SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOCDAAL
Daabaco Boggan | Print

Puntland: Dal Shacab leh Aanse Lahayn Xukuumad

Qormo taxane ah

  • Warbixno taabanayo dhinacyo badan sida maamulka dhaqaalaha waxbarashada isgaarsiinta saxaafada iwm;

Gaalkacayo:

abdisamd yusuf maxamed (abwaan)
xsangaale@hotmail.com

Waxay ahayd xili barqo ah markii ay caga dhigatay dayuuradii aan saarnaa  garoonka diyaaradaha ee magaalada gaalkacayo 29-11-2004 waxaan ahaa qofkii afraad ee dhulka cagaha dhiga anigoo oo hilow weyn u qabey dhulkayga hooyo walow ay iigu damaysay bishii julay ee sanadkaan 2004 inkastoo aan markaasna joogey sadex casho oo qura.

Waxaan la kulmay markii iigu horeysay laba nin oo dhalinyaro ah oo aad u feejigan isla markaasna aad moodid inay raadinayaan dad denbiilayaal ah, durba waxay igu bilaabeen keen baasaborkaaga, waxaan ku iri maxaad ahaydeen, waxay si xamaasadi ku jirto iigu sheegeen inay ka socdaan laanta socdaalka iyagoo ileh noo dedeji, dadkii kalena si aan deganayn ayeey ula hadlayeen iyaga oo kor u qaylinaya, waxaan weydiiyay wax aqoonsi ah mahaysataan  inaad ka tirsantihiin laanta socdaalka, labadii oo aan hadlin ayaa si foolxumna ah waxaa iigu jawaabey askari sitay shaati tuute ah iyu surwaal caadi ah isla markaasna xanbaarsan qori AK47 ah isaga oo  ay ka muuqato caro, kadib waxaan ku iri sug, waxaanan u dhiibay baasaborkaygii, waxaana khasab igu noqotay inaanan raadsan boorsooyinkaygii ee aan daba galo askartii iyaga oo hadba qof afla gaadeynaya oo qoriga baadkiisa ula baxaya si ay uga qaadaan baasaboorka uu sito.

Saacad kadib ayaanu nimi xafiis ay yaaliin miis iyo laba kursi labadii ayaa dhalinyarada ahaa ayaa kala fariistay midna wuxuu hayaa baasaboorada oo warqad boona ah ayuu magacyada ku qorayaa, midna lacagta ayuu qabanayaa, waxaa la igu amray inaan bixiyo 20$ doolar, waan bixiyay baasaboorkaygii ayaa la isiiyay, markaa kadib ayaan guda galay inaan raadsado boorsooyinkaygii.

Airaborka gaalkacayo waxaan ku arkay inuusan ahayn sidii aan ku ogaa xiligii iigi damaysay, wuxuu u ekaa mid horumar sameeyay marka loo eego xiligaas walow aan la oran karin waa horumar balaaran, waxaan usoo boqoolay dhankaas iyo magaalada runtii gaalkacayo waxaa la oran karaa waxay ka mid tahay magaalooyinka aadka u koray burburkii ka dib waxayna samaysay horumar balaaran oo dhinacyo badan leh horumarkaas oo ah mid ay sameeyeen dadka shacabka ah oo badankood ka kala yimi dibadaha ....

lasoco qaybaha kale....

abdisamd yusuf maxamed (abwaan)

Boosaaso, Soomaaliya
xsangaale@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkanwaxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2004

»S/GALBEED: DADKII IYO DALKII AYAANKA DARRAA| Khaliil

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

 



HTML CD