Abdulkadir F. Botan
Tel: (416) 235-1661
Tel: (416) 625-1661 - Cell
afna50@hotmail.com
WADDANIYADDA
Waddaniyadda waxay yiraahdaan waa xaalad dunida soogalooti
ku ah oo ka askuntay ama ka soo ababtay in loo qaato oo la
aamino ama la rumaysto duddooyin dad ah oo isku meel ka soo
jeeda oo isku sooyaal ah (taariikh ah) ama isku af ah inay
dabeeciyan (sideeda ahaan) kuwa ka midihi dhulkooda, afkooda,
dhaqankooda iyo diintooda daacad u ahaadaan. Waa wax aan ur
iyo dhadhan toona lahayn, oon arag iyo muuqaal lahayn, oodan
taaban karin ama aan midabya iyo summado lugu garto midna
lahayn, ama aan baaxad iyo ballaar ama joog iyo jiif toona
wax leh loo nisbayn. Hase yeeshee , waa xaalad nolosha iyo
dhaqanka dadka ku lug leh oo saamayn ku yeelata, waaya kasta
oo lugu jiro, miradhalkeeduna uu gedo iyo isbeddel muujiyo,
weliba intii adeegsideeda macnaha loo yeelay.
Markii hore dhul la kala lahaa ma jirin, dabadeedse markay
xigaal iyo dana abuurmeen oo meelaha biyaha, beeraha,
bacrinta iyo carrasanka ah nacfigooda la ogaadey ayay
qoqobsho bilaabatay. Isriixid baa ku xigsatey. Kadibna kala
sheegasho iyo soohdimo iyo astaamo laysku kala aqoonsado
ayaa soo baxay. Dabadeed waxtarka waxaaga markii la ogaadey
ee ay dhulka iyo dhaqanka iyo afka iyo diintu ka mid yihiin,
lana aaminey, ayay waddaniyaddu noqotay wax lugu andacoodo
oo la sheegto.
Dadka qaar baa ciiddooda ama degaankooda laga sandareertayn
karaa ama laga laaluushi karaa. Waa meeshii uu abwaanka
Somaaliyeed ka lahaa; “ Sandareerto lo’da way sabtaa soor
siday tahaye”. Qaarse dhulkooda ayaa wax kasta ula qaalisan,
qiime ay siisan karaanna ma jiro. Kuwa ciiddooda sida
doqon-magaratada ah looga gatay , ahaydna siyaasad Reer
Galbeed watey, ayaa dhibta ka haysata og.
Daacadnimada waddaniyadeed oo aan weligeed si weyn isku mid
looga noqon wuxuu dhaqangalkeedu ku bilawday, markii
baahideeda la dareemay, horin-horin ama xig-xig dana ka
dhexeeya yeeshay ama awood talis dhul ay u dhasheen ku
hantiyey ama hab diimeed isu dhisay, oo dabadeed ay taasi
daacadnimada waddaniyadda loo yahay saldhig u nqotay.
Caqiidooyinka la kala rumaysan yahay iyo diimaha lugu kala
dhaqmo ayaa waddaniyad diineed loo qaatay, oo sida loo
aamino iyo jacaylka badan oo loo hayaa ay ku wacnaadaan in
la dhawro ama la difaaco oo aan wax kasta la siisan, taasina
waxay ka qaybqaadatay waddaniyadda.
Diinta Islaamka, qofka muslinka ahi meel uu joogaba waxaa
wajib ku ah inuu daacad ka ahaado rumaystiisa, walaalkiisna
uu kan kale oo muslinka ah yahay.
Xaddiisku waa tuu ahaa; “Innamal Muslimuuna ikhwatun”, iyo
“Al Muslimu akhul Muslim………”
Tan Christaanka, dadyawga haysta waxaa laysku yiraahdaa “CHISTENDOM”.
Taas macneheedu waa shristaanka addunku waa mid qura ama hal
qof.
Aamintooyada heerkaasihi waxay qofka gaarsiineysaa
daacadnimo qoddo dheer oo uu caqiidadiisa u yahay, markaasna
waddniyad diineed bay noqonaysaa.
Dhinaca waxqabadka ama adeegsiga siyaasadda/xirribta, in
waddaniyadda lugu dabbaqaa fudayd kuma aysan imaan. Sababo
ay ka mid yihiin cabburinta, gaboodfalka, dulmiga,
hagardaamada, iyo keligitalisnimadu, ama nolosha heerka
gaarka ah ahayd oo dadka intiisa badani ka takoorrayd iyo
aqoontii waxbarasho oo in yar u xayndaabnayd, waayihii
dhulgoosigoo kale iyo dabaqadihii tahan-dhaafay goor inta
kale biddood tahay ama sabool hoose, ama af laga yaabo in
aag kooban laga yiqiin oo dadweynaha lugu kallifay/ khasbay
inuu ku hadlo, wax ku barto ama ku adeegto ayaa gacan ka
geystey inay ummaddu (qoloba duruufihii qallafsana oo
markaas haystey) kacdoon midaysan oo danta guud lugu
horseedayo dulmigana laysaga tuurayo ay kala hortagto, oo si
waddaninima ah xididdada ugu siibto. Taas waxaa loo
adeegsanayey luguna suurtageliyey waddaniyadda.
Tusaale dhaw, beryihii Fashiistada Talyaanniga ee koofurta
Soomaaliya Xeebta Liido caddaanka iyo dadka ay
beelaysanayeen (gumeysanayeen) isku meel inay ku dabaashaan
iyo isku bas inay raacaan ma bannaanayn, meelaha qaarkoodna
sida Kurraajo Del Sud iyo Bar Savoya heedalkooda dadka dalka
u dhashay inay u soo dhawaadaan looma oggolayn. 1948kii
markay dhacday “HA NOOLAATO”, halkudheggii Leegadu ee
gumeysi-diidka ahaa ayay maalin dhallinyaro waddaniyaddu si
weyn ugu abuurantay, mintidkii horseedka S.Y.L.-na ka
midahaa, Xeebta Liido baskii caddaanku ay keligood raaci
jireen isku gureen oo xoog ku galeen. Waxay caddaankii
Talyaannigu isku dayeen inay u awood sheegtaan oo xoog uga
saaraan, wayse u suurtoobi weydey. Goobtaas waxaa ka dhacay
dagaal aysan Soomaalidu u kala harin, oo dhib iyo xaqiraad
badan laga xoroobey. Liilligii maalintaas iyo kacdoonkii
dhacay wuxuu suurtageliyey in Xeebtii, basaskii, iyo barihii
kale dabadeed loo sinnaado oo takooriddii waddanigu
dhammaato.
1952kii Kismaanyo goortuu Isticmaarkii Talyaannigu xubnihii
Leegada ku xirxiray, isagoo ku khasbaya inay qabiil-qabiil
kala sheegtaan iyaguna Soomaali wax ka hooseeya ay diideen
waa taariikh waddaniya. Xabsiga dhexdiisii ayaa midba mar la
soo bixinayey, iyagoo la soomiyey, oo midba la weydiinayey
qabiilkuu Soomaali ka sii yahay. Kii “Soomaali” yiraahda
inta kale hortooda ayaa lugu garaacayey. Kii qabiil Soomaali
ka hooseeya sheegtase waa la sii deynayey. “Mugga jaw
Abgaalaan ahay”, Siyaad Togane ayaa goortaas ku baxsaday,
wuxuuna ahaa mintid Leega ah. Wuxuu u jeedaa; “Marakan aan
idinla taagnahay keliya ayaan reerkaas ahay, markaanse
idinka dhaqaaqo Soomaali baan ahay.
Timara Cukaash baa maalintaas xabsigii ku ummushay, iyadoo
qaddaniyadda waddaniyadda u xiran. Bishu Agoosto bay ahay,
gabadhay xabsiga ku dhashayna waxaa loo bixiyey “Agoosto”.
Buraanburkii loo tiryey waxaa ka midahaa:
“Agoostoy aabbahaa aakhiruu jiraa
Ikhyaartii Leegaduu kaaga dhigay ammaan”.
Leegadu guulahay gaartey oo gobannimadii lugu suurtageliyey
waxaa ugu weynaa la dagaallankii iyo tirtiriddii qabyaaladda.
Dhibtaas tirada badan waxay u soo mareen waa
madaxbannaanideenna, waa aayaha ummaddeenna, waa difaaca
diinteenna, dhaqankeenna iyo dhulkeenna, iyo xorriyadda
dhalashadeenna.
Waxaa kaloo xusid taas la mida mudan, markyanu waddaniyaddu
siday ku soo hanaqaadday ee dunida ka hadlayno, inay
arrimaha dhul iyo dhaqan jeclida, diinta iyo caqiidada iyo
siyaasad adeegsiga ay feer socdeen koboca gananacsiga iyo
macaamilka wax isdhaafsiga, hantigoosadnimada oo hannaan
maamul u dhisantay, iyo hirgelintii warshadaha, kuwaasoo
keenay baahida loo qabo in qaran midaysan la dhisto oo ay
dabaqadda dhexe si toos ah waxqabadka iyo hawlaha dawladda
uga qaybqaadato. Arrimahaasoo dhammi waxay abuureen in dalka
loo dhashay la jeclaysto, oo waddaniyadda ciidu ay saamayn
weyn yeelato.
Kalsooni baa timid uu qofku dalkiisa ku qabo inuu ka
shaqaysto, ku dhaqamo, kuna noolaado. Iska daa wax kalee,
qofku markuu geeriyoodo wuxuu jecel yahay in ciidduu u
dhashay lugu xabaalo.
Diinta la wada haysto, dhalashada faraca, siyaasadda
hay’adaha loo dejiyo oo hab waddaniyadeed maaraynteed loo
adeegsado, iyo arrimaha badanoo waddaniyadda ku lug lihi
waxay saamayn ku yeeshaan shuruucda/ xeerarka ummaddu
degsato oo nolosheeda ku dabbaqado.
Waddanuyadda Dhaqanka, markaan xaggeeda jalleecno, waxay
dhiirrigelisaa halkudhegyada dabeecadda, sida loo nool yahay,
farshaxanka, cayaaraha, durbaanka, sacabka, muusikada,
suugaanta, iyo dhinacyada kale ee oollimaadka.
Kuwaan hirgelintooda, soobandhigiddooda, ku-tartamiddooda,
farakuhayntooda, iyo in fagaarayaal loo sameeyo ama looga
qaybgalaa lihida dhaqanka, haybadda, sharafta, iyo magaca
waddanka ayay ka turjumaan, markaasna waddaniyadda qofka iyo
jacaylka uu dalkiisa iyo dadkiisa u qabo ayay quudiyaan
korna u qaadaan.
Dhinac kale haddii loo fiirsho, waa dhaqaala-abuur weyn iyo
maskax bacrimin aqoon dhaliya oo bulshada horumarkeeda
muuqaal shariifa ka bixisa.
Qolo walba baaxadda dhaqankeedu leeyahay iyo siday u
horumariso ayaa mugga ilbaxnimadeedu yahay.
Sidaas darteed, qofkii afkiisa iyo dhaqankiisa aan aqoon ama
aysan qiima la lahayn waddaniyad abuuran la laha,
dareenkeedna aad u saamayn mayo. Qofka caynkaasihi wuxuu u
nuglaadaa ummada kale hab-dhaqameedkood iyo
qaab-nololeedkood, waxaana markaas meesha ka baxaya macnaha
waddaniyadda qofkaas. Kan kale, qab iyo isla-weyni iyo faan
buu leeyahay. Qaddarin iyo qiime loo ogyahay luguna
ixtiraamo baa jiraya.
Ka soo qaad markaad ciid iyo calan xor ah leedahay.
Ka soo qaad markaad far leedahay oo aadan mid cid kale
afkaaga ku qoran. Ka soo qaad markaad taariikhdaada,
dhaqankaaga iyo culuumta kale afkaaga ku barato, afafka
kalena luqado ahaan uga faa’iideysato iyo aqoontii kaloo
looga maarmi waayo.
Ka soo qaad markaad afkaaga ku hadasho oo uusan mid
shisheeye luqad kuu ahayn, sida dadyaw badan haysata.
Haddaba, innaga ahaan, si aan cawaaqibxumo inoo ku dhicin
waxaa inala gudboon inaynu afkeenna barahadiisa xoojinno,
carruurteennana barno, isla markaasna diinteenna iyo
dhaqankeenna xagsanno ilmeheennana ku ababinno.
- Soomaali ahaan, waxaa inaka maqan waddaniyadda ciidda,
calanka iyo
Qarannimada.
- Waxaa inaka dhintay waddaniyadda Diinta, Afka, Dhaqanka,
Hiddaha iyo
Oollimaadka.
- Waxaynu qiimadilley waddaniyadda aqoonsiga, lihida iyo
dhalashada.
Inaan xaaladdaas mudnaanno waxaa inoo ku wacan burburka
qaran oynu ku jirno. Waxaa keenay heshiis la’aanta danaysiga
ku dhisan qabyaaladdana ku daaban. Waa tan keentay
walaahowga siyaasadeed asii xiniftanka reereed ah. Waa tan
kalliftay markay dhinacna u irkan weydey, illeen waddaniyadi
shaqayn maysoo hadafkeed laga duulimayee, in la yiraahdo
qabyaalad qaran ha lugu dhiso.
Waa labo aan iskeeni karin. Waa hal xaaraanihi nirig xalaala
ma dhasho.
Waa meeshay Hooballadii Soomaaliyeed ka lahaayeen:
“ Dab iyo dhagax layskuma dhuftee kala dhawraay,
Wax ka dhigan gobannimo qabiil dhex galee kala dhawraay”.
Waa arrin wax-kaqabadkeedu ina wada sugayo. Waa meeshii laga
yiri;
“ Ceelna uma qodna, cidina uma maqna”.
Abdulkadir F. Botan
Tel: (416) 235-1661
Tel: (416) 625-1661 - Cell
afna50@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa lehqoraaga ku saxiixan.
Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2003
Soomaaliya iyo Qabqablayaasha Dagaalka
Faaladii Toddobaadka ee Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Guji
July 8
HORUMARKA
SHIRKA IYO HAABASHADA DAWLADNIMO
Faalladii Ibraahim Maxameddeeq ee
maanta
Guji
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|