HORUMARKA SHIRKA IYO HAABASHADA DAWLADNIMO
Muddo
hal sano iyo siddeed bilood ah ka dib, shirka Soomaalidu wuxu u
gudbey wejigii saddexaad oo noqonaya marxalddii ugu dambaysey
hanaankii hore loogu qorsheeyey in dib u heshiisiinta Soomaaliya loo
maro. Beelaha Soomaalida oo horay inay shan waaxood awoodda
siyaasadda dalkooda u qaybsadaan ugu heshiiyey ayeey afar ka mid ahi
ku guuleysteen inay soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqonaya guddi 15
xubnood ka kooban oo loogu talo galay inay wixii khilaafaad ah ka
gar naqaan. Waxay kaloo afartaas qabiil gudbiyeen shir guddoono iyo
xoghayno shirar beeleedyada sida kala duwan u socda maamulaya. Sidoo
kale beelahu waxay ku hawlan yihiin inuu dhinac waliba abuurto guddi
si hoose ugu qaybin doona tirada beel kasta kaga soo hagaagtey
275’ka kursi ee uu baarlamaanka federaalka ku meel gaadhka ah ee
jamhuuriyadda Soomaaliya ka koobnaan doono. Wasiirada arrimaha
dibedda ee dalalka urur goboleedka IGAD ka tirsan ayaa la filayaa
inay 15ka bishan July madasha shirka yimaaddaan. Waxaana Soomaalida
la faray inay magacyada xubnaha baarlamaanka soo gudbiyaan inta ka
horraysa kulanka wasiirada oo guud ahaan maamulka wejiga 3aad ee
shirka iminka si buuxda gacanta ugu haya. Soomaaliduna waxay si kala
duwan ugu mashquulsan yihiin sidii ay hawlaha laga sugayo u soo
geba-gebayn lahaayeen.
Nidaamyadii is bahaysi ee intuu shirku socdey la isku cadaadin jirey
iyo hababkii is kooxaysi ee ay kooxiba siyasadda kuwa kale ku
carqaladayn jirtey waxaad mooddaa inay meesha ka bexeen oo waxaad
arkaysaa nin kasta oo siyaasadda beeshiisa ka war-wareegi jirey oo
ay iminka dani badday inuu soo yoxoobsado golaha ay haybtiisu wax ku
qaybsanayso. Waxaa kaloo gebi ahaanba baab’day khilaafyadii guud ee
horumarka shirka xanibi jirey maadaama dadkii isku raraa ee
siyaasadda colka ku ahaa ay beelohooda kala aaddeen. Qaybsiga
baarlamaan aan aag doorasho iyo deegaan ku qiimaysnayn oo qabiil
weyne la dhex dhigay iyo xulista xildhibaano aan tar-tan iyo
doorasho ku kala hadhayn oo shardiga qabiilnimada ku suntan wada
buuxinaya ayaa ah hawl aan si fudud looga gun gaadhi karin,
maadaama ay adag tahay si loo helo qayb heshiis lagu wada yahay,
isla markaana xildhibaanimada qabiilka lagu noqonayaa ay damac
gelinayso qof kasta oo beesha loo qoondeeyey ka tirsan. Sidoo
kalena aanay shardi aqooneed iyo mid shaqsiyadeed oo wax lagu kala
horaynayaa ku xidhnayn, marka laga reebo dhinaca ay mabaadiida
siyaasdeed ee beeshu u badan tahay oo uu qofkii cid kale la figrad
ahi ku qadi karo.
Mbagathi oo ah xerada uu shirka Soomaalidu ka socdo oo aan in
dhowaale lagu badnaan jirin ayaa beryahan ceeryoon la ah dad aan
yarayn oo uu mid kastaaba doonayo inuu ka hadlo habka ay la tahay in
wax loo qaybsan karo, ka darane qof waliba wuxu jecel yahay inuu hab
maamulka shirka beesha hogaanka u qabto. Isimada beesha markaa wax
qaybsanaysa iyo siyaasiyiinta la aqoonsan yahay ee aan dib u
heshiisiinta Soomaaliya looga maarmi karin dad aysan aqoonsanayn,
isla markaana aan ergada shirka ka mid ahayn ayaa afarta qaaradood
ee dunida Mbagathi kaga soo qamaamay. Waxaana xarumaha shirka laga
maamulayo hadheeyey dad aan nabadaynta Soomaaliya waxna ku soo
kordhin karin, waxna u dhimi Karin oo uu mid waliba dheglaydiisa la
ordayo.
Goonyaha meelaha ay beeluhu wax ku qaybsanayaan waxaad kaloo ku
arkaysaa dad hoganaya oo uu mid waliba goonidiisa qalin iyo xaashi
isugu hayo sidii uu xildhibaanada beeshiisa u qori lahaa. Waxaana
Soomaalida laga dareemayaa sida uusan midiba, midka kale waxba ugu
ogolayn oo uu qofku qancayo oo keliya marka uu gidaarka guul-darrada
soo hardiyo, balse uusan suubaa-salaax iyo baryo ku aqbali karin
inuu tanaasulo. Hanjabaadda uu gacan qaadku ka dambeeyo iyo is
giiirixinta ay garashada gaabani hagaysaa waa astaamo caado u noqday
qaar badan oo ka mid ah dadkan tirada badan ee kuraasta yar ee ka
dhexeysa wada caashaqsan.
Si
kastaba ha ahaatee, in kastoo sida loo kala sed roonaan karo iyo
sida uu qabiil waliba u kala tiro badan yahayba la dareensan yahay
haddana, shuushuuda iyo shaqaaqooyinka lagu kala cad goosanayo,
asaraarka booliga iyo xaqdarrada lagu raadinayo iyo meel weyn
qabsashada ay xeer ka-boodnimadu ku shaqlan tahay ee lagu
gor-gortamayaa waa sifayaal ay sed bursidoonimadu hogaanka u hayso
oo dib u dhac weyn u keeni kara dhamaystirka qaybaha shirka ka
hadhsan. Dhinaca kale, in kastoo ay suuragal tahay inay beelaha
qaar qaybsiga xubnaha ka dhexeeya ku guuleystaan, haddana marka aad
eegto xinka iyo xasaradaha qabiilada qaar ka dhex socda waxaa lama
huraan isu muujinaysa in loo baahnaan doono cid iyaga ka baxsan oo
wax u qaybisa. Figradaha laga bixinayo hanaanka ugu fudud ee wax loo
qaybsan karo waxa si weyn uga dhex muuqata oo ay dadku aad u hadal
hayaan in qaybtii Carta wax lagu saleeyo. Marka meelo badan wax laga
eegana waxaad mooddaa waddo kale oo jidkii Carta looga leexan karaa
inuusan jirin. Waxayna dadka aragtidan qabaa daliishanayaan inay
tahay asaaska keliya ee sugan oo taariikh ahaan wax lagu qaybsaday
ee la raaci karo.
Si
kasta oo la isu hal-gaado iyo xeelad kasta oo la isu haraatiyaba
beesha caalamka iyo wadamada urur goboleedka IGAD ku jira waxaa ka
muuqata wada shaqayn iyo isku duubnaan aan loo kala duseyn, waxayna
Soomaalida ka sugayaan inay bishan dhexdeeda soo xulaan magacyo ay
heshiis ku wada yihiin oo xubno ka noqda baarlamaan ay bisha July
Soomaaliya yeelato. Soomaalida lafteedana qaar badan oo ka mid ah
waxaa ka muuqda dadaal ay ugu suxul duubayaan sidii ay uga gudbi
lahaayeen hadaamaha ka sokeeya qaybaha shirkan geba-gebada ah ka
hadhsan oo xaqiiqiyan ah mid aan sahlanayn.
Haddaba, marka caqabadihii uu shirku ka soo gudbey ee yididiilada
mustaqbal ee wanaagsan horseedday laga shidaal qaato, isla markaana
isla jaan-qaadka beesha caalamka iyo sida ay arrimaha Soomaaliya
isula fahmayaan lagu xisaabtamo, sidoo kalena sida ay hogaamiyaasha
Soomaalidu uga maarmi waayeen inay nabad wax ku doonaan lagu xoojiyo
oo bisaylka guud ee shacbiga Soomaaliyeed ka muuqda laga qiyaas
qaato waxaa si la taaban karo isu muujinaysa inaysan Soomaaliya
sanadaha soo socda sii ahaan doonin dalka qudha ee aan dawladda
dhexe lahayn.
Ibraahim Maxameddeeq
Somali Talk;
Nairobi
imdeeq@hotmail.com
QORAALADII
HORE EE IBRAAHIM MAXAMEDDEEQ
Affey: Dawladda Soomaaliyeed waxaa lagu
dhawaaqayaa 30 July 2004
Danjire Maxamed Cabdi Affey
oo ah Safiirka Kenya ay u magacawday Soomaaliya oo waraysi siiyey
Ridwaan..
Guji