Alle uun uu ogyahey, ayaa inta dibada taalaa qaranka kufilantahey xoolaha soomaaliyeed ayaa manta qaranka kufilan, dhul beeraadka wadanka oo sifiican lootabcaa qaranka kufilan warshadaha iyo saneecada oo korlooqaado oo la agaasimaa kufilan, kolkaa umada soomaaliyeed waa umad dal leh, oo hanti leh, iskudad ah, iskudiin ah iskudabeecad ah, markaa reeraa waxey dhaqayaan niman madaxa waxey dhaqayaan dad kasoo horjeeda oo muslim iyo gaaloba leh, ilaahey mahadi hakagaadho soomaalidu muslim weeyaan, sidaa daraadeed in umada soomaali danteeda aragto, ey ilaaheena weyne waaxidka ah kabaqaan, kunalana talinayaa wixii waxgarad ah ee soomaali in la iska duuduubo wixii hore u tagey ama qof gaar ah kadhacey sida ninkan magaca leh oo kale , ama qabiil kadhacey ama qaran kadhacey, ama dawlo kadhacey, wixii dhaceyna ey talo xumo kudhaceen, Ilaah se qadarey, dhaceyna dibna u soonoqoneynin, waa in ladhaqangeliyaa maahmaahda “Tag Tag daa, timaada see qabo”, wabilaahi tawfiiq. 

Su’aal: Sheekh Cumar Faaruuq, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Baarlamanku waxey kutalo jiraan in ey ciidamo shisheeye keenaan Somaaliya taas oo ey u arkaan in ey noqonkarto xalka kaliya oo hubka looga dhigi karo maleyshiyoonka dhowr iyo tobanka sano dalkii burburisey, culumo kale oo Mogadishu kahadasheyna mey soodhoweyn fikirkan, adigu maxaad kaqabtaa arinkaa isaga ah? 

Sheekh Cumar Faaruuq: taladan waxaan qabaa in ey weli socoto oo sheekooyinka igasdoogaaraya shirka, sheekooyin waxaa soconaya in lagamaarmo ciidamo dibada lagakeeno laguna kaaftoomo in qaranka laqanciyo shabaabka laxidhey ee malayshida lagadhigeyna ee mooryaanta noqdeyna waa joogaa dadkii abaabulayey ee odoyaasha u ahaa dowlada iyo maamulka cusub baaney kujiraan markaa in dadkan lahubeeyey dadkii hubeeyey hubka kadhigaan dabadeed laqanciyo lana meeleeyo wixii khibrad ey leeyihiina laga fa’ideysto (wixii cibar noqonkara), sababtu waxa weeyaan waa ciidamadii dalka waa wax dhintey, wax gaboobey, wax dhoofey, wax hawl gabey, ciidamadii dalka waxa maanta kanool ciidamo ladhihi karo ciidamo ayey abaabulikaraan, iyaga laftoodu abaabul u baahan iyo tababar, markaa maleeyshiyoonka hubka lagadhigo, lana qanciyo, hadii ladoonayo ciidamo lagadhigo, sidaa daraadeed looga maarmo ciidamo dibada lagakeeno, sheekadii waa socotaa, hadeyna suurto galin taasi, waa loobaahanyahey ciidamo kuwan taageera, kuwa ciidamada shisheeye diidan waxey yiraahdaan UNISOM baan kugaraneynaa, markaa UNISOM iyo tani manta jirtaa wax weynbaa u dhaxeeya, UNISOM dowladi majirin, iyaga (UNISOM) dibada kayimid oo iskatamashleynayey oo waxey doonaan sameynayey, maanta dalku dowlad & Barlamaan ayuu leeyahey ciidmada hadii lakeeno oo ey ajanabi noqdaan oo ey yimaadaan dalka, ciidamadii dalku lahaa iyo dowladan dalka u dhisantey ayaa jooga dalka oo gacanta kuqabanaysa, anigu waxaan jeclahey in lagamaarmo ciidamada ajanabiga ah ee lakeenayo, oo umada soomaaliyeed caqli iyo xigmad isticmaasho sidana dabka loogadhigo wixii hadeer dabwata dibna loohabeeyo, hadiise eykafursanweydo, in ciidamo lakeeno oo lagamaarmaan noqoto sidii loodhaqangeliyo nabadii qaranka dib u heshiisiintii, maamulkii qaranka lagamaarmaan ayey noqoneysaa kolkaana waxey utaalaa dadkaa aanu dooraney baarlamaanka ayey u taalaa, madaxweynaha ayuunbey u taalaa iyaga ayuunbaa arinkan katalindoonaa. Wabilaahi tawfiiq 

Su’aal: Sheekh marka eynu eegno dhinaca kale, dhinaca Somaliland waxey kudoodayaan in ey kago’een wadankii Soomaliya intiisa kale iyaga oo sabab ugadhigaya sababo xasuuqii arxan darada ahaa ee loogeystey intii ey jirtey dowladii Siyaad Bare, isla mar ahaantaana sida lawada ogsoonyahey dadka R.Somaliland waxey hormood ka ahaayeen midowgii Soomaaliya 1960meeyadii, go’aanka Somaliland gaadhey oo ah in ey sibuuxa uga go’een Somalia sidey kuulamuuqataa? 

Sheekh Faaruuq: awalan wax alle wixii gaadhey R.Somaliland ee dhibaato ee xadgudub ah waan kaxumahey, in ey gaadhaana waxaan raali ka ahey ma aha, waxaanse intaa kudarayaa in waxbadbaadey aaney jirinba oo soomaali sidey u dhantahey jab & naasobeelbaa kudhacey, inkasta oo aan dibada kajirey laakiin sheekadooda ayaan hayey laakiin muuqaalka ama dhibku halkuu kubadnaa ma Somaliland buu kubadnaa ma dhinaca kale ayuu kubadnaa taa hadeer kama jawaabi karo,waxaan se hubaa in cid badbaadeyba jirin oo taa waxaan u sheegayaa in dhibaatadu dhibaato guud aheydsidaan horey u sheegeyna ey talo xumo aheyd wax laqadareyna ey aheyd, tan labaad tan ey leeyihiin R.Somaliland anagaa midnimadii Soomaaliya hormood u aheyn, waa runtood beena ma aha, waxaan la inkirikarina markii gumeystuhu dalka katagayey ee gobonimada laqaadanayey 4 maalmood baa waxa horeeyey Somaliland kadib markii Koonfurtu xorowdey iyaga oo kumahadsan mubaadarada lagumideeyey Somalia, iyagiibaa waxey dareemeen in Somali kala maarmi Karin sidaas ayey kuyimadeen Koonfur midoobin aan shuruud laheyn baana lagaley oo K/Fur & Waqooyi iskuraaceen sida aan xasuusto nin odayaashii xiligaa jirey kamid ah oo aanan weli geeridiisa maqal ayaa wuxuu yiri “hadii Somaliland xorowdey Somaliyana 4 casho kadib xorowdey, cabaar ma u kaadinaa midnimada ilaa eynu ka ogaano labada gobol gobolkastaa wuxu galo iyo wuxuu gudo aan kala-ogaano markaana midnimadu waxey u dantahey , ninkii waa laqabtey waxaa layiri nin gaal ah oo muslim aheyn baad tahey maxaad wadanka ukalceyrineysaa markaasuu dib uganoqdey aragtidiisii sidiibaana lagumidoobey.   Sheekada in ey Somaliland ka go’odo Soomaaliya waxaan ogalahey ma aha, waxaan daliil u hayaa maahmaah ey iyagu kumaahmaahaan reer waqooyigu waxey yiraahdaan “Sagaaro Tun Lakalaqalo malaha” Somaali marka gidigeed la isugeeyo bey wax yar tahey, waa dad walaalo ah markaa wax laqeybiyo Soomaali madhama, markaa reerka Soomali layidhaahdo waa hal qoys oo abti iyo adeer iyo edo isuwada ah oo iskumaran wax laqeybiyo madhama kow, laba umada Soomaaliyeed waa umad muslim ah sidey u dhantahey, Islaamkuna ayuu farayaa oo kalataga ma ogola, Allahu S.W.T wuxuu inoosheegayaa “WACTASIMUU BIXABLILAH, WALAA TAFARAQUU.” SIDAAD U DHANTIHIIN XADHIGA EEBE QABSADA HANA KALATAGINA, kolkaa Soomaalidu waa hal qoys qabiilkooduna waa Carab, qarankooduna waa Muslim inta ashaahadata oo dhan in ey mid noqdaan bey diintu fareysaa caqliga caafimaadka qabaana sheegayaa.  Maantana Europe baa midowdey, Khaliijkii baa midoobey, dunidii waxey u socotaa xaga midnimada iyo isu imaatinka iyo iskaashiga, umasocoto dunidu kalago’go’ iyo kala kooxokooxo, markaa inta ey lahaayeen Somaliland gaarbaan isutaagney mudo yar ma aha dhowr iyo toban sano weeyaan gacan wax kusiiya mey helin, kalago’ ayaan manta shaqeynin duniduna waxey Soomaali u taqaanaa hal dowlad in ey yihiin kolkaa sidaa darted kala go’ soomaali sida aan u arko, nin wadaad ah ayaan ahey, waxaanan ku aqaanaa R.Somaliland niman dadnimo wanaaga sidhakhso ah u ictiraafa oo xataa qofkii laba kalmadoo oo fiican yiraahda waxey yiraahdaan “Igawaluu ninyahey” hadii maanta nabadi kadhacdo Somalia oo midowdo oo nabadi degto markaa anigu Hargeisa intaan tago ileyn cidi igamaxigtee intaan tago ayaan Tafsiir kabilaabayaa markaasey I odhandoonaan “igawaluu nin yahey”, (Wuu dhoola cadeey sheekhu markuu sidan lahaa), hadii la isuyimaadana waa takasiifiican, sidaa daraadeed ayaan waxaan kutalinayaa ilaahna kabaryayaa umadda soomaaliyeed midnimadeeda iyo meel isugukeenitaankeeda iyo dhibkii dhacey iska iloobidiisa, wabilaahi tawfiiq. 

Su’aal: Sheekhal Cumar, dagaalkan dhowaanta kadhexdhacey Puntland & Somaliland waxaad kamid aheyd culumadii kasoosaartey bayaanka, markaa maxaad mar labaad u jeedinlaheyd labadaa dhinac ee dagaalamey? 

Sheikh Cumar Faaruuq: Dee waxaan u jeedinlahaa puntland & Somaliland waa dad walaalo ah wax alle iyo wixii layiraahdo waayihiin, kolkaa dagaalkaas waxaweeyi dagaal khasaaro leh habayaratee wax uu faa’ido leeyahey majirto, sidaa daraadeed waxaan u jeedinayaa labadaa dhinac ee Puntland & Somaliland, in ey waxan kawaantoobaan, caqligana isticmaalaan, degenaanta iyo nabadana ilaaliyaan, dalkana wey islaleeyihiin gidigood, dowladnimadana wey islaleeyihiin gidigood kolkaa deriswanaagii iyo dhalashadii iyo dhaqanwanaagii kadhaxeeyey in ey fiiriyaan, qolowelba meesha ey degto & meesha ey joogtaa kufilan, kolkaa dagaalkaa isaga ah, dagaal wiil kumadhasho ee wiilbaa kudhintee, dagaal mar uunbuu qiimi leeyahey, hadii uu yahey Jihaadun fiisabiililaah oo Muslim & Gaalo loodirirayo laakiin muslim muslim ladiriraa wax qiima ah uu leeyahey majirto nabiguna wuu inoosheegey “S.C.W”, “IDAL TAQAANI MUSLIMAANI BISEYFIHIMAA, FAQAATILUN AW MAQTUULU FINAAR” HADII LABA MUSLIM SEYFO ISULATAGAAN KADHINTEY IYO KAWAXDILEYBA WAA EHLUNAAR LABADUBA, ASXAABTI GARATEY KII WAX DILEY OO NAF MUSLIM AH AYUU DILEY, FAMAA BAALUL MAQTUULI, KII LADILEY NABI ALLOW MAXAA LOOCADAABEY? NABIGU WUXUU YIRI ISBA IN UU KANDILO AYUU RABEY OO NIYADAA MIDEYSNEYD OO 2 DOODA MIDBA MIDKAKALE IN UU DHUNTA UGU SHUBO AYUU RABEY, LAAKIIN KAN AYUUNBA WADKII GALEY OO KAKALE KAHORDHINTEY SIDAA DARAADEED FAL QAATILU WAL MAQTUULU FINAAR SIDEY U DHICIN BAAN LEEYAHEY HAKAWAANTOOBEEN PUNTLAND IYO SOMALILAND HAKAWAANTOOBEEN DAGAALKA EY DAGAALAMAYAAN, DHIIGA MUSLIMKA AH EE LADAADINAYO ARINKAA HAKAWAANTOOBEENO CAQLIGA IYO XIKMADA HA U NOQDEENOO WIXII EY ISKUSEEGANYIHIINA WADAHADAL IYO NABAD HA KUDHAMEEYEEN SIDAAS AYAAN IYANA KULATALINAYAA ILAAHNA KABARYAYAA IN UU UMADA KALABADBAADIYO. WABILAAHI TAWFIIQ. 

Su’aal: Sheekh Cumaral Faaruuq, hadii eynu uyara leexano Caalamul Islaami waaqica uu marayo maanta waa mid aad u jahowareersan oo dhiigii muslimiinta meelkasta uu daadanayo maalinwalba, maxaa xal ah oo Caalamul Islaami ey dhibaatada ugabixi karaan? 

Sheekh Cumar Faaruuq: Siciidow waad mahadsantahey waa sidaad u sheegtey, Afghanistaan iyo Ciraaq iyo Falastiin intaba waxa daadanaya dhiigii muslimiinta wuxuu dhiigaasi dadanayaa mudobadan, falastiin ilaa 56, 57 sano ayuu dhiigeedu daadanayaa, Afgaanistaana 10 sano kudhawaad ayuu siimarayaa, ciraaqna 2 sano ayaa hadeer usiidhamaaneysa, in caalamul islaami burbur iyo dhib kujiro waa run, maxaa burburkaa iyo dhibkaasi loogabixikaraa; Awalan Alihii weynaa ee Waaxid ahaa in loonoqdo, diintii islaamka in loonoqdo, Caalamul islaami in ladhaqangeliyo walaaltinimadiisa udhexeysey, caalamul islaami gacan cadaawe ayuu galey, dad aan iyaga kudhaqan, kudabeecad, kudiin iyo kudadnimo aheyn midna aheyn ayaa iskudiley oo kaladiley.  Markaa caalamul islaami in uu fahmo xusuusto taarikhdiisii qiimiga badneyd, hada 55 dowlad weeyaan caalamul islaami markuu hal dowlad ahaa buu kafiicnaa, haldowlad keliya markuu ahaa laga soobilaabo xilgii Rasuulka “Scw”ee ah xili dhow oo madaxtinimadu hayeen Turkiya markaas oo intaasi oodhami ahaa Muslimku haldowlad ayuu qiimi badnaa oo fiicnaa markaa 55 dowlad marayo xaaladiisuna ey sidaa mareyso waxey iskutarikarana aanu jirin talo gacankaxdey tayadii burburtey, in caalamul islaami uu Alle u noqdo, diintiisiina u noqdo Rabi & Rasuulna wuu kuxidhmo, waxana uu katoobad keeno xal uugaadhayo oo uuliibaanayo sida uu Alle qur’aanka inoogu sheegey “WATUUBUU JACIICAN AYUHAL MU’MINUUN LACALAKUM TUFLIXUUN,” SIDAAD U DHANTIHIIN DADKIINA ALLE RUMEEYEY ALLE U TOWBAT KEENA IN AAD LIIBANEYSAAN BAA HUBAAL AH, taasbaan kugabogabeynayaa wabilaahi tawfiiq.

Su’aal: Sheekh gabogabadii iyo gunaanadkii wareysigeenan aadka u xiisaha badnaa, maxaad gaadhsiilaheyd qurbo jooga Soomaaliyeed oo sida lasheegayo dad badani ey qaateen dhaqanadii jirijirey Islaamka kahor, maxaad sheikh gaadhsiin laheyd? 

Sheekh Cumar Faaruuq: Siciidow waad mahadsantahey waa su’aal muhim ah oo meesha kujirta in ey umadda soomaaliyeed baahdey oo maanta baadwelba ey joogto oo ruuxii dhalinyar ahaa ama haween ahaana ey khaldameenoo ey qaateen markii katageen dalkoodii dhaqanadii dalalkii ey tageen kajirey, dhaqankii soomaaliyeed oo asalkiisii aasaaska u ahaa Islaamka in ey kafogaadaan oo dhaqan gaalo qaataan waxaan dadkaa kulatalinayaa qurba jooga soomaaliyeed in ey transit yihiin oo ey dadkoodii iyo dalkoodii sugayaan iyaguna mudadaa ey maqanyihiin diintoodii eyna iloobin, dhaqankoodii wanaagsanaa ineysan iloobin, guud ahaan intaas ayaan kulatalin lahaa, meel alle iyo meeshii lajoogo iyo magaalo kasta waxgarad soomaali ah ayaa jooga, mutacalim soomaali ayaa jooga, ururo ayaa lasameystey ururadaasi waa in ey badbaadiyaan dadkooda gacanta qabtaan rufiyaankooda oo ey dadkaa waaniyaan oo wacdiyaan, dugsiyo qur’aan u furan, meelo iyo golayaal la isuguyimaado u furan oo markaa halkaa la iskuwaaniyo oo la isku caqli celiyo oo waxgaradka jooga magaale kasta ey waxmagaradka lajooga ee dayacmaya ey gacanqabtaan, eyna hiil iyo hooba lagarabistaagaan abaabulka wadankoodii kasoconaya ee dib u heshiisiin iyo qaranimo iyo dowladnimo la abaabulayo manta in ey taas kufakaraan maskaxda iyo maankana kuhayaan, sidaas ayaan kulatalinlahaa qurba jooga soomaaliyeed,  Wabilaahi Tawfiiq. 

Sheekh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi-Suldaan Xaaji Maxamuud wuxuu ku dhashay degmada Qoraxey oo Qallaafe iyo Qabridaharre u dhaxeysa, halkaasi oo magaceeda caanka ahi yahay "Carmaale" . Waxa uu dhashay, 1950 sida uu iixaqiijiyey Macalin Xassan Sh. Ahmed Daahir X.Ibraahim, oo macalin ka-ah Bellivlle, Capetown oo aan kulakulmey Johannesburg.

Sheekh Cumar-Faaruuq wuxuu ka dhashay qoys diineed. Hooyadiis magaceedu waa Caasha Sheekh Axmed Guure, “Caasha Wacan” isaga oo 3 jir ah ayey geeriyootay (Eebe ha unaxariistee), aabihiisna wuxuu ka dambeeyey saddex sano (Eebe ha unaxariistee).. Waxaa markaa Sheekh Cumar Faaruuq soo koriyey ayeeyadiis hooyo iyo abtiyaashiis. Sheekha dugsiga qur'aan, dugsigii 1aad wuxuu galay isagoo 5 jir ah, dugsigii labaad isaga oo 9 jir ah . Macallinkiisu wuxuu ahaa abtigii hooyadii la dhashay oo macallin Xuseen sh. Axmed-guure la yiraahdo. Dugsigaasaa isagoo 12 jir ah uu quraanka ku dhameeyey, hase yeeshee dusha kama qaban. Dugsigii 3aad isagoo 14 jir ah ayuu galey. Dugsigaas ayuu Cumar-Faaruuq quraanka dusha uga qabtey isagoo 14 jir ah. Dabadeed qur'aankii waa uu hilmaamay, sababtuna waxay ahayd isagoo ku mashquulay shicir wax la oran jirey oo dhaqan u ahaa qoyska uu ka dhashay ilaa uu shicirkii dusha ka qabtey.

Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu kale oo wax kubartey Xalaaqaadka Masaajidka ee Hiiraan & Somaali galbeed iyo isaga oo u tagey in uu waxkasoobartey Ardul Xijaaz, markaa uu Somaliya kacararey kaligii taliyihii Siyaad Bare oo xasuuqayey culumadii markaas lamid aheyd isaga 1974kii.

Sheekh Omar Faaruuq waxa uu duubey cajalado tirobadan oo Tafziir, hadiith, naxwa iyo tawxiid & caqiidada….i.w.m

Saeed A. Mohamed waa ardey wax kabarta Jaamacadaha K/Africa, waxa uu diyaarinayaa Degree IT ah & National Certificate of Journalism, hada waxa uu shaqeeya saxaafado kasookalabaxa K/Africa & Hargeisa, & bogag internetka..

Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu leeyahey 4 xaas ah iyo dhowr & toban caruur ah iyo dhowr toban kale oo caruurtiisu siidhashey.

Fadiilatul Al-Sheekh Al-mufti Cumar Faaruuq, waxa uu aad ugudhiirigelinayaa dhalinyarta in ey Saxaafadda bartaan, aniga (Siciid), ahaan si aad ey ugudheehantahey walaaltinimo iyo naxariis ayuu iiqaabiley isaga oo soodhaweeyey  kunafarxey in aan saxaafada bartey, Sheekhu waxa uu iisheegey sida diinteenu ey wax ugasheegtey saxaafada, iyada oo halkaa sheekhu igubarey casharo aan kuqaatey Work-Shop Jaamacada UNISA, casharo maalmo dhan iguqaatey in aan barto ayuu sheekhu siyar oo dhibyar oo daqiiqateyn ah iigusheegey isaga oo aayado Qur’aan ah & axaadiis soodaliishadey oo dhamaantood saxaafada kawaramaya.

Saeed A. Mohamed,
Freelance Journalist,
Pretoria, South Africa.
shmadar@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2004

Xuquuqda Qoraalkani waa xafidan tahay....
Wargeysyada sii faafiya qoraalkan waxaa shardi ah in qoraalka u qoraan sida uu yahay, ayagoo aan waxana ka dhimayn, waxna kusiyaadinayn, isla markaana xusaya xuquuqda qoraaga (Siciid A. Maxamed, K/Afrika), iyo xuquuqda shabakada SomaliTalk.com oo soo tebisey qoraalka, markaas oo qura ayaa lasii faafin karaa karaa qoraalka....


Soo Booqo Bogga Macluumaadka Islaamka: GUJI SomaliTalk.com/Islam
© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

Gabdhaha Soomaaliyeed oo Gelaya Waqti Dagaal Dhaqameed oo Dhexdooda ah.. GUJI
 


Ma'Usheegtay Carruurtaada Waxa lagudboon Marka ay Dhex-Mushaaxayaan Internetka.. Guji


XAAFID QUR'AAN

cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey Guji..



 



HTML CD